Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 21 - 27.09.1998

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

HERSI M. LABAGARRE

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. BIN ABDULWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

ABDULLAHI BIN AL-MUQAFA

7

BOGGA 7AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

MAXAMAD CIISE AXMAD

8

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD

Ararta Wargayska


Hersi M. Labagarre

Maxaa keenay dibudhaca dunida Islaamka?

Inkasta oo diinta Islaamku farayso, horukac iyo hufnaan iyo iskaashi, ayna eedaynayso wax alla iyo wixii aadanaha dibudhac u keenaya, hadana waxaa dowladaha Muslimka ah lagu ibtileeyay dhowrkii qarni ee la soo dhaafay dibudhac aan ka soo caymasho lahayn, waxayna iigu muuqataa in arrintaasi dhowr cilladood salka ku hayso.

Waa midda horee, dagaallada joogtada ah ayaa horta uga jira asbaabahaas, waxaa ku soo xiga madaxda kaligood taliyayaasha ah, waxaa saddexeeya aqoondarrada waxaa afareeya caadooyinka duugmay ee dadku wali ku dhegganyahay. Bal hadde aan afartaa qodob dharaandhirinno.

Dagaallada Joogtada ah
Dunida Islaamka waxaa dhowrkii qarni ee la soo dhaafay ka socday dagaallo joogto ah, dooni maayo in aan aqristaha u kexeeyo waayihii la soo dhaafay, ee waxaan tusaale uga soo qaadayaa wixii dhacay qarnigan aannu noolnahay, dagaalladaas waxay u qaybsamaan saddex jaad, dagaalladii gobanima doonka, dagaallada sokeeye iyo dagaallada dowladaha deriska ah.

Dagaalladii Gobanimadoonka
Jaadka hore ee ah dagaallada gobanima doonka ah, dalalka muslimka ah oo dhan way galeen, waxaana dagaalku dhexmarayay niman doonaya in ay dalka gumaystaan iyo niman xurnimadooda u dirirayay.

Inkasta oo dagaalladaas ay ahaayeen jihaad ay muslimiintu ku gar lahaayeen, haddana dibudhac bay dalalka muslimka ah u keeneen, dibudhacaas waxaa looga badbaaday, niyadda wanaagsan ee ay ku tiirsanaayeen raggii gumaysiga ka kacshay dalalka Islaamka ah, tusaale ahaan, Soomaaliya, dhallinyaradii gobanimada dalka u soo dagaashay waxay lahaayeen iimaan adag oo u saamaxay in ay wixii dagaalkii gobanima doonka ahaa ku lumay dib u soo dhisaan.

Dagaallada Sokeeye
Jaadka labaad waa dagaalka sokeeye, waana midka ugu qaabka darraa ee soo maray dunida islaamka, laakiin wuxuu ku wanaagsanaa, dhibaatadiisa badankeedu hal dal bay ku koobnayd, dagaallada jaadkan ah waxaa tusaale fiican u ahaa, Lubnaan, Afqanistaan, Aljeeriya iyo Somalia.

Afartaa waddan dagaalka sokeeye wuxuu ku deray dhulka, mood iyo nool midna kama tegin, waddamo kale oo uu ka dhacay way jiraan, laakiin way yare dhaamaan afartaa dal, tusaale ahaan Suudaan, Bosniya, Albaniya, inkasta oo dagaalkoodu dagaal sokeeye ahaa, haddana way dhaameen kuwa aan horay u soo sheegnay.

Dagaallada Dowladaha Deriska ah
Jaadka saddexaad waa dagaalka deriska lala dagaalo, waana dagaal ay soo mareen dowlado badan oo Islaam ah, waxaa tusaale fiican jaadkan u ah, dagaalkii carabta iyo Israa'iil, Masar iyo Israa'iil, Iran iyo Ciraaq, Soomaaliya iyo Ethiopia, Pakistan iyo Hindiya.

Dagaalladaas guud ahaan waxaa ka dambeeyay oo shidayay cadawga umadaha muslimka ah, ama reer galbeedka iyo Maraykanka, ujeeddooyinka laga lahaana waxay ahaayeen kuwo isugu jira qaar Aydoloojiyo kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed, qaybta hore waxaa tusaale u ah, dagaalladii shuuciga iyo dowladaha reer galbeedku isaga horyimideen ee ka dhacay dalalka muslimka ah, sida Somalia, Afqanistan, iyo qaar kale. Qaybta labaadna waxaa tusaale u ah, dagaalkii khaliijka ee reergalbeedku ka dhexdhalshay Iran iyo Ciraaq, kadibna ay dagaal la galeen Ciraaq, dagaalkaas wuxuu ahaa mid dhaqaale. Qaybta saddexaadna waxaa tusaale u ah dagaalkii Lubnaan iyo Carabta iyo yahuudda, wuxuu ahaa mid siyaasadeed maxaa yeelay reergalbeedku waxay doonayeen in Carabta la mashquulsho si aanay u hormarin.

Runtii way adagtahay si loo kala saaro siyaasad iyo aydoloojiyad iyo dhaqaale, laakiin dhinacba mar ayaa loo badanayaa, kolka dhinaca loo badnaa baannu ka eegaynaa.

Dhibaatooyinka Dagaalladaasi keeneen
Dagaalladaas mar walba waa la soo cusboonaysiiyaa, hadda maalmahan waxaa la isku afaynayaa Iran iyo Afqanistaan, Iran waa dowlad ka soo kabatay dagaalkii khaliijka, dhowr bilood ka hor waxay tijaabsheen saaruuq ay sameeyeen ee ah kuwa loo yaqaan dhul-dhul.

Afqanistaan waa dowlad dagaal ku macagtowday, haddii aanay dagaallamin ma joogi karaan, kolak si reer galbeedku uga nabadgelshaan dadkaas dagaal ku noolka ah maslaxadahooda yaalla khaliijka carabta, isla markaana loo jebsho xoogga Islaamka ee Iran ee soo kabtay ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in labadooda la isku dhufto.

Hoggaamiyayaasha Kaligood taliya
Cindhaarada labaad ee dalalka muslimka ah lagu ibtileeyay, waa hoggaamiyayaasha kaligood taliyayaasha ah, diinta islaamku siyaasadda wax wayn kama dhihin, laakiin waxaa laga baran karaa siiradii nabiga iyo asaxaabtiisii, sida dowladda hoggaankeedu u egyahay.

Arrintu sidii ay doonto ha ahaatee, cidiba ma warsan diinta Islaamka iyo maamulkeedu sida uu u yaal, ee ninwaliba meeshii uu ootay buu albaabbada u xirtay, waddamada Islaamka dhowr farakutiris ah mooyee inta kale, waxaa ka talsha hal nin oo wixii uu yiraahdo mooyee inta kale xaaraan loo arko.

Arrintaasi waxay door wayn ka qaadatay engejinta caqliga ummadda muslimka ah si aaney marnaba uga fikirin wax horumar la yiraahdo.

Aqoondarrada iyo Ilbaxnimo xumada
Madaxda kaligood talayiyaalka ah waxay ku dadaaleen in ay dadka ay xukumayaan ka xijaabaan aqoonta jaadaadkeeda oo dhan, si aanay indhaha u furin, waxayna isku dayeen intii tabartood ah in ay ummadda ay xukumaan ku maaweelshaan waxyaalo macna la'aan ah oo waqtigooda lagu luminayo.

Haddii midkood baraarugo ama waa la dilaa ama waa la xiraa ama waa la dhoofshaa, ama waa la laaluushaa, waxaana hubaal ah in uu afartaa dabin mid ku dhacayo.

Taasi waxay keentay Ilbaxnimo xumo la yaab leh oo ku habsatay umadaha muslimka ah, heer ay gaareen in muslimiinta ku dhaqan dowlad dowladahaas ka mid ah aanay ogayn in dad kale oo muslim ahi jiraan, haddii ay ogyihiinna aneey ogayn in wax xiriir ah ka dhexeeyo ayaga iyo umaddaas muslimka ah ee ku nool dalkaas kale.

Waxaa kale oo dhibaatada ilbaxnima xumadu keentay in umadahaas muslimka ahi wixii ka soo yeera dalalka reergalbeedka u malaynayaan cilmi cusub oo soo baxay, oo ay si indha la'aan ah ugu daydaan.

Caadooyinka Duugmay ee wali la daba joogo
Reergalbeedku si umadaha muslimka ah jaahilnimada ugu hayaan, waxay u qurxiyeen caadooyinkoodii duugmay ee jaahiliga ahaa, qola kasta waxaa loo sheegay taariikh been ah oo aan jirin, tusaale ahaan, soomaalida waxaa loo sheegay in ay ka yimideen buuralayda xabashada oo ay halkaa ku caabudi jireen Ilaah la yiraahdo waaq ama waq.

Taas waxaa ka daran qaarka durbaanka ka daba tumaya beenta reergalbeedku u yeerinayo, culumada reergalbeedka cilmigooda waxaa xukuma dhaqaalaha iyo siyaasadda waddamadooda, cilmigu haddii uu xaqiiqa yahay laakiin uu la soconwaayo siyaasadda dalka iyo ujeeddooyinkiisa dhaqaale waa la duugayaa.

Sidaa darteed waxaad arkaysaa in culumada baartay taariikhda soomaaliya siiba kuwii hore ee talyaaniga iyo ingiriiska ahaa ay jawaasiis ahaayeen oo ay u adeegayeen millateriga dowladahooda.

Taasi waxay caddaynaysaa in taariikhda umadaha islaamka ah loo dejiyay hab marin habaabinaya fikirka umadahaas, kana xijaabaya nuurka iyo aqoonta xaqiiqada ah ee ay gaari lahaayeen haddii ay fursad ay ku fikiraan heli lahaayeen.

Halkaa waxaa ka billowday dhaqan xun oo la yiraahdo "caada caabud" waana in caadooyinka la caabudo, oo qolo kasta ay soo qodqoddo waxyaabo been ah oo aan wax macne ah ku dhisnayn dabadeedna yiraahdaan waa hiddaheennii iyo dhaqankeennii, oo dadka ugu faanaan.

Taasi waxay keentay in dadkaasi maskaxdoodu cilmiga ka xiranto, oo aanay fikirin, maxaa yeelay waxay rumaysan yihiin in aaney wax ka maqnayn, haddii reergalbeedku ku faano teknolojiyadiisa ayaguna waxay ku faanayaan waq, wilisaqo, gableyshimbir, dowladamiin, saar iyo waxyaabo xil leh oo aan wax ay yihiin la garanayn, cilmigana aan meel ka soo gelin.

Maxaa Inoo Dan ah?
Aad baan uga xumahay in aanan qodobka aan maqaalkan ku soo qaaday xaqiisa siin karin, maxaa yeelay, meesha iyo goorta intuma ii masaabixi maayaan in aan maja fidsado, hase ahaatee, waxaan rejaynayaa in aan aragti guud ka siiyay aqristaha dhibaatada meesha taalla, kolka marakan waxaan filayaa in aqristuhu is leeyahay, tolow haddaba maxaa talo ah?

Waxaan leeyahay, talo fara waa ka baxday, xeero iyo fandhaalna way kala dhaceen, laakiin caymasho waxaa ah, in aan aqoonteenna xoojinno, waaya aragnimadeennana aan kor u qaadno, haddaad labadaa isku darsato waxaa hubaal ah in indhahaagu furmayaan, oo aad awood u yeelanayso in aad is waydiiso waxa laga wado wixii aad aragto ama maqasho, adiga oo aan isla markiiba rumaysan.

Aqristow, aniga iyo adiguba iyo dhammaan ummadda muslimka ah, waxaa inoo dan ah, in aan aqoonteenna xoojino, horay ayaana loo yiri; aqoon la'aani waa indhala'aan, halkaa waxaa ka cad in indhala'aanta runta ahi ay tahay aqoon la'aanta.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA


Tallaalkii Cudurka Qallalka (Polio)
Olole lagu ciribtirayay cudurka Qallalka ama Dabaysha (Polio) oo Soomaaliya laga weday dhowrkii maalmood ee ina soo dhaafay ayaa la soo gabagabeeyay.

Olaolahaas wuxuu billawday maalintii Axadda ee bishani ahayd 13ka, wuxuuna dhamaaday 17kii bishan.
Qaybtii ugu horraysay Ololahaas oo la qabtay 15 ilaa 19kii Agosto, 1998kii waxaa la tallaalay carruur tiradooda lagu qiyaasay 950,000 oo da'doodu ka hoosaydo 5 sano, carruurtaas waxaa kale oo la siiyay vitamin A si looga badbaadsho indhala'aanta iyo cudurro kale.

Ololaha waxaa weday ururrada bulshada soomaaliyeed iyo ururro caalami ah oo ay taageerayeen hay'adaha WHO, UNICEF iyo qaar kale.

Wakaaladaha UN ta oo Somaaliya
u qabtay tartan sawir iyo mid suugaaneed

Hay'adaha UNDP, UNDOS iyo UNESCO ayaa waxay tartan u qabteen dadka xiiseeya fanka soomaalida, gaar ahaan sawirrayaasha iyo gabyaayga si ay u xusaan sanadkan maalinta caalamiga ah ee loogu talagalay ciribtirka saboolnimada 17 ka Oktobar.

Wakaaladahaasi waxay doonayaan masawirro midabaysan ama gabayo, la qoray ama cajal laggu duubay, oo tilmaamaya figradaha ku lug leh saboolnimada, figradaha tilmaamaya sida loola dagaallamo saboolnimada ama sheekooyin midnimo oo laga yaabo in ay dhiirrigeliyaan dad kale.

Masawirradaas iyo gabayadaas waxaa lagu soo bandhigi doonaa bandhig Nairobi lagu qabandoono bisha Oktobar, si loo xuso maalinta caalamiga ah ee ciribtirka saboolnimada.

Gaajo la sheegay, in ay Soomaaliya ku soo fool leedahay!
Hay'adda Cuntada Adduunka WFP, ayaa waxay xaqeejisay in sanadkan badarka soo go'ayaahi yahay midkii ugu yaraa abuurkii shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana cunta xumadaasi qatar gelinaysaa nolosha kumanyaal Soomaali ah dhowrka bilood ee foodda inagu soo haya.

War ka soo baxay hay'adda WFP 4tii September, wuxuu shaaca ka qaadday, in ayada oo la tixraacayo warbixintii ay soo saartay Qaybta Qaymaynta Sugidda Cuntada (FSAU), uu Soomaalida abuurkeedii hadda ahaa midkii ugu liitay wax soosaarkii sanadwalba soo go'ijiray ilaa iyo 1993kii, wuxuuna boqolkiiba 38 ka hooseeyaa waxsoosaarkii 1997.

Sida uu sheegay Burk Oberle, oo ah ninka Soomaaliya u jooga hay'adda WFP, heerka aan sugnayn ee hadda cuntadu marayso, wuu socondoonaa, siina xumaandoonaa, wuxuuna keeni doonaa dhibaato cuntaxumo ah oo ku timaada kumanyaal Soomaali ah bilaha soo socda.

WFP waxay sheegtay, in warbixintu tusayso, in si isdaba joog ah uu hoos ugu dhacay waxsoosaarkii ganlayda iyo mesegada. Si xaaladdaas looga hor tago, WFP waxay kordhin doontaa gargaarkeeda xagga cuntada ee Soomaaliya in ka badan 20,000 oo tan, bilaha Agosto ilaa Marso ee sanadka 1999ka, si ay u kabto cunta xumida dalka ka jirta.

Cuntadaa dheeraadka ah ee gargaarka ah waxay qiyaastii ku filnaan doontaa ilaa 630, 000 oo qof.
Asbaabaha hoos u dhigay waxsoosaarka sanadkan waxaa ka mid ah daadadkii dalka ka dhacay sanadkan horraantiisii ee baaba'shay abuurkii dhulka bacrinta ah ee agagaarka labada wabi ee Jubba iyo Shabeelle.

Abuurka ay baaba'sheen jiirka iyo jirriqaaga iyo cayayaan kale, iyo dayactir la'aanta miraha ayaa aad u sii xumeysay abuurka sanadkan waxsoosaarkiisa.

Intaas waxaa u dheeraad ah, sida ay sheegtay WFP, nabadgelyo darrida sii kordhaysa iyo dagaallada sii cusboonaanaya ee gobalka ka socda ayaa si halis ah u saameeyay awoodda wax soo saarka soomaalida.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in gobalka Bay, inkasta oo uu yahay gobal beereed hodon ah, misana waa gobolka ugu baahida badan marka loo eego meelaha kale. Dadka caawimada qaadan doona badankoodu waa dadka deggan dalka dhiniciisa koofureed ee Jubba, Shabeelle, Bay, Bakool, Gedo iyo gobolka Hiiraan.

Safarradii looga kala gooshi jiray Boosaaso
iyo Yeman oo la adkeeyay

Miyaa la adkeeyay socdaalladii looga kala gooshi jiray Boosaaso iyo Yemen? Warbixin ay soo saartay UNHCR ta Yaman ayaa waxay sheegaysaa in 27 qof oo soomaali ah goorahan dambe soo gaareen dekedda Mayfa ee Cadan u dhaw.

Qaxootigaasi wuxuu ka yimid Boosaaso si toos ah ayaga oo doon saaran. 105 qof oo kale waxay ka soo degeen dekedda Bir Cali ayaga oo ku soo dhuuntay doon 8dii September.

Qaxootigaasi waxay sheegeen in shan soomaali ahi badda ku dhimatay hawada oo xumaatay awgeed intii safarka lagu soo jiray kaas oo qaatay 3 maalmood.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

FAALLADA QUBANAHA
Duufaankii Siyaasadeed ee Malaysia ma Degay?!


Dato' Sri Anwar Ibrahim R/Wasaare ku xigeenkii hore ee Malaysia


Gurigii Dato Anwar oo Bir Shabaq ah lagu Wereejiyay Si aan Taageerayaashiisu halkaas ugu shirin.


Ciidanka Booliiska Malaysia oo gaar ka haya waddada loo maro Aqalka Dato' Anwar.


Dharcadda Malaysia oo jiidaya nin mudaharaadayay Axaddii la soo dhaafay bartamaha Kuala Lumpur.

Dato' Anwar Ibrahim oo la Xiray!
Bishan labadeedii ayaa Dato' Anwar xilkii uu dowladda Malaysia u hayay laga xuubshay ayada oo lagu soo eedeeyay dambiyo aan halna dadku ku qancin oo ay ka mid ahaayeen akhhlaaq darro xagga (sex)ka la xiriirta, sida (Qaniisid) iyo (Utegid) naago islaameed, habeenkii axaddii la soo dhaafayna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Ra'iisalwasaaraha Malaysia Dr. Mahathir Maxamad ayaa wuxuu shir jaraaid ka sheegay in uu ninkaas u casilay akhlaaqxumo awgeed, taasna waxay keentay in laga saaro xisbigii waddanka xukumayay ee (UMNO).

Su'aashu haddaba waxay tahay, dadku arrintaas ma ku qanceen?
Dato Anwar waa nin lagu yaqaan akhlaaq wanaag, dadwaynaha Malaysia siiba kuwa Muslimka ah arrintaasi way u cuntami waysay, waxayna u arkeen in ay tahay nabyo lagu xumaynayo sumcadda wanaagsan ee uu dalka ku leeyahay Dato' Anwar, taasina waxay keentay in ay dadwaynaha qaar badan oo ka mid ah iyo hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha ku eedeeyeen Ra'iisal Wasaaraha Malaysia kaligiis taliye in uu yahay oo uu doonayo in uu xukunka ka dhaqaajiyo ninka firfircoon ee hayn jiray dhowr jago oo muhiim ah dalka kicintiisana kaalin wayn ka qaatay.

Dr Mahathir iyo Xukunka Malaysia
Dr Mahathir wuxuu Malaysia Xukumayay 17kii sano ee la soo dhaafay, hadda waa 72 jir, waa uu gaboobay, laakiin wuxuu wali doonayaa in uu dhallinyarada la tartamo xukun jacayl awgiis.
Nimanka indhaindheeya siyaasadda Malaysia waxay isku raaceen in Mahathir uu Anwar u xiray cabsi uu ka qabo in uu doorashooyinka soo socda kursiga kula loollamo awgeed.
Ragga xisbiga UMNO ku jira dhammaantood nin beretan siyaasadeed oo xoog leh la geli kara Mahathir oo aan Anwar ahayn ma jirin, raggaas badankoodu taageerayaal badan malaha, sidaa darteed ninka kaliya ee uu Mahathir ka baqayay waa Anwar, hadaba waa in xabsi lagu ogaado.

Taasi waa calaamad u gaar ah dimuquraadiyada Muslimiinta, intii ay si caddaalad ah u beretami lahaayeen, ninka kursiga ku fadhiya wuxuu isku deyayaa in uu midka kale dilo, si aanuu kursiga ugula loollamin.

Taasi waxay caddaynaysaa in uu ninka markaas talinayaahi maamulkiisi isku qasanyahay oo uu wax isdaba marshay.
Dadku waxay leeyihiin, Mahathir wuxuu meesha isugu dhejinayaa dhowr walxaato: 1. In uu wali xukunka hunguri uga jiri, inkasta oo uu gaboobay hadana xukun jacayl lagama gaboobo ee waa laga dhintaa.

2. In dadka qaraabadiisa ah iyo saaxiibbadiis ee maalqabeenka ah uu difaaco, haddii uu ka degayana uu u dhiibo nin aan dadkaas xoolohooda wax yeeli doonin. 3. Anwar wuxuu doonayaa in uu xoolaha si caddaalad ah u qaybsho sida uu sheegay, taasi socon mayso maxaa yeelay ragga Mahathir iyo qaraabadiisa maalqabeenka ah warkaasi wuu dhibayaa.

4. Anwar fikirkiisa Islaamiga ah, kaas oo aan Mahathir jeclayn, maxaa yeelay Mahathir waa nin Calmaani ah oo aan doonayn in wax Islaam ku lugleh maamulka la soo gelsho.

5. Dhaqaalihii Malaysia oo dhacay, Mahathirna uu ka baqayo in haddii uu kursiga uga dego Anwar, uu la kulmo xaqeejin iyo xukun maxkamadeed ayada oo la waydiin doono xoolo badan oo lumay iyo sababihii ay ku lumeen. Waxyaabahaas ayaa dadku sheegayaa, waana lagayaabaa in qaarkood run yahay.

Mustaqbalka Malaysia
Hardanka siyaasadeed ee ka dhexeeya labada nin waa iska caadi, Mahathir markii uu qabsanayay xukunka sidan oo kale baa dhacday, xisbigii hore ee malayda ee ahaa UMNO dii runta ahayd ee la aasaasay 1946kii, Mahathir ayaa dunshay, waxaa isku khilaafay asiga iyo qaar kale oo ay ka mid ahaayeen Tuanku Rezali oo reer kalantaan ahaa.

Haddana sidii bay ku socotaa, aniga waxay iila egtahay in Mahathir dhici doono ama dhiman doono ama howlgab noqondoono goor dhaw, maxaa yeelay waa 72 jir, geeri mooyee gabow uma harin, kolka yaa xukunka qabsan doona dhowr sano ka dib (laba sano ama saddex)?

Haddii uu qabsado nin ka mid ah kuwa hadda xisbiga odayaasha u ah sida Badawi iyo Najib, Anwar ayaa kula loollami doona, waxaana hubaal ah in aanay ninkaas u babac dhigi karin.

Anwar haddii uu ugu badnaado laba sono ayuu xirraanayaa ama ka yar, dhaqaalaha Malaysia intaa wuu sii dhici doonaa, rejo lagama qabo in Malaysia kor u kacdo ayada oo Mahathir xukumayo, maxaa yeelay siyaasaddiisa arrimaha dibadda ayaa fashilantahay.

Halkaas waxaa ka cad in xisbiga UMNO uu kala jabi doono, wuuba kala jabay, ee hadda waxay ka baqayaan Mahathir oo runtii sidi nin kaligii taliye ah u tasarufaya, sida maalmahan falkiisa ka muuqatay.

Xiridda Dato' Anwar
100 iyo dhowr raggii Anwar ah ayaa la xiray, ayaga oo aan wax dambi ah lagu hayn, intaas waxaa loo yeelayaa yaanay Anwar taageerin.
Raggaa la xiray waxaa ka mid ah madaxdii xarakada Islaamka ee loo yaqiin ABIM ee uu aasaasay Dato Anwar mar hadda laga joogo 30 sano in ku dhaw, waxaa kale oo la xiray rag badan oo ay ka mid yihiin Anwar walaalkiis iyo saaxiibkiis iyo qaar kale sida sekreteerkiisii gaarka ahaa, oo la sheegay in hadda la soo daayay.

Naagtii Dato' Anwar waxaa ayadana laga baqayaa in la xiro, ayada oo lagu soo eedeeyay in ay weriyayaasha u sheegtay in ay u baqayso nolosha ninkeeda.

Su'aashu haddaba waxay tahay, xirxirkaasi imisa sano ayuu Mahathir xukunka ku adkayn karaa, imisa sano ayuuse Anwar xukunka ka fogayn karaa?

Anwar wax dambi ah laguma hayo ilaa iyo hadda, wuxuu ku xiranyahay qaanuunka degdegga ah ee nabadgelyada, qaanuunkaas wuxuu dhigayaa in qofkii nabadgelyada dalka looga baqo intii la doono la xiri karo.

Mahathir wuxuu ballan qaaday in Anwar maxkamad la soo saari doono, oo wixii uu gaystay laga abaal marin doono.
Laakiin ilaa iyo hadddda maxkamad lama soo saarin, loona malayn maayo in la soo saari doono, maxaa wacay wax maxkamad lagu soo saaro meesha ma yaallaan.

Kolka waxaa muuqata in ay lagama maarmaan ku tahay Mahathir in uu xukunka iska dhiibo haddii uusan doonayn in ay ku dhacaan wixii Soharto ku dhacay.
Anwar xarigga uu ku jiro waa laga yaabaa in ay muddo ku qaadato sidii uu uga soo bixi lahaa, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in Mahaathir ku wereejiyo xukunka rag uu ku kalsoon yahay sida Badawi oo uu kula dardaarmo in ninkaas xabsiga lagu sii hayo ayada oo lala tiigsanayo qaanuunka degdegga ah ee amniga dowladda.

Kolka xiritaanka Anwar waa laga yaabaa in uu xukunka Anwar ka dhaqaajiyo, laakiin lagama yaabo in uu xukunka Mahathir ku adkeeyo.

Ardayda Soomaaliyeed ee Joogta Malaysia
Ardayda Soomaalida ah ee wax ka barata Malaysia Tiradooda runta ah la garanmaayo, waxayse kor u dhaafayaan dhowr boqol oo arday oo isugu jirta arday iskuul hoose dhigata ilaa kuwo PhD diyaarsha, ardaydaas waxba ka bi'i maayaan, maxaayeelay Malaysia ardaydaas wax ma siiso, wax taageero ah dowladda Malaysia ma siiso ardayda soomaalida ah ee dhulkaas ku dhaqan waxna ka barta, qaarka ay u ogolaadeen in ay jaamicadaha wax ka bartaan waa qaar ay ayagu maslaxo ku wataan waana dhowr arday oo fara ku tiris ah, sida kuwa jooga jaamicadda beeraha iyo jaamicadda teknoloojiyada.

Dhallinyarada joogta Jaamicadda Islaamka waxaa kharashkooda baxsha hay'adaha islaamka ee jaamicadda dibadda ka taageera, waxaana kharashkaas soo urursha ninka jaamicadda guddoomiyaha ka ah Dato' Dr Cabdilxamid Abu Sulayman oo ah nin sacuudi ah, hadda waxaan maqalnay in la xiray ama la xannibay, maxaa yeelay wuxuu ka mid ahaa asaxaabtii Dato' Anwar.

Kolka ardaydaasi waxay la mid yihiin ardayda Muslimka ah ee halkaas jooga.
Anigu garanmaayo wax Malaysia ku tarto soomaalida Malaysia joogta, wax kaalmo ah lama siiyo dadkaas, ama arday ha ahaadeen ama shaqaale ama qaxooti.

Qaarka aan ardayda, shaqaalaha iyo ganacsatada ahayn, fiisaha ay dalka ku joogaan waa fiise ku meelgaar ah, oo loo yaqaan "Special Pass". Kolka hubaal waxaa ah in aanay wax wayn soomaalida soo gaarayn, waxaan uga jeedaa dhibaato gaar ah oo ayaga si gaar ah u saamaysa ku imaan mayso, haddii ay dhib arkaan waa mid loo dhanyahay.

Jaamicadda Islaamka ee Caalamiga ah, sideeda ayay u furnaan doontaa oo u malayn maayo in la xirayo, maxaa yeelay jaamicaddu waa mu'asasad waxbarasho, siyaasaddana kuma xirna, ninkii madaxda ka ahaa Dato' Anwar markii la xiray, ardaydu waxay ka qaybgaleen dhaqdhaqaaqyadii lagu taageerayay Dato'ga, xaq bayna u leeyihiin, maxaa yeelay ninkaas baa jaamicaddu ku taagnayd.

Hadda waxay u egtahay in jaamicadda lagu wereejin doono wasaaradda waxbarashada oo ay ayadu hoggaanka u hayndoonto, ama nin kale madax looga dhigi doono, waxaan ka wadaa nin daacad u ah Mahathir iyo raggiisa, taasina waxay bedeli doontaa itijaaha diimeed iyo midka siyaasadeed ee jaamicadda, laakiin xagga tacliinta wax ka bedeli mayso.

Waxaa laga yaabaa in aanay taageero siin ardayda muslimka ah ee ka yimaada dowladaha islaamka, maxaa yeelay nimanka taageersan Mahathir, ma jecla muslimiinta, gaar ahaan, kuwa ka yimaada Africa iyo bariga dhexe, islaamkooduna waa islaam malay qowmiyadaysan.

Haddaba waxaan ardayda Soomaaliyeed iyo dhammaanba Soomaalida joogta Malaysia ku waaninayaa in aanay wax bannaanbaxyo siyaasadeed ah ka qaybqaadan, maxaa yeelay qofkii la qabto ee ajnabi ah waa la tarxiilayaa, taasina waxay keenaysaa in daraasadiisu joogsato, hadda waxaa la xiray dhowr dhallinyaro ah oo ajnabi ah oo ku jiray bannaan baxyada, qaar waa Pakistaan, Afgaan, Indoniisi iyo qaar kale, ilaa iyo hadda soomaali la xiray ma maqal.

Kolka dhallinyarada soomaaliyeed dantooda ha fiirsadeen yaanayna waqtigooda ku lumin wax aan ayaga u dan ahayn, ragga siyaasadda Malaysia ku hardamaya waa muwaadiniin, qofka ajnabiga ahi malaha xuquuq uu uga qayb qaato dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka uu joogo ka dhacaya.


Madaxwaynaha Iran
Maxamad Khatami

Xiriirka Iran iyo Amerika
Madaxwaynaha dalka Iran Maxamad Khatami ayaa wuxuu dowladda maraykanka ugu yeeray in ay fal ku dhaqaaqdo hadalkana iska daayaan haddii ay doonayaan in ay hagaajiyaan xiriirka ka dhexeeya labada dowlo.

Khataami wuxuu hadalkaas weriyayaasha u sheegay intii uu joogay magaalada New York ee uu ka qayb gelayay shirkii Umadaha Midoobay.


Maalintii Talaadada ee la soo dhaafay ayuu weriyayaasha kula kulmay hoteelkii uu degganaa, wuxuuna u sheegay in hadalka madaxwayne Clinton uu UN ka sheegay uu yahay hadal dabacsan kolka loo eego meeshii ay Amerika ka taagnayd Iran iyo Islamka, laakiin wali waxaa ka jira dalka maraykanka qawaaniin loo adeegsan karo si loo dhibaateeyo Iran.

Sidoo kale Amerika waxay Iran ku haysaa cunaqabatayn xagga dhaqaalaha ah, waxayna ka soo horjeedaa beecinta saliidda iyo gaaska Iran, waxaa kale ee ay diiddantahay in tubbo gaaska iyo saliidda qaadda oo ka timaada qaaradda Asia soona marta Iran loo soo gudbiyo dalalka yurub.

Khataami wuxuu sheegay in ay la gudboontahay dowladda Maraykanka in ay ku dhaqaaqdo fal wax ku ool ah haddii ay doonayso in ay hagaajiso xiriirka labada dowlo ka dhexeeya.

Maraykanku waa in uu ka xaalmarshaa
Suudaan Wersheddii uu ka gubay

NEW YORK (Reuters), Nin Qaalli horay uga ahaan jiray dalka Maraykanka oo la yiraahdo Ramsey Clark, ayaa wuxuu talaadadii la soo dhaafay yiri; dowladda Maraykanka waa in ay ka xaalmarisaa Suudaan wersheddii ay ka burburisay, maxaa yeelay wersheddaas oo ahayd wershhed daawooyinka lagu sameeyo, weerarka lagu qaaday wuxuu ahaa mid siyaasadeed.

Clark wuxuu warbixintaa weriyayaasha u sheegay ka dib markii uu ka soo laabtay Suudaan, halkaas oo uu hogaamiye u ahaa guddi ka socday ururka (International Action Center) ayaga oo doonayay in ay soo xaqeejiyaan arrintii wersheddii El-shifa ee daawada, taas oo ay ku weerartay Ameerika sawaariikhta cruise 20kii bishii Augost ee la soo dhaafay, ayada oo ku eedaysay in ay ahayd meel lagu sameeyo hubka, waxaana Maraykanku ugu marmarsiyooday wersheddaas, carro laga soo qaaday wershedda dibaddeeda, oo lagu arkay curiyaha loo yaqaan Empta, ee tilmaamaya in meeshaas uu ku jiro Gaska qatarta ah ee loo yaqaan VX.

Salmaan Rushdie, Ibliisnimadiisii ma Idlaatay?
Madaxwaynaha Iran Maxamad Khataami ayaa weriyayaasha u sheegay in Arrintii Salman Rusdie ay hadda noqotay arrin dhamaatay oo kale.
Laakiin wuxuu intaa ku deray in aanay wax iska bedeli doonin fatwadii uu soo saaray Imam Aayatullaahi Ruxullaahi Khumayni 1989kii.
Fatwadaas oo uu wadaadku ku xukumay Salmaan Rushdie in uu yahay nin murtad ah oo dilkiisu waajib yahay, taas oo keentay in Iran iyo dowladaha galbeedka xiriirkoodu xumaado.

Salmaan Rushdie wuxuu qoray buuggii uu ku magacaabay "The Satanic Verses" Aayadihii shaydaanka, buuggaas oo uu si layaab leh ugu xadgudbay diinta Islaamka iyo Nabiyaasha dhammaantood.

Laakiin warar kale ayaa waxay sheegayaan in dowladda Iran iyo Ingiriisku ka heshiiyeen arrinta Salmaan, oo ay isla meel dhigeen in Iran joojiso fatwadii uu Imam Khumayni ka soo saaray dilka Salman Rushdie.

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

Maamulka Foorara
(Bottom-up administration)

Beryahaan waxaa dhaqdhaqaaq siyaasi ah ka socday Geesta Afrika, haba igu weynaadeene isku dhaca labada jaal “partners” ee Itobiya iyo Eritrea iyo arinta ku saabsan qaddiyadda murugaysan ee Soomaliya.

Bulshada Caalimiga “International Comunities”, sida OAU (Ururka Midowga Africa) iyo Hey’adaha raacsan, UN (Qaruumada Midoobay) iyo Quwadaha Waaweyn ee Adduunka waxay hadda si gaar ah ugu hawlan yihiin dib u dhis xag maamul oo Soomaliya lagu hagi doono, kaas oo loogu magacdaray “Bottom-up administration”.

Fikradda waa in meelaha wax xoogaa nabad ah ay ka jirto in loo habeeyo maamul gudaha “local” ah inta Soomaliya oo dhan ay ka degayso, maxaa yeelay Bulshada Calamiga ah “samirka” waa uu ka dhamaaday. Arintaasi waxaa loo adeegsan doonaa inta suurtagal ah xoogagga dalka ku hardamaaya. Haddii ay fursaddaasi ay ka faa’ideysan waayaanna xoog ayaa lagu maquninaya.

Hawlgal fara badanna arintaasi waa laga bilaabay, ha noqoto xag diyaarin siyaasadeed iyo militariba iyada oo la adeegsan doono ciidamo loo tabaray hawlahaasi oo laga soo ururiyay dowladah Geesta Afrika, hase yeeshee ma cadda inay noqon doonaan ciidamo dowladahaas ka tirsan amase inay noqon doonaan kuwa “calooshood u shaqaystayaal” ay noqon doonaan. Haddaba waa lagama maarmaan in arintaasi in si taxaddar badan lagu maareyaa lagana tabaabusheystaa.

Waa in dib loogu noqdaa taariikhda oo diraasad lagu sameyaa ciidamadii Talyaniga iyo ingiriiska horay Dalalka Geesta Afrika ay ka soo waarideen “import” iyo waxyaabihii laga dhaxlay “impact”. Guud ahaan dhaqdhaqaaqyadaan cusub ee siyaasiga ah waxaa laga yaabaa arimaha soo xasilinta Qarannimada Soomaliyeed in ay dib u dhigaan amase xaaladda murugsan ee Dalka ay sii daba dheeraataa. Inta lagu mashquulo “proces”ka kala jar jarka hawiyyadda Soomaliyeed, layskaba illaawaa qadiyyadda isku tolka Ummadda.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax
Ph.D IN ENVIRONMENTAL LAW AND POLICY

FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

Fool xumo iyo waxshinimo tii ugu xumayd, ugu qaraarayd, ugu naxdinta badnayd, ugu calool xumada badnayd, ugu ciribta xumayd uguna cadaabka badnayd baa ka dhacay dalka mudadii ay dagaalladii wuxuushnimada ahaa ka socdeen.

Inkastooynanba ila ahayn wax habboon ka sheekaynteedu bal hadana aan wax yar oo kuwa ugu caadisan ah ka xuso waa intaasoo ay jiilalkeena dambe ku cibri qaataane, sababta oo ah waa inaanu aayad u noqonaa kuwa naga dambeeya kol haddaanu marin habawnay, siday inagaba aayad noogu ahaayeen kuwii naga sii horeeyey. Haddaba kuwani waa dhawr qiso oo gaagaaban kana mid ah kuwii ka caadiyoobay gudaha dalka:

Toddoba cisho ayuu dagaalku ka hurayaa magaala madaxdii, niman uusan aragoodu caadi ahayn oo marka la arko naxdin lala suuxi karo ayaa qabsaday laba gabdhood oo ay nimcadu ka dhalaalayso wejiyadooda, ahna qiyaastii kuwa aan ka soo bixi jirin gurigooda, markaasay weydiiyeen qoladooda. waxayse si bareer ah ugu sheegeen inay ka dhasheen laba qoloo ayba nimanku u ciil cunsnaayeen.

Inta faraxad jeegaanta lala noqday oo lagu yara kajamay ayaa lagu yiri; tan horta dhiigeedaa nuurayee ciidamada dhiig halooga miiro, waxuuna qolofkeedii ka mid noqday boqolaal kale oo inta la dhiig baxshay la tuuray.

Tii kalena waxaa lagu yiri; Naa iska la dhig, mise waaba Bikro, naa waa maxay waxani? xagee ka galaynaa? ayuu mid xanaaq fidh la ihi ku qayliyey, iyada oo baryootamaysa ayey tiri; Aboowe haddeer adigu furo, suu inta aad isu ciil kaambiyey oo sii naqsaday ku celceliyey; naa miyaadan sii diyaarin? oo maba ku tashanayn miyaa inay wiilashani imaanayaan? wuxuuna hadal ku soo gaban gabeeyey ka tag anaa furanayee.

Markaa ayuu inta qorigii Faalka ahaa ku abbaaray halkii la furi lahaa saddex xabadood isu raacshay kagana dhaqaaqay qalfoofkeedii halkaas. (qisadan waxaan ka dhegaystay mar aan la hayste u ahaa kuwii falkaan sameeyey, iyaga oo dhexdooda isku xifaalaynaya kuna ceebaynaya qaybtii dambiilahaasi ka dhashay, waxayna ku eedaynayeen in uu xabbad uga qasaarshay iyo in uu naagtii quruxda badnayd iska dilay halkuu iska haysan lahaa).

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 18AAD

WAXYAABIHII LAGA YIRI SHAFEECADA

Wuxuu Eebbe yiri:
[Adigu ma hanuunisid ciddaad jeceshahay laakiin Eebbaa hanuuniya cidduu doono asigaana og kuwa hanuunsan] Al-Qasas 56.

Xaddiiska saxiixa ahna waxaa Ibnu Musayib looga soo weriyay, in uu aabbihiis ka soo maqlay, in uu yiri: Kolkii Abuu Daalib Sakaraadka geeridu qabtay, ayaa Nabigu, naxariisi korkiisa ha ahaatee, u yimid, waxaana Abuu daalib markaa agtiisa joogay, Cabdullaahi Ibn Abii Umayah, iyo Abuu Jahal, markaas baa Nabigu Abuu Daalib ku yiri: Adeer "Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro" dheh, waa weer aan Eebbe agtiisa berri kuugu doodi karee. Kolkaas bay waxay ku dheheen "Abuu Daalibow, ma diintii Cabdul Mudalib baad ka tegaysaa!".

Kolkaas baa Nabigu mar labaad ku celshay hadalkiisii hore, markaas bay ayaguna hadalkoodii ku celsheen, kolkaas baa wixii ugu dambeeyay ee uu yiri waxay ahaayeen, in uu diintii Cabdul Mudalib haysto, uuna diiday in uu yiraahdo "Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro", Markaas baa Nabigu, naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: Waan kuu dambidhaaf waydiinayaa haddii aan la ii diidin. Markaas ayaa Eebbe soo dejiyay aayaddan:

[Kuma habbona Nabiga iyo kuwa rumeeyay inay u dambi dhaaf warsadaan mushrikiinta haba ahaadeen qaraabadoodee markay u caddaatay ka dib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin] At-tawbah 113.

Abuu Daalibna waxaa arrintiisa Eebbe ku soo dejiyay aayadda ah [Adigu ma hanuunisid ciddaad jeceshahay laakiin Eebbaa hanuuniya cidduu doono asigaana og kuwa hanuunsan].

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda [Adigu ma hanuunisid ciddaad jeceshahay laakiin Eebbaa hanuuniya cidduu doono asigaana og kuwa hanuunsan].

Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda [Kuma habbona Nabiga iyo kuwa rumeeyay inay u dambi dhaaf warsadaan mushrikiinta haba ahaadeen qaraabadoodee markay u caddaatay ka dib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin].

Tan 3aad: Oo ah arrin aad u wayn, waa tafsiirka "Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro" kaas oo ka soo horjeeda aragtida ay qabaan kuwa culumada is moodaya.

Tan 4aad: Waa in ay halkaa ka caddahay in Abuu Jahal iyo raggiisu ay fahmeen ujeeddada Nabiga kolkii uu Nabigu yiri: Dheh Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro, kolka doqonnimo Allaha ku rido, ninka Abuu Jahal uga aqoon badanyahay diinta asalakeeda Tan 5aad: Waa sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ugu dadaalay in uu adeerkiis soo Islaamiyo.

Tan 6aad: Waa in halkan laga ogaanayo in uu gafsanyahay qofkii ku dooda in Cabul Mudalib soo Islaamay intii uusan dhiman, dadkii Cabdul Mudalib ka horreeyayna sidoo kale.

Tan 7aad: Waa in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu adeerkiis Ilaahay u dambidhaaf waydiiyay, Ilaahayna uusan u dambidhaafin oo Nabiga loo diiday dambidhaafka uu adeerkiis Ilaahay u waydiiyay.

Tan 8aad: Waa in dadka reera dhibka ahi (sida Abuu Jahal iwm) ay dadka kale ee soo hanuuni lahaa dhibaato u gaystaan.

Tan 9aad: Waa dhibaatada ay leedahay awowyaalka iyo mudanayaasha oo waynayn gaar ah la siiyo.

Tan 10aad: Waa in Jaahiliyiintii hore ay xujo ka dhigteen, dhawrista iyo waynayntii diintii awowyaashii hore.

Halkaa waxaa ka cad in aadanaha falkiisa kan ugu dambeeya la xisaabinayo, maxaa yeelay, haddii Abuu daalib ashahaadan lahaa, taasi aad bay wax ugu tari lahayd, oo waxaa dhici kari lahayd in falalkiisii hore oo dhan loo dhaafo.

Tan 12aad: Waa in loo fiirsado sida qolyaha lunsani ay arrinta dhawrista diintii awowyaashii hore ugu madax adaygeen, maxaa yeelay, waxaa sheekadii Abuu Daalib, ee ina soo martay ka cad in aysan gaaladu nabiga kula murmin wax aan ahayn in aan laga tegin diintii Cabdul Mudalib, in kasta oo Nabigu Abuu Daalib dhowr jeer ka codsaday in uu ashahaato, kolka gaaladu sida ay arrintaa ugu kalsoonaayeen iyo sida ay u fahansanaayeen awgeed ayay ayada ku ekaysteen oo xujo kale oo ay ku murmaan ma doonin.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 15aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Waanna u fiirsaday wax aniga iyo libaax inoo dhexeeyay oo gaf ahna garanmaayo ha yaraado ama ha waynaado e', inkasta oo aan ogahay in ninkii nin in door ah la socda uusan ka dhowrsan karin arrintiisa wax waliba.

Sidoo kale kama dhowrsan karo in gaf yar ama mid wayn oo wadaygiis dhibsanayaahi ka dhaco, hase ahaatee ninka garaadka iyo ballanka lehi, haddii uu wadaygiis gaf ka dhaco, wuu eegaa oo ogaadaa inta gafkaasi la egyahay kas iyo kama' tii uu doono ha ahaado e'.

Kadibna wuxuu eegaa in gafdhaafkiisu yahay wax dhibkiisa iyo xumaatadiisa laga baqayo, wadaygiisna kuma qabsado wax uu dhaafiddooda jid u helayo, haddii libaaxu rumaysanyahay in aan gaf galay, anigu garanmaayo.

Waxaase jirtay in aan aragtidiisa qaar ka mid ah aanan ku raacin, anigana gardarro bay iga aheed asigana waano bay u ahayd, waxaana dhicikarta in uu taas u qaato in aan ku dhiiraday oo aan afdhaafay.

Taasna hadda gaf uma arko maxaayeelay waxba kuma afdhaafin, wax yar oo talo iyo wax dheef iyo diinta ah mooyee, waxaas oo dhanna ciidankiisa iyo wadayaalkiis korkooda kulama eryin ee waan la koodijiray, hoos ayaanna ugula hadli jiray hadal cabsi iyo hufnaan leh.

Waxaanna ogaaday in qofkii dhabaqa walaalihiis ka doona haddii uu talo u baahdo, haddii uu jiradana dhaqtarada u taga, haddii uu faahfaahin rabana faqiga u taga, in uu gafay waxdheefka garaadka oo uu hoogga uu ku dhacay sii dheeraystay oo uu godob qaaday.

Haddii aysan sidaa ahayn, waxay mudantahay in ay ahaato waalida boqoradu waashaan mararka qaarkood, maxaayeelay boqorada la socodkoodu waa halis, sikasta oo aad nabadgelyo iyo kalsooni iyo jacayl iyo wadasocod wanaagsan kula socoto.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA



GABAYGII JAWAABTA AHAA EE CALI CILMI (Afyare)
EE KU CAAN BAXAY "MASHIIQSI"
Waxaa soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad (Ciise Carab)

Gabaygan waxaa tiriyey Cali Cilmi “ Afyaree”(Allaha u naxariistee) isagoo ka jawaabaya gabaygii Khaliif Shiikh Maxamud ee Hurgumo. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 109 (Boqol iyo sagaal) tixod, waxaana loogu magacdaray “MASHIIQSI”.

(Qaybtii 1aad)

In dhoweydba “ Miinleyda” gabay, waanigaan marine

Waa taan ka maaliyey halkiyo, mooshinkii guba’e

Maantana haddaan lay mudmudin, uma muraadeene.

Mufti shiikha madal laysu yimi, culimo maageeran

Minhaajkiyo tuxfaha qiil haddii, laysu mariwaayo

Ma’wiga laga cabbiyo waa muqniga inan ku laabtaaye.

Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane

Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye

Maandhow ma fiicinde waxaan, magane kuu sheegay:

Maansooyinkaad tirisey iyo, gabayadaad miistay

Macnihiyo ujeeddada kolkaan, aad u kala miidhay

Hadduu adiga kula miiggan yahay, maaha kaan rabaye.

Murre iyo wuxuu ii dhadhamay, miro dhunkaaleede

Mullaax baan ka waayiyo waxaan, sii macaansado’e

Dhegeheygu goortey maqleen, waan mashiiqsadaye.

Geedkulba mankiyo ubaxa iyo, miro hadduu saaro

Oo uu magooleeyo indhuhu, milicsadaaniine

Hadduuse muruxsan yahay waa malluug, miiqan weligiise

Murtina laga ma helo faallo aan, loo maqaan deyine

Miisaan culeysliyo kolkuu, waayo marinkiisa

Milgo waxaan lahayn iyo sidii, meehanaw noqoye.

Maqaadiirta eebbahay haddaad, muran ka keeneyso

Oo aad moodday ruux kale inuu, maamulada haysto

Muslinnimada aad sheegatiyo, magucu waa beene!

Mar baad dunida miida iyo karuur, malab ka leeftaaye

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre

Buuggan waxaa qoraagu ku soo ururshay hal kun (1000) oo maahmaahyo. Kadib markii Dhallinyarada wargayska ku tixan qaarkood inaga soo codsadeen in aan ku soo darno wargayska bog maahmaahyada iyo murtida soomaaliyeed lagu soo qoro, ayaan waxaan jeclaystay in aan halkan aqristayaasha ugu soo gudbiyo wixii maahmaahyo ah ee aan buugaas ku aruurshay waqti haddda laga joogo 10 sano ka hor.


Qaybtii 3aad

21. Biyo meel godan bay isugu tagaan.

22. Ballan darro waa diin darro.

23. Bad nin tegay yaab, wax uu ku hadlana ma yaqaan.

24. Bartii yaqaan bari uma korodho.

25. Barashadu waa labo: kubartoo kuma daayo, iyo ku bartoo kuuma noqdo.

26. Baruuro sabool baa dhaadhaa leh.

27. Ballaysin bir ka adag.

28. Baruur baa baruur qurmisa.

29. Bil saddex ahi reerkaagana way kaa saartaa, reer islaameedna kuma gaarsiiso.

30. Bariyi xaq maleh haday barartana.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


* Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

** Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.