






Somali Electronic Journal
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afafka
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah
https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html
Taariikh:19-26.07.1998
[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]
|
TUSMADA WARGAYSKA |
|||
|
NO |
BOGGA |
MAQAALKA |
MAGACA QORAAGA |
|
1 |
BOGGA 1AAD |
ARARTA WARGAYSKA |
HERSI M. LABAGARRE |
|
2 |
BOGGA 2AAD |
WARARKA SOMALIDA |
Hersi M. LABAGARRE |
|
3 |
BOGGA 3AAD |
BOGGA QUBANAHA |
HERSI M. LABAGARRE |
|
4 |
BOGGA 4AAD |
BOGGA DOODDA |
QASIM & FOWZI HERSI |
|
5 |
BOGGA 5AAD |
DIINTA ISLAAMKA |
SH.M. ABDIWAHHAB |
|
6 |
BOGGA 6AAD |
BOGGA DEEGAANKA |
QAASIM HERSI FAARAH |
|
7 |
BOGGA 7AAD |
BOGGA DHALLINYARADA |
A/LAHI BIN MUQAFA |
|
8 |
BOGGA 8AAD |
HIDAHA, DHAQANKA,.. |
HERSI M. LABAGARRE |
|
9 |
BOGGA 9AAD |
IIDHEH IYO OGAYSIIS |
HERSI M. LABAGARRE |
BOGGA 1AAD
| Hersi M. Labagarre |
|
Nimanyahaw nin aan go'in, Oon iilka gelin oo. Goluhuu lahaa iyo, Gurigiisi hore iyo.Gogoshiisi hooyana, Gumac lagu asqeeyoo. Goballada adduunyada, Hadba kuu u guuraba. Naga gudub la leeyahay, Gacalkiinna waayee. Gallad ma u malayseen. Guran caanaheedii, Oo gaban yar loo lisay.Oo uu gambiyay oo, Gab ka soo istaagana. Gacalkiinna waayee, Gallad ma u malayseen. Geeskii Ifriiqiya, Oo gubata qaaddoo. Gabbalkii u dhacayoo, Reerihii ka guureen.Gacalkiinna waayee, Gallad ma u malayseen. Ragga kii gumoobaa, Go'aan malaha waligii. Loomana gargaaree, Inaad taa u gurataan. Gacalkiinna waayee, Gallad ma u malayseen. Calankii guddoonaa, Ee gelin horiyo waaberi. Goobiddiisa awgeed, Guuruhu na dilayana. Laba inaad u goysaan, gacalkiinna waayee. Gallad ma u malayseen. Gabdhaheennii wacnaa iyo, Gabannadii dalkeenana. Gamba ayaga oon sidan, Inay gaala aadaan. Oo dhaqan gaddoomaan, Gacalkiinna waayee. Gallad ma u malayseen. Halka dunidu gaartiyo, Sida loo gurmanayiyo. Gaddan aannu joogniyo, Garaadxumada teennaa. Siday noo gudraayaan, Annuna aanan garanayn.Waa gari gar dhaaftaye, Sidan aad ku goyseen, Gacalkiinna waayee. Gallad ma u malayseen. Ubadkii la gubay iyo, Galawgii ciyaayiyo Odayadii la gowracay, Hablihii gamboonaa. Gacaalkiinna waayee, Gallad ma u malayseen. Garmaqaate shaydaan, Eebbuhuba gooyee. Oo cadaabta geliyee, Ninki goob la joogsaday. Halka uu uguranayo, Gacalkiinna waayee, Gallad ma u malyseen. In ninba geed istaagoo, Adaa guma anaa goba. Gartu naga istaagtoo, Ninba geeska fiiqaa. Gafuurkana la taagaa, Garaad toosan maahee. Gacalkiinna waayee, Sidan aad ku goyseen, Gallad ma u malayseen. Toban gu' iyo dheeraad, Rag baan goofti teginoo. Dibaddaa gamboonoo, Aan soo gaddoomine. Ayadoon loo garaabayn, Inay goballadaa kale. Hadba meel u gooshaan, Gacalkiinna waayee. Gallad ma u malayseen. |

BOGGA 2AAD:

Shilin Soomaaligii oo cirka isku shareeray! Waxaa wakaaladaha wararku sheegeen 14kii bishan july in shilinka soomaalida sicirkiisu kor u kacay talaadadii la soo dhaafay ka dib markii uu gaaray 7,500 halkii doolaar, shilinka sicirkiisu wixii intaa ka horreeyay wuxuu ahaa 8,400 halkii doollaar, kolka halkaa waxaa ka cad in shilinku soo hooyay faaiido dhan 900 oo shilin, hal doollaar oo kasta wuxuu qasaaray 900 oo shilin, in ka yar 48 casho gudohood. Waxaa warku sheegay, in kicitaankaas uu shilinku kacay ay ahayd tii ugu xoogga badnayd uguna dhaqsiyaha badneed ee qiimihiisu gaareen kolkii loo eego dhammaan lacagaha adag ee lagu adeegsado Soomaaliya, sida doollarka, Riyaalka Sacuudiga, Dirhamka iwm.
Dadka indhaindheeya dhaqaalaha, wax sabab ah oo caqli gal ah uma helin, kicitaanka qiimaha shilinka, waxayse mala awaaleen, in loo malaynayo in lacag badan oo doolaar ah dibadda uga soo burqatay dalka, waxayna taas u daleeshadeen, sugnaashaha sicirka badeecada dalka, taas ujeeddadeedu waa, in haddii xoogaysiga shilinku uu ahaan la ahaa mid dhab ah, waxaa hoos u dhici lahaa qiimaha badeecada ama sicirka badeecada, taas oo sida la wada ogyahay, doolaar ku timaada, kolse haddii uu qiimihii iyo sicirkii sugan yahay, taas waxaa loo fahmi karaa in doollaarku asigu is jebshay ee aanay arrintu ahayn shilin xoogaystay. Waxaa warku intaa ku deray, in kicitaanka qiimaha shilinku billawday, kadib markii ay ka soo laabteen hoggaamiyayaasha jabhadaha ee kala ah Caydiid iyo Cali Mahdi iyo Ismaan Caato iyo Qanyare oo liibiya ka soo laabtay, waxaa warar aan la hubin sheegayaan in qaraabadii dadkaas ay doollaar badan ku harqiyeen suuqyada magaalada Muqdissho. Wararku waxaa kale ee ay sheegayaan in arinta kicitaanka qiimaha shilinku lug ku leedahay, war jaraaid oo ay fidsheen, madaxda jabhadaha dagaalka, oo sheegaya in dowladda Liibiya ugu deeqday jabhadahaas lacag gaaraysa 250,000 oo doollaar si ay u uga abaabulaan maamul dowladeed magaalada muqdisho. Hoggaamiyayaasha Dagaalka Soomaaliya oo heshiis saxiixay Waxaa wararku sheegeen in hogaamiyayaasha kala ah Cali mahdi, Ina caydiid, Cismaan caato iyo Qanyare, ay heshiis ku saxiixeen martiqaad uu u fidshay safiirka Liibiya u qaabilsan Soomaaliya Al-Sayid Ma'tuq.
DOWLADDA LIIBIYA OO MARTIQAAD U FIDISAY QAAR KA
TIRSAN KOOXAHA SOOMAALIDA
(SP) Dowladda Liibiya ayaa martiqaad u fiday qaar ka
tirsan kooxaha Soomaalida hoggaamiyeyaashooda sida Maxamed
Ibraahim Cigaal, Cali Mahdi, Xuseen Ceydiid iyo kuwo kale, iyadoo
ku marti qaaday inay ka qeyb galaan munaasabadda Dhalasha
(Mowliidka) Nabigeena (N.N.K.H) oo lagu qaban doona buurta
Cagaaran ee dalka Liibiya.
Martiqaadkan oo uu qeybinayay ergey ka socday Madaxweyne
Mucammar Al-Qaddaafi, hoggaamiyaha Liibiya, ayaa la sheegay in
kooxihii lagu martiqaaday ay aqbaleen.
Weli lama shaacin in marti qaadkani leeyahay weji kale oo ah in
kooxuhu ay ku shiri doonaan halkaas. Hase yeeshee Mactuuq
Al-Subeydi, xoghayaha xafiiska Liibiya ee Soomaaliya, ayaa
sheegay inaysan jirin wax diidaya in kooxuhu ku shiraan Liibiya,
munaasabaddan kadib, haddii loo baahdo.
Madaxada Ururrada SNM, USF iyo SDA oo Dhaleeceeyay Cigaal iyo Itoobiya
(SP) Guddoomiyeyaasha Ururrada SNM, SDA iyo USF
ayaa bartamihii bishii June qaraal ay si wadajir ah uga soo
saareen Muqdisho ku eedeeyay Maxamed Ibraahim Cigaal ,
madaxweynaha Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, in uu heshiis
kula galay dowladda Itoobiya inay isticmaalaan dekedda Berbera ,
isagoo taasi uga beddeshay hub iyo saanad, waa sida ay hadalka
u dhigeene.
Waxay qoraal kooda ku xussen in booqasho dhowaan uu Cigaal ku
tagey dalka Itoobiya in la soo siiyay 3000 oo qori oo isugu jira
AK47, BKM, rasaas oo ay xadgudub ku tahay qaraarkii qaramada
Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee
hubka looga mamnuucayay Soomaaliya.
Waxay ku eedeeyeen Itoobiya inay farogelin ku hayso arrimaha
Soomaaliya, oo ay hub isugu dhiibayso, isla markaana meelaha ay
farogelisay ay ka mid hihiin gobollada Gedo, Bay iyo Bakool,
haatanna ay ku talo jirto in ciidamo 500-1000 u dhaxeeya ay
dhigto dekedda Berbera iyo inta u dhaxeysa magaalada Jigjiga, si
ay u ilaaliyaan gawaarida alaabta u wadda ee ka imaneysa
dekedda Berbera.
Waxay ugu baaqeen dowladda Itoobiya inay faraha kala baxdo
arrimaha Soomaaliya oo ay dhexdhexaad ka noqoto.
Hashiis ay Gaareen Ururrada al-itixaad iyo SNF
Heshiis Dhexmaray SNF iyo Al-Itixaad
(SP) Ururrada SNF iyo Al-Itixaad ayaa bartamihii bishii
June heshiis nabadeed qalinka ku duugay, ka dib markii uu
maalmahan shir nabadeed uga socday tuulada Ceelcadde oo ka
tirsan gobolka Gedo, heshiiskaas oo soo afmeeraya colaad
sannado socotay oo u dhaxaysay labadaasi dhinac.
Kooxuhu waxay ku heshiiyeen in la iska iloobo wixii dhacay, si
nabad ahna loo wada noolaado, iyo in muddo kadib laysku soo
laabto si loo dhameystiro heshiiska iyo nabadeynta dhinacyada.
Waxaa shirka heshiiska lagu gaaray goddoominayay Ugaas Cumar
Ugaas Xirsi oo isagu dhexdhexaadinayey gulufka u dhexeeyey
labada dhinac. Dhinaca Al-Itixaad waxaa heshiiska u saxiixay
Sheekh Maxamuud Macallin Nuur, halka dhinaca SNF uu u saxiixay
Dr. Cali Nuur oo labadooduba ku xigeenno ka kala ah ururradooda.
Maleeshiyooyinka kala taageerayay labada dhinac ayaa ka qeyb
galay xafladdii Saxiixa heshiiska, waxayna isku qaabileen weji
farxad leh, iyadoo madaxdii heshiiska saxiixday oo aan
fooneeyaha kula xiriirnay waxay inoo sheegeen in wixii haatan ka
dambeeya ay dhamaatay coladdii ka taagneyd gobolka oo halis
gelisay nolosha dadka.
DAGAALLO KA DHACAY B/WEYNE
(SP) Dagaallo ayaa dabayaaqadii bishii Juun ku
dhexmaray labo beelood magaalada Beledweyne, kuwaas oo ka
tirasan beelaha dega dhinaca gelbeed ee wabiga mara
magaaladaasi.
Weriyaha S.P oo khadka isgaarsiinta gudaha kula xiriiray qaar ka
tirsan dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in tirada ku dhimatay
dagaalladani ay gaareyso 25 qof, halka dhaawacana uu intaasi ka
badan yahay.
Dagaalladan oo ka bilowday is ugaarsi iyo xoolo la kala dhacay,
muddana ka socday meelo ka baxsan magaalada ayaa
waxyeelladiisa ugu badan ay ka dhacday gudaha magaalada,
iyadoo ay jireen kuwo kale oo ka dhacay meelo ka baxsan
magaalada.
Haatan waxaa socda dadaal nabad looga aslaaxinayo beelihii
diriray, kaasoo ay wadaan beelaha kale ee deegaanka wax ka
deggan.
WAAN WAAN U SOCOTA KOOXAHA ISAGA SOO HORJEEDA
BAAY & BAKOOL
(SP) Dabayaaqadii bishii Juun waxaa magaalada
Muqdisho ka socday dadaal lagu nabadeynayay dhinacyada Digil
iyo Mirifle iyo kooxda Xuseen Ceydiid oo sanooyinkanba isaga soo
horjeeday gobollada Bay iyo Bakool oo ay Digil iyo Mirifle degaan u
ah.
Ergeda ku jirta wada xaajoodka oo labada dhinac kala matalaya,
Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Zoppe) iyo Maxamed Faarax
Jumcaale, ayaa waxay isla garteen inay war saxaafadeed soo
saaraan ka hor intaanay u ambabixin gobolladaasi guddi isku dhaf
ah oo ka kooban 12 qofood , kana socda labada dhinac.
Dhinaca kale bishii aan soo dhaafanay waxaa jiray iska
horimaadyo u dhaxeeyay maleeshiyooyinka Xuseen Caydiid iyo
kuwa R.R.A(Reeweyn Risitant Armay) , iyadoo Xuseen Caydiidna
haatan uu ku sugan yahay deegaankaas.
SHIRKA GAROOWE OO MUDDADIISII DHAAFAY
(SP) shirkii ka socday xarunta gobolka Nugaal ee
Garoowe ee lagu soo dhisayay maamulka gobolladaasi oo loogu
magacdaray Puntland ayaa dhaafay muddadii loogu tala galay ,
iyadoo aan si weyn loo guda gelin ajandayaashii shirkaas loogu
talo galay in lagu faaqido.
Qaar ka tirsan guddiga qabanqaabada oo u warramay saxaafadda
ayaa sheegay in sobabaha ilaa iyo haatan uu la jiitamayo shirka
inay tahay khilaaf dhinaca ergooyinka ah oo muddaba soo jiray
iyadoo taasi darteed ay shirka kaga baxeen ergadii ka socotay
gobolka Sanaag.
Dad ku dhowdhow shirka oo u warramay Somali Press ayaa
sheegay in waxyaabaha lagu jeexjeexayo shirka ay ka mid yihiin
cidda qabaneysa hoggaanka sare ee Maamulka la dhisayo,
meesha noqonaysa caasimadda dowlad-goboleedka, sida loo
qeybsanayo awoodda dowladda iyo qodobo kale oo aan la daah
furin.
LABO NIN OO FARANSIIS AH OO LAGU AFDUUBTAY XEEBTA
CALUULA
(SP) Labo nin oo dhalashadoodu tahay Faransiis ayaa
2-dii bishii Juun lagu afduubay xeebta Caluula, iyagoo sida lasoo
weriyay watay doon ay halkaasi dalxiis ahaan ugu marayeen,
waxaana soo afduubtay koox dabley ah oo watay mid ka mid ah
doomaha dheereeya.
Maalmo kadib ayaa dableydii wax afduubatay ay la aadeen dadkii
ay haysteen dhinaca deegaanka Qandala oo iyaduna ka tirsan
Gobolka Waqooyi-bari.
Xiriiriyaha howlaha samafalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,
Mr. Dominik Langerbacher, ayaa qoraal fakis ah oo uu u diray
guddoomiyaha ururka SSDF, Jen. Maxamed Abshir, kaga codsaday
in la sii daayo la haystayaashaas faransiiska ah, isagoo sheegay
in taasi sumcad-xumo u tahay maamulka Puntland ee lagu wado
in gobolladaasi laga dhiso.
Jen. Maxamed Abshir oo ka hadlayay arrinta la haystayaashaas
ayaa sheegay in nimanka wax afduubay ay weydiisteen in marka
hore ay keenaan labada nin, taasoo uu sheegay haddii aanay
sidaa yeelin inaan la bixin doonin shilin qura oo baad ah.Waxaad
mooddaa in ragga wax afduubay ay codsadeen in lagac baad ah
la siiyo.
MAXAA KA NOOL SODERE & SALBALLAAR
(SP) Waxaan jira warar muddooyinkan danbe laysla
dhexmarayay Soomaaliya oo sheegayay in kooxihii ka kala
tirsanaan jiray golaha NSC iyo dowladdii Xussen Ceydiid ay
wadaan kulanno ay ku doonayaan inay dib ugu soo nooleeyaan
isbahaysiyadoodii.
Qaar ka tirsan guddiga sare ee NSC ayaa bishi June kulano ku
yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo sida la sheegay ka wada
hadlay sidii ay boorka isaga jafi lahaayeen.
Dhinaca kale, Xuseen Caydiid ayaa 15-kii June ka jeediyay
idaacadda taageerta khudbad ku aadaneyd sannadguuradii
seddexaad ee dowladii uu Ceydiid dhisay, taasoo Xuseen Ceydiid
uu kaga warramay inay wax weyn soo qabteen muddadii ay
dowladdiisu dhisneyd, wuxuuna sheegay in dowladdoodu sii jiri
doonto. Sidoo kale waxaa jiray xilal wasiirnimo oo laga baahiyay
isla idaacaddan, taasoo la joojiyay markii Xussen Ceydiid uu ka
tanaasulay sheegashadii dowladnimo bartamihii bishii Maarso ee
sanadkan.
Waxaa jirtay in qaar ka tirsan kooxahaas ay si hoose xiriirkoodii u
dhisan yahay, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inay soo
celiyaan magacyadii loogu yeeri jiray, taasoo qeyb ka aheyd
hashiiskii Qaahira in laga tago magacyadaa.
KHILAAFKA URURKA USC/SSA: MID LA SOO AFMEERAY
MISE…?
(SP) Imaam Maxamuud Imaam Cumar, imaamka beelaha
Hiraab, ayaa 19kii bishii hore si rasmi ah uga soo saaray go'aanno
lagu soo afjarayo khilaafkii u dhaxeeyay guddoomiyaha Ururka
USC/SSA, Cali Mahdi Maxamed iyo qaar ka tirsan ku xigeenadiisa.
Kulan weyn oo lagu qabtay Hotel Kaah oo ay ka qeybgaleen
culumaa'uddiin, odayaal dhaqameed, aqoonyahanno iyo haween
ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Imaam Maxamuud oo ka hadlay
howlihii dib u heshiisiinta ee ay wadeen, isagoo sheegay inay
qaadatay muddo 40 maalmood ah gaarista qodobbada heshiiska.
Go'aannada heshiiskaasi oo halkaasi laga akhriyay ayaa waxay
kala ahaayeen sidan:
1. In muddaba xilka golaha dhexe ee ururku USC/SSA lagu
kordhiyay muddo hal sano ah oo ka bilaabanaysa 19/6/98.
2. In guddoomiyaha ururka iyo ku xigeennadiisa ay wadajir u
go'aamiyaan arrimaha ururka, iyo in la howl geliyo dhammaan
xubnaha ururka.
3. In si degdeg ah loo howlgeliyo maxkamadihii Islaamiga ahaa si
loo sugo ammaanka iyo xasiloonida.
Dhinaca kale Muuse Suudi Yalaxow oo 23-kii June war
saxaafadeed soo saaray ayaa ku gacan seyray go'aannaddii
Imaamka, isagoo sheegay inaan waxba lagala tashan kordhinta
muddada ururka oo uu sheegay inay khilaafsan tahay dastuurka
ururka.
Sidoo kale, Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa warqad ashtaka ah u
gudbiyay wafdigii talyaaniga ee Muqdisho booqanayay isagoo uga
digay inay Cali Mahdi u aqoonsadaan hogaamiye la xaajoon kara,
taasina waxay muujineysaa inuusan weli khilaafkii dhamaanin.
ROOBAB KHASAARE KA GEYSTAY SOOMALIYA
(SP) Roobab bartamihii Juun ka da'ay meelo ka tirsan
Soomaliya ayaa geystay khasaare mood iyo moolba leh.
Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu ba'an waxaa ku
geeriyooday dad kor u dhaafay 25 qof oo isugu jira kuwa ay ku
soo dumeen dhismayaashii ay ku jireen, qaar ay harqiyeen xowliga
biyaha iyo kuwo u adkeysan waayay roobabkaas oo si xiriir ah u
da'aayay 13 saacadood.
Roobabkaan waxay kaloo Muqdisho u geysteen khasaarooyin kale
sida iyagoo bannaanka u soo saaray qaar ka tirsan xabaalaha
Muqdisho, iyagoo maalintaasi gebi ahaanba gooyay adeegyadii
ganacsi iyo kuwii gaadiid ee gudaha Muqdisho iyo weliba meel
laha ku dhow dhow.
Sidoo kale roobabkan waxay waxyeello ka gaysteen
magaalooyinka Marka iyo Kismaayo, iyogoo baabi'iyay guryo
badan oo ku yiilay magaalada Marka halka ay wax uga geysteen
qaar ka tirsan xeryaha qoxootiga Kismaayo.
MARKABKII DALKA TAIWAAN OO LA SII DAAYAY
(SP) Markabkii laga lahaa dalka Taiwan ee 11kii
Janaayo ee sanadkan lagu qabtay isagoo ka kalluumaysanayo
xeebta Garacad ee gobolka Mudug ayaa dhamaadkii Juun la sii
daayay ka dib markii shirkadii lahayd ay bixisay lacag dhan $
320,000 (seddex boqol & labaatan kun oo Doolar)
Markabkan oo ay saarnaayeen 28 shaqaale ah 22 oo u dhashay
Shiinaha iyo 6 reer Taiwan ah ayaa laga cafiyay lacagtii kale ee
lagu ganaaxay bishii February ee tagtay. Tillaabadan oo loo arko
inay yareyn karto maraakiibta sharcidarrada uga kalluumeysta
xeebaha Soomaaliya.
WAFDI TALYAANI AH OO BOOQDAY MUQDISHO
(SP) Fawdi ka socday dalka Talyaaniga oo ka koobnaa
3 xubnood ayaa dabayaaqadii June booqday magaalada muqdisho,
iyagoo intii ay joogeen ula kulmay si kala gooni ah kooxaha
Muqdisho.
Waftigan oo uu hoggaaminayay jenaraal lagu magacaabo Jen.
Luke ayaa la sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ay aheyd sidii
ay ugu kuurgali lahaayeen howlaha maalul u sameynta gobolka
Banaadir iyo heshiiskii Qaahira , si ay warbixin ugu gudbiyaan
dowladdooda.
HAWEENEY SOOMAALIYEED OO DAB QABADSIISAY CANUG 8
BILOOD JIRA OO AY DHASHAY
(SP) Haweeney magaceeda lagu sheegay Layla ayaa
18-kii bishii Juun dab qabadsiisay guri ay daganeyd oo ku yiillay
xaaffada Howlwadaag ee Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ku jirtay
gabar yar oo ay dhashay oo seddeed bilood jir aheyd.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in falkaas uu ka dashay ka dib
markii ay dagaallameen haweeneyda iyo mid kale oo lala qabay
arrimo maseyr aawadood , ka dibna ninkii uu iyada cannaantay .
Guriga oo ka koobnaa 6 qol ayaa dhammaantiiba wada gubtay ,
iyadoo haweeneydii lala qabay oo guriga dhinac ka daganeyd iyo carruurteediiba ay ka badbaadeen dabkaas, hase yeeshee
waxaa halkaasi ku bas beelay gabadhii yareyd iyo dhammaan alaabtii guriga ku jirtay , iyadoo deriskuna oo soo gurmaday ay
hakiyeen mashaqadii oo dabkii ay damiyeen.

Yahuuddaa oo hubaysay Itobiya, si ay uga caawiso dagaalka ay kula jirto Eritereya
Wakaladda wararka ee loo yaqaan Qudus press, ayaa waxay shaaca ka qaadday in ay dowlladda yahuuddu, dadaal xoog leh ugu jirto, sidii ay hub uga gedi lahayd dowllada Itobiya ee dagaalka ba'an kula jirta dalkaasi Eritereya.Waxaa kale ee warku sheegay, in sharikad la yiraahdo "Al-Bait" oo ka mid ah sharikadaha sameeya diyaaradaha ee shuraakadeeda inta badan leedahay dowladda Israa'iil, ay heshiis sir ah la yeelatay dowladda Itobiya, heshiiskaas waxaa qiimihiisu gaarayaa 30 malyuun oo doollaar, oo ay sharikaddaasi ugu cusboonaysiin doonto toban diyaaradood oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan Mig 21, ee ay leedahay dowladda itobiya.
Waxaa kale oo heshiiskaasi dhigayaa in ay sharikaddaasi soo rarto toban diyaaradood oo Mig 21 ah oo hadda lagu dayactirayo dalka Romaniya, oo ay gayso Itobiya iyo cusboonaysiinta tobanka kale ee la soo sheegay.
Waxaa kale ee wararku intaa ku dareen, in wasaaradda difaaca ee dalkaasi Israa'iil ogolaatay heshiiskaas, codsiguna markiisii hore ka yimid xagga dowladda itobiya, waxaana la leeyahay, Israa'iil waxay doonaysaa in ay Itoobiya ahaato dowlad xoog leh oo afrikaan ah, oo hor istaagta dalkaasi suudaan oo waqtiga la joogo ka talshaan wadaaddo asalraac ah.
Eritereya oo xaraashtay xoolihii Itoobiya u yiil dekedda Casab
Jabuuti, waxaa wakaaladda AFP sheegtay, in uu yiri Safiirka Itobiya u jooga jabuuti in Eritereya ay xaraashtay oo la wereegtay dhammaan wixii hanti dowladda Itoobiya u yiil dekedda Casab.
Wuxuu safiirku intaa ku deray in Eritereya la wereegtay in gaaraysa 80 tan oo ahayd cunto kaalmo ahayd oo Itoobiya lahayd oo ahayd qamadi iyo 25 tan oo ahayd badeeco kala duwan iyo afar kun oo baabuur, sidoo kale waxay Eritereya soo cayrisay dadkii reer Itoobiya ee deganaa dhulkooda iyo kuwii ka shaqaynayay. Wuxuu na safiirku dadkaas ku tilmaamay in ay xaaladdoodu ba'an tahay.
Muslimiinta joogta dalkaasi Jarmalka oo eedeeyay go'aan dowladdaas ka soo baxay oo ku saabsanaa, gabar macalimad ah oo shaqo loo diiday.
Golaha muslimiinta ku nool dalkaasi jarmalka ayaa waxay eedeeyeen go'aan dhawaan ka soo baxay maamulka gobal ka badan ee ka tirsan dalkaasi jarmalka, ee ku lug lahaa shaqaalaynta gabar macalimad ahayd oo muslim ahayd, oo loo diiday shaqadii.
Waxaa Ururkaasi muslimiintu leeyihiin ku eedeeyay go'aankaas dowladdu gaartay ee shaqada looggu diiday gabadhaas muslimadda ah, in uu yahay diin takoor dadka lagu kala soocayo.
Dowladda jarmalkuna waxay ku andacootay, in gabadhaas oo asalkeedu ahaa muslimiintii ka soo haajirtay afqanistan, oo laba sano wax ka baratay machad macalimiinta lagu tababaro, loogu diiday shaqada, xijaabka ay huwantahay awgiis, maxaa wacay, xijaabku waa dhar diimeed, macallinkuna waa astaan ardaydu ku dayanayso, waxaana loo baahan yahay in uu metelo dowladda iyo siyaasaddeeda iyo fikirkeeda, sidaa darteed, sida wasiirka waxbarashada ee Jarmalku sheegay, xijaabku waa dhar diimeed, lamana socon karyo, madhabta wadanoolaanshaha ee jarmalku aaminsanyahay.



(To be continue next week.)

Qasim Xirsi Faarax
MAXAA NALOO CADAABAYAA?
Waxaan hadal iyo qoraal toona ku soo koobi karno maahan inta aan dambi galnay, inta aan danbiyo gacanteenna ku kasabanay, waxaan galabsanay waxaan la arag oo la maqal, dhabtii way ku yartahay soo maritaanka taariikhda Aadanaha mid lagu matali karo middii nagu dhacday iyo middii aan kasbanay labaduba.
CIBAADO QALLOOCINTA. Inkastoo dadkeenu yahay dad aan marnaba ogolayn in xuntooda la sheego, oo loo maleeyo in ay aaminsan yihiin inay iyagu yihiin Shariifyo aynan marnaba xumaani ka dhici karin, sidaa darteed ay ceeb culus u arkaan in lagu sheego xumaanihii horay u dhacay oo ay ka dhigayaan marka xumahoodu caddaado in aysan iyagu wax lug ahba ku lahayn.
Waxaad arkaysaa in qofkeen marka uu akhrinayo ama ku tadaburayo oo uu dhab ahaan ugu fiirsanayo qaar ka mid ah Aayadaha cibra qaadashada ee Qur'aaniga ah uu ku salaynayo fikirkiisa iyo fiiradiisaba dadyowgii hore iyo kuwa ay Aayaddu markaas xusayso magacooda, isaga oo aan marnaba meesha soo dhiganayn naftiisa iyo cimilada uu ku nool yahay waqtigaas la joogo. Taasina ay markaa gaarsiiso in uu isu arko mid isagu ka weyn kana dahiran xumaanahaas la sheegayo, haddana ogeysiis ahaan loogu soo gudbinayo isaga wixii dhacay. Hadana saas oo ay tahay bal aan ku sheegno walxaha qaarkood kuwooda ugu caansan oo waxaaba ka mid ah; qodobka aan cinwaansanay ee ah in cibaadada Eebbe cid kale loo wareejiyo ama lala wadaajiyo si kas ah iyo si kama' ah intaba, isla goortaasna lagu doodo mu'minimo iyo mukhlisnimo. Dhab ahaantii Soomaaliya weligeedba waxay ahayd xarunta shirkiga iyo Ilaahyada been abuurka ah, sida ay duniduba u badan tahay ilaa laga gaaray xad lagu faaniyo Dhulkii Ilaahyada, Dhulkii udugga ama bukhuurka iyo kuwa la mid ah oo loogu baxshay ku caan bixidda Sanamya yarowyada iyo waxyaalo ka mid ah qalabka loo adeegsado ku cibaadaysigooda, sida; Fooxa, Bukhuurka, iyo khilaawaynta. Inkastoose ay taasi gaban gabo gashay oo ay Diinta Islaamku caad saartay, hadana weli waxaa caado ahayd in la isku qadariyo oo lagu tartamo sida loogu kala horeeyo leexinta cibaadada Eebbe loo leexinayo xag; qabuuro, awliyo beenaad, dad saalixiin ahaa, iyo qabiil hebel. si kastaba taasi ha ku timaaddee waxay ka dhacaysay waayadii dambe dadkeenna intiisa badan. Si aan u sii faah-faahinno waxaa ila quman in aan tusaale u soo qabsado wixii ka jiray goobtaan ka war hayo ee aan ku soo koray Muqdisho ee cibaado marin habaabin ahaa; siiba keliya xeebta gaaban ee ku dhirirsan Degmada Marka ilaa Degmada Kaaraan. (Waa Socotaa...)F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

SHIRKIGU WAA MAXAY?
Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.
CASHARKA 9AAD
QOFKII GEED IYO DHAGAX IWM BARAKO KA DOONA
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: [Ka warrama (sanamyada) Laata iyo Cusa. Iyo Manaatadii saddexaad ee kale]An-Najam 19-20.
Waxaana Abii Waaqid Al-Layti laga soo weriyay in uu yiri:"Waxaan Xunayn ula duulnay Nabigii Ilaahay naxariisi korkiisa ha ahaatee, annaga oo mar aan sidaa u fogayn soo islaamnay, gaaladuna waxay lahaayeen geed ay agtiisa fariistaan oo ay seefahooda surtaan (ayaga oo ku barakaysanaya si ay dagaalka ugu guulaystaan) geedkaas oo loo yiqiin "Geedkii la megengeli jiray", kol-kaas baan sii marnay geedkii, markaas baan waxaan dhahnay: Nabigii Eebbow, geedkaas oo kale ah oo lagu barakaysto maad inoo yeeshid, gaaladuba geed bay leeyihiine?!. Kolkaas baa nabigii Eebbe Naxariisi korkiisa ha ahaatee, yiri: Eebbow adaa wayn, tanoo kale hore bay u dhacday, Ilaahii Naftayda hayay baan ku dhaartaye, waxaad dhahdeen sidii Yahuuddu Nabi Muuse ku tiri: [Nooyeel Ilaah siday iyaba ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku yiri idinku waxaad tihiin qoon jaahiliina] Al-Acraaf 138. Waxaadna raaci doontaan raadkii umadihii idinka horreeyay"{Tarmadi}. MAS'ALOOYINKA CASHARKA Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda ku jirta Suuradda An-Najm. Tan 2aad: In laga baranayo ujeeddada arrinta asaxaabta Nabiga la duushay ay Nabiga ka dalbeen. Tan 3aad: Waxaa kale oo xaddiiska laga ogaanayaa in asaxaabtu aysan geed ay ku barakaystaan samaysan. Tan 4aad: Waa in asaxaabtu dooneen in ay Ilaahay geedkaa barakadiisa ugu dhawaadaan, ayaga oo u malaynaya in Ilaah geedkaa jecelyahay. Tan 5aad: In haddiiba ay arrintaasi asaxaabtii ka qarsoontay ay aad u dhici karto in ay dadka kalena ka qarsoonto. Tan 6aad: In asaxaabta Nabigu ay dadka kale ka ajir iyo dambidhaaf badanyihiin. Tan 7aad: Waa in Nabigu, asaxaabtu hafyadaas ay ku dhaceen uusan ugu cudurdaarin ee uu si adag ugu jawaabay asiga oo dhahay "Eebbow adiga ayaa wayn, umadihii hore ayaad raad raaci doontaan". Tan 8aad: Waa arrinta wayn ee ujeeddada casharku ku socoto, taas oo ah, arrinta ay Nabiga ka codsadeen (ee ahayd in geed ay ku saacsadaan loo yeelo) ay la mid tahay, codsigii Yahuuddu ka codsadeen Nabi Muuse ee ahaa in Ilaah loo yeelo. Tan 9aad: Waa in arrimaha jaadkaas ah (ee la soo sheegay) oo laga fogaadaahi ay dhammaystir u tahay ujeedda-da ashahaatinka, inkasta oo arrintaasi qotodheerideeda awgeed ay rag asaxaabta ka mid ah ka qarsoontay. Tan 10aad: Waa in Nabigu kolkii uu asaxaabta arrinta geedka u faahfaahinayay uu dhaartay, maslaxo ku jirta awgeed buuna dhaarta u maray. Tan 11aad: Waa in shirkigu, mid yar iyo mid wayn leeyahay. Tan 12aad: In asaxaabta qaarkii dhawaan soo islaamay oo kali ah ay arrinta (geedku) ka qarsoontay, hadalkana waxaa laga garanayaa in aan qaarkii mar hore soo islaa-may aysan Nabiga dhihin geed inoo yeel, maxaa wacay, waxay ogaayeen in aanay taasi bannaanayn. Tan 13aad: In ay bannaan tahay in la yiraahdo "Eebbow adigaa wayn" kolkii wax lala yaabo la arko. Tan 14aad: Waa in ay habboontahay in laga hortago wixii xun ama xumaan keenaya inta ayasan dhicin. Tan 15aad: Waa in aysan bannaanayn in umadihii hore ee gaalada ahaa lagu daydo oo raadkoodii la raaco. Tan 16aad: Waa in Caro imaan karto marka qof wax la barayo ama wax loo sheegayo. Tan 17aad: Waa in uu jiro xeer guud, kaas oo ah, in ummadihii hore lagu dayan doono oo raadkoodii la raaci doono. Tan 18aad: Arrinta ku dayashada ummadihii hore, ee uu Nabigu sheegay in ummaddiisa qaar ka mid ah ay ummadi-hii hore raad raaci doonaan. Waxay ka mid tahay waxyaa-bihii Nabiga la tusay. Maxaa wacay arrintaasi sidii uu Nabigu u sheegay bay u dhacday. Tan 19aad: Waa in waxyaabaha Ilaahay Yahuudda iyo Nasaarada quraankiisa uga sheegay ee xumaanta ah, ay habboontahay in aan ku waano qaadanno. Tan 20aad: Waa in cibaadadu ku salaysantahay amar xag Eebbe ka yimid, kolka sidii Eebbe u faray baa loo gudanayaa ayada oo aan wax laga beddelin, sidaa darteed ayaa loogu deray waxyaabaha qofku marka uu dhinto qabriga lagu su'aalayo, oo ay ka mid yihiin, Ilaahiisa, Nabigiisa iyo Diintiisa. Tan 21aad: Waa in dhaqanka kitaablaydu uu xunyahay sida dhaqanka gaalada. Tan 22aad: Waa in qofkii mar dhaw soo islaamay ay dhici karto in wali dhaqankii gaalnimada waxyaabo ka haray ay laabtiisa ku jiraan.(Waa Socotaa….)
F.G:
* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.
** Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada. Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD:
BY: Qasim Hersi Farah
CURRENT ENVIRONMENTAL DEGRADATION IN SOMALIA WATER Drinking water comes mainly from natural lakes, streams, rivers and water falls. These are, however, mostly unhygienic. People and their cattle heads fetch from these water resources simultaneously. In fact, this community suffer from various environmental disastrous which are all harm and hazardous to human health. Both diffuse and domestic pollution of air, water and land devastated the territory. Degradation and depletion of all renewable and non-renewable natural resources such as rapid deforestation, soil erosion, fire and occupational hazards are the main sources of pollution therein. Besides this, there is migration or repugnance refuge manner, that is moving from town to town, town to city, city town, and rural to rural without knowing precisely where are they going to and why to go. This ruthless movement and lack of settlement causes over population in some small areas, in some times, where they gather in every where that they hear there is possibility or better opportunity for life. FOREST Forestry and vegetation in Somalia consists chiefly of coarse grass, and stunted thorn and acacia trees. Trees producing the aromatic resins frankincense and myrah are indigenous to the mountain slopes, as other kinds of timber are available mainly around the river areas. Every part of the land is famous of certain kinds of trees and grasses. For instance, in the south there are eucalyptus, euphoria, palm leaves, timber, and mahogany trees. Severe deforestation was caused by illegal logging, mining, firewood, fire, and famine which affect unimaginably. Though most of these activities are done for life earning purpose - just to get daily bread, many runs under careless and negligence. Moreover, it may be destroyed for cruelty or playing. For life purpose, they use it for cooking, warming, housing, furniture, and many other purposes. It is not surprising one not to find any instrument or tool for any use other than that made of wood. Selfish groups who hierarchically use the trees for profit making cut millions or, at least, thousands of trees of rainforest to export them to the Gulf regions particularly. It is miscellaneous history to hear that in this century energy consumption of one country is entirely depend on woods. Almost 100% of Somalian energy used is firewood and charcoal not only for cooking merely, but for all life earnings and utilization. All biomes such as; palms, leaves, straw and dung are eagerly and greedily used in the country. Notwithstanding, draughts and rain shortage, in some areas, where there is temporary security, or at least, are surrounded by tribal militiamen women and children spend over days and more time searching for charcoal. Donkeys, Camel males, and Carts are some times brought into help bringing the firewood. As a result of this purpose and some other minor purposes strikes deforestation, climate change and human density. Only two decades ago, almost half of Somalian earth was covered by forest. However, today this forest is under threat by rapid deforestation caused by famine, war, illegal and ruthless logging and, agricultural practice which is st ill under the early stage of human lifestyle. In many areas woodland cannot be degenerated due to the most of the biggest trees are already taken out that made the spread of tree cutting in the land scope a sign of the intensity of destruction. All in all, Somalian forest lays under inadvertent campaign of devastation. It is extremely used for cooking charcoal, firewood, local construction as sheltering and shrine, greediness export, and arming. Another repugnant and harsh problem that usually face the forest is to be burned by cruelty. when tribal militiamen capture any area which is not belong to them they simply put a fire into the whole or least half of the area for some unnecessary purposes that based on enmity purposes like to avoid any possible hidden attack against themselves, to bogg-down the future economical life for the legal residents, to light in the dark times, to warm themselves, to shield themselves with it, to discover whatever inside the jungles and even just for playing and jokes. Surprisingly, a Somali man hav e to hold a peace of stick or clap in his hand, in any circumstances. That is what they call "Bakorad or ul", and to prepare such kind of sticks they must cut many trees to select one.
BOGGA 7AAD:

Qaybtii: 8aad
Waxaa qoray: C/laahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
Dimna: sida aad tiri dibigu xoog wuu leeyahay, hase ahaatee mudnaan buu ii qirsanyahay, aniguna waxaan awoodaa in aan legdo sidii bakaylihii libaaxii u legday.
Kaliila: oo taasi sidee bay u dhacday?. Dimna: waaxaa la yiri libaax baa joogi jiray dhul biyo iyo caws badan leh, dhulkaasina dugaagga ku nool biyo iyo caws wuu ugu filnaa, hase ahaatee taasi waxba kuma tarin, maxaa yeelay libaax bay ka baqaayeen, markaas bay kulmeen, oo libaaxii u yimaadeen kuna yiraahdeen adigu midkeen waxaad haleelaysaa dhib iyo daal ka dib, waxaanna kuu garanay talo adigana dheefi kuugu jirto annagana dhibaato la'aani noogu jirto, haddii aad na nabadgeliso oo aadan na cabsiin maalin waliba neef baan kuusoo diraynaa goorta qadadaada, libaaxii taas wuu ogolaaday sidaa ayuuna dugaggii kula heshiiyay, ayaguna kuma ballan furin. Kolkaas baa qoryootankii bakayle ku dhacay oo libaax buu qada u noqday, markaas buu dugaaggii ku yiri: haddii aad igu raacdaan wax aan wax idinka dhibayn, waxaan isku deyayaa in aan libaaxa idinka nasiyo. Dugaaggii baa yiri oo waa maxay waxa aad noo xil saarayso?. Bakaylihii: waxaad faraysaan midka libaaxa iigaynaya in uu iisu go intii aan xoogoo ka daahayo, markaas bay yiraahdeen taas waa nnu ku yeelnay, kolkaas baa bakayle baxay asiga oo lug jiidaya, intii goortii libaaxu qadayjiray laga dhaafay, kolkaas bay aalyar ugu tagtay kaligeed asiga oo gaajooday oo carooday, markaas buu xaggeeda usoo dhaqaaqay, oo ku yiri xaggee baad ka timid?. Bakayle: adeeggii dugaaggu adiga kuu soo diray baan ahaay, bakayle ayaanna kuu siday, kolkaas baa libaax waddadaas iiga soo dhacay iga qaatay, oo yiri dhulkan iyo dugaagga ku nool aniga yaa u waayeel ah, waxaanna ku iri tani waa qadadii boqorka, oo dugaagga baa ii soo dhiibay, ee haka caraysiinin, kolkaas buu ku caayay oo ku cambaareeyay, markaas baan soo dhaqsaday si aan kuugu sheego. Libaaxi: ina keen oo i tusi meesha uu libaaxaasi joogo, kolkaas baa bakaylihii u kexeeyay ceel biya badan oo wayeer ah leh, dabadeedna eegay oo ku yiri: meeshii waa tan, libaaxii baa eegay oo hooskiisii iyo kii bakaylaha biyihii ka dhex arkay, mana labalabayn ee wuu ku booday si uu u la dagaallamo, ceelkii ayaana leqay, bakaylihiina dugaaggii buu usoo noqday, oo wuu u sheegay wixii uu libaax ku sameeyay. Kaliila: haddii aad awooddo in aad dibiga ku disho wax aan libaaxa wax u dhibin adigay ku jirtaa, maxaa yeelay dibigu aniga iyo adiga iyo ciidanka intiisa kale wuu dhibay, hadiise aadan taas si kale u awoodin in aad libaaxana disho mooyee, ha isku deyin maxaa yeelay dhagar bay aniga iyo adigaba nagutahay. Marka ka dib Dimna libaaxii ayuu maalma door ah ka maqnaaday, kadib ayuu meel cidlo ah ugu yimid, markaas baa libaaxii ku yiri: maalmahan maxaad iiga maqnaatay kuma arkine?, kolleey wanaag uun baad ku maqneeday?.(Waa socotaa...)

BOGGA 8AAD:
[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED] Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre [Weelkani waaba guban lahaay haddii aanan ka gaarin!!]
Oraahdan ninkii yiri la garan maayo, waxaase la sheegay in nin loo keenay raashin aad u kulul, kolkaas buu markiiba ka leeftay, markii dadkii la yaabeen sida degdegta ah ee uu badarkii kululaa u cunay, si uu hadaba dadkaas u qanciyo buu wuxuu yiri: weelkani waaba guban lahaa haddii aanan ka gaarin.
Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn
******
Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh:
(ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha u soo qoro email hersi@brunet.bn asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).****
Waxaan wax ka beddelnay, bogagga wargayska sida aad aragtaan, taasna waxaa inoogu wacnayd in dhallinyarada qaarkood noo soo jeedsheen in aan wargayska qaybihiisa hore ku soo qorno wararka soomaalida iyo wixii kale ee akhbaar ah ee cusub.
Annaga oo ra'yigaas qiimaha leh tixgelinayna, ayaan waxaan ku soo qornay bogga labaad wararkii soomaalida, sidoo kale boggii isbarashada dhexda ayaan gelinnay, maxaayeelay aad baa aqristayaashu u xiiseeyeen, waxaa kale ee aan toddobaadkan isku daynay in aan wargayska soo gelinno masawirro, sidaa ayuuna ku socon doonaa haddii eebbe idmo.
Kolka waxaan dhammaan dhallinyarada maqaaladaha iyo warbixinnada iyo daraasooyinka soo qora ka codsanaynaa in ay maqaalkooda soo raacshaan wixii masawir ah ee ku lug leh, sida masawirka qoraaga, masawirka qofka isku soo qoraya bogga isbarashada iwm.