Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 13 - 20.09.1998

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

HERSI M. LABAGARRE

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. BIN ABDULWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

ABDULLAHI BIN AL-MUQAFA

7

BOGGA 7AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

MAXAMAD CIISE AXMAD

8

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD

Ararta Wargayska


Hersi M. Labagarre

Somaliya, Masar iyo Jaamicadda Carabta!

Maalmahan dambe waxaa si la yaab leh ugu howlanaa arrimaha soomaaliya dowladda Masar, waxayna u soo dirtay nin wakiil ah oo loo xil saaray in uu la socdo sida ay u socdaan fulinta howlaha la xiriira maamulka cusub ee magaalada Muqdishu.
Su'aasha aan doonayo in aan halkan kaga baaraan dego waa, waa maxay danta ay masar ka leedahay soomaaliya?

Masar maxay Soomaaliya ka rabtaa?
Dowladda Masar wax jacayl ah uma hayso soomaaliya, maxaa yeelay soomaaliya markii ay burburtay 1991kii, Masar waxay ka is taagtay mowqif aad u xun oo naxariis darro ka muuqatay.

1991kii mar aan soo maray magaalada Qaahira aniga oo socdaal ah, ayaan wax yar u fiirsaday sida dowladda halkaa ka talisaahi ula dhaqmayso Soomaalida masaakiinta ahayd ee qaxaysay ama cararaysay.

Halkan dooni maayo in aan waqtiga aqristaha uga lunsho dhibaatooyinkii soomaalidu kala kulantay dalkaas, ee waxaan doonayaa in aan ku cadddeeyo in aanay jirin wax la yiraahdo saaxiibtinimo iyo derisnimo iyo carabnimo ama muslimnimo marka siyaasadda lagu dhexjiro, haddaba Masar maxay soomaaliya maanta ka doonaysaa?

Dhalanteedka heshiis-kusheeggii Qaahira
Shirkii sanadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisii lagu qabtay Qaahira ee loo malaynayay in heshiis lagu heli doono wuu fashilmay, taasna waxaa isga marqaati kacay dhammaan abbaanduulayaasha dagaalka soomaaliya, haddaba maxaa masar soomaaliya daba dhigay?

Sidee wax loo cunaa?
Mid jawaab ah ayaan arrintaas u hayaa, waa in Masar doonayso in ay jaamicadda carabta lacag uga cunto, waxa ay ku sheegayso "howsha ay ka waddo soomaaliya", maalmahan ninka masar wakiilka uga ah soomaaliya Muqdishu ayuu meeraysanayay, dowladda Masarna waxay sheegatay in ay taageeri doonto booliiska magaalada Muqdishu, laakiin hadalkaas waxaa looga dan lahaa in la tuso wasiirrada arrimaha dibadda ee carabta ee ku shirayay 16-17ka bishan Qaahira, in Masar meesha howl ka waddo, si lacag looga cuno Jaamicadda carabta.

Waxaa Nasiib darro iyo Nasiib wanaag intaba ah, in wasiirradii carabta ee Qaahira ku shirayay aysan soomaaliya soo hadal qaadin, wasiirrada badankoodii ma imaan, 10 dowladood ayaan soo dirin wasiirradii, oo ay ka midd yihiin Sacuudiga, dowladaha qaliijka iyo marooko, Jasaair iyo qaar kale.

Wixii meesha isugu yimid warkoodii wuxuu ku ekaa, in ay soomaalida ku waansheen in waddanka la hagaajiyo, meeshii laga sugaayay in ay malaayiin lacag ah ku yaboohaan.

Mashaariic Been ah
Masar waxay soo habaysay mashruuc lagu qiyaasay in ay ku bixi doonto $6 million, oo la doonayo in soomaaliya nabaddeedii dib loogu soo celsho, laakiin dhagartaasi waa mid aan soconayn maxaa yeelay dowladaha carabtu way ogyihiin in aan soomaaliya nabadi ka dhalanayn, lix million iska daaye, xataa hadday baxshaan lix billion.

Soomaaliya Nabaddeedu lacag uma baahna, umado aan soomaaliya wax dhaamin ayaa nool oo nabad ku jira, nabad lacag laguma gato, nabadda waa la sameeyaa, waxay u baahantahay soomaaliya in dadkeedu fahmaan waxa nabaddu tahay.

Faanoole Fari kama Qodna
Nabaddu lacag ma aha, nabaddu been ma aha, nabaddu afmiinshaarnimo ku imaan mayso, nabaddu waxay ku imaan kartaa daacad nimo iyo caddaalad.

Ninkii nabadda daacadnimo iyo caddaalad ku raadinayow, allaha kula jiro, in aad guulaysato ayaan kuu rejayaynaa, ninkii nabadda lacag iyo afmiinshaarnimo ku raadshana ha ku bishaaraysto in uusan soomaaliya nabad ka keeni doonin.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA


Wadaaddada Maxkamadaha Koofurta Muqdishu
oo Banneeyay in Xirmooyinka Waddooyinka la furo

MOGADISHU, Sept 18 (AFP), Wadaaddada maxkamadaha Islaamiga ah haysta ee jooga koofurta magaalada Muqdishu ayaa waxay banneeyeen in la furo xirmooyinkii waddooyinka magaalada Muqdishu ku samaysnaa, kadib markii dadka socotada ah ay ka cawdeen tuugo iyo boob.

Sheekh Axmad Cabdullaahi nin lagu magacaabo oo wadaaddada u hadlay, wuxuu wareyayaasha u sheegay in Islaamku u arko qatar wayn tuugada waddooyinka, loona baahanyahay in ciqaab adag la marsiiyo.

Fatwadaas waxaa la soo saaray ka dib markii ay socotadu ka sheegatay dhaca tuugada hubaysan, kaas oo ay uga jeedaan xirmooyinka la dhigay irdaha iyo waddooyinka magalaadada Muqdishu.

Waxay socotadaasi weriyayaasha u sheegeen in inka badan 40 xirmo oo ay haystaan niman madax bannaan oo tuugo hubaysan ah ay safarradada dadka socotada ah dhibaato ku hayaan oo ay baad ka qaadayaan.

Waxaa wararku intaa ku dareen in tuugadaas badankeedu joogo waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Xamar, waxaana la sheegayaa in tuugadaasi ka tirsanyihiin Qabiilka Habargidir oo ay raacsanyihiin Xuseen Caydiid, socotada u kala safarta dhulkaas waxay sheegeen in halkii kiiloomitirba ay joogaan niman hubaysan oo dadka baad ka qaadaya ayaga oo ku andacoonaya in ay jidka nabaddiisa ilaalinayaan.

Qaadwalayaasha iyo nimankaa tuugada ah badanaa xabad ayay is dhaafsadaan, dadka reer miyiga ah ayaa sidaa sheegay. Ganacsatada xoolaha iyo xaabada soo beec gaysa xitaa waxaa la sheegay in ay baad ka qaadayaan.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Xisbi Siyaasi ah dhisay
NAIROBI, Sept 16 (AFP), Niman isku tilmaamay in ay yihiin Aqoonyahannada Soomaaliya ayaa waxay Aasaaseen xisbi siyaasi ah, waxayna sheegeen in ujeeddadiisu tahay in uu soomaaliya nabadii u soo celsho.

Xisbiga la baxay "The United Somali Peace Coexistance (USPC)" waxaa la sheegay in uusan ka soo horjeesan doonin abaanduulayaasha soomaaliya ee uu u gogolxaari doono sidii nabad ay ku gaari lahaayeen, sidaa waxaa Nairobi ka sheegay hogaamiyayaasha xisbaga, laakiin waxay ku eedeeyeen abaanduulayaasha in ay ka dambeeyeen dagaalkii sokeeye ee soomaalidu ku le'atay.

Hoggaamiyayaasha xisbiga USPC, waxay sheegeen in aan xisbigoodu lahaan doonin wax ciidan hubaysan ah oo ka ilaalsha xubnaha xisbigaas weerar laga yaabo in uu ka yimaado abaanduulayaasha iyo burcadda kale ee hubaysan, kuwaas oo argagixin ku haya dadka aan ayaga ka dambayn ee ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka soomaaliya.

Xisbiga USPC oo ku andacooday in ay saddexdii sano ee la soo dhaafay si qarsoodi ah u shaqaynayeen, waxay adduun waynaha uga mahad celsheen kaalmada baniaaddanimo ee ay u fidsheen ummada soomaaliya ee baahan.

Nimankaa indheergaratada isku sheegay waxay rumaysanyihiin in dagaalkii soomaaliya dhamaaday, dagaalka hadda socdana uu yahay mid ka dhexeeya abaanduulayaasha ee uusan ahayn mid ka dhexeeya dadka soomaaliyeed, waxaa kale ee ay rumaysan hihiin in habka uu adduun waynuhu soomaaliya nabadda ugu raadinayo uu hab qaldan yahay, maxaa yeelay saxiixa ay abaanduulayaashu saxiixeen heshiisyo been ah nabad lagu gaari maayo.

Nabadda waxaa lagu gaari karaa caddaaladda iyo sinaanta oo dalka dib looga abuuro iyo aqoonta bulshada soomaaliyeed oo kor loo qaado.
Waxaa kale oo la sheegayaa in aan xisbigaasi wax xiriir ah la lahayn xoogagga dibadda laakiin ay ammaaneen howsha ay ka waddo qolada IGAD dalka soomaaliya ee ah nabad raadinta.

Jaamicadda Carabta oo Soomaaliya
Nabad la raadinaysa!!
CAIRO, Sept 15 (Reuters),Jaamicadda Carabta ayaa waxay isku deyaysaa in ay nabadii iyo midnimadii dib ugu soo celiso dalka Somaliya, taas oo ay hadda ka hor dhowr jeer ku fashilantay.

Warkaas waxaa shaaca ka qaaday kuxigeenka guddoomiyaha Jaamicadda Carabta Axmad Bin Hilli maalintii talaadada. Lacag la sheegay in ay gaarayso $6 million oo la doonayo in lagu qabto howsha nabad raadinta, oo isugu jirta shir ladoonayo in lagu qabto Muqdishu oo ay kooxaha oo dhan ka soo qayb galaan, dekedda iyo eriborkana lagu furo, ayaa la sheegayaa in ilaa iyo hadda laga hayo in gaaraysa $400,000.

Guddi loo xilsaaray arrinta nabadraadinta soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa in ay soo dejiyeen hab cusub maalintii isniinta, kaas oo ay doonayaan in ay hor keenaan shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee carabta ee lagu qabandoono arbacada Qahira.

Waxaa kale ee la sheegayaa in waddamada carabtu lacagtii laga sugayay bixin la'yihiin, taasna ay ugu wacantahay, kalsooni darrida ay ka qabaan hoggaamiyayaasha soomaalida.

Ina Caydiid oo Yaman booqday
SANAA, Sept 13 (AFP), Abaanduule Xuseen Caydiid ayaa wuxuu booqday dalkaasi Yaman asiga oo la kulmay madaxwaynaha dalkaas Cali Cabdalle Salix.

Yaman waxay ka mid ahayd dhowr dal oo jaamicadda carabtu u xilsaartay in ay dagaalka sokeeye ee soomaaliya ka socda joojiyaan.

Madaxwayne cali cabdalle wuxuu sheegay in uu heegan u yahay in uu ku dhaqaaqo wax kasta oo lagu joojin karo dagaalka sokeeye ee ka socda soomaaliya.

Masar oo la sheegay in ay taageerayso Booliiska Muqdishu
MOGADISHU, Sept 14 (AFP), Dowladda Masar ayaa waxay ku taageeraysaa booliiska Magaalada Muqdishu wixii qalab ah ee uu u baahanyahay, toddobaadka soosocda, sidaa waxaa isniintii sheegay ninka sida gaarka ah ay Masar ugu xilsaartay somalia.

Maxamuud Mustafa, oo ah ninka ay Masar u xilsaartay Somalia, wuxuu la kulmi doonaa maalinta talaadada taliyayaasha booliiska, magaalada Muqdishu, ayaga iyo xubnaha guddiga loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan baahida ciidankaas, sidaa waxaa soo sheegay, wargayska Qaran ee maalin kasta ka soo baxa Xamar.


Abbaanduule
Cismaan M. Caato

Mucaaradka Maamulka Muqdishu

Abaanduulayaasha mucaaradka maamulka Muqdishu Oo howsha masar xamar ka waddo ku tilmaamay dhagar Cusub oo kooxaha soomaalida laysaga horkeenayo

MOGADISHU, Sept 14 (AFP), Abbaanduule Ismaan Caato ayaa wuxuu ku tilmaamay, kaalmada ay Masar sheegtay in ay siinayso ciidanka booliiska muqdishu, in ay tahay dhagar cusub oo lagu shidayo colaaddii kooxaha soomaalida horay u dhextiil.

Ismaan Caato wuxuu yiri; garan maayo sababta Mustafa uu u hubaynayo mid koox ah si ay uga horyimaadaan kuwa kale. Waxaan rejaynaynaa in masar toosido wakiilkeeda, kaas oo marin habaabinaya dalkiisa.

Ismaan Caato wuxuu sidaa u sheegay AFPda maalintii isniinta asiga oo jooga Kenya.
Sidoo kale, waxaa howsha ay Masar soolaamiya ka waddo ka soo horjeeda, abbaanduulayaasha kala ah, Hussein Haji Bod, General Mohamed Sheikh Osman iyo Musa Sudi Yalahow, dhammaantood waxay dhisidda ciidanka booliiska magaalada muqdishu ku tilmaameen in uu yahay macnala'aan, waxayna jabhadahoodii ku kal xeraysteen xeryo gaar ah oo lagu tababaro oo magaalada muqdishu ku yaalla.

Dagaalkii Murusade iyo Abgaal
Oo dib u labakacleeyay
MOGADISHU, Sept 15 (AFP), Waxaa la dilay ilaa 14 qof, 18 kalena waa la dhaawacay, ka dib markii uu dib u laba kacleeyay dagaalkii muqusadaha iyo abgaal ay isga horyimideen toddobaadkii la soo dhaafay ee loo malaynaayay in uu joogsan doono.

Dagaalkaas xooggiisu wuxuu ka dhacay tuulada budbud ee ka tirsan degmada ceeldheer, ka dib markii uu dagaalkaasi dib u billawday maalintii sabtida markii heshiiskii nabadda ee horay loo gaaray ay labada qolo burriyeen.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

UN ka oo dhaleeceeyay dilkii siyaasiyiintii Iran
UNka ayaa waxay dhaleeceeyeen dilkii lagu dilay 15 qof oo u badan siyaasiyiin iyo warfidiyeen, dalkaasi Afganistaan, dilka dadkaas waxaa la sheegay in ay ka dambeeyeen, wadaaddada seefla boodka ah ee ka dagaallama dalkaas ee loo yaqaan Dalibaan.

Daalibaanku waxay sheegeen in nimankaas ay dileen niman daalibaanka saaxiibadood ah oo aan taliska daalibaanka hoos imaan.

UN ku war ay ku soo saareen shir aan caadi ahayn, waxay ee deeyeen falkaas, waxayna waydiisteen in dadka kale ee xiran si degdeg ah loo soo daayo.

Waxaa la sheegayaa, in sababta dadkaa loo laayay ay ahayd ayaga oo kula tashay daalibaanka in ay dagaalka joojiyaan oo waan waan nabadeed la galaan qolyaha ay isku haystaan gaar ahaan gobalka Bamiyaan iyo hareerihiisa, iyo warfidiyeenka oo la sheegay in ay tebinayeen, wararka la xiriira xasuuqa ay daalibaanku xasuuqayeen dadka maatida ah ee degmooyinkaas deggan.

UN ku waxaa kale ee ay waydiisteen in arrinta dilkaas si degdeg ah loo xaqeejiyo ayada oo ay ka qayb qaadanayaan dad ka socda UN ka.

Iran waxay ku tuhunsantahay dilkii dadkaas in ay ka dambeeyaan, qolyaha baakistaanta ah ee sunniga macangeggaa ah, ee ka garab dagaallama daalibaanka, in ay dadkaas gawraceen, kolkii ay qabsadeen meesha loo yaqaan mazarisharif.

Dagaallo ka dhacay koofurta Suudaan
Dagaallo ba'an oo ay isaga horyimideen laba jabhadood oo ka dagaallanta koofurta suudaan bishii la soo dhaafay, ayaa waxaa la sheegayaa in lagu dilay dad gaaraya ilaa 400 oo qof , kumanyaal kalena way ku hoy beeleen.

Dagaalkaas waxay dhexmareen laba qolo oo ay kala hoggaanshaan laba nin oo jabhadaha koofurta suudaan kala hoggaansha oo la kala yiraahdo Riak Machar iyo Paulino Mateb, labada nin midka hore wuxuu gacan saar la leeyahay dowladda Suudaan, midka kalena waa jabhad.

Dagaalka sokeeye ee ka socda koofurta Suudaan wuxuu socdaa 15 sano ku dhawaad, dhulka dagaalkaas ka socdo waa dhul hodon ah oo beero iyo saliid intaba leh, dadka dhulkaas deggan badankoodu waa kirishtaan iyo qaar rumaysan diimihii awoowayaasha, waxay doonayaan in ay ka madax bannaanaadaan dowladda Khartuum ee ay muslimiintu gacanta ku hayaan.

Nin Jabkiis nin buu janno u yahay!
Ra'iisal wasaare ku xigeenkii Malaysia Dato' Sri Anwar Ibraahiim ee sida naxariis darrada ah uu u casilay ra'iisal wasaaraha dalkaasi Dr Mahathher, asiga oo ka xuubshay saddex jago oo kala ahaa wasiirka dhaqaalaha, ra'iisal wasaare ku xigeen iyo xubinnimada xisbiga dalka xakuma (UMNO), ayaa maalmahan wuxuu isku deyayay in uu dadwaynaha Malaysia u sharxo sida wax u dheceen iyo qilaafka ka dhexeeya asiga iyo ra'iisal wasaaraha.


Dato' Sri
Anwar Ibrahim



Taasi waxay keentay in uu dad badan ku soo booqdo Dato Anwar aqalkiisa ku yaalla magaalada Kuala Lumpur, degmada ay degaan dadka hodonka ah ee la yiraahdo Damansara, dadka halkaa imaanaya ee soo booqanaya Dato Anwar si ay ugu tacsiyeeyaan, waxay u baahdeen cunto iyo cabitaan badan, halkaasna waxaa ka dillaacay ganacsi layaab leh.

Habar aqalka Dato' Anwar hortiisa waab yar ka dhisatay oo rooti iyo shaah iyo cunto yaryar gedaysa ayaa waxay weriyayaasha u sheegtay, in aysan fahmayn waxa uu sheegayo Dato' Anwar, Qudbada uu dadka halkaas ugu jeedinayana aanay dhegaysan, danna aanay ka gelin waxa dadku isaga daba hiririg leeyahay, ee ay meesha u joogto ganacsiga la yaabka leh ee halkaas ka socda awgiis.

Kumanyaalka qof ee soo booqanaya aqalka Dato' Anwar waxaa kale ee ay u baahanyihiin calamo ay luxaan iyo calaamado ay baabuurta ku dhegsadaan oo lagu daabacay erayo Dato' Anwar lagu taageersanyahay oo badanaa lagu qoro erayo sidda "Reformasi" oo looga jeedo "Reformation" ama cusboonaysiin.

Arrintaas waxaa ayadana ka faa'iiday dhallinyaro soo daabacay kumanyaal waraaqo ah oo baabuurta lagu dhegsado iyo calamo la lulayo oo ay ku dhiganyihiin earayada taageerada, wiil wiilasha howshaas wada ka mid ah ayaa wuxuu yiri toban kun oo warqadood baan daabacay wayna iga dhamaadeen, xabbaddii waxaan geday (2.50) oo lacagta Malaysia ah, qiyaastii (US$ 70 cents), wuxuu yiri boqolkiiba toban lacagta aan geday waxaan ugu tabarucayaa Dato' Anwar oo aan ku taageerayaa.

Ganacsatadaas yaryari waxay ka hodmeen jabkii ku dhacay ra'iisal wasaare ku xigeenka, maxaa yeelay meel kasta oo uu aado way ka daba aadayaan, kolka uu shir qabto ugu yaraan 10 kun oo qof ayaa ka soo qayb gelaysa, shaaha ay cabaan iyo biyaha iyo sandawiishka ay cunaan ayaa waxaa laga qaban karaa boqollaal kun oo lacag ah!!!

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

ALLOW SAHAL AMUURAHA
Rag tashaday taako cir wuu tolaye, Alla ka sokow yaan sugnaa? Wax garadow kaalintaada qaado. Ilaahey wuxuu isbeddel ku siiyaa haddii adiga naftaada guda ahaan aad u beddesho.

Haddaba waxaa loo baahan yahay wax qabsasho, si Alla Umuuraha u Sahlo. Soo ma aha waqtigan in qofka soomaliga ah xornimadiisa fardiga ah la soo noqdo oo uu ka soo baxo qafaska birta ah oo uu qabiilka iyo nidaaamyada qabaliga ah oo ay ka xirteen.

Sida uu muuqato, qof kasto hadda waxaa u fakaro beesha uu ka tirsan yahay, go'aankane u gaarto. Waxaad maqleysaa beel heblayo urur ama jabhad u gaar ah ayay sameysatay.

Iyada oo laba isweydiinin, mabadiida iyo ujeedooyinka waxa ay yihiin, inta beeshaasi u dhalati si automatik ah ugu daba feylayaan. Awaamiirta ka soo baxdane qof waliba halkii uu joogo ug fulinayaa, una difaacayaa falalkooda.

Qofka Soomaaliga ah inuu lumiyay shakhsiyaddiisa dabiiciga (persona fisica) ahayd oo uu galay shakhsiyadda sharciga (persona giuridica) ee ururrada.

Marka waqtigaan sooma habboona in dadnimadeena iyo shakhsiyadeena fardiga ah aan soo ceshano iyo dareenkeena fardiga si ay noogu suurtowdo mabaadi' iyo fikrado fardi ah oo aan ky howl galno aan yeelano.

Dalka wuxuu u baahan yahay afraad dareen aadami leh, mustaqbal tiigsanayo, una hura difaaca himilooyinkooda maal iyo mood intaba. Waxa loo baahan yahay waqtigan waa innagoo amuurahaas farciga ah inaysan na illowsiinin amuuraha asalka oo ah jiritaankeena Ummada ahaaneyd.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax
Ph.D IN ENVIRONMENTAL LAW AND POLICY

MAXAAN LA DAREEMI WEYNAY CADAABKA?

Haddaba markaad middaas iyo kuwa kale oo badan ka eegto dadkeena waxaadba is leedahay malaha Yuhuuddii hore iyo guud ahaanba cawaantii hore ayaaba kuwan dhaantay, bal aan ka eegno xagga maamullada iyo dhaqamada bulshada ee iyamaa wanaagsan Fircoon iyo mid ka mid ah madaxda maanta?.

Runtii taasi shaki ma leh oo fircoon wuxuu dhaamay in badan oo ka mid ah madax Soomaaliyeed iyo kuwa kalee caalamka maanta ka amar ku taagleeya, waa markaan ka eegno sidaan soo shegnayba xagga; caddaaladda, Dimoqraadinimada, xoriyadda, Caqliga iyo dadnimadaba, wadaninimada iwm.

Oo haddaanaan xaqiiqada iska indha tirayn waxaan ognahay inay tahay hab aanba maanta la rajeyn karin oo laga quustay, maxaa yeelay waxaa isaga caadi ah madaxda maanta in ay habeen madow ama si cadba u gawracaan oo ifka uga qariyaan kii ay ka dareemaan inuu ka soo horjeedo xukunkooda xataa iyagoon wax hubsan.

Sidaa darteed waa mid aan la sugeyn in shakhsi keliyihi ku mucaarado amar ay soo jeediyaan iskaba daa in iyaga iyo dadweynohoodu ay fikrad iyo talo wadaagaane.

Sidaa Fircoon iyo si ka sii fiican bayna wada ahayeen kuwa kale ee Dhaaquutyada ahaa ee lagu sheegaya qur'aanka, tusaale kale sidii loola dhaqmay Nebi Ibraahim, markuu ka jajabiyey Asnaamtii ay u haysteen Ilaahyada muqaddaska ah, waxay u raadsheen markhaatiyaal ku caddeeya, ka dib markay ku hubsadeen, Ilaah wuxuu yiri:

(Waxay dheheen war yaa Ilaahyadeenii saan u galay, kuwaasi waa daallimiine, waxayna dheheen waxaan maqalnay will wax ka sheegaya oo la dhaho Ibraahim, saa waxay dheheen keena dadka indhahooda (hortooda) waxaa la arkaa in ay ku marag furaane) Al-Anbiyaa; 59-61.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 17AAD

WAXYAABIHII LAGA YIRI SHAFEECADA

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ugu dig Quraanka kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo Eebbahood iyagoon lahayan sokeydiis qaraabo iyo sha-feece midna inay dhawrsanaadaan darteed]Al-Ancaam 51.

Waxaa kale uu Eebbe yiri:
[Waxaad dhahdaa Eebbaa iska leh shafeeco oo dhan] As-Sumar 44.

Waxaa kale uu Eebbe yiri:
[Waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebbe) idankiisa mooyee]Al-Baqarah 255.

Waxaa kale uu Eebbe yiri:
[Badanaa malag samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacayn in Eebbe idmo mooyee, cidduu la doono uu ka raalli noqdo]An-Najm 26.

Waxaa kale uu Eebbe yiri:
[Waxaad dhahdaa u yeera kuwaad sheegateen Eebbe ka sokow (inay ilaah yihiin) kuma hantaan attam wax la eg samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna kuma laha dhaxdooda Eebbe wax u kaalmeeyana kuma laha uunka] Saba' 22.

Abul Cabbaas Wuxuu yiri: Eebbe wuu beenshay dhammaan waxyaabihii gaaladu ku mintidayeen oo dhan, wuxuu Eebbe beenshay in cid aan asiga ahayn ay wax tari karto, oo ay hanti leedahay, ama ay Ilaahay hantidiisa la wadaagto, ama ay jirto cid asiga ugu kaalmaysa maamulka dunida, kolka wax aan shafeecada ahayni ma harin, markaas baa Eebbe misana halkan ku caddeeyay in aan shafeecadu cidna wax tarayn haddii aan Eebbe u ogolaan, kolka shafeecada ay mushrikiintu u malaynayaan in ay heli doonaan, ayadana qiyaamaha in aysan helayn baa la caddeeyay, sida quraanku u caddeeyay, Nabiguna naxariisi korkiisa ha ahaatee, taas oo uu yiri, in uu qiyaamaha imaan doono, oo uu Eebbe u sujuudayo, una mahadnaqayo, asiga oo aan shafeecada hadalkeeda soo qaadin, kolkaas baa nabiga waxaa lagu leeyahay,"Madaxaaga kor u qaad oo hadal waa lagu maqlayaaye, waxaad doontana waydiiso waa lagu siine, ummaddaadana u shafeeca qaad waa loo shafeeciye".

Abuu Hurayrana wuxuu yiri: (Nabiyow) Waa kuma qofka ugu mudan shafeecadaada?. Kolkaas baa Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri: Qofkii yiraahda "Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro" ayada oo si daacad ah laabtiisa uga imaanaysa. Kolka shafeecada jaadkaas ah ee la soo sheegay waxaa helaya dadka Ilaahay daacadda u ah, haddii Eebbe yiraahdo, qof Ilaah u shariig yeelaya-na wax kuma laha. Shafeecada dhabteeduna waa in Ilaah abaalgud uga dhigayo dadka asiga daacadda u ah, kolkaas buu ugu dambi dhaafayaa baryada qofkii Eebbe u oggolaado in uu shafeeco qaado, si uu qofkaasi derejo fiican u gaaro.

Kolka shafeecada quraanku diiday waa midda shirkigu ku lammaansan yahay, sidaa darteed ayaa quraanku meelo kale ku sugay oo ku sheegay in shafeecadu oggolaansho Eebbe ku ahaanayso, Nabiguna Eebbe ha ka raalli noqdee, wuxuu caddeeyay in aanuu shafeeca helayn qofkii aan tawxiidkiisu toosnayn oo aan reera daacadeed ahayn.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadaha quraanka ah ee la soo sheegay. Tan 2aad: Waa qaabka shafeecada la diidayo.

Tan 3aad: Waa qaabka shafeecada la oggolyahay ee bannaan.
Tan 4aad: In la sheegay shafeecada wayn ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee maalinta qiyaamaha, taas oo ah mudnaanta wayn ee Nabigu aakhiro leeyahay si uu ugu Alla baryo ummaddiisa.

Tan 5aad: Waa in naloo sheegay waxa Nabigu qiyaamaha samayn doono, iyo in uusan shafeecada hadalkiisa ka billaabayn, ee uu kolka hore Eebbe u sujuudayo daba-deedna marka loo oggolaado uu shafeeca qaadayo.

Tan 6aad: Waa in naloo sheegay cidda ugu mudan shafeecada Nabiga.
Tan 7aad: Waa in ay caddaatay in uusan wax ku lahayn shafeecada qofkii Eebbe u shariig yeela.
Tan 8aad: Waa in naloo caddeeyay shafeecada dhabteedu waxa ay tahay.

F.G:
* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.
Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada.
Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 14aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Markii shitriba maqlay hadalkii Dimna, oo uu xasuustay wixii ballan iyo magangelyo Dimna u yeelay oo uu u fiirsaday arrintii libaaxa, ayuu u maleeyay in Dimna run sheegayo, oo uu waaniyay, wuxuuna arkay in arrintu sida Dimna sheegayo u egtahay, markaas buu murugooday oo yiri, libaax in uu i dhagro lama gudboonayn, wax gaf ahna uma gaysan, ciidankiisana sidoo kale intii aan wada joognay, libaaxana in laygu diray oo arrintu isaga darsantay mooyee wax kale u malayn maayo.

Libaaxana niman xun baa la waday ah oo uu been iyo waxyaalo kale oo uu runsanayo meela kalana uga imaanaya ku hubsaday, maxaa yeelay reeradhib la socodkoodu waxaa laga yaabaa in ay qofka dhaxalsiiso in uu mala xumeeyo mudanayaasha, iyo in waayaaragnimadiisu gaf u gayso, sidii gafkii ka dhacay boolaboolada, taas oo la sheegay in ay xiddig ilayskii ka dhex aragtay biyo oo ay kalluun moodday, dabadeedna isku dayday in ay ugaarsato, markii ay ogaatay in uusan wax la ugaarsado ahayn bay ka tagtay, maalintii ku xigtay bay kalluun aragtay kolkaas bay moodday in uu sidii kii ay shalay aragtay yahay wayna ka tagtay ugaarsigiisiina iskuma dhibin.

Haddiise libaax beeni xaggayga ka soo gaartay, ama uu igu maqlay ee runsaday, waxa dadka kale qabo ayaan la qabayaa, haddiise aan wax soo gaarin ee uu xumaan aanan galabsan ila doonayo taasi waa layaab.

Waxaana la yiri, waxyaalaha lala yaabo waxaa ka mid ah, in ninku wadaygiis wanaag ka doono asiguna uusan wanaagsanaan, taasna waxaa ka sii yaab badan, in uu wanaag ka doono asiguna uu sii caroodo, haddii caradiisu meel leedahayna heshiis wuu jirayaa, gafdhaaf baana la malaysanayaa, haddii aysan meel lahaynna wax la malaysanayaahi ma jiraan, maxaa yeelay, haddii carada wixii keenay baxaan si fudud baa looga heshiin karaa.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA




Khaliif Sh. Maxamuud Siciid
(1951-1982)

Gabaygii Hurgumo

Waxaa soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad
(Ciise Carab)

Gabaygan waxaa tiriyey halabuurkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Khaliif Shiikh Maxamuud Saciid (Allaha Jannadii ka waraabshee).
Abwaanku wuxuu ku dhashay Magaalada Qardho,wuxuuna ku aasan yahay Gallaadi.
Maansadan oo uu ugu magac daray H U R G U M O, wuxuu tirshey 1978. Waana tii sida doorka ah u bishay. Waxayna ku duuban tahay dhowr gadaanood.

Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 150 (boqol iyo konton) tixood.

HORDHAC

Gabaygan qiimaha badan, waxaa inoo soo diray Maxamad Ciise, annaga oo aad ugu mahadinayna, isla markaasna tix gelinayna qiimaha taariikhiga ah ee uu gabaygani leeyahay, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan hordhac yar u samayno gabayga si aan aqristaha ugu fududayno dhugsashada dulucdiisa.

Arrimaha aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo waa laba qodob oo kala ah:
1. In uu gabayga ku eego il taariikheed, iskuna dayo in uu u noqdo, xilliyadii 1978 ilaa 1980, waqtigaas oo aan u malaynayo in gabayga la tirshay, maxaa yeelay ragga uu tilmaamayo gabyaagu sida Cirro waxaa la dilay abbaarahaas.
qodobkani waa lagama maarmaan, maxaa wacay gabyaagu gadaal buu ka sheegi doonaa in Hawiye dagaal iska daayay, waana arrin aan maanta soconayn, laakiin waqtiga uu noolaa, sidaas bay ahayd, qabiilooyinka hawiye waagaas waxaa loo haystay in ay yihiin dad aan dagaallamin, oo nabadda xigsada had iyo jeer.

2. Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo, waa in uu gabayga ku eego il qabiil, maxaa yeelay gabyaagu, sida gabayga ka muuqata, wuxuu isku deyayaa in uu guubaabsho qabiilka Majeerteen ee waayahaas ay sida xun isga soo hor jeedeen dowladdii Siyaad Barre (Allaha u Naxariistee).

Hersi Labagarre

[QAYBTII 5AAD]

Waa niman aan ficil muujin karin, maalin lays galaye

Iyagoo malyuun iyo malyuun, mirar sarow dhaafay

Waa niman masaakiin yar-yara, lagu mataalaaye.

Waa niman macnaha ay wataan, lala mashquulaaye

Waa niman mucaarad iyo toos, aan midna ahayne

Waa niman aan meelna uga jirin, miis rag leeyahaye.

Malaggii walaalkii nin jecel, muruggo waw koowe

Ragga lagu malkhadayaana waa, mahurtadiiniiye

Mar un inaad is daydaanna way, kaa madowdahaye.

Mataraariyaa lagu furaad, keligood moodeene

Goortii mir iyo mayrac iyo, malafsi loo laysto

Inaad adigu marax kayda tahay, wayska moogtahaye.

Muuse iyo Ismaaciil bahdood, kama masuugaane

Mar hadday makaabada jebshaan, maara laga waaye

Magnad kugu dhagaayay sidiis, wax u maroorshaane.

Marse haddaan kor u qayliyoo, mirar u yeeryeero

Moxorkii Jacayleed haddii, firimbi mowleeyo

Haddii aan Magaalada Qandala, oohin ku ag meero.

Madaxyada Walwaaleed haddii, belo muluuf qaaddo

Ceelkii Mareegsane haddii, qiiqu mulufleeyo

Marsada iyo xeebaha haddii, laysu mari waayo.

Maskantii haweenkiyo haddan, marashi dheer qaato

Madal laysu soo baxay haddan, muusanaw kiciyo

Waxaan maanka ku hayaa inuu, maatadoox dhicine.

Annagoo makiinada laliyo, moodhar ku ordeyna

Oo carradu naga muuqataan, mowqifkii imane

Eebbow waxaan maagganahay, yaa maslixi doona?

F.G: Gabaygan haddii uu dhammaado waxaan ku xejin doonnaa, gabay jawaabtiisi ah oo uu tirshay Abwaankii caanka ahaa ee Cali Cilmi Afyare, Allaha u naxariistee.

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre

Buuggan waxaa qoraagu ku soo ururshay hal kun (1000) oo maahmaahyo. Kadib markii Dhallinyarada wargayska ku tixan qaarkood inaga soo codsadeen in aan ku soo darno wargayska bog maahmaahyada iyo murtida soomaaliyeed lagu soo qoro, ayaan waxaan jeclaystay in aan halkan aqristayaasha ugu soo gudbiyo wixii maahmaahyo ah ee aan buugaas ku aruurshay waqti haddda laga joogo 10 sano ka hor.


Qaybtii 1aad

11. Barasho horteed ha i nicin.

12. Beentaada hore runtaada dambe bay u darantahay.

13. Belo kuma aragto kuma maqasho ayaa ka roon.

14. Been sheeg mid cunantase sheeg.

15. Boqolka iyo tobanka iyo afarta ayaan aqaan kaa aqarsan maayo baa ka adag.

16. Baahi nin kuu daran bay kuu gaysaa.

17. Baqal farda la miratay in ay ka midtahay bay ismooddaa(Baqal farda la miratay, faras bay is mooddaa).

18. Bohol hadimo haqodin ku dhici doontidaana lama ogee.

19. Balaayo intay kaa maqantahay dad kale bay ku maqantahay.

20. Baryo badan iyo bugto badanba waa laysku nacaa.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn ***

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).

** Sida ay aqristayaasha qaarkood arkeen, wargayska maalmahan dambe waxaan ka reebnay masawirradii badnaa ee aan soo gelin jirnay, taasna waxaa keenay, wargayska oo aad u dheeraaday, marka waxaan ka baqnay in diriddiisa iyo soo dejintiisu waqti dheer qaadato, sidaa darteed, dhallinyaradu haddii ay kala kulmaan wax dhibaato ah soo dejinta wargayska ama caddayntiisa ha nala soo socodsiiyeen.


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.