Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Somali Electronic Journal
codka somalida cusub
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 14-20.12.1998
Best Viewed: Netscape Communicator 4.0
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
    Tirsigan waxaad ka helaysaa maqaalado ay qoreen, qoraayaasha kala ah:

    1. Hersi M. Labagarre (Brunei)
    2. Qasim Hersi Farah (Malaysia)
    3. Ibrahim Macallim Mursal (Holand)
    4. Mukhtar A. Ismail (England)
    5. Maxamed Ciise Axmed (Finland)
    6. Ibrahim Yousuf (Sweden)
    7. Cawil Faarax Muuse (Finland)

ARARTA WARGAYSKA
    Sanadguuradii 50aad ee Hay'adda Qarumaha Midoobay (UN), iyo ku xedgudubka xuquuqda aadanaha.

    Waxaa Qoray:
    Hersi M. Labagarre

    C/o. No. 21 Spg 484 jln Jerudong,
    Brunei Darussalam.
    Tel: 02-612774

    Heshiiskii Xeerkii Caalamiga ahaa ee Xuquuqda Aadanaha
    Mar hadda laga joogo 50 sano, waa abbaaraha taariikhdu markay ahayd, December 10, 1948kii, ayaa dowladihii dagaalkii labaad ku guulaystay waxay saxiixeen heshiis loo baxshay (Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Xuquuqda Aadanaha).

    Heshiiskaas sida qodobadiisa 25ka ah ka muuqata, waxaa loogu tala galay in aanay dhicin kowo la mid ah dhibaatooyinkii yahuudda ku dhacay intii dagaalladu socdeen.

    Bal hadde aan halkan ku eegno, qodobada ugu muhiimsan heshiiskaas ee ku saabsan xuquuqda aadanaha.

    Qodobada Xeerka Xuquuqda Aadanaha
    Qodobka 1aad: Aadanaha oo dhan ayaga oo xur ah ayay dhasheen, wayna ka simanyihiin gobanimada iyo xuquuqaha, waxayna leeyihiin garaad iyo dareen, sidaa darteed waa in ay isula dhaqmaan si walaaltinimo leh.

    Qodobka 2aad: Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay xurriyadaha oo dhan iyo madaxbannaanida ku xusan heshiiskan ayada oo aan cidna lagu takoorin waxyaabaha ay ka midka yihiin: Midabka, jinsiga (lab ama dhiddig), afka, diinta, siyaasadda ama figrad kale, dowladda ama bulshada uu u dhashay, hanti, dhalasho ama amuuro kale.

    Qodobka 3aad: Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ku noolaado, si madaxbannaani iyo nabadgelyo leh.

    Qodobka 5aad: Waa inaanan Cidna handedaad iyo dulmi loola tegin, si aan aadami nimo lahayn ama liidid lagula dhaqmo ama la ciqaabo.

    Qodobka 9aad: Waa inaanan cidna si dulmi ah aanan loo xirin, ama la xabbisin ama loo dhoofin.

    Qodobka 13aad: Qof kasta xur buu u yahay in uu u guuro iyo in uu dego meeshii uu doono, kol haddii aanu ka bixin xudduuda dowladda uu ku dhaqanyahay, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay in uu ka dhoofo dalkasta, midka uu markaas joogo haddii uu doono ha ahaadee, una laabto dalkiisii.

    Qodobka 19aad: Qof kasta xaq wuxuu u leeyahay xurriyadda ra'yiga iyo warka.

    Qodobka 23aad: Qof kasta xaq buu u leeyahay in uu shaqeeyo, in uu si madaxbannaani leh u doorto shaqadiisa, caddaalad iyo duruufo shaqada ku habboon, iyo in laga magangelsho shaqala'aanta.

    Qodobka 25aad: Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nolol la aqbali karo (Standard of living), hagaajiyana caafimaadkiisa, barwaaqasooridda naftiisa iyo qoyskiisa.

    Falaanqaynta Ujeeddooyinka Xeerka
    Intaasi waa qodobadii ugu muhiimsanayd ee lagu sheegay heshiiska, waxaan ka xumahay in aanan dhammaantood halkan ku soo qori karin, waqtiga oo inagu gaaban awgiis, balse aan eegno intaa aan haadda soo qoray.

    Qodobada waxaa loo dejiyay in lagu difaaco xuquuqdii yahuudda, maxaa yeelay ayaga ayaa waagaas aad ugu dhibaatooday dowladihii dagaalku ka dhexsocday.

    Tan labaad, waxaa muuqata in iyana la tixgelshay dadka madowga ah xuquuqdooda, siiba kuwii Ameerika ku noolaa, ee addoonsiga ku jiray.

    Tan Saddexaad waxaa iyana muuqata in aan wax tixgelin ah la siin umadihii gumaysiga ku jiray, maxaa yeelay, dowladaha heshiiska saxiixay qaar badan oo ka mid ah waxay isla markaa ay heshiiska saxiixayeen gumaysanayeen umado masaakiin ah oo aan hadli karin.

    Xeerarka Xuquuqda Aadanuhu Ma Caalami baa mise waa Arrin Degaan?
    Tan kale, heshiisyada waxaa ka muuqda in xeerka xuquuqda aadanuhu caalami yahay, laakiin dowladaha badankoodu, siiba dowladaha ku nool Africa iyo Asia arrintaas way iska dhegatireen oo waxay xuquuqda aadanaha ula dhaqmeen sidi arrin gaar ah oo dal waliba wixii uu doono ka yeelo.

    Maalmahan dambe dalalka Asia siiba koofurta, waxaad mooddaa in ay xeerkaas caalami nimadiisa aqoonsanayaan, oo ka soo laabanayaan siyaasaddii ahayd in aan arrimaha gudaha laysku soo faragelin.
    Dalalka Africa ku yaalla arrintaas wali la iskuma soo qaadin.

    Nolosha iyo Xorriyadda tee horraysa?!
    Haddii aan intaa xorriyadda aadanaha uga gudubno oo u gudubno noloshiisa, xeerarku waxay dhigayaan in qof kasta xaq u leeyahay in uu noolaado, kuna noolaado nolol la aqbali karo, sida ka muuqata qodobada 3aad iyo 25aad, laakiin arrintaas sidii loo hirgelin lahaa way adagtahay.

    Dalalka ku yaalla dhulka saxara-xigeenka ah ee africa, sida somaliya dadka ku nool saddex dalool laba dalool baa dhinta inta aanay dhamaysan sanadka afartamaad.

    Taasna waxaa ugu wacan gaajada, cudurka iyo nabadgelyo la'aanta, marka miyaanay habboonayn in nolosha aadanaha laga fikiro inta aan xorriyaddiisa laga fikirin?

    Xuquuqda Haweenka iyo Xeerka Xuquuqda Aadanaha
    Sidoo kale haweenka ku nool africa meelo ka mid ah sida keenya iyo somaliya iyo meelo kale, aad baa loo dhibaateeyaa, ayaga oo shaqo dhib badan loo diro, iyo ayaga oo la liido, xuquuqdooda oo lagu xedgudbo iyo dhibaatooyin kale ayaa lagaarsiiyaa.

    Waddamada reer galbeedka laftooda haweenka xuquuqdiisa waa lagu xedgudbaa, laakiin sharciyo adag baa ka yaalla, tusaale ahaan arrimaha la xiriira kufsadka iyo faraxumaynta ama afxumaynta dhammaan qofkii lagu helo aad baa loo ciqaabaa, laakiin arrimahaasi addunka intiisa kale kama fulaan inta badan.

    Siyaasadda iyo Xeerka Xuquuqda Aadanaha
    Dhibaatada ugu wayni waxay ka timid dowladaha waawayn oo doonaya in ay meelmarsiiyaan amarkooda isla markaana sheegtaan in ay difaacayaan xuquuqda aadanaha.

    Labadaa arrimood runtii waa laba arrimood oo aan is qabanayn, maxaa wacay maraykanka iyo reer yurub, waxay doonayaan in xuquuqda aadanaha dalalkooda laga hirgelsho, dalalka kale ee dunida inteeda kale ku noolna loo eego hadba sida xaalkoodu yahay, haddii dalkaasi yahay dal la haya siyaasaddooda ama maslaxo gaar ah ugu jirto, arrinta xuquuqda aadanaha way iska dhegatiraan.

    Haddii dalkaasi yahay mid khilaaf siyaasadeed iyo mid dhaqaale kala dhexeeyana, waxay ku kacshaan olole ku saabsan ku xedgudubka xuquuqda aadanaha.

    Siyaasaddaasi waa mid aad u khariban, maxaa wacay waxaa bartay dowladihii yaryaraa, markaas bay kolka ay sameeyaan fadeexooyinka ay ku dhibaataynayaan xuquuqda aadanaha, la heshiiyaan dowladaha waawayn si aan loo xisaabin ama loo cambaarayn.

    Faanoole Fari Kama Qodna
    Taas kolka waxay caddaynaysaa in aan xuquuqda aadanaha daryeelkeeda fari ka qodnayn, UN ka laftiisuna way ogyihiin arrintaas laakiin waxay ku marmarsiyoodeen in xoogoo horukac ah la sameeyay.

    Dhibaatadduna waxay ka timid in aan hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda aanay wax awood ah lahayn, oo aanay fulin karin wixii qaraar ah oo ay soo jeedshaan.

BOGGA 2AAD codso wargayska
WARARKA SOOMAALIDA
700 oo kun oo soomali ah oo laga yaabo in ay gaajo u le'daan?!
NAIROBI, Dec 9 1998 (Reuters), Sida ay wakaaladaha wararku ka soo sheegeen hay'adda cuntada adduunka u qaabilsan UN ka, waxaa laga cabsi qabaa in ay u dhintaan gaajo dad soomaali ah oo tiradooda lagu qiyaasay inta u dhexaysa 300,000 ilaa 700,000 oo qof.

Dadkaas waxaa la sheegayaa in badankoodu degganyaay koofurta soomaaliya gaar ahaan goballada Bay iyo Bakool, siiba labada magaalo ee Baydhabo iyo Xuddur.

Gaajadaas waxaa sababay dagaalka joogtada ah ee labadaa gobol ka socda ee ay wadaan jabhadaha Raxanynta iyo Jabhadda Xuseen caydiid.

Waxaa kale oo gaajadaa keenay daadadkii ba'naa ee dalka ka dhacay sanadkii la soo dhaafay kaas oo baaba'shay abuurkii iyo dhulbeereedkii ay soomaalida badankeedu ka soo saaranjireen cuntadooda.

Bishii la oktobar dabayaaqadeedii kolkii ay jabhadda raxanwayntu qabsatay magaalada Xudur, waxaa la sheegayaa in warka arrintaasi si xoog leh u fiday oo ay dadkii magaaladaa degganaa dib ugu soo laabteen magaalada labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Hay'adda WFP waxay sheegtay in loo baahanyahay ugu yaraan US$18 milyan, si looga hortago gaajadaa ba'an ee soomaalida looga baqayo, waxaa kale ee ay intaa ku dartay in ay u qaybisay dadka labadaa gobol deggan cunto gaaraysa 700 oo tan tobankii maalmood ee la soo dhaafay.

Dagaallo Cusub oo Soomaaliya dib uga qarxay
NAIROBI, Dec 9 1998 (Reuters), ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay 20 kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii dagaallo ba'ani ku dhexmareen toddobaadkii la soo dhaafay magaalada Baydhabo, jabhaddaha isaga soo horjeeda halkaa.

Dagaalkaasi wuxuu dhexmaray jabhadda Raxanwayn iyo Jabhadda Xuseen Caydiid. Magaaladaas waxaa horay u haystay jabhadda Raxanwayn, haddase waxaa ka kacshay jabhadda Xuseen Caydiid.

Labada Jabhadood waxaa dagaal kaas la mid ahi ku dhexmaray bishii la soo dhaafay magaalada Xudur, halkaas oo ay ku la'deen dad badan, qaar kalena ku gurya beeleen.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan in dagaalka ka dhacay Xudur ay ku gacan sarreeyeen jabhadda Raxanwayntu, ayana ku guulaysteen in ay ka kacshaan jabhaddii Xuseen Caydiid ee magaaladaa haysatay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Dadkii magaalooyinkaa u dhashay ee ka qaxay saddex sano ka hor, kolkii ay qabsatay Jabhadda Xuseen caydiid, ayaa la sheegayaa in ay dib ugu soo laabanayaan magaalada ayaga oo aad u faraxsan, hase ahaatee, waxaa farxaddoodaas niyad jebinaya cunta la'aanta la sheegay in ay magaalada fara ba'an ku hayso.

Dowladda Kenya oo billawday in ay tarxiisho Somalida
NAIROBI, Dec 6 1998 (Reuters), In ka badan 500 oo qof oo ajnabi ah ayaa lagu xiray dalkaasi Kenya, kuwaas oo la sheegay in ay sharci darro dalka ku joogeen.

Dadkaas badankoodu waxay u dhasheen Soomaali, Ethiopia, Eritrea, Nigeria iyo dalal kale. Waxaana la sheegayaa in tarxiilkaasi billawday kadib markii uu ka soo laabtay madaxwaynaha dalkaasi Kenya shirkii waddamada afrika ee lagu qabtay dalka faransiiska.

Waxaa wararku sheegayaan in madaxwayne Moi amar ku baxshay in dadkaa la tarxiilo asiga oo ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin dhibaatooyinka dalka ka dhaca badankooda.

Dhanka bari ee magaalada Nairobi oo dadka deeggani ay soomaali u badanyihiin waxaa la sheegayaa in booliiska Keenya si xun u baaray aqallada, ayna aqal kasta galeen, dadka halkaa degganna waydiiyeen in ay tusaan warqadda dhalashada ama degganaanshaha ee reer Kenya.

codka somalida cusub
MA U BAAHANTAHAY IN LAGAA CAAWIYO SAMAYNTA HOME PAGE ADIGA KUU GAAR AH?
Haddii jawaabtu (haaaaaaa) tahay fadlan nala soo xiriir, idaarada wargayskan waxay heegan u tahay in ay kaa caawiso qoridda (home page-kaaga gaarka kuu ah) iyo sidii aad u fidin lahayd figradahaaga qiimaha leh.
Sidoo kale waxaan heegan u nahay in aan kaa caawinno xayaysiinta Ururkaaga, Sharikaddaada, Home Page-kaaga, badeecadaada iyo khadamaadkaaga intaba.
SOOMAALIDA QURBAHA JOOGTA
Ma Is-Qabaan, Mise Way Is-Fureen?

Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473

Dhumaal reer ma lagu dhaqi karaa?
Kow waa in la kala degaa. Oo ninka guri kale waa inuu degaa. Halkaasi waxaa ku lumay hooygi reerka.
Odayga booqasho wuu ku iman karaa iyo dhumaal. Halkaasi waxaa ka bilabanaaya qoyskii isku xirnaa, isku tiirsanaa, nolol isku lifaaqan ku noolaa in yarahee kala durko. Dabadeedna tartiib tartiib loo kala fogaado.

Hoyadu xoogaa firaaqo inay dareento, wixii adeeg ahaa odayga u fidin jirtay ay ka yaraadaan oo fasax u hesho TVga iyo filimo daawasho. La sheekaysi dad aysan waqti u heli jirin iyo barnaamijyo cusub oo aan ninkaba ku tiirsanayn (u sii badi markii caruur aysan jirin amase aysan badnayn).

Ninkana sidaas oo kale barnaamijyo cusub ku sii mashquulo. Walow dhuumaal wadajoog u eg la heli karo haddane firaaqo niyad ah ayaa abuurmaysa. Is-maandhaafyadii caadiga ahaa ayaa noqonaya mashaakil aan la xallin karaynin.

Amuuro psycological ah ayaa abuurmaya. Muxuu igala maqan yahay iyo maxay igala maqan tahay ayaa niyadda ka gufaacaysa. Reerka Barakada ALLAH ka qaad! Shaydaanna hawsha loo fududee!     Waa socotaa..
codka somalida cusub
Waa maxay Qabiil?

Waxaa Qoray:
Cawil Faarax Muuse (Finland)

Waamaxay qabiil?
Qabiil waa abtirsiimo hadaan laxumayn.
Waa maxay qabyaaladi?
Waa kushaqayn qabiil indhala`, dhagala´, aan cilmi iyo caqli midna ku salaysnayn. Markalabadoodu saas loo kalaqaado waxaan kaleeyahay qabyaalada sidan:

WAA SHAY QIIMO IYO QAAYO AAN MIDNALAHAYN
WAA SHAY QALOOC LAHOO QIIMA DARAN
WAA SHAY MURUGA IYO MAAH SANAANBA BADAN
WAA SHAY XALAAL IYO XAARAAN KALA AQOON
WAA SHAY SHARAYSI IYO SHUUX SHUUBA BADAN
WAA SHAY NIN KII LUGU MAQLAA AAMINAAD LAHAYN
WAA SHAY SHIIKH IYO SHARIIF AAN KALA AQOON
WAA SHAY XISHOODXUMO IYO XAASIDNIMO BADAN
WAA SHAY SHIRISTIISU BADANTAHAY HADANA ANFAC AAN LAHAYN
WAA SHAY SHAYDAAN WADOO ARINTIISU HALISTAHAY.
BOGGA 3AAD xayaysiin
BUUG IYO CAJALADO IIB AH
1. Cajalado iib ah
(a). Aasaaska Barashada Afka Carabiga: Waa duruus kuugu kaal maynaysa sidii aad u xoojin lahayd afka carabiga, oo ku duuban shan cajaladood.
Qiimaha: (hal cajalad = US$10.00) oo aan qarashka boostadu ku jirin.
(b). Cajalado Dikri iyo Nabi ammaan ah: Waa nabi ammaan cod aad u qurux badan lagu qaadayo, oo ku xasuusin doona habkii wadaaddadii hore ee soomaalidu diinta u fahmeen.
Qiimaha: Halkii xabbo
(US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

2. Buugaag iib ah

(a).Cinwaanka: as-salafiyah al-wahhabiya, bayna mu'ayidiha wa muntaqidiha(187 bog).
Mowduuca: Waa kitaab af carabi ku qoran oo ka sheekaynaya taariikhda xarakadii Sheekh Maxamad Bin Cabdil wahhab.
Qoraaga: Hersi M. Labagarre
Madbacadda: Bruneio Printers 1996.
Qiimaha: (US$ 15.00) oo aan boostadu ku jirin.
(b). Al-caqidah al taxawiyah
(tarjamada afsomaliga)
Qiimaha:US$ 5.00 oo aan boostadu ku jirin.
BOGGA QUBANAHA
Meeraha Mars oo dushiisa baraf laga helay!
Meeraha Cas ee dadku waayadii hore sharaysan jireen, haddana dadka qaarkiis ku riyoonayaan in ay u guuraan oo dushiisa degaan, ayaa masawirro cusub oo ay dayaxgacmeedyadu ka soo qaadeen geestiisa galbeedka xigta, waxay tilmaamayaan in meeshaa baraf yaallo.

Barafkaas wuxuu ka ballaaranyahay dhulka dowladda France, hase aahaatee ma dhama intii loo malaynayay.
Culumada Cirbixinta ayaa Axaddii la soo dhaafay sheegay in cimaamadda barafka ah ee ay soo qabteen masawirrada dayaxgacmeedyadu soo qaadeen laga sameeyay baraf biyo ah.

Waxaase la yaableh, in inkasta oo Mars uu meere aad u qabow yahay, haddana barafka la arkay wuxuu dhanyahay barafka saaran jasiiradda Greenland barkiis, ama boqolkiiba 4 kali ah, kolka loo eego barafka adag ee saaran qaaradda Antarctica.

Aabbe inankiisii dilay!
ST. CHARLES, Missouri(dpa), Qaalli ka mid ah qaalliyaasha Magaaladaasi Missouri, ayaa wuxuu xabsi daain ah ku xukumay nin 32 jir ah oo kalkaaliye ahaa, ninkaas waxaa ku caddaatay in uu inankiisii oo 11 bilood jir ah ku dhuftay cirbad uu ka soo buuxshay dhiig uu ku jiray Viruska loo yaqaanno HIV ee AIDS-ka keena.

Wiilkaas yar asiga oo xanuunsan, ayuu ku jiray isbitaalka aabbihiis ka shaqaynayay marka ay dhibaatadaasi gaartay, waxaana la leeyahay ninkaasi wuxuu doonayay cunugga in uu dilo si uusan u bixin masaariiftiisa.

Arrintaasi waxay dhacday 1992kii, inankiina hadda wali wuu noolyahay asiga oo toddoba jir ah oo qaba cudurka AIDS-ka.
Inanka aabbihiis wuu inkiray in uu falkaas qaabka ddaran ku kacay, hase ahaatee qaalliyaashu waxay dheheen, kalkaaliyahaasi wuxuu soo xaday dhiig qaba cudurka AIDS-ka, dabadeedna inankiisa oo isbitaalka lagu daaweynayay ayuu ku muday.

Qumbulad ka timid Dagaalkii II aad
oo 4 nin ku dishay dalkaasi Phlippines
Manila (AP), Isniintii la soo dhaafay, ayaa afar nin ku dhinteen dalkaasi Phlippines, kadib markii ay ku qarxatay qumbulad ka mid ah qumbuladihii ka haray dagaalkii labaad ee adduunka.

Nimankaas waxaa la sheegay in ay isku deyayeen in ay furaan qumbuladdaas, si ay u iibshaan baaruuddeeda, hase ahaatee kolkii ay taabteen ayay isla markiiba furka goosatay oo afartoodiina dishay aqalkii ay ku jireenna dumisay.

Booliiska dalkaas saraakiishiisu waxay sheegeen, in qumbuladdaha jaadkaas ah ay dhulka ka buuxaan, kana hareen dagaalkii labaad, halkaas oo ay tacshiirad ba'an isku dhaafsadeen ciidamadii Maraykanka iyo kuwii Japenka maaalmihii ugu dambeeyay ee dagaalkii labaad ee dunida.

Booliisku wuxuu intaa ku deray in ninka aqalka iska lahaa uu u yeertay saddex nin oo saaxiibadiis ah si ay qumbuladda ula furaan, qumbuladdaas oo ay soo baxsheen niman farsamayaqaanno ahaa oo meesha qodayay si ay ugu dhisaan taangi biyaha lagu shubto, hase ahaatee aanan booliiska gaarsiin kolkii ay soo saareen.

Haraagii (fossil), ugu facwaynaa dunida
Yongon(AP), koox culumo ah oo ka socota dalka Faransiiska ayaa waxay ka heleen dalkaasi Myanmar haraa la sheegayo in da'diisu gaarayso 40 milyan oo sano.

Jean Jacques oo ah hogaamiyaha kooxdaas ka socotay jaamicadda Montpellier ee ku taalla dalkaasi faransiiska, wuxuu sheegay in uu haraagaasi yahay kii ugu facwaynaa inta hadda la ogyahay.

Haraagaa laga helay meel ay kooxdaasi qodayeen oo ku taalla bartamaha dalkaasi Myanmar.

Helidda haraagan intii ka horraysay, waxaa horyaalnimada facwayninka watay, haraa laga helay waqooyiga Kenya meel ku taalla oo loo yaqaan Lake Turkana, halkaas oo laga helay wiil yar lafihiis laguna qiyaasay in ay jiraan 33 milyan oo sano, sida uu qoray Richard Leakey.

Culumadu waxay aaminsanyihiin, in dadka maanta joogaa ka soo tarmay, ummado hore oo dhulkan ku noolaa, kuwaas oo rejo laga qabo in lafahoodii ama haraagoodii la helo, si loo ogaado goortii ay noolaayeen iyo sidii ay u ekaayeen.

BOGGA 4AAD xayaysiin
TARJAMADA LUQADAHA
Waxaan aqristayaasha qaayaha leh ugu bishaaraynaynaa in idaarada wargayska Somali Electronic Journal hayso waqtiga xaadirka ah dhallinyaro mutacalimiin ah oo aqoon dheeraad ah u leh luqadaha (Ingriiska, Carabiga, Soomaaliga iyo Isbaanishka iyo luqado kale oo muhiim ah), awoodna u leeyihiin in ay turjumaan kutubta iyo maqaaladaha cilmiga ah iyo qoraallada kale ee la midka ah.
Hadaba ciddii doonaysa in loo turjumo qoraal noocii uu doono ha ahaadee, ha la soo xiriireen maamulka wargayska, qiimaha shaqadda tarjamadu waxay ku salaysan tahay nooca shaqada tiro iyo tayo intaba iyo heshiiska labada dhinac wada gaaraan.
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
SOMALIDA MAANTA IYO AFSOMALIGA

Waa daraaso cusub oo uu qoraagu ku falaanqaynayo, "habka ay soomaalidu -ha ahaato midda soomaaliya ku nool ama midda qurbaha ku noole- ay afafka somaliga & Ingiriiska) u adeegsato, iyo sida arrintaasi u saamaysay fikirka soomaalida maanta.
Waxaa inoo soo qoray daraasadan:

Ibraahim Yusuf
Skogsrundan 34A, 691 43 Karlskoga, Sweden.
Tel. 586 393 74

Ma ingiriisaynta ayaa dan la moodayaa?
Todoba sannadood iyo dheeraad ayaa laga joogaa maalintii waqooyiga dalka lagaga dhawaaqay maamulka goonida ah ee loo bixiyey ”Somaliland”.

Ma saxbaa ma qaladbaa? waa mid laga dooday, welina laga doodayo. Todoba sannadood ka dib ayaa lagu war helay maamul samayn kale oo loo bixiyey ”Puntland” iyo ”Jubbaland”, waxaana muuqata in ay gobollo kalena taasi ka soo guuxayso: (‘Hiiraanland’, ‘Banaadirland’, ‘Bayland’ iwm).

Dooni maayo in aan halkan kaga doodo micno darrada kala googo’a ka dambaysa iyo natiijada foosha xun ee ay innaga iyo faca inaga dambeeyaba taasi u keenayso, taas oo ay ugu yartahay in ay ummadda soomaalidu noqoto ”imaarado” yaryar oo cid waliba waxay doonto ku samayso, dadnimo, itaal iyo karaamana aan lahayn.

Ma doonayo in aan halkan ka soo jeediyo taladayda iyo aragtidayda ku saabsan sida aynu ku joojin karro kala daadashada socota. Sidoo kale dooni maayo in aan cidna xasuusiyo khilaafka iyo dagaalka sokeeye ee waqti taariikhdeeda ka mid ah ummad ka dhex dhaca in aanay khasab ahayn natiijadiisa lagama maarmaanka ahi in ay noqoto qarannimada ummaddaas oo burburta iyo reero loo kala dareero.

Waayo waa wax aynu wada qirsannahay dhibaato kasta oo bulsho soo food saartaa, inta ay doonto ha le’ekaatee, in ay leedahay xal kale oo aan ahayn kala daadasho iyo burbur kama dambays ah.     Waa socotaa...
ADAM C/LAAHI CISMAAN DR C/RASHID C. SHIRMAAKE JEN. M. SIYAAD BARRE
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
Mursal's Home Page
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda
Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu, Wuxuu matalaa midnimada Qaranka, wuxuuna u xilsaaran yahay hubsashada iyo dheelitirka hawlaha xubnaha kale ee Qaranka (Golaha Sharci Dejinta, Golaha Wasiirada iyo Maxkamadaha).

Isaga waxaa jagadiisa u doorta Golaha Shacbiga muddo lix sanadood, laguma dacwayn karo talaabadaha uu qaado isaga oo gudanayo xilkiisa Madaxwayna nimo, mar haadii aysan ahayn kuwa dambi ah, dhagar Qaran, ama wax ka horimanaya Nidaamka Dastuuriga ah.

Wuxuu awood u leeyahay Madaxwaynuhu in uu kala diro Golaha Sharci Dejinta "Baarlamaanka", waxaa kale oo uu kormeeraa hawlaha Sharci Dejinta, wuxuu fasaxaa Sharciyada Dawladdu Baarlamaanka soo hordhigayso, wuxuuna xaq u leeyahay in Sharciyada Goluhu oggolaaday uu dib ugu soo celiyo oo dib loogu noqdo.

Wuxuu magacaabaa, shaqadana ka fariisiyaa Raiisul Wasaaraha.
Madaxwaynahu isaga ayaa ah Hoggaamiyaha-sare ee Ciidamada Qalabka Sidah.
Wuxuu magacaabaa saraakiisha sar-sare ee rayidka iyo ciidamada, wuxuu fidiyaa cafis iyo musaamax.    [Waa socotaa...]  
FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Horta Yaa Dunida Fasahaadiya?
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya fasahaaddii iyo hooggii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya iyo siyaabaha laga yaabo in loo xalliyo.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah (Duullaanjecel)
Waxaa foolxumooyinkaas ka mid ahaa:
* Marbaan waxaan soo galay maktabadii weynayd ee halkaas ku tiillay (Machadkii Sidam), ka dib markaan muddo ku dheygagsanaa silica iyo saxariirta ay ku dambaysay hantidii qaranku iyo sida ay u lumayeen qoraalladii oo dhami, waxaanana guda galay in aan raadsado buug aan aad u jeclaa oo aan la'aa, halkaasna mar hore la iiga diiday kaas oo markaas u ekaa in uu noqdo qaybtii aan ku lahaa bililiqadii la kala hora tobsanayey ama la kala boobayey.

* Intaan ku dhex jiray maktabadii oon buugii baarayey waxaa ii soo galay nin waalnaa oo dhex jiifi jiray dukaafaddii dhismahaas hoos tiillay ama u dhaweyd oo weliba khamri si xun u sii cabay, markaasuu igu qayliyey oo igu yiri:
Walaalle ha ka qaadin kutubta halkooda waxaa u baahan walaalladaa kalee, ee intaad miiskan ku akhrisatid si hannaan wacan ah ugu celi halkaad ka qaaday.

Anigoo la ilmaynaya wanaagga meel beelay ee uu sheegayo ninka waalan, hase ahaatee aan haysan cid ka dhegaysata ayaa waxaa na soo ag maray raxan burcad qabiileed ah oo dagaal ujeed ah, waxayna damceen inay na dilaan aniga iyo ninkii waalnaa oo meeshii ku wada jira, laakiin waxay is tusiyeen inaannu nahay niman waal-waalan oo aan waxba laga faa'iidayn dilkooda, waana naga tageen.     Waa socotaa...
Madaxwayne Ha layga dhigo!

Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne Ha layga dhigo.
Mowduuca: Waa buug afsoomaali ku qoran, oo si qoto dheer u falaanqaynaya, hardankii qabiilooyinka soomaalida ku dhexmaray madaxwayne-nimo-doonka, iyo xujooyinkii qolo kasta ku andacootay.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah (Duullaanjecel)
electronic
BOGGA 5AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

Hersi's Photo
Hersi M. Labagarre
CASHARKA 23AAD
WIXII LAGA SHEEGAY IN UMMADDA ISLAAMKA QAAR KA MID AHI SANAMYADA CAABUDI DOONAAN!

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ka warran kuwa la siiyay qayb kitaabka ah oo rumayn sixir iyo shaydaan una dhihi kuwa gaaloobay, kuwaasaa ka hanuunsan kuwa rumeeyay (Eebbe) jid ahaan]An-Nisaa' 51.

Waxaa kale uu Eebbe yiri:
[Waxaad dhahdaa maydiinka warramaa waxa ka sharbadan arrintaas abaal marinta Eebbe agtiis, waa mid Eebbe nacladay una carooday kana yeelay daanyeerro, doofaarro iyo shaydaan caabude]Al-Maa'idah 60.

Waxaa kale uu Eebbe yiri:
[Waxay dheheen kuwii ku guulaystay arrintooda aan ka yeelanno korkooda masaajid]Al-Kahf 21.

Waxaa Abii saciid Allaha ka raalli noqdee laga soo weriyay, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri:
"Waxaad raaci doontaan raadkii ummadihii idinka horryeeyay, wax kasta oo ay faleenna waad fali doontaan, god dabagaalle haday galaanna waxaa dhici karta in aad ka daba geli lahaydeen.
Kolkaas bay waxay dheen: Nabigii Ilaahayow, dadka aan raadkooda raaci doonno ee aad sheegtay, ma Yahuudda iyo nasaaradaa?.
Wuxuu yiri: oo hadde yaa kale!".

Waxaa Muslim Sowbaan, Allaha ka raalli noqdee ka soo weriyay, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri:
"Ilaah baa dhulka ii soo koobay kolkaas baa barigiisa iyo galbeedkiisa la i tusay, waxaa kale ee la i ogaysiiyay in ummaddaydu gaarayso dhulkaa la ii soo koobay oo dhan, waxaana la i siiyay labada kayd, kan cas iyo kan cad, waxaanna Ilaah ka baryay in uusan ummaddayda abaar guud oo qabsata ku dhammayn, iyo in uusan cadaw shisheeye ah ku dirin, Eebbahayna wuxuu yiri:

Muxamadow, haddii aan go'aan gaaro, go'aankayga lama soo celsho, aniguna waxaan kaa ogolaaday in aanan ummaddaada abaar guud lagu dhammayn, iyo in aan cadaw shisheeye ah oo dibadda uga yimid aan lagu soo dirin, kaas oo ugaxdooda bannaysan doona, si kasta oo cadawgaasi u xoog badanyahay, inta ay ayagu dhexdooda iska laayaan, oo ay ayagu dhexdooda iska qafaashaan".

-Waxaa soo weriyay (xaddiiska) Barqaani wuxuuna ku deray "waxa kali ah ee aan ummaddayda uga baqayo waa immaamyada dadka lunsada" -

Haddii dagaal ka dhexdhacana qiyaamaha ka soko dagaalkaasi kama dhamaado, adduunkana la duubi maayo inta ummaddayda qaar ka mid ahi ay mushrikiinta ku xiranayaan, iyo inta kooxo ummaddayda ka mid ahi sanamyada ka caabudaan, waxaana ummaddayda ka soo bixi doona saddex beenlow, mid kasta oo kamid ahina uu sheeganayo in uu nabi yahay, aniga ayaana nabiyada oo dhan ugu dambeeya oo nabi iga dambeeyaahi ma jiro, ummaddayda koox ka mid ah oo aan xaqa ka tegin ayaana jiri doonta, kuwaas oo ah kuwa loo gargaaray oo aanuu dhibayn qofkii aan u soo hiillin, kii ka leexdana uusan wax u dhimayn inta amarkii Ilaah ka imaanayo.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda suuradda An-Nisaa' lagu sheegay.
Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda suuradda Al-maa'ida lagu sheegay.
Tan 3aad: Waa tafsiirka aayadda lagu sheegay suuradda Al-Kahf.

Tan 4aad: Waa ujeeddada laga leeyahay erayada aayadda lagu soo sheegay, ee ah "Jubti" oo sixirka ah iyo "Daaquut" oo shaydaanka looga jeedo, kolka ujeeddada meesha ku jirtaahi, ma in sixirka iyo shaydaanka la aamino oo laabta sidaa la gashado baa?, mise in la raaco oo lagu daydo kuwa gaalada ah ee ayagu sixirka iyo shaydaanka aaminsan, ayada oo ay caddahay in kuwaa Ilaahay nacay oo ay wax xaqa ka fog yihiin.

Tan 5aad: Waa hadalka Kitaablayda kaas oo ah in ay dhaheen kufaarta reer Maka ayaa Mu'miniinta ka diin toosan.

Tan 6aad: Oo ah arrinta casharka looga danleeyahay, waa in kuwo jaadkaas ah laga helayo ummadda islaamka sida xaddiiska Abii Saciid laga soo sheegay caddeeyay.

Tan 7aad: Waa in la sheegay oo la caddeeyay in dad badan oo ummaddan ka mid ah ay sanamyada caabudi doonaan.

Tan 8aad: Waa in la sheegay in ay soo bixi doonaan dad nabinimo sheeganaya sida Al-Mukhtaar, asiga oo ashahaatinka qirsan oo in uu Muslim yahay caddeeyay oo Nabiga iyo Quraanka iyo in Nabi Muxamad nabiyaalka ugu dambeeyay intaba rumeeyay, ayaa isla markaana nabinimada uu ninkaasi sheegtay la rumaystay, inkasta oo ay caddahay in hadalkiisu is burrinayo, Al-Mukhtaarka la soo sheegay, wuxuu soo baxay dabayaaqadii casrigii asaxaabta waxaana raacay dad badan oo hadalkiisii rumaystay.

Tan 9aad: Waa bishaarada Nabigu sheegay, taas oo ah in aan xaqu sahal ku lumi doonin sidii waayihii hore dhici jirtay, oo ay jiri doonaan kooxo xaqa ku dheggan.

Tan 10aad: Waa arrinta la yaabka leh ee dadka diinta u daacadda ah loo ballan qaaday, taas oo ah in inkasta oo ay yaryihiin aanay wax ka qaadi doonin kuwa in ay hagradaan isku deyaya iyo kuwa ka leexda.

Tan 11aad: Waa in ballan qaadkaasi jiri doono inta qiyaamuhu ka dhacayo.

Tan 12aad: Waa waxyaabaha la yaabka leh ee axaadiista lagu soo sheegay, waxaana ka mid ah in Nabigu sheegay in dhulka loo soo koobay, barigiisa iyo galbeedkiisa, uuna sheegay taas ujeeddadeeda, wixii uu sheegayna waa la arkay, waxaase jirta in uusan Nabigu sheegin Koofurta iyo Waqooyiga, waxaa kale oo uu Nabigu sheegay, in la siiyay maalkii Roomaanka iyo Beershiya, iyo in laba walxaato oo uu ummaddiisa ugu duceeyay laga aqbalay tii saddexaadna aan laga aqbalin, iyo in uu sheegay in muslimiintu dhexdooda iska layn doonaan, oo dagaalkaasi haddii uu muslimiinta ka dhexkaco uusan waligii joogsan doonin inta qiyaamuhu ka dhacayo.

Waxaa kale oo Nabigu sheegay in ay soo bixi doonaan qaar ummaddiisa ka mid ah oo nabinimo sheeganaya , iyo in ay hari doonto koox daacad ah oo waligood xaqa ku taagan, waxyaabahaa oo dhamina waxay u dhaceen sidii uu Nabigu u sheegay, in kasta oo waxyaabahaasi ay ahaayeen waxyaabo la yaab leh oo aan la rumaysan karin.

Tan 13aad: In Nabigu ku soo koobay baqdinta uu ummad-diisa uga baqayo, tan ka imaanaysa culumada diinta taqaan ee dadka luminaya.

Tan 14aad: Waa in la isku baraarujiyay ujeeddada "caabudidda sanamyada".

BOGGA 6AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 19aad
LIBAAXII IYO DIBIGII
Tusaalahanna waxaan kuugu soo qaaday, in aad ogaato in haddii libaaxa wadayaalkiis ay dilkayga u kulmaan aanan awoodin in aan diido ama ka dhawrsado, sikasta oo talada libaaxu ii hayo tooda u dhaafsanaato taasi waxba iima gasho waxna ii tari mayso, waxaana la yiraahdaa:

Boqorro waxaa ugu fiican kii dadka sima, inkasta oo libaaxu wax aan wanaag iyo dha-qaale ahayn ii qaban, waxaa geddin lahaa hadallada badan, haddii ay badatana waxay la tagtaa jileeca iyo laab nugaylka, sow maadan arag in biyuhu aaney hadalka lamid ahayn, dhagaxuna uu ka kakanyahay dadka, haddiise ay in door ah dhagaxa dushiisa ku dareeraan ma nagaadaane waa daloolshaan oo saameeyaan.

Dimna: maxaad hadda doonaysaa in aad samayso?.
Shitriba: dadaal iyo in aan la dagaalo mooyee wax kale ma arko, maaxaa yeelay tukaduhu tukashadiisa kuma laha, sadaqaystuhuna sada-qadiisa kuma laha, ajirka inta uu ku leeyahay dagaalyahanka jiritaankiisa difaacaya haddii uu gar leeyahay.

Dimna: uma habboona qofna in uu naftiisa halis gelsho asiga oo wax kale awooda, hase ahaatee waxgaradku dagaalka wuxuu ka dhigtaa tabihiisa tan ugu dambaysa, in taas ka horna wuxuu u socdaa tab iyo aalyar.     (Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Khaif's Photo Khaliif Sh. Maxamuud Siciid (1951-1982)
GABAYGII JAWAABTA AHAA EE CALI CILMI (Afyare)
Gabaygan waxaa tiriyey Cali Cilmi “Afyare”(Allaha u naxariistee) isgoo ka jawaabaya gabaygii Khaliif Shiikh Maxamud ee Hurgumo. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 109 (Boqol iyo sagaal) tixod, waxaana loogu magacdaray “MASHIIQSI”.

Maasadan waxaa inoo soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad (Ciise Carab)
Qaybtii 3aad:
Mar baad dunida miid iyo karuur,
malab ka leeftaaye
Marna dacar qadhaadh iyo sun baa,
laga magawshaaye
mugdigiyo caddadda waxa ka ka dhigay,
waa masalo weyne
Mahad weeye Eebbahaby wixii,
aad ka mudataaye
Mar haddaadse ka iimaan xuntahay,
meeriskiyo khayrka
Marinka aad ku joogtaaba waa,
kii munaafaqa’e.
Afataa sidii macallimada,
“Miin” ma ka higgaadshey
Majarihiisa kama leexiyee,
muunad ma u sheegay
Afar kalena mayay soo curtiyo,
mililiceydii dheh.
War laas maax yar miileysi baa,
loo mijilayaaye
Nin walba muggii kama heliyo,
waa marroorsadaye
Gobannimada ma anaa iska leh,
meerto sow maaha?
Muddo aan yareyn baa khalqigu,
noo madiidimaye
Oo mayraxdiyo duubka iyo,
maarahow sidaye
Oo aan maroodi u ahaa,
maata koriyaaye
Maantana ma liito’e adaa,
mooye kuu ciyaye
Maldah iyo ibliis waalan baa,
maanka kaa rogaye
Makaabkiyo dhistii iga ma dumin,
maxashtu ii tiile
Maradaydi way saarantahay,
muunadda lahayde
Igarkii maqaarkiisa nacay,
oo mid kale doonay
Maahmaahda gabaygaaga waa,
lagu mataalaaye.
Bandhigga buuggii "Markab iyo Nin Miyi"
Bandhigga buuggan Waxaa inoo soo qoray:
Mukhtar A. Ismail...(London)
Faahfaahin ku saabsan Buuggan:
1.Cinwaanka: Markab iyo Nin Miyi
2. Mowduuca: Sheeko ku salaysan noloshii qoraaga buugga.
3. Qoraaga: Cabdilaahi Cawad (Lugwayne).
4. Qiimaha: (5.00 English Pounds)
5. Cidda Buugga iibinaysa: Xaaji Aadan.
Tel. No: Inside UK: (0)171357 8584, Outside UK:(00) +44 171 357 8584
Qaybtii 2aad:
... Kadib goortii uu libaax ka cunay Gargaar, Gahayrna uu kud ka dilay ayay u soo wareegeen magaalada Burco, sanad markay halkaas yaaleena aabihiis ku geeryooday.

Isaga oo xaaladaa soomartay kaga hadlaya in leeg ilamaa lix bog, waxa uu Cawad ku tilmaamay in ay ahayd mid aad u adag.

Da'adiisu markay ahayd sideed jir, wuxa uu Cawad shaqo ka helay Hudheel ku yaalay magaalada Burco, marka maqalka Hudheelka loo dhiibana si qumman ugu fiirsan jiray sida ay kariyayaashu isugu darayaan una karinayaan cuntada "si uu heerkooda u gaadho noqdana kariye".

Sanadku markuu ahaa 1936kii ayuu Cawad isla hudheelkii ka noqday kariye, mushahaaradiisiina xoolo ka iibiyay, sidaasna Hooyadii iyo Hablahoogii dib miyi ugu dajiyay.

Kadib markii uu geeryooday ninkii Hudheelka lahaa sanadkii 1940kii ayuu Cawad ka tegay magaalada Burco, una wareegay magaalada Berbara, halkaas wuxuu Cawad uga sii gudbay magaalada Caddan bishii Febraayo ee sanadkii 1948kii, halkaasna degay, Hudheelna ka furtay kuna guursaday, todoba caruur ahina ugu dhalatay.

Cawad oo mudadaas kaga hadlaya in ka yar laba-bog hadana sheekadeedu marna kama maqna guud ahaan bogoga intooda badan, Wuxuuna Cawad ku tilmaamay mudadaas uu lahaa Ooma'te gadaha (Hudheel) "in waqtigu la shaqaynaayay" dadkuna ay kala ahaayeen mid ka yimid iyo mid ku soo socda.

Taariikhdu markay ahayd 1973kii Hudheelkiisiina sidii hore u socon waayay ayuu tashaday oo inta uu Cawad labadii Disti iyo Kildhigii dhulka ku dhuftay isagoo annaananaya inay kuwa la hadhayba iyaga yihiin iyo Madbakhan uu ilaa sideed jirkiisii ku jiray.

Isla sanadkaas gudihiisa ayuu Cawad Ooma'tte gadihiisi gaday, isaga oo " riyadiisii run ka dhigaya "iibsaday markab, taasoo uu Cawad ku andacoonayo in ay ahayd tuu magaciisa iyo himiladiisa ku dhaafinaayay labada fiyaaradood ee meheradiisa.     (Waa socotaa...)
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 6aad
61. Xaajo dhan waa ka xusul dhanna waa kataako.
62. Xaajo daaman la qabto ayeey leedahay ee daba la qabto maleh.
63. Xabaala waalid baa xoolo lagala baxaa.

64. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.
65. Xantaada xiinkeedaa kuu baxa.
66. Xadhko, geel ma wada xiraan.

67. Xaniinyo dherer ma doonaan.

68. Xoolahaagu xeer iyo xero mid ha kuugu jireen.

69. Xoolo quureed waa la qataa, soor quureedse lama cuno.

70. Xalaal iftiin baa la qashaa.

BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
XISAABTA MA KU LIIDATAA?
Ma u baahantahay qof kaa caawiya maaddada xisaabta? si aad u yeelato aqoon xagga xisaabta ah oo kalsooni buuxda kaa siida, xisaabta aad u baahantahay maalin kasta.
Tusaale ahaan: (Everyday Mathematics, an introduction to geometry, an introduction to statistics, averages, introduction to algebra iyo qaar kale), haddii aad xiisaynayso mowduucan waxaad qaadan kartaa toddobaad kasta duruus lagugu siiyo af ingriis (by email) laguuguna sharxo af soomaali, haddaba fadlan la soo xiriir idaarada wargayskan.
electronic
* Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen:
hersi@brunet.bn
********

** Waxaan xasuusinaynaa dhammaan aqristayaasha ku tixan wargayskan, in ay wixii ogaysiis ah ama baafin ah ee ay doonayaan in ay fidshaan u soo diri karaan wargayska looguna fidin doono bilaash.
Dadka aan xubin ka ahayn aqristayaasha wargayskan bilaash looguma fidin doono ogaysiisyada iyo baafinta.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, wargayskani bilaash kuma fidin doono ogaysiisyada iyo xayaysiisyada la xiriira ganacsiga iyo kuwa ururradu leeyihiin, qofka fidinayaa xubin haka ahaado aqristayaasha ama yuusan xubin ka ahaane.
********

*** Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro.
Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh:
(ii soo dir codka soomaalida cusub), ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan:
http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html
qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email, asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).
*******

[F.G]:(1) Dadka wargayskan in loo soo diro sida rasmiga ah u soo codsaday, way daabacan karaan wayna aqrisan karaan, wayna masawiran karaan marka loo soo diro jornaalkan, waxaase reebban in dib loo sii qaybsho ama laga ganacsado ama dano kale oo gaar ah lagu fushado.

(2) Dadka aan soo codsan wargayskan in loo soo diro, uma bannaana in ay wargayskan masawirtaan ama daabacaan, haddiise ay doonayaan in ay aqarsadaan waxay soo booqan karaan Home page-ka Codka Somalida Cusub ee kor ku xusan.

(3) Dhammaan qoraallada wargayskan ku soo baxa ama buug ha ahaadeen ama maqaallo ama warare', waxay xuquuqdoodu u dhowrantahay qoraaga soo qoray.

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
Booqo bogga csc
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin