Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afafka
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh:24 30.08.1998

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

IBRAHIM M. MURSAL

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. BIN ABDULWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

A/LAHI BIN AL-MUQAFA

7

BOGGA 7AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

MAXAMAD CIISE AXMAD

8

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

BUUFI OO QALLAJI
Mouwduucaan waa maqaal, MIDEAST MIRROR ee ku soo baxda "Teletext"ka CNN, boggiisa 175, cadadkeekii Isniinta, 24 August 1988 ay ka soo xigatay Qoraaga maqaalka Yosef Lapid, wuxuu ku soo baxay jariidada Israel's MARRIV.

Duumadu (malaria) waa cudurka hadda Dunida (ka jira) oo xakameentiisu aad u adag tahay.
Qof kasta oo cudurkaas la dagaalamaaya wuu ogyahay in uusan kaneecada mid mid u dili karaynin. Qofkaasi waa inuu buufiyaa harooyinka dabadeedna qallajiyaa ... Innaga waa inaan buufinaa, qallajinaana harroyinka ah Afganistaan, Sudan, Iraq, Iran, Libiya iyo N. Korea.

Bill Clinton usbuucii dhawaa wuxuu qaaday tilaabadii ugu horreysay ee habboonayd danka jidka dheer ee dhiigga ku aslan".
Qoray iyo qiiqiisa waa laysla tuuraa, Qori haddaba loo lama jeedo kan xabbadaha ka dhacaan, ee waa kuwa dabka lagu shito.

Qaarkood waa qoyan, qiiq badan oo islaamaha indhaooda ka ilmaysiya ay ka baxa. Marka qaarbaa intay isku dhibaan oo qoriga damiyaan, meel dhiga si ay u isticmaalaan marka uu qalalo. Kuwana wayba iska tuuraan oo sida u qiiqayo ayuu iska dhammaadaa.
Arinta maqaalku waa midda dambe. Waana arinta u janjeerta burburinta. Qoriga la tuuray waa in mid beddelkiisa ah la soo jaraa. Ummadahaas maqaalku tilmaamaya, Alla inooma kasee, yaa la doonayaa in lagu beddelo.

Hadda cid kasta dhul ku filan way deggan tahay, si loo kala badsadaba. Haddana ummadaha maqaalku tilmaamayo meel bay iskaga mid yihiin waaba garannaye, N. Korea maxaa iyadana meesha keenay? Mise waxay ka joogtaa Asiyada Fog, mise waxaa la leeyahay dalalkaas ayay dhaqaale wadaag la tahay.

Kaneeca Moog: Waa quursiga ugu liita markii cid lagu tilmaamo cayayaan buufis u baahan inuu yahay. Hal micno uun bay leedahay. Aad baan kaaga quwad waynahay oo far iyo suul ayaa kugu filan. Arintani ugub ma aha oo horay ayaa loo soo arkay.

Markii Namrood Alle nimo sheegtay oo quwaddiisa, xoogiisa, hantidiisa mahdiyay oo uu goostay inuu ALLA la dagaalo. Ilaahay, ciidamadiisa aan la soo koobi karaynin, midkooda ayuu ku soo diray. Mase la socotaa, akhristow, ciidankaasi ... Waa kaneeco. Weliba dadka qisooyinka laga soo wariyo waxay leeyihiin Namruud waxaa dishay kaneeca yar oo weliba baal ka go'an yahay oo inta ay sanka ka gashay maskaxda fariisatay. Namruudna sidii madaxiisa uu derbiyada ugu garaacayay, kaneecadaas maskaxda fadhida awgeed, ayuu ku qur baxay.

Haddaba Ilaahey waxa uu abuuray xikmad ayaa ku jirta, mid walibana wadiifad gaar ah ayuu ugu tala galay. Ee xikmaddu ma aha kanaa itaal wayn, misana kanaa cruise missile ama Qumbula durriyya haysta.
Ilaahay wuxuu ku soo qaatay kaneeco matal ahaan suuradda AL BAQARAH, aayadda 26. Xikmadda ma ahayn jirmiga ay leedahay kaneecada ee xikmadda waxay ku jirtaa isu dhamaystirnaanta "Al Itqaan" abuurista Rabbi.

Xayawaanada Rabbi abuuray kan ugu weyn xubnaha uu leeyahay ayay kaneecaduna leedahay. Soo cibrad ma aha xubnahaasi kaneeco oo aad indhaha loogu arki karin marka ay qabtaan xubnaha khalqiga ugu waawayn xubnahooda. U fiirso Culimada "Science"ka waxay ku tartamayaan shay walba midka ugu yar oo suurtagal ah, qaban karana hawsha shayga wayn loo sameyay. Haddaba mitaalka kaneecada waa wax mu'miniinta hanuun u ah, kuwa daacada Rabbi ka jaystay ku marin habaabaan.

Waxaan rajaynaynaa qoraagu inuusan ulajeedin in ummadahaasi lagu rusheeyo hubka kiimikada nafleeda laaya iyo qumbulad duriyyadda oo iyaga iyo xulufadooda keliya maanta looga dambeyo.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA

INA CAYDIID OO BOOQASHO KU TEGAY ETHOPIA
ADDIS ABABA, Aug 28 (Reuters), Xuseen Maxamad Caydiid ayaa wuxuu booqasho ku tegay dalkaasi Ethiopia maalintii khamiista ee la soo dhaafay, booqashadaasi waxay ka mid ahayd, socdaallo uu Caydiid ku marayay dhowr ka mid ah dalaka somaliya la deriska ah.

Caydiid wuxuu horey u soo booqday Ugandha iyo Yaman, booqashadan uu Ethopia ku jooogo waa tii ugu horraysay ee uu dalkaas ku tago, Caydiid Wuxuu madaxda itoobiya qaar ka mid ah kula kulmay magaalada Kampala, taas oo booqashadiisa u gogol xaartay.

Ina Caydiid iyo Ethopia iskuma fiicnayn, wuxuu horay ugu eedeeyay Ethopia in ay ka dambaysay go'itaanka goballada woqooyi galbeed ee dalka soomaaliya, ee la baxay Somaliland 1991kii, sidoo kale wuxuu ku gacan sayray shirkii ay labaatan iyo lix kooxood ku qabteen Ethopia sanadkii 1997kii, asiga oo ku andacooday in aan kooxahaas qaar ka mid ah u aqoonsan in uu yahay hoggaamiyaha koofurta magaalada Muqdishu.

Warku wuxuu intaa ku deray in Ina Caydiid socdaalkiisan ugu gogol xaarayo waanwaan nabadeed oo ay isugu yimaadaan dhammaan kooxaha soomaaliya isku haysta, shirkaas oo la doonayay in lagu qabto magaalada Baydhabo.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa wakaaladaha wararku sheegeen in shirkii baydhaba markii saddexaad dib loo dhigay, oo uu baaqday, sababtuna waxay ahayd, sida ay sheegeen guddiga qabanqaabada shirkaas, dhaqaala la'aan iyo kooxaha oo isku afgaran la' qodobbada shirka lagu soo qaadayo qaar ka mid ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ina Caydiid waxaa muuqata in uusan wali ka samrin fulintii xeerarkii lagu gaaray heshiiskii Qaahira dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay, maxaa yeelay dariiq kale uma furna hoggaamiyayaasha jabhadaha ka dagaallama koofurta soomaaliya sida Cali Mahdi iyo Ina caydiid iwm.

Laakiin waxaa laga shaki qabaa in Ina caydiid booqashadiisan ugu sahminayo kooxda ay asiga is gaashaan buursadaan ee doonaysa in ay maamul cusub oo midaysan ka soo abaabulaan magaalada Muqdishu, maxaa wacay, waxaa warar meelaha laga soo xansaday sheegayaan in uu kaalme lacageed raadinayo oo uu doonayo in uu jabhaddiisa hub ugu gaato si uu u xoojiyo ciidamadiisa dagaalka ka wada xudduudaha magalaada Kismaanyo iyo Baydhaba.

Hadal iyo dhammaantiis Soomaaliya maalmahan uma jarqooqdo dowlad midaysan oo dhalata, maxaa yeelay siyaasadda nimanka reer koofurka ah ee ay hoggaanshaan Cali Mahdi iyo Caydiid waxay ku dhisantahay liidid iyo afduub la afduub kooxaha soomaalida intooda kale sida uu u sheegay Ismaan caato doddobaadkii la soo dhaafay.

FAO: GAAJADA HAYSA SOOMAALIYA IYO AFRICA INTEEDA KALE WAXAA KA DAMBEEYA, DAGAALKA, CIMILADA XUN IYO CUNAQABATAYNTA DHAQAALE
ROME, Aug 25 (Reuters), War ka soo baxay hay'adda FAO ee UN-ka ayaa wuxuu sheegay in 18 waddan oo afrikaan ah ay soo hayso gaajo xoog leh, oo sababteedu tahay cimilada iyo abuurka oo xumaaday iyo cuna qabataynta dhaqaale ee waddamadaas qaar ka mid ah lagu soo rogay.

Dalalka ku yaalla dhulka saxara xigeenka ah ee qaaradda Africa waxaa laga yaabaa in badarka ay sanadkan soo dhoofsanayaan uu intii hore ka badan doono, taasina waxay salka ku haysaa tacabka ama wax soo saarkii beeraha ee bariga iyo koofurta qaaradda oo hoos u dhacay.

Dalalka ay wakaaladda FAO sheegtay in ay xaalad kedakeda ah ku sugan yihiin waa, Burkina Faso, Burundi, the Democratic Republic of the Congo, Eritrea, Ethiopia, Gambia, Guinea-Bissau, Liberia, Mauritania, Niger, Rwanda, Senegal, Sierra Leone, Somalia, Sudan, Uganda iyo Zambia. Waddamada kala ah, Democratic Republic of the Congo, Burundi, Guinea-Bissau, Sierra Leone, Somalia, Sudan iyo Uganda, dagaallada sokeeye ayaa cunta xumida loo aanaynayaa, sida wakaallada FAO sheegtay, somalia waxay ka mid tahay dowladaha ay dhibaatadu ka soo gaartay xagga dagaallada iyo cimilada oo xumaatay intaba.

YAA KA DAMBEEYEY, DILKII 130 000 QOF OO SOOMAALI AH?
JOHANNESBURG, Aug 25 (Reuters), Koox isku tilmaantay in ay yihiin muslimiin ka soo horjeeda Maraykanka iyo Yahuudda, oo isku magacawday " Muslims Against Global Oppression (MAGO), laguna tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen qumbuladdii lagu qarxiyay maqaayad ku taalla magaaladaas Cape Town maalintii talaadada ee la soo dhaafay, ayaa waxay Maraykanka ku eedeeyeen in uu ka dambeeyey dilkii dadkii lagu laayay soomaaliya iyo ciraaq sanaddadii la soo dhaafay.

Nin la yiraahdo Abdulatif Abrahamas oo kooxdaas madax ka ah ayaa wuxuu Maraykanka iyo yahuudda ku eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen dhiiggii muslimiinta soomaalida iyo ciraaq ee sida ba'an loo qubay sanaddadii la soo dhaafay, wuxuu sheegay in ay taas ka dambaysay xoolaha iyo kaalmaha uu maraykanku siiyay xoogagga ka soo horjeeda muslimiinta sida Israil.

Kooxdani ma aha, kuwii ugu horreeyay ee ku eedeeyay Maraykanka in uu ka dambeeyay dhimashadii 130 kun oo qof oo soomaali ah sanadkii 1993kii, jabhad kale oo ka mid ah jabhadaha Islaamka magaciisa ku dagaallamaya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay war ay u dirtay jariidadda al-hayaat ee London ka soo baxda waxay ku ee deeyeen maraykanka arrin taas la mid ah.

SOOMAALI KU DHIMATAY BIYO SUMAYSAN OO AY CABEEN
MOGADISHU, Aug 23 (Reuters), Ugu yaraan 15 soomaali ah ayaa dhimatay 40 kalena si daran bay u xanuunsadeen ka dib markii ay cabbeen biyo sumaysan, dhibaatadaasi waxay ka dhacday gobalka galguduudd, sida ay wararku sheegeen maalintii axadda ee la soo dhaafay.

Waxaa dadka degaankaasi sheegeen in dadkaasi ku dhinteen tuulada calanle, kadib markii ay cabbeen biyo ku jiray fuusto loo maleeyay in ay ku jireen kimikooyin sun ah.
Waxaa kale oo la sheegay in dhulkaasi uu oomane yahay oo biyuhu ku yaryihiin, biyaha laga cabana laga soo dhaansho meelo fogfog oo lagu keeno fuustooyin ama tanagyo laga yaabo in ay markii hore ku jireen kimikooyin sun ah.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA


Hersi M. Labagarre

FAALLADA QUBANAHA

MUSLIMOW MAGACAA BA'!
Nin adduunya joogow maxaa aragti kuu laaban, aakhira nin tegayow maxaa lagu ogaysiiyay. Maanta waxaan doonayaa in aan faallada qubanaha ku soo qaado mowqifka muslimiintu ka istaageen weerarkii dugaagnimada lahaa ee dowladda Maraykanku ku soo qaadday dadka muslinka ah ee Suudaan iyo Afqanistan.

Waxaan doonayaa inta aanan dhexgelin faallada in aan kala sooco laba walxaato, oo kala ah Muslim iyo Islam, muslim waa dadka diinta Islaamka raacsan, Islaamna waa diinta lafteeda, anigu diinta ka hadli maayo, maxaa yeelay diintu, sida nabiyada lagu soo dejiyay inoo sheegeen, waa sharciyo iyo xeerar xag eebbe laga keenay, waxaana kuu bannaan in aad raacdo iyo in aad iska dayso intaba ayada oo aan cidi ku khasbayn.

Marka taas hadal inoogama bannaana, waxaanse ka hadli karnaa qiimaha ay leeyihiin maanta dadka isku sheega in ay raacsanyihiin diintaas, dhowr toddobaad ka hor, laba umadood oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan umadaha muslimka ah ayaa waxaa weerar bahalnimo ku qaaday dowlad wayn, haddaba muslimiintu maxay ka dheheen arrintaas.

Haddii ay wax dhacaan, qof kasta oo maqlay dhacdadaas waa lagama maarmaan in uu muujiyo mowqifkiisa, in uu qoslo ama ooyo ama ka xumaado ama u bego, ama la ayaabo ama xanaaqo ama gamaanyoodo ama dagaallamo ama .. ama ..ama. Waa lagama maarmaan in uu qofku muujiyo mowqifkiisa, haddaba muxuu ahaa mowqifka muslimiinta markii ay maqleen arrintaas.

Bannaan baxyo been ah
Dowr dal oo muslim ah ayaa bannaan baxyo lagu qabtay, dalalkaas waxay kala ahaayeen, Liibiya, Falastiin, Suudaan, Pakistan iyo Malaysia.

Aan haddaba eegnee bannaan baxyadaas maxaa keenay, Suudaan waan garanay oo waa dalkii dhibaatadu gaartay, Pakistaan waxay u bannaan baxeen saaruuq afqanistan u socday ayaa dalkeenna ku dhacay.

Liibiya bannaanbaxyada lagu qabtay waa bar kuma taal, maxaa yeelay, madaxwaynaha dalkaas wuxuu falay arrimo burrinaya waxa uu sheegayo, ameerica iyo asiga heshiis ayaa u socda, masar ayaana dhexdhexaadinaysa, muslimiinta kacaanka ah wuxuu ku tilmaamaa "eeyo waalan" in ay yihiin.

Falastiin, bannaanbaxyadoodu waa kuwii hore, waxayna uga soo horjeedaan yahuudda uu dagaalku ka dhexeeyo ee islaan taageer kama aha, Malaysia wadaaddada xisbiga PAS ayaa jimcihii la soo dhaafay bannaan bax wayn ku qabtay safaaradda Maraykanka horteeda, in kasta oo aanan doonayn in aan niyadda xisbiga islaamka malaysia shaki gelsho, hadana waxaan ka cabsi qabaa in arrintaas uu ka dambeeyo dagaalka dhaqaale ee ka dhextaagan Malaysia iyo Maraykanka.

Muslinow, Magacaa ba'
Haddaba muslinow, yaa kuu maqan, dowladaha carabta mid dheg nuuxisay kuma jirin, horeyna looga filan mayn, waxaase layaab lahaa in muslimiinta dhulkaas ku dhaqan aanay wax dhaqdhaqaaq ah samayn haba yaraatee.

Cidi ka filan mayn in ay qoray qaataan oo sidi bin laden yiraahdaan, Ameerikaay waa nakan, ee waxaa laga sugayay in ay hadlaan oo dhahaan ameerikaay sida aad inagu hayso inaga daa, sida aad muslimiinta ku hayso ka daa!

Hadalku maanta wuxuu noqday sidii xabad, haddii umadaha muslimka ah meel wada istaagaan oo dhahaan ameerika ha dhacdo, waxaan hubaa in ay taasi cabsi wayn gelin lahayd ameerika iyo dunida inteeda kale.

Hase ahaatee, wax dhawaaqay ma maqasheen, soomaaliya waxaa ku nool dad muslim isku sheegaya, laba nin intay isku timid ma dhihin "amerika ha dhacdo".

Haddii Maanta miskiinka erayadan qoray ayaa qabiil qabiilooyinkooda ka mid ah wax ka sheegay la yiraahdo, waxaan hubaa in boqol nin hal mar ah isla soo boodi lahayd, oo aniga ayaa dilaya iyo aniga ayaa dilaya ay isku dili lahaayeen!.

Dowladaha kale ee muslimka ah ayaga warkoodaba daa, Iran oo ahayd dowlad dadkeedu xamaasad islaamka u hayaan, war lagama maqal, waxaana ugu wacan sida muuqata, in dadka la duqeeyay ay sunno yihiin oo aysan shiico ahayn, hadaba maxaa naga galay.

Waxaa halkaas ka cad in aaney maanta jirin laba qofood oo muslimnimo isku duggaalsanaysa, qoloqolaysiga iyo qowmiyadda ayaa wali islaamka ka gacansareeya, somaliya, afqanistaan, yaman, iyo wixii la halmaala sida sacuudiga, qabiilka ayaa islaamkii qariyay, carabta badankeeda iyo Iran, Pakistan, Malaysia iwm Qowmiyad ayaa madaxa ka haysata islaamna waxay uga jeedaan dadkooda, kolka ninka malayda ah islaamka ka hadlayo wuxuu uga jeedaa malayda oo kaliya, kolka ninka pakistaanka ah islaamka ka hadlayo wuxuu uga jeedaa pakistaanka oo kaliya, kolka ninka Iraniga ah uu islaamka ka hadlayo wuxuu uga jeedaa islaamka faris ama shiicada, kolka ninka soomaaliga ah islaamka ka hadlayo wuxuu uga jeedaa islaamka qabiilkiisa, taas annaga ayaa aragnay oo indhaheenna saarnay, tusaale ahaan, nimankii ciidankii caydiid ku jiray qaar ka mid ah ayaan arkay oo waraystay, waxay igu dheheen "jihaadkii muslimiinta ayaan la socday, gaalada meeshaas iyo meeshaas ayaa lagu jebshay" wuxuu jihaad ka wadaa dagaalka qabiilkiisu weday, gaalana wuxuu ka wadaa qabiilka kale.

Malaysia iyo Brunei iwm, dadka malaayada ah ee ku nool erayga muslim iyo malay waa isugu mid, kolka ay muslim dhahaan waxay uga jeedaan "dadka malayda ah".
Pakistan sidoo kale, waxaan aragnay, niman waawayn oo culumo isku sheegaya oo aan rumaysnayn in aan dad aan pakistaan ahayn muslim lagu sheegi karo.

Hadaba aqristow, miyaanay taasi ahayn, muslinow magacaa ba'? yuu yahay ninka muslimka ah ee maanta ka xanuunsanaya dhibaatada gaartay dadka masaakiinta ah ee ku nool suudaan iyo afqanistaan?

Maxaa Nala gudboon, Soomaali haddaynu nahay?
Fiqi tolkii kama jannatagoe', maxaa annaga hadda nala gudboon soomaali haddaynu nahay?
Dadka qaar waxay ii malaynayaan in aan wadaad waalan ahay, oo aan ama akhwaan ahay ama itixaad ahay, kolkaas bay isleeyihiin waa uu riyoonayaa, ama waa waalanyahay, aqristow anigu ma waalni, mana riyoonayo, ee waxaan arkaa belada soo socota, maanta nin kasta oo magaciisa uu ku jiro Maxamad ama Cabdullaahi ama axmad iwm, haddii uu doono in uu dhoofo, kolka uu dowlad ku dego, ee uu doono in uu dalkaas galo, sidi ay ayaa loo takoorayaa, oo baasaboorkiisa gaar ayaa loo saarayaa, wixii uu doono ha wato, qaar baa is leh ameerikaan baad tihiin, kuwaasi waa sidii bisad maqaar shabeel hugatay ee shabeel is moodday.

Nin kasta oo muslim ah ama akhwaan ha ahaado ama itixaad ama wixii uu doono e, waxaa maanta ku waajib ah in uu naftiisa meel la daydo oo badbaado raadsado, sidee badbaado loo helaa hadaba? dariiqa ugu sahlan waa in aad muslimiinta ku xirantid siiba kuwa kugu jinsiga ah, haddii nin kiinnaa wax la yeelo, gar iyo gar darro, waa in aad difaacdaan oo u dhimataan ninkaas dartiis, haddii aanan sidaa la yeelin, dhammaan teen waannu dhimanaynaa annaga oo dullaysan.

Maanta soomaali waxay ku firirsantahay dunida, waana dad muslim ah, haddii nacaybka muslimiintu sii bato, waxay noqon doonaan dadka ugu horreeya ee dhibaatadu gaarto, maxaa wacay soomaalidu waa dad masaakiin ah oo aan lahayn ururro difaaca iyo dad u dooda.
Waxaan hadalkii ku soo koobayaa, muslim magaciis waa ba'ee, nin walbow naftaada u meel dayo!

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

XIRIIRKA DOWLADDA IYO BULSHADA
Dadka Soomaaliyeed waa dad sidoodaba iska jecel urursanaanta, dhawrsanaanta, nadaafada iyo dhahaarada. Taasine waxa ay keentay in aysan is dhexgelin kuwa dalka gumeysiga ku haystay.

Kuwaas ayay ahayeen kuwa qaab maamul Dowladeedka nooca cusub dalka keenay. Waxay marka noqotay in Dowlad nimadooda xafiisyadooda la fadhiyaan oo halkooda ku go'doomay.

Shacbi weynaha amuurtiisa isaga ayaa iska qunsanaayey. Gumeystuhu waxaa uu ku qasbanaan in uu adeegsado dallaaliin howlahooda bulshada uga fuliyo kana turjimaano.

Illeen cid walbo tacabkeeda ayay ku sii jeeday, marka wuxuu ku qasbanaa inuu adeegsado tacablaawayaashii xoolahooda ama beerahooda soo dayacay oo meelaha warwareegaaleysanayeen, ugu dambeyntiina xukunka ku wareejiyay. Iyagana halkooda ayay ka sii wadeen oo dadweynaha hangool dheer isaga qabteen. Inkastoo taariikhda kala saari doonto halyeyadii halganka daacadda u ahaa iyo kuwii daneestayaash ahaa.

Hadda heshiiska yaa diiddan?
Shirar aad u kala duwan ayaa lagu qabtay, dalka gudihiisa iyo dibeddiisa oo qaarkooda kooxaha badankooda ay ka soo qaybgaleen.
Shirarkaasi giddigooda go'aamadooda waxay noqdeen kuwa xaashiyo ku qoran oo keliya ee aan ka soo qaad lahayn. Go'aamada qaarkood waxay dhalliyeen kala jab culus.

Shirkii Addis Ababa ee 1993, UNka maamulayay, maalin ka hor go'aanka shirka, Golaha Ammaanka wuxuu soo saaray go,aan deg deg ah oo Somalia maaulkeeda UNka lagu wareejinayo, markii la ogaaday go'aanka shirka halka isugu biya shubanaayo.

Shirkii hishiisiinta Gobollada Dhexe ee Xamar la isugu af gartay, dagaalkii hubaysnaa oo aan geed loogu soo gambanin waa la ogaa. Shirkii Bosaaso sida loo jallaafay iyo kii Baydhabo iyo qabsoomiddiisa maxaa na kala haysta.

Intaan aad u kooban waxaan u soo qaadanay dulmar ahaan, maadaama aynan haysanin baaxad (space). Haddaba xaggee wax ka halleysan yihiin?

Shirarkani xaggeebay isaga mid ahayeen oo la diidanaa? Shirarkaas ujeedadooda dambe ayay iskaga mid ahaayeen: In la dhiso Dowlad Qaranka Soomaaliyeed matasha.

Arintaasi waxay si bareer ah uga horimanaysa stratijiyada Nidaamka Cusub ee Caalanka iyo dismaha Hey'adda Baaxadda weyn ( Strong Institution) ee Geesta Afrika.

Wada shaqeynta iyo iskaashiga Dadalalka deriska ah waa wax mudan in loo hawlgalo, haaddiisan arintu ahayn adiga babba' oo aniga aan jiro.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax

QOLADEE NAGA MACANGAGSAN?

Runtii wey badan yihiin waxyaalaha uu Fircoon ku dhaamay madaxdeena iyo kuwa kale ee badan oo kulligood sheegta in ay joogaan duni lagu ilbaxay oo ay caddaalad iyo xorriyadi ka jirto, oo laga gudbay heerkii keli talinimada iyo amar ku taaglaynta.

Laakiin qoritaanka waxaas oo idil ayaanaan imminka kasho u haynin, sidaa awgeed waan ka gaabsanaynaa, maadaama aysan cinwaankeenni ahayn.

Wuxuuse hadal ku dhan yahay in la wada hadlo oo gardarre kaste gartiisa la dhegaystaa waa lagama maarmaan waana mid aan ka baranayno Eebbe weyne qudhiisa oo intuu ku caasiyoobay mid xun (Ibliis) oo ka mid ahaa addoomadiisa, haddana wada xaajood la galay oo si degenaan ah u weydiinaya wixii ku kallifay in uu gedoodo, wuxuu Ilaah yiri:

(Eebbe wuxuu yiri; Ibliisow maxaa kuu diiday in aad u sujuuddo kaan ku abuuray gacantayda,? miyaad is kibrisay mise waxaad ka mid noqotay kuwa isla sarreeya? Wuxuuna yiri; Anaa ka kheyr roon isaga oo waxaad iga abuurtay Naar isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.

Eebbe wuxuu ku yiri; Iiga bax samadayda, waxaad tahay mid la dheereeyee. korkaagana ha ahaato lacnadayda tan iyo maalinta abaalmarinta. Suuye (Ibliis) Rabbiyow ii sug tan iyo maalinta la soo bixinayo dadka. Eebbe wuxuu ku yiri; (waa yahay) waxaad ka mid tahay kuwa loo sugayo, tan iyo maalinta waqtiga la yaqaan ah. Suuye (Ibliis):

Waxaan ku dhaartay sharaftaadee waan habaajinahayaa dfhammaantood. Marka laga reebo addoomadaada suuban. Eebbana wuxuu ku yiri; dhabtaan ku sifoobaa dhabtaanan u hadlaa ee ballan waxaan ku qaaday in aan Jahannamo ka buuxshaa adiga iyo intii ku raacdaba ee dadka ka mid ah dhammaantood) Saad; 75-85.

Ee bal mar kale aan isu bar bar dhigno qoladeenna Soomaaliyeed iyo qoladii Yuhuudda ahayd ee aan ku durno madax adaygga iyo caasinimada ku dhisnayd jaahilnimada, waxaanan tusaale uga soo qabsanaynaa markii ay arkeen aroortii nin la dilay xalay oo la soo dhex dhigay xaafaddii, ayna qiyaaseen in ay arintani dhalin karto fidno culus oo laga yaabo in ay keento colaad qabiileed, waxay ku ordeen Nebi Muuse, waxayna ka codsadeen in uu Ilaah uga baryo in uu u sheego ciddii dishay ninkaas, iyagoo ku dhawaaqay in ay hanuunsami doonaan haddii Alle idmo.

(xusa markuu ku yiri Muuse Qoonkiisii Ilaahay wuxuu idin farayaa in aad gawracdaan Sac, ayna dheheen miyaad nagu jees jeesaysaa? wuxuuna yiri; waxaan ka magan gelayaa Eebbe in aan ka mid noqdo jaahiliinta. 67. Waxayna dheheen noo bari Eebbahaa ha noo caddeeyo waxay tahaye) eeg ilaa iyo Aayadda; 73 aad ee taxanaha Aayadahakan.

Waxaad helaysaa in ay dadkaasi naga wax garadsanaayeen oo ay garan kareen waxa ay dambi galeen iyo sida lagu xallin karo ciqaabaha uu Eebbe ku ciqqabo, oo bal eeg haddii maalintii ugu horeysay ee magaala Soomaaliyeed lagu arkay qof meyd ah oo aan la garaanayn ciddii dishay la ducaysan lahaa oo Ilaahay loo soo tawbad keeni lahaa iyada oo laga tanaasulayo xumaanihii faraha lagula jiray ee aan lagu duuli lahayn reer hebel oo looga shakisnaa miyey dhici lahayd tan maanta dhacday?

Haddaba reer Banuu Israa'iil waxay ahaayeen kuwa garta oo qirta dambiyadooda sida ay u garan jireen carada Eebbe ee ku dhacdaba, sidaa darteed waxaad arkaysaa iyaga oo madax adayg awgiis isku dayaya in ay Eebbe khayaanaan oo dhahaya Eebbow noo dambi dhaaf oo ciqaabta naga qaad hadda ayaan ku rumaynaynaaye, ka dib markay yara nastaana halkoodii ka sii miisanaya.

Soomaali ahaan waxaan ku dhalanay Islaanimo oo si gooni ah buu Alle noo jecel yahay waa fikrad habawday oo meel beeshay, waxaana jawaab celin kaga filan Fircoonba Islaanimuu ku dhashaye ka warran, maxaa yeelay ku kastoo dhashaaba wuxuu ku dhashaa Islaanimo, taas oo ah fidrada wanaagsan ee rabbaaniga ah, waase siduu ka dib camalkiisu noqdo oo ku walba goonidiisa ayuu Eebbe weyne ugu xisaabinayaa camalkiisa iyo qawlkiisa (falkiisa iyo oraahdiisa) isagoo aan innaba u eegin ab iyo awoow toona.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 14AAD

SHIRKIGA WAXAA KA MID AH IN LOO QAYSHADO
AMA LA BARYO CID AAN EEBBE AHAYN

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ha caabudin Eebbe ka sokow wax aan wax ku tarayn kuna dhibayn, haddaad fasho waxaad ka mid noqon daalimiinta]Yuunus 106.

Waxaa kale uu yiri:
[Hadduu ku taabsiiyo Eebbe dhib wax faydi oon asiga ahayn ma jiro, hadduu kula doono khayrna wax celinkara fadligiisa ma jiro, wuxuuna gaarsiiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, waana dambi dhaafe naxariista]Yuunus 107.

Waxaa kale uu yiri:
[Kuwaad caabudaysaan Eebbe ka sokow idiinma hantaan wax dheef ah ee ka doona Eebbe agtiisa dheef, caabudana kuna mahadiya xaggiisaa laydiin celine]Al-Cankabuut 17.

Waxaa kale uu yiri:
[Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebbe ka sokow waxaan ajiibayn (baryadiisa maqlayn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogayn). Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi jiray col, inay caabudi jireenna dafiri]Al-Axqaaf 5-6.

Waxaa kale uu yiri:
[Mise Eebbaha aqbala kan dhibban markuu baryo oo fayda xumaanta (dhibka) idinkana yeeli kuwa dhulka u hari (isu beddela) ma ilaah kalaa jira Eebbe agtiisa yaraa intaad wax xusuusanaysaan] An-Naml 62.

Waxaa kale oo Tabaraani soo weriyay in waagii Nabigu joogay uu jirijiray nin munaafaq ah oo muslimiinta dhiba, kolkaas baa qaar Muslimiinta ka mid ah waxay dheheen: ina keena aan munaafiqan shartiisa nabiga ka magangalnee!. Kolkaas baa Nabigu, naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri: "Aniga la ima magan galo ee Eebbe ayaa la magangalaa".

MAS'ALOOYINKA CAHSARKA
Tan 1aad: waa in Alla baryiddu ay soo dhexgeli karto magangelidda Ilaahay ama u qaylsashadiisa, in kasta oo Alla baryiddu ka baaxad wayntahay magangelidda, maxaa wacay, magangelidda ama u qaylsashada laftoodu waa Alla baryid.

Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda [Ha caabudin Eebbe ka sokow wax aan wax ku tarayn kuna dhibayn].
Tan 3aad: Waa in arrintaa la soo sheegay ee ah in cid aan Eebbe ahayn loo qayshado ama la magangalo ay shirki wayn tahay.

Tan 4aad: In Ninku si kasta oo uu u wanaagsanyahay haddii uu dambiga jaadkaas ah oo kale u sameeyo in uu cid kale ku raalli gelsho, uu asiguna dambiile noqonayo.
Tan 5aad: Waa tafsiirka aayadda [Kuwaad caabudaysaan Eebbe ka sokow idiinma hantaan wax dheef].

Tan 6aad: Cid aan Eebbe ahayn oo la baryo dunida wax dheef looga heli maayo, waxaana taas u sii dheer in baryada jaadkaas ahi ay gaalnimo tahay.
Tan 7aad: Waa tafsiirka aayadaha saddexda ah ee (la soo sheegay).

Tan 8aad: Waa in aysan habboonayn in dheefta cid aan Eebbe ahayn la waydiisto, sida aan jannada cid aan Eebbe ahayn loo waydiisan.
Tan 9aad: Waa tafsiirka aayadda afaraad ee ah [Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebbe ka sokow waxaan ajiibayn].

Tan 10aad: In cid ka habaw badan oo ka lunsan aysan jirin qofkii Eebbe cid aan ahayn barya.
Tan 11aad: Waa in qofkii cid aan Eebbe ahayn barya aanay cidda uu baryayaahi baryadiisa ogayn warna u hayn.

Tan 12aad: In baryada jaadkaas ahi dhalinayso nacayb ay waxa Ilaahay ka sokow la baryayaahi necbaanayaan qofka wax baryaya.
Tan 13aad: Waa in baryada jaadkaas ah lagu magacaabay in ay caabudid u tahay cidda Eebbe ka soko la baryayo.

Tan 14aad: Waa in cidda Eebbe ka soko la baryayaahi ay dafirayso oo ay diidayso cibaadada jaadkaas ah.
Tan 15aad: In baryada Eebbe ka soko la baryaahi ay sabab u tahay in la noqdo qofka dadka ugu lunsan.

Tan 16aad: Waa tafsiirka aayadda shanaad ee ah [Mise Eebbaha aqbala kan dhibban markuu baryo].
Tan 17aad: Waa arrinta la yaabka leh, ee ah, in gaalada laftoodu ay qirteen in aan ninka dhibaataysan cid aan Eebbe ahayn u gargaari karin, sidaa darteed, gaaladu Eebbe bay si daacad ah u baryaan kolka dhibaatooyinka waawayni qabsadaan.

Tan 18aad: Waa in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu ku dadaalay sidii uu u dhawri lahaa tawxiidka, asiga oo aadaabtii Ilahay faray raacaya.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA


SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 12aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Dimna: ninkii gaws ka daloolo xanuun kama tago intii uu ka siibo, cunto calool ku quruntayna dhigiddeeda baa nasasho ku jirtaa, nacab wax cabsiiyana in la dilo ayaa baantiisu ku jirtaa.

Libaax: shitriba la deriskiisa waad i nacsiiday, waanna u yeerayaa oo u sheegayaa waxa aan u qabo, ka dibna waxaan farayaa in uu meeshii uu doono aado.

Dimna arrintaas ma jeclaysan oo wuxuu ogaaday in haddii libaax Shitriba taas kala hadlo oo uu warcelintiisa maqlo, uu ogaanayo beentii uu la yimid, oo uu dhagartiisa iyo beentiisa ogaanayo, oo aan markaas arrintiisu cabsiinayn, markaas buu libaaxii ku yiri:
Yeeridda aad Shitriba u yeeranayso tala toosan uma arko, go'aanna ma aha, boqorku taas ha ka fiirsado, maxaa yeelay, haddii shitriba taas ogaado waxaan kabaqayaa in uu boqorka ka soo hor jeesto, haddii uu kula dagaalana asiga oo u qaab samaystay buu kula dagaalamayaa, haddii uu kaa tagana tegid uu wax kuugu dhimo ayuu kaaga tegayaa, taas oo doqonimo kaa raacdo, inkasta oo boqorada kuwooda talada lehi aanay abaalmarin qof aanan gafkiisa la ogaysiin, hase ahaatee gaf waliba abaalmarin ayuu leeyahay, gafka ban dhigani abaalmarin ban dhigan buu leeyahay, gafka qarsoonina abaal marin qarsoon buu leeyahay.

Libaax: boqorku haddii uu malo uu maleeyay nin ku abaal mariyo asiga oo aan hubsan, naftiisa ayuu u gafay oo abaal mariyay.

Dimna: Haddii taladii boqorku sidaa tahay, haddaba Shitriba yuusan kuu soo gelin, adiga oo aan u qaabsamaysan, yuusanna kedo iyo kaladaadsanaan kugu helin, aniguna u malayn maayo in boqorku marka uu usoo galo uusan ka garan doonin in uu jab la doonayo waxaana taas u astaan ah in aad arki doonto, midabkiisa oo gaddoomay, waxaa kale ee aad arki doontaa murqihiisa oo lulanaya, iyo asiga oo bidix iyo midig dhuganaya, oo geesihiisa lulaya, sidiii wax herti iyo dagaal doonaya.

Libaax: waan ka digtoonaan doonaa, haddii aan ka dareemo waxa aad sheegtayna waxaan ogaanayaa in arintiisu qasantahay.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA


[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]



Khaliif Sh. Maxamuud Siciid
(1951-1982)

Gabaygii Hurgumo

Waxaa soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad
(Ciise Carab)

Gabaygan waxaa tiriyey halabuurkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Khaliif Shiikh Maxamuud Saciid (Allaha Jannadii ka waraabshee).
Abwaanku wuxuu ku dhashay Magaalada Qardho,wuxuuna ku aasan yahay Gallaadi.
Maansadan oo uu ugu macag daray H U R G U M O, wuxuu tirshey 1978. Waana tii sida doorka ah u bishay. Waxayna ku duuban tahay dhowr gadaanood.

Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 150 (boqol iyo konton) tixood.

HORDHAC

Gabaygan qiimaha badan, waxaa inoo soo diray Maxamad Ciise, annaga oo aad ugu mahadinayna, isla markaasna tix gelinayna qiimaha taariikhiga ah ee uu gabaygani leeyahay, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan hordhac yar u samayno gabayga si aan aqristaha ugu fududayno dhugsashada dulucdiisa.

Arrimaha aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo waa laba qodob oo kala ah:
1. In uu gabayga ku eego il taariikheed, iskuna dayo in uu u noqdo, xilliyadii 1978 ilaa 1980, waqtigaas oo aan u malaynayo in gabayga la tirshay, maxaa yeelay ragga uu tilmaamayo gabyaagu sida Cirro waxaa la dilay abbaarahaas.
qodobkani waa lagama maarmaan, maxaa wacay gabyaagu gadaal buu ka sheegi doonaa in Hawiye dagaal iska daayay, waana arrin aan maanta soconayn, laakiin waqtiga uu noolaa, sidaas bay ahayd, qabiilooyinka hawiye waagaas waxaa loo haystay in ay yihiin dad aan dagaallamin, oo nabadda xigsada had iyo jeer.

2. Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo, waa in uu gabayga ku eego il qabiil, maxaa yeelay gabyaagu, sida gabayga ka muuqata, wuxuu isku deyayaa in uu guubaabsho qabiilka Majeerteen ee waayahaas ay sida xun isga soo hor jeedeen dowladdii Siyaad Barre (Allaha u Naxariistee).

Hersi Labagarre

[QAYBTII 2AAD]

Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigey, malab sidiisiiye

Sidii miraha dhoocaan ka baxa, muudsey aadmigu

Nin waliba wuxuu mihindisaa, inu magawshaaye.

Agoon maalki laga qaaday oo, meel kastaba joogga

Maraykaanta naagaha qaboo, madaxa loo saaray

Oo mudanayaashii jeclaa, mooska laga yeeley.

Dadku mawdka wayska ogyahoo, Maalig baw qoraye

Meydkiyo raqdoodii miyaa, laga dul maansooday!

Sidii wax aan Muslim ahayn miyaa, muxubbo loo laayay!

Madfaciyo rasaastii miyaa, meel kastaba gaaray!

Kulli miraha Daarood miyaa, keen isugu miirmey!

Ma kuwaan Hartiga moodayaa, soo mashxaradaayay!

Maangaab Dhulbahanta ah miyaa, nagu maraabeeyey!

Margaguufyadii hore miyaa, muruqa noo tuujey!

Muhanniga Ogaadeen miyuu, rabay xumaanteena!

Warsangeliga maahee dadkii, mayna wada meershey

Inkastay bahnimo muujiyeen, soo ma mayl bixine

Malkadaan ka sugayiyo ma iman, mowshinkaan rabaye.

Hadday ficil maqiiqaan warmuhu, nama muquufeene

Macag iyo Xadeed bay idaha, kaga maceeshaane

Macna ineeyan noo tarin miyaa, meeshi ka caddaatay!

Iidoor marduuf qaada heley, waa majnuun falane

Hilib maraq leh iyo roodhi bay, miidsanahayaane

Macna dawladnimo leedahayba, uma muraadaane.

Caynaanshe meeshii la dhigey, haadku malafleeye

Mudadkiisii waa kii dugaag, maalin weyn cunnaye

Maskaxdiisii waa tii tukaha, looga dhigey miide.

Nabad bay macaansanahayaan, wawse maan li'iye

Wallee ama Magaalada Berbera, dhiiggu mulacyeeye

Ama sida mawaashiga ratiga, meere lagu saaryay.

Hawiye meeluu joogaba dagaal, wayska maanacaye

Maankaba ka jare ragganimaad, meel ka soo geline

Maaraha Siyaad baa ka dhigey, maato caano lehe.

Abgaal oo mihigaan ka badan, jaraha loo miiqye

Mudanihii Gabayruu ka diley, oo mar soo baxaye

Waxay talo ku moosteen iney, moxogga diirtaane.

F.G: Gabaygan haddii uu dhammaado waxaan ku xejin doonnaa, gabay jawaabtiisi ah oo uu tirshay Abwaankii caanka ahaa ee Cali Cilmi Afyare, Allaha u naxariistee.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

D H A M A A D