Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afafka
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://cschpage.cjb.net

Taariikh:17 23.08.1998

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.

OGAYSIIS
WAXAAN OGAYSIINAYAA DHAMMAAN DHALLINYARADA KU TIXAN WARGAYSKAN, IN LAGA YAABO IN AANEY II SUURTA GELIN, IN AAN CADAD CUSUB SOO SAARO DHOWRKA TODDOBAAD EE FOODDA INAGU SOO HAYA, SABABO QOYS IYO KUWO SHAQO AWGOOD, SIDAA DARTEED DHALLINYARADU RAALLI HA INAGA AHAADEEN, SIDA UGU DHAQSAHA BADAN AYAAN DIB UGU SOO DIRI DOONAA CADADYADA CUSUB, HADDII EEBBE IDMO. WIXII EMAIL AH AMA MAQAALLO CUSUB AH SIDII CAADIGA AHAYD AYAA LOO SOO DIRI KARAA.

Hersi M. Labagarre

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

IBRAHIM M. MURSAL

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. ABDIWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

A/LAHI BIN MUQAFA
MAXAMAD CIISE AXMAD

7

BOGGA 7AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

MAXAMAD CIISE AXMAD

8

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

ARAGTI
Dhowr usbuuc oo aan ku maqnaa dalka Finland awgeed ayaa waxaa ii suurtagashay in dhawaan aan akhriyay cadadkii 27 ee 02. 08. 98 ee Codka Somaalida Cusub. Marka waxay igula muuqatay in ay meesha ku jirto ararta cadadkaasi iyo maqaalka maxaa naloo cadaabi dhowr eray in laga yiraahdo.

KITAABKA IYO SUNNADA!
Inkasta oo qoraaga aragtideena ay isku dhaw dhawdahay, weliba isaga ay u dheertahay aqoon gaar ah uu u leeyahay mowduuca, haddane waxaa jirta arimo u baahan in laga ilaaliyo wax walba in ay u ekaadaan "qaacidda caam" ah. Runtii Kitaabka waa mid Sunnadane sidaas oo kale. Waxa isbeddellane waa aragtida aadamiga ee fasiraysa, sida qoraaguba u sheegay.
Aniga qudheydu uma arko aragtiyada kale duwan khilaaf ka dhaxeeya culimada wax fasiraysa ee waxaan u arkaa afkaartaasi inay yihiin kuwa isdhamaystiraya. Maxay yeelay mufassiriinta fatwadooda badanaa waxaa lug ku yeelan kara duruufaha iyo wadciga ay markaasi ku sugan yihiin.

Caalimka jooga Saybariya (Rushka), fatwooyinkiisa way ka adkaanayaan amase ka debecsanaanayaan kan jooga jawiga caadiga ah, amase ka jawiga kulul, kan jooga dal muslim ah iyo kan jooga dal gaal ah iyada oo loo eegayo hadba mowduuca fatwada.
Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay taasi inaysan luminin hawiyadeena Muslinnimo oo anaan madhaahib u kala jabin. Halka laga leeyahay Sheekha Wahaabiyiinta, Sheekha Shiicada iwm, in lagu soo koobo Sheekhul Islaam hebel arintaas sidaas ayuu u fasiray.

Midda labaad oo ararta iga dhadhantay oo ah inay caqli gal tahay iyo in kale, in Muslimiinta oo dhan meel keliya laysugu keeno.
Taasi waxay noqon kartaa in hal Calan la hoos keeno oo hal Dawlad qura ay noqdaan. Waa arin waqtiga xaadirka ah "Shibhu mustaxiil" ah, sababtoo ah Dowladaha Islaamka waxay ku kala nool yihiin "Mashaariqul Ardi wa Magaaribihaa". Waa ummad dhaqamo, hiddo iyo "xadaaraad" kala duwan leh. Inta tiradooda la egtahay, haddii loo helo "tansiiq", ayuu codkoodana ahaanaya oo Ururada Caalamiga ay codkoodu ku meel marin karaan go'aanno Islaamka iyo Muslimiinta u adeegayana meel marin karaan.

Laakiin waxa waqtigan xaadirka suurtagal ah in iyaga oo qolo kasto Dawlad nimadeeda haysato ayay "kitaabk Ilaahey iyo Sunnada Rasuulkiisa" qabsan karaan.

Midda ugu dambayso oo ararta aan ka arkay waa gebagebada oo u habaysan qaab guubaabo iyo digniin, haddane waxaad moodaa in ay ka muuqato waxa ay inoo soo waarideen Cadawga muslimiinta iyo kuwa "Mustashriqiinta" loo yaqaan kuwooda qalloocan; sida magacyada "Al cunful Islamy", "Al Irhaabul Islaami"oo Islaamka beri ka yahay.

Arimahaasi waa kuwa si qorsheysan looga soo shaqeyay. Loona samaystay canaasiir lagu shaqaysto, si Islaamka loogu yeelo weji uusan lahayn, markii nuxurkiisa laga waayay wax aan khair ahayn. Ararta halkaas aan uga baxo.

MAXAA NALOO CADAABAYAA?
Runtii way habboontahay waana fadiila haddii musiibo Rabbaani kugu habsato, in aad is weydiiso naftaada xumaha ay samaysay. Isbeddel kasto qofka ama umadda ku yimaadaa "khayr" iyo "shar", waxaa u sabab ah isbeddel iyaga naftooda ku yimid. (fiiri Suurat Arracd. Al aayyah 11).

Hase yeeshee, dembi qof galay qof kale looma saari karo. Nebi Ciise Calayhis Salaam kuma oran ummaddiisa "Aniga iyo Hooyadeyda laba Ilaah baanu nahay".
Sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in wax walba in aan la "camimin". Cilmiga Istatistikada waxaa loo saaray in shay walba goonidiisa loo qayaxo.

AW CISMAAN IYO AKHWAANNADIISA
Ummad waliba taariikh ayay leedahay ha u xumaato ama ha u samaatee. Taariikhdana waa laga faa'iidaystaa si loo horumariyo nolosha bulshada. Wixii qalad ahna waa la saxaa, wixii fiicanna waa la qataa oo la hormariyaa.

Dib ugu jelleec taariikhda Culimada xeebaha koonfureed ee ka baaraandeg siday Islaamka ugu adeegeen. Markii Europe ay go'aansatay in ay Africa qabsato waxay iska soo horreysiisay "badiriyaal" oo mubashiriin loo yiqiin si dadkaasi diinta Masiixiga loogu soo dabbaalo.

Waxaa la soo raaciyay Shirkado waawayn ee ganacsato ah oo baadiriyaasha maalgeliya, difaacana. Africa wax cunto iyo hanti la siiyo iyo wax xoog lagu maquuniyo, Europe way ku guulaysatay in ay gaalayso Africa marka laga reebo Somalia.

Baderiyaashii hantida lixaadka leh iyo hubka daba socday, markii ay soo gaareyn xeebaha Jubbada Hoose, Shabeelada Hoose iyo Banadir jab iyo halaag ayay kala kulmeen. Wadaaddo hangool iyo wayso sita ayaa u baabac dhigeen oo ay adeegsadeen aqoonta diinta Islaamka, dhaqanka iyo afka deegannada.

Waxay kufri ka badbaadiyeen boqolaal kun, weliba baahi u qabtay hantida baadiriyaasha wadeen. Sheekh Aweys, Sheykh Murjaan, Aw Cismaan Markiyaale,Aw Garweyne Gendershiyaale, Aw Baa Xassan Jasiirayaale iwm, horay ma u maqashay!

Qolo walba waqtigeeda ayay soo joogtay! Duruuftoodane way soo wajihayn. Hadda arintu waa ninkii lahow qaado!

Taariikhda dib ha loo baaro, inteeda xun amase duruufaha cusub aan la socon karanin ha laga saxo, inteeda wanaagsanne ha laga faa'iidaysto.
Hadda oo aqoontii diinta ay korortay, culumada ay soo badatay, figrado cusub lala yimid, maxaa keenay haddane ku dhaqanka Diinta Islaamka dib u dhigay oo Ummaddii Somaliyeed oo la oran jiray 100% waa muslim maanta diima kale kala jiiteen?

INAMA QABATO
Soomaali waa ummad Muslim ah tiradeedana todoba milyan kor u dhaaftay (fiiri tirakoobkii la sameyay 1973dii).
Umad walba way ku jirtaa in xun, si xun wax u garad. Lakiin ma aha inta yar in loo ekaysiyo wax guud ah oo dadka oo dhan loogu aaneyo.
Fisqiga iyo fasaadka, dhaca iyo boobka iyo sifaalaha xun ee fara badan ma qabato Soomaali oo dhan in la wada saaro. Inta xun hala xadido, inta bulshada dhibaatada ku haysa waa in kooban.
Marka yaan loogu magac darin tira badan oo dulman. Hubkaa lagu dulmaye, qalinka yaan lagu dulmin.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA

Shirkii Baydhaba oo Markii saddexaad dib loo dhigay
Mogadishu, Aug 16 (Reuters), qabanqaabadii loogu jiray, shir ay isugu yimaadaan madaxda jabhada hoggaamisa oo lagu doonayay in la abaabulo dowlad midaysan, laguna qaban rabay magaalada baydhabo, ayaa dib loo dhigay, sidaa waxaa maalintii axadda ee la soo dhaafay laga soo xigtay guddigii u qaabilsanaa isku dubbaridka shirkaas.
Shir laba maalmood socday ka dib, ayaa guddiga qabanqaabadu sheegay in shirkii qabashadiisii dib loo dhigay ilaa iyo bisha Jannaayo ee 1999ka, waxaana qorshuhu ahaa in toddobaadkan lagu qabto magaalada baydhabo.

Guddiga qabanqaabada shirkaas waxay sheegeen in sababaha hortaagan qabashada shirkaas ay u badnayd dhaqaale xumo iyo dib udhac ka yimid isku afgarnwaa arrimo maamul awgeed. Sida la ogsoonyahay tani waa markii saddexaad ee shirkan qabashadiisa dib loo dhigay, ilaa iyo maalintii ay jabhadaha madaxdoodu isku raaceen in ay soo dhisaan dowlad midaysan, kadib markii ay ku shireen magaalada qaahira sannadkii la soo dhaafy dabayaaqadiisii.

Guddiga qabanqaabada shirka Baydhabo waxaa madax ka ah Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid, waxaana la sheegay in Caydiid uu ka maqnaa soomaaliya wixii ka dambeeyey 5tii bishan, oo uu kaalme ka raadinayay waddamada deriska la ah soomaaliya sida Kenya iyo Uganda, sidaa awgeed ma uusan joogin shirkii guddiga qabanqaabada shirka Baydhabo.

Waxaa guddiga qabanqaabadu sheegay in ay qabanqaabsheen laba guddi oo midka hore shaqadiisu ahaan doonto in ay kaalme dhaqaale ka doonaan Ururka jaamicadda carabta iyo Ururka Dowladaha Afrika iyo Ururka Umadaha islaamka. Guddiga labaadna shaqadiisu ahaan doonto in ay ku beeraan dadwaynaha soomaaliya ogaal ah ahamiyadda ay leedhahay qabashada shirka jaadkaas ah. Waxaa wararku intaa ku dareen, in Ismaan caato, ku eedeeyay Cali mahdi iyo Ina Caydiid in ay afduubeen maamulaka magaalada Muqdishu, ayaga oo isla markaa iska dhegatiraya qaybta ay leeyihiin qabiilooyinka kale, waxaa kale ee uu shirka baydhabo ku tilmaamay in uu yahay mid "dhintay".

Dekedda Magaalada Muqdishu oo gantaal lagu weeraray
August 17, 1998, Waxaa wararku sheegeen in markab isku deyay in uu ku soo xirto dekedda magaalada Muqdishu ee dhawaanta la furay, lagu weeraray madfac, taasina ay keentay in markabkaasi dib uga baxo dekedda, waxaa la sheegay in aan markabka wax gaarin, hase ahaatee madfacaas uu caddeeyay in aanan meesha nabadi ka jirin, dekedduna aanay furnayn oo aan lagu soo xiran karin.

Waxaa la sheegayaa in weerarkaas ay ka dambeeyeen nimanka u daacadda ah Xuseen Xaaji Bood iyo Muuse Suudi Yalaxow.
Sida muuqata weerarkaas waxaa lagu jikaarayay, ballankii ay qaadeen Cali Mahdi, Ina caydiid iyo Qanyare, oo ahaa in dekeddu u furantahay wixii ganacsi ah.

Imtixaannadii fasallada 8aad ee sanadka 1997/98, oo lagu
qabtay Gobalka Banaadir iyo Shabeellada Dhexe

Waxaa kale oo wararku intaa ku dareen, in iskuullada ku yaalla magaalada Muqdishu iyo agagaarkeeda iyo gobalka shabeellada dhexe, ay sanad dugsiyeedka 1997-98ka imtixaannadiisii qabteen.
Imtixaannadaas oo ah kuwa dugsiga dhexe (fasalka 8aad), waxaa lagu qabtay iskuullada waxaana maamulayay ururka Imaam Shaafici, waxaa la sheegay in ay habeeyeen imtixaanka macallimiin ka kala socotay dugsiyo kala duwan. Waxaa korjooge ka ahaa imtixaanadaas qaadiddooda, ururrada NGOga iyo ururrada ku howllan waxbarashada bulshada iyo hay'adda UNICEF.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA


Hersi M. Labagarre

FAALLADA QUBANAHA

ISLAAMKA IYO AMERIKA YAA HARI DOONA?
Toddobaadkii ina soo dhaafay waxaan ararta wargayskan ku falaanqaynay, siyaasadaha iyo xooggagga laga yaabo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay, Afrikada Bari, waxaanna ku soo gabagabaynay warkii, in xooggagga ka dambayn karta qaraxyadaas ay yihiin labo: America iyo Yahuudda.

Waxaa kale oo aan intaa ku darnay in aanan umadaha masaakiinta ah sida Sudan iyo Afqanistan, ee arrintaas dusha laga saarayo aanay shaqo ku lahayn qaraxyadaas, awoodna u lahayn in ay habeeyaan weerarro argagixis ah oo ilaa iyo xadkaas xooggoodu gaarayo.

Toddobaadkan, waxaa soo kordhay laba walxaato oo la filanayay, tan hore waa dadka muslimiinta ah ee laga qabqabtay waddamada Pakistan, Kenya iyo Tanzania, oo sida caddaalad darrada ah xabsiyada loogu taxaabay.
Tan labaadna waa weerarka lagu qaaday laba umadood oo ay ku nool yihiin dad muslimiin ah oo masaakiin ah, oo dhulkooda dagaal sokeeye, oo Ameerica iyo reer galbeedku dhalsheen uu ka socday muddo dhaafaysa 10 sano, labadaas dal oo kala ah Sudan iyo Afganistan, waxaa Ameerika ku soo eedaysay in ay argagixisada hubeeyaan oo tababar iyo taakulayn siiyaan.

Waxaan u malaynayaa, in nin kasta oo la socda siyaasadda dunida ay u caddaatay danta ay America ka leedahay dadyowga Muslimka ah, taas oo ah in ay la doonayso, in ay waligood ahaadaan umado cambaaraysan oo had iyo jeer lagu tilmaamo, argagixiso iyo badawnimo iyo xurriyadda iyo dimuquraadiyadda oo ay ka soo horjeestaan.

America ayada ayaa argagixisa ku abuurtay caalamka islaamka, halkan iigu suurta geli mayso in aan ka sheekeeyo taariikhda argagixisada ay abuurtay America, maxaa yeelay arrintaas waxay u baahantahay daraaso madax bannaan, laakiin waxaan aqristaha u soo koobayaa sida arrintu u billaabatay.

Dagaalkii afganistaan, sida la wada ogyahay, wuxuu dhexmarayay America iyo Ruush, Ameerika si ay ciidan u hesho waxay adeegsatay boqorrada iyo madaxda carabta si ay u guubaabshaan muslimiinta ugana dhaadhacshaan in afqaanistaan jihaad ka jiro, arrintaa waxaa xil iska saaray taliska Sacuudiga, Masar iyo Pakistan, maraykanku wuxuu dowladahaas ku guubaabshay in ay xabsiyada ka soo daayaan dhallinyarada ay xirxireen si loogu diro jihaadka afgaanistaan.

Waxaa kale ee uu maraykanku u ballan qaaday cid alla iyo ciddii doonaysa in ay dagaalkaas gasho, in uu siin doono lacag iyo hub xad la'aan ah.

Taasi waxay keentay in dhallinyaro badan oo ka kala socday waddamada carabta oo badankoodu ku jireen xabsiyada waddamadaas qaarna hore uga baxsadeen, ay aadaan dagaalkaas.

Dagaalkii afqanistaan kolkii uu dhamaaday ee wadaaddadii jihaadayay galeen caasimadda kabul 1992kii, Amerika waxay amar degdeg ah siisay Pakistaan, si ay uga cayriso dhallinyaradii carabta ahaa dalkeeda, dowladihii ay markii hore ka yimaadeenna way diideen in ay dhallinyaradaas dib u aqbalaan.

Taasi waxay keentay in ay soo bexaan, kooxo dagaalyahanno ah oo dhallinyaro ah oo badankoodu carab yahay, oo aan dhul iyo jinsiyad toona lahayn, waxaa dhallinyaradaas lagu qiyaasay 2000 ilaa 3000 qof.


Shiikh Osama Bin Laden

Kolkii xaalka dhallinyaradaas xumaaday, ameerikana ay ka joojisay lacagtii ay siin jirtay, kuna dirtay dowladihii ay degganaayeen iyo kuwii ay ka yimideen, waxaa soo baxay laba xoog, midka hore wuxuu ahaa dowladda Iran oo gelisay lacag gaaraysa 3 milyan xeryo ay ka furtay dalka afqaanistaan dhexdiisa kana dhistay dhulka ka hoos meelo lagu taba baro dhallinyaradaas, xoogga kalena wuxuu ahaa rag maalqabeen ahaa oo uu ka mid ahaa Osama Bin Laden, oo qaarkood dhallinyarada ka mid ahaa, intay waddamadoodii ku laabteen, halkaas ka taakuleeyay dhallinyarada, waxaa qoladan metelayay, Osama Bin Ladan, Xasan Turaabi iyo qaar kale.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, ciidamada lagu sheegayo in ay yihiin muslimiin asalraac ah oo argagixiso ah waa dhallinyaradaas, kolka aan is waydiinnee, aqristow, yaa abuuray ciidankaas?

Ciidankaas waa midka ka dambeeya dhammaan falalka argagixiska ah ee ka dhacay caalamka islaamka ah iyo qaar yar oo Ameerika loo gaystay, kolka yaa abuuray ciidankaas, maxaase loo abuuray? muxuuse yahay dambiga dhallinyaradaas markii horena gardarro loo xiray ama dalkoodii looga cayrshay arrimo siyaasadeed awgood, markii dambena inta la marin habawshay, dambi aanay gelin dusha laga saaray?

Intaas waxaa ka sii belo badan, in dadka Maraykanka boqolkiiba 80% ay ku raacsanyihiin dowladdooda in umadaha muslimka ah la laayo oo la gumaado, sida ka caddaatay tirakoobyada ay samaysay wakaaladda NBCNews.

Aqristow, sow wax lala yaabo ma aha, in dowlad isku sheegaysa hurmuudka ilbaxnimada aduunka uu 80% bulshadeeda ka mid ahi isku raacaan oo raalli ka noqdaan in 75 saaruukh lagu dhufto umado sida Suudaan iyo Afqanistaan ah oo dadkoodu uu gaajo iyo cudur u dhimanayo.

Ameerica waa isugu mid labada eray ee "Islaam" iyo "argagixis" sidoo kale, waa isugu mid labada eray ee ah "Muslimiin" iyo "Argagixiso", taas ayaana keentay in ay had iyo jeer amerika muslimiinta dusha ka saarto wixii xun iyo wixii xil leh ee ay ayada lafteedu abuurtay.

Waxaase laga yaabaa, in dhicitaanka ameerika sabab looga dhigo muslimiinta, sidii Jarmal ku dhacday, Yahuud oo wax ay tahay aanay jirin ayaa sabab looga dhigay dhicitaanka dowladdii layaabka lahayd ee jarmalka, haddaba aan dhowrno, halka ay ku kala haraan Islaamka iyo Ameerika.

Kaamirado kastuumooyinka ka hoos eegaaya!
Dalkaasi Malaysia waxaa sanaddadii 10ka ahaa ee la soo dhaafay ka socday ganacsi ba'an oo keenay in dowladdaas dhaqaalaheedu si la yaab leh kor ugu kaco, waxaa kale ee dhaqdhaqaaqaas ganacsi keenay in dalkaasi aad u dhismo oo laga furo goobo ganacsi oo aad u ballaaran, sharikadaha ganacsiga ee iska leh goobahaas ganacsi badankoodu waa sharikado ajnabi ah ama ay leeyihiin dadka shiinaha ah ee Malaysia, sharikadahaas si ay badeecadooda u ilaashadaan, waxay ku xireen goobahaas ganacsiga kaamirado ay samaysay sharikadda Sony oo aad u xasaasi ah, kaamiradahaas waxaa la sheegay in ay arkayaan waxyaabaha la gelsho kastuumooyinka ka hoos.

Arrintaas waxay keentay su'aal ku lug leh ilaalinta akhlaaqda iyo xushmadda dadka imaanaya goobahaas ganacsi, maxaa yeelay kaamiradahaasi waxay si qayaxan u soo bandhigayaan xumaysta dadka meeshaa imaanaya, dadkaasina sida hubaasha ah tuugo ma aha ee waxay meesha u yimideen in ay wax gataan.
Dowladda Malaysia oo ay ragga maamula u badanyihiin dad Muslin ah, waxay amar ku siisay sharikadda Sony In ay ka siibto kaamiradaheeda dhammaan goobaha ganacsiga ee ay ku suranyihiin.


Prince Diana

Niman sheegay in ay Diana ku arkeen naarta
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka (AFP), Laba Macallin oo carruurta diinta ku barta dugsi ka mid ah dugsiyada ku yaalla magaalada London, ayaa waxay ardaydoodii u sheegeen in amiiraddii caanka ahayd ee Diana ee ku dhimatay shilka baabuur, ay reera naareed tahay oo naarta ku jirto, jannadana aanay gelin.

Waxay labadaa macallin sheegeen in Diana ay dadka u horseedday amuuro aan akhlaaqi ahayn, kamana aanay tooba keenin ee way ku dhimatay, sidaa dateed waxaa hubaal ah in ay naarta ku jirto. Arrintaasi waxay lama filaan ku noqotay ardaydii iyo waalidiintii ardaydaas dhashay, waxaana qaar ka mid ah waalidiintu sheegeen in tacliinta labadaas macallin argagax ku ridday carruurta, maxaa yeelay, amiiraddii ay u haysteen in ay tahay xiidig ka mid ah xiddigaha cirka ku yaalla ayaa loogu sheegay in ay naarta ku jirto.

Labada macallin waxay ku andacoodeen, in aanay doonayn in ay amiiradda wax u dhimaan ee waxay falaayeen ay ahaayeen in ay carruurta u sharxaan tacliinta Bible-ka, haddii tacliinta Bible-ka la raacana uu naar gelayo qofkii dadka u horseeda arrimo aan akhlaaqi ahayn ee dhinta asiga oo aan ka toobad keenin.

Hooyo sanka ka goosatay inankeedii
Sida uu sheegay wargayska Utusan ee ku soo baxa afka malayada, Magaaladaasi Kuala Lumpur, hooyo xanaaqsan ayaa sanka ka qaniintay inankeedii oo laba bilood jiray, dabadeedna goosatay oo leqday.

Sida uu sheegay booliska magaalada Kuala lumpur, naagtaasi waxay ka xanaaqday erayo uu ninkeedu ku yiri maalintii khamiista ee la soo dhaafay, kolkii ay xanaaqdayna wiilkeedii oo ay dusha ku sidday oo laba bilood oo kali ah jiray bay ku boodday oo sanka ka cantuugtay oo intay goosatay leqday. Inankii waxaa loola cararay isbitaalka wayn ee ku yaalla bartamaha magaaladaas, dhaqaatiirtu waxay isku dayeen in ay helaan cadka ka go'an inanka sankiisa si ay ugu kabaan oo u tolaan, hase ahaatee, ka dib markii ay in door ah raadinayeen, ayey u caddaatay in cadka maqani ku jiro caloosha hooyadiis.

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

FOWDAAWI DOWLAD MA NOQON KARAA?
Garaad ahaan Soomaalidu waa dad Ilaahey ku manneystay shakhsiyyad adag oo adkeysi badan, dhibaatooyinka iyo tabaalaha adduun aysan ka argagixinin, lehna dareen dhiifoon.
Xagga la qabsashada duruufaha cusub ah waa sida carada san oo wixii lagu beero si dhibaato yar wax uga soo baxa.

Hase yeeshee carro san waxay dhashaa oo keliya wixii lagu beero iyo hadba sidii loo diyaariyo ayuu wax soo saarkoodu noqdaa.
Haddaba ma fowdaawi baan ahay haddii adigu inta miiskaaga aad fariisato wixii aad doonto aad qorqorato, dabadeedna aad igu tiraaho "Sharci" aan soo saaray ayaad jebisay.

Horta Soomaali maxay Sharci iyo nidaam u taqaanaa? Qofka raacatada ah ee geelii howdka iyo meelaha daaqa leh la joogo, uu raadiyaha ka dhageysto maanta inuu Madaxweynaha "decreto" soo saaray, dekreetadaasine ay tahay sharci. Markiiba maxuu ku fakaraa? Sharcigu soo ma ahayn kii Alla soo dejiyay iyo kii laga soo weriyay Nebigeenna suubanaa SCWS. Marka qofkaasi wuxuu is leeyahay midhaa waa arimo kuwa xafiisyada fafadhiya khuseeyaan.

Sooma aha qofka raacatada ah kii soo raaci jiraay goglaha barwada Qaaliga ula tago oo maalmo u soo lugeyn jiray. Xukunka Qaaliga sidiisa u fulin jiray. Maxaa yeelay wuu aaminsanaa in halkaasi Caddaalad uu kala kulmaayo oo Kitaabkii Rabbi iyo Sunnadii Nebiga SCWS aan cidna u eexaneynin.
Laakinse markii la kala sameystay "giudice iyo " Qaali", kan horane uu noqday mid Dowladda ku adeegato, kan kale amuuraha shacbiga loo gooyay, ma fowdaa haddii shacbiga uu Dowladda kii ay sameysatay u daayay?

Xukunka xafiisyada la dhigtay iyada oo aan bulshada lala socodsiinin aan lagana tashanin, hadduusan xukun kaasi u hoggaan samin ma fowdawi baa? Arintaasi ma ballan ka bax baa?
Goormaase ballan laga xirtay Shacbiga? Waa Rabbi abuuristii haddii u yahay qofka Soomaaligu mid ku dayasho indha xirnaan ah aan ku dhaqmin oo waxa uu qanacsan yahay keliya uu ku dhaqaaqo, adiguna qancis iska daye fahamsiin lagaa la' yahay.

Qofka Somaaliyeed, sida uu Shareecada Islaamka ugu hoggaansan yahay ayuu xeerka iyo go'aamada bulshada u yahay.
Qaaraankane ku qanacsanaan ayuu ku bixiyaa oo Qaaraan diidku wuxuu u arkaa qof bulshada ku cambaareysan, halka Canshuurta uu arko xoog ku maquunin. Waakaase hala idiinka helo nidaam lagu qanco. Raacato isma xukumi karto waa dabinne ha layga daayo. Haah! Kii xoolihiisi iyo hantidiisii soo dayacay tan bulsho weynta Soomaliyeed ma maarreyn karee isagana ha layga qabto.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax

MIYAAN IS SHABAHNAA INAGA IYO YUHUUDI?

Wuxuu yiri (Fircoon) ma waxaad noola timid in aad nagaga bixiso dalkanaga sixirkaaga, 57, waxaannu kuula imaanaynaa sixir la mid ah ee noo dhig dhexdeenna ballan aynaan baajinayn anaga iyo adiguba, meel go'an (yaanaan isu goyn) 58.

Qasadka aan ka leenahay amaanta Fircoon waxa keliya ee ay tahay in aannu la barbar dhigayno kuwakan maanta jira ee isagii ka sii daran, si aannu u helno heerka uu gaarsiisan yahay xumahoodu, sidaa awgeed ma noqon karo is bar bar dhigeennu in aan sharaf iyo wanaag u hayno Fircoon.
laakiin bal adba akhristow is weydii mar hadduu Fircoon ahaa nin madax ah oo isagu gaaray heer uu Ilaahnimo sheegto, lagana aqabalo oo la caabudo.

Muxuu kolkay Muuse iyo Haaruun oo ka dhashay qoladii uu taag darraysanayey ula yimaadeen in uu qudhiisuba caabudo Ilaaha dhabta ah, iskana casilo xilka Ilaah sheegasho ee uu u hayo kuwa isaga caabuda ugu tuuri waayey xabsi ama uga takhalusi waayey? illeen laba Cali isma weydiiseen magtooda ee, waa kan ilaa iyo intaa la doodaya oo isagiiba ka codsanaya in uu inta waqti ballan u qabto, uusan haddana u goynin ee.

Waxaa kale oo taa ka sii daran markii ay u timid inantii la dhalatay Muuse oo shacabka hoose ka mid ahayd, ayna kula talisay in ay muluqii Muuse ahaa u dhiibaan haweenay dan yar ah (hooyadiis) si ay u xanaanayso, ayna ka yeeleen, halka aysan madaxda maantu marnaba u ogalaan lahayn inanta noocaas ah in ay la kulmaan ama qaabilaan iska daa wax talo iyo tusaale ah oo ay ku biiriso ee:
(waxaan kugu mannaysanay) markay socotay walaashaa oo ay lahayd ma idin tusiyaa ruux idiin dhaqaalaynaya, waxaanan kugu celinay Hooyadaa) 40.

waxaa kale oo ah sharaf aysan marnaba mutaysan karin kuwa maanta jiraa oraahdiisa ah:
(waxaa liibaanay maanta ciddii saraysee (anaga iyo muuse) 64. iyo sidaa oo kale waxaa iyana la yaab leh sidii uu ula macaamiltamay markii la isugu yimid goobtii kala reebtada ahayd,( waxay dheheen Muusow ama tuuro usha ama aan anagu hor tuuranno) 64. eeg; Q;S; Dhaaha; 40-70.

Arimaha ugu cajiibsan ee qisada Nebi Muuse iyo Fircoon waxaa ka mid ah markii uu inta Muuse ku soo koray guriga Fircoon, uu haddana nin ciddiisa oo reer boqor ah dilay, uu fakaday, ka dib markuu soo noqdayna uu ula yimid Fircoon in uu iska casilo jagadiisii madaxweynenimo iyo Ilaahnimaba sheegadka ahayd, ee uusan kula soo boodin Fircoon dil iyo xarig toona balse uu kala dooday arintiisii isaga oo markhaatiyaal u yeelayey xaajadiisa, oo marba guddi iyo ergo u saarayey.

Isla markaasna xaalkiisa kala tashanayey Wasiiradiisii iyo shacabkiisii, isaga oo intaa isku dayayey in uu iska diro Muuse oo qanacsan kuna xishoodsiinaya soo korintii iyo dambigii uu ka galay oo uusan waxba u haysan, iyo weliba uu ula gorgortamayo shaqaalihiisii iyo shacabkiisii rayadka ahaa, oo ku leh; aan la hardanno ninka ee adigu horta wax ma noo ogoshahay? uuna u ballan qaadayo in abaal gud ka siinayo haddii ay guul usoo hooyaan. eeg Suuradda; Al-Shucara; 17-51.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 13AAD

SHIRKIGA WAXAA KA MID AH IN CID
AAN EEBBE AHAYN LA MAGANGALO

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Waxaana dhacday in kuwo insiga ka mid ah ay magangaleen kuwo jinniga ka mid ah markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad gudub)]Al-Jinn 6.

Waxaa Khawla bint Xakiim laga soo weriyay in ay tiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Eebbe naxariisi korkiisa ha ahaatee, asiga oo leh:"Qofkii meel dega ee yiraahda; Inti xun ee Eebbe abuuray, Kelimadihii Ilaahay ee dhammaystirraa baan ka magangalay - wax dhibaato ahi kuma dhacaan intii uu meeshaa ka guuro"{Muslim}.

MAS'ALOOYINKA CAHSRKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Jinniga lagu sheegay.
Tan 2aad: In magangalyada Jinnigu ay shirkiga ka mid tahay.
Tan 3aad: Waa in xaddiiska laga ogaanayo in kelimadaha Ilaahay aanay wax la abuuray ahayn, maxaa wacay, wax la abuuray in la magangalo waa shirki.

Tan 4aad: Waa fadliga ay leedahay ducada la soo sheegay.
Tan 5aad: In falku shirki yahay iyo in kale laguma kala ogaan karo, falka wax dheefkiisa iyo wax dheef la'aantiisa.

(Waa socotaa..)

F.G: Warka ku qoran labada bil (...) inta u dhaxaysa, waa war aan anigu ku deray tarjamada, si aan macnaha u caddeeyo, inta kalena waa warkii qoraaga.

* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.

** Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada. Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA


SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 10aad

Waxaa qoray: C/laahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Dimna: yuu ku kedinin hadalkaaga aad leedahay, dibigu cunto ayuu iiyahy oo ka cabsan maayo, ee shitriba hadii uusan awoodin asigu, kuwa kale xaggood ayuu kuugu soo gabbanayaa, waxaana la yiraahdaa, haddii mid ku marti gelsho maalin qaarkeed adiga oo aan garanayn abuuristiisa naftaada ha ugu kalsoonaanin, in asiga ama dartiis laguu dilana ha ka dhaaya la'aanin, sidii tii injir ka qabsatay Booddo.

Libaaxii: oo taasi sidee bay ahayd?.
Dimna: waxaa la yiri; injir baa daw degganeed gogol nin hodonahi leeyahay, markaas bay dhiiggiisa cabbijirtay, asiga oo jiifa oo an dareemayn oo ay aalyar u soconayso, sidaas bay in door ah ku joogtay, intii ay malin maalmaha ka mid ah uga soo martiday booddo, markaas bay ku tiri caawa dhiig mac iyo gogol jilicsan nagula hoyo, booddadii ayaa halkii la degtay, markii ninkii gogoshiisii yimid ayaa booddadii ku boodday oo si kulul u qaniintay, taas oo ninkii toosiday oo hurdadii ka duulisay, markaas buu istaagay oo faray in la baaro gogosha, markii la eegayna injirtii mooyee wax kale lama helin, markaas baa la bajiyay, boodadiina way carartay.

Waxaanna tusaalahan kuugu soo qaaday in aad ogaato in aan dhiblow dhibkiisa qofna ka nabad gelayn, haddii uusan asigu awoodinna dhibtu asiga dartiis bay ku imaanaysaa, haddii aadan Shitriba ka baqaynna ciidankaaga kale ka baq, kuwaas oo uu asigu kugu soo dirayo oo uu nacaybkaaga saarayo.

Hadalkii dimna libaaxii wuu taabay, markaas buu yiri: haddaba maxay kula tahay oo aad ku talinaysaa?.

(Waa socotaa...)

Waxaa sheekadan inoo soo turjumay:
Maxamad Ciise Axmad
(Ciise Carab)

TODOBAANTAN JIR GABAR YAR LA BAXSADAY
Dalka maraykan, nin maalqabeen ah oo lagu magacaabo Bernardo, da’diisuna tahay 70 jir ayaa ka haajiray reerkiisii, ka dib markuu afartii sano oo la soo dhaafay ahaa ciniin, 1994 ayuu hal mar isarkay isagoo ciniin ha . Wixii ka horeeyey markaas caadi uu ahaan jiray.Mudada afartaas sano ah (1994-1998) xaskiisu waxay u tixgelisay xaaladda la soo deristay odageeda, waxayna u muujisay wax kasta oo xanaano iyo jeceyl ah .

Hase ahaatee, horaantii bishii may ee sanadkan ayuu hal mar dardar cusub la soo kacay, ka dib markii uu daawada ragga ee VIAGRA soo cantoobsaday, hal mar ku jitaabiyey xaaskiisa. Markas wixii ka dambeeyey, 5 may, Mr Bernardo intuu boorsadii xir-xirtay, ayuusan dib u soo noqon. In uu tegey oo ay arruntu siadaas tahay yauu xaasshi yar ugu qoray xaaskiisa. Taas oo aan mar dambe loo arag.

Wargeska New York Post ayaa soo tebiyey in Mr Bernarddo lagu arkay magaalada New Jersey, isagoo gabar yar la nool. Garyaqaan ( Lawyer) ay qabsatay xaaskiisu ayaa shirkadda soo saartay dawada ‘Viagar’ ayaa ku eedeeyey isagoo leh; ‘Waxay la mid tahaysidii iyadoo qori cabaysan loo dhiibay qof aan tababar loo siin in uu wax toogto’
( It’s like giving a loaded gun to someone who has not been trained to shoot).

70 jirka inanta yar la baxsaday waxaa xaaskiissa 63 jir ahi warsatay maxkamadda in ay ugu xukunto laba millayan oo doolar iyo in guriga ay ku noolayeen iyada lagu wareejiyo. Kaas oo lag qiimeeyey hal millyan oo doollar.

Arrintan waxaa lagu tilmaamay in ay ka mid noqon karto dhibatooyinka Viagra keeni karto.
Waayo, waxay sabab u noqotay duminta reer dhisan. Taas oo loo eersaday soo saaridda dawadaas.
Docda kale, wakaaladaha wararku Waxay sheegeen, in tan iyo intii shirkadda lagu magacaabo “Pfizer” maraykanka ka soo saaray dawada viagra, waxaa ku geeriyooday rag gaaraya ilaa lix nin, iyada oo ayan caddayn sababtu.

War ay soo saartay shirkaddaasi waxaay ku tibaaxday in sababtu ahaan karto iyagoo ku ruux-baxay ka faltanka sariirta, dawooyin cunitaan dawada wadanaha ama iyagoo reero wadno xanuun horayba u ahaan jiray. Taas oo lagu taliyey in marka hore ay isbaaraan dadka tuhunsan in ay xanuun ka qabaan dawada viagra, haddii kale, marxuumiinta ragga ahi way badan doonaan!

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA


[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]



Khaliif Sh. Maxamuud Siciid
(1951-1982)

Gabaygii Hurgumo

Gabaygan waxaa tiriyey halabuurkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Khaliif Shiikh Maxamuud Saciid (Allaha Jannadii ka waraabshee).
Abwaanku wuxuu ku dhashay Magaalada Qardho,wuxuuna ku aasan yahay Gallaadi.
Maansadan oo uu ugu macag daray H U R G U M O, wuxuu tirshey 1978. Waana tii sida doorka ah u bishay. Waxayna ku duuban tahay dhowr gadaanood.

Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 150 (boqol iyo konton) tixood.

HORDHAC

Gabaygan qiimaha badan, waxaa inoo soo diray Maxamad Ciise, annaga oo aad ugu mahadinayna, isla markaasna tix gelinayna qiimaha taariikhiga ah ee uu gabaygani leeyahay, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan hordhac yar u samayno gabayga si aan aqristaha ugu fududayno dhugsashada dulucdiisa.

Arrimaha aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo waa laba qodob oo kala ah:
1. In uu gabayga ku eego il taariikheed, iskuna dayo in uu u noqdo, xilliyadii 1978 ilaa 1980, waqtigaas oo aan u malaynayo in gabayga la tirshay, maxaa yeelay ragga uu tilmaamayo gabyaagu sida Cirro waxaa la dilay abbaarahaas.
qodobkani waa lagama maarmaan, maxaa wacay gabyaagu gadaal buu ka sheegi doonaa in Hawiye dagaal iska daayay, waana arrin aan maanta soconayn, laakiin waqtiga uu noolaa, sidaas bay ahayd, qabiilooyinka hawiye waagaas waxaa loo haystay in ay yihiin dad aan dagaallamin, oo nabadda xigsada had iyo jeer.

2. Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo, waa in uu gabayga ku eego il qabiil, maxaa yeelay gabyaagu, sida gabayga ka muuqata, wuxuu isku deyayaa in uu guubaabsho qabiilka Majeerteen ee waayahaas ay sida xun isga soo hor jeedeen dowladdii Siyaad Barre (Allaha u Naxariistee).

Hersi Labagarre

[QAYBTII 1AAD]

MAGACA EEBBE YAANU KU BILAABAYNAA OO NAXARIIS
GUUD IYO MID GAARABA NAXARIISTA

Abshirow micnaha gabay haddaad, mir iga weydiisey

Wiilyahow madluun baan ahaa, maalin iyo leyle

Intaas waan mugleeyahay sidii, gorayadii muune.

Mas la diley sidiisaan madaxa, meerinahayaaye

Sideydana waxaan maagganahay, waa wax kaa maqane

Magliga daabo maahee si kale, hay maleyninna'e.

Adduunyadan maraabaysay oo, murugtayoo xiintay

Oo uu Mareexaan u kacay, waa masala weyne

Gardarradaa mutuxan waa dagaal,waxan ka miisaaye.

Maruuryoodayey xalay miyaan, miray calooshayda!

Muskii nala ka soo galay miyaa, dhaxani mawlaysay!

Goortaan wax milicsaday miyaan, cadho madoobaaday!

Midigta iyo bidixdii miyaa, midiba meel aadday!

Markabkaan ku tiirraa miyaa, meeshi laga qaaday!

Maxamuud Saleebaan miyaa, marada loo taagay!

Mililkiyo hurgumadii miyaa, uurka igu miirmey!

Sidii aar muhdi ahaa miyaan, micida soofeystey!

Ma innaan collaad maamuley, danni i moodsiisey.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

D H A M A A D