Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 07 - 12.09.1998

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

HERSI M. LABAGARRE

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. BIN ABDULWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

ABDULLAHI BIN AL-MUQAFA

7

BOGGA 7AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

MAXAMAD CIISE AXMAD

8

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD

Ararta Wargayska
Waxaa Qoray:   Hersi M. Labagarre

Xorriyadda iyo Xuquuqda Aadanaha
"Waxaad tihiin dadka kaliya ee muslimka ah ama carabta ah, ee codkooda si xurnimo leh u dhiibta" sidaa waxaa dhihi jiray ra'isal wasaarihii hore ee Yahuudda Isxaaq Shamir marka uu la hadlayo dadka muslimka ah iyo kuwa carabta ah ee ku dhaqan dhulka ay yahuuddu haysato.

Hadalkaas waxaa i xasuusiyay, xaaladda ba'an ee ay gaartay xurnimada iyo xuquuqda aadanuhu dalalka muslimka ah iyo kuwa carabta ah dhexdooda.

Maanta ma jiro mujtamac muslim ah oo si xurnimo leh u soo doorta madaxdooda, qaar doorasho gala way jiraan inkasta oo ay yaryihiin, laakiin madaxdooda si xurnimo leh uma soo doortaan.

Waddamadaas ay muslimiintu ku dhaqanyihiin waxaa doorasho ka dhacrdaa dhowr ka mid ah, sida Pakistan, Malaysia, Iran iyo Bangaladesh.

Bangaladesh iyo Pakistan doorashada ka dhacda waa mid argagixis ku salaysan oo ninkii xoog badan "lacag iyo hub haysta qabiilna ka dambeeyo" ayaa inta kale ku khasbaya in ay doortaan, ninkii diidana jaasadiisa ayuu helayaa.

Malaysia laga soo billaabo 1981 ilaa iyo maanta waxaa la soo dooran jiray hal nin ah, ninkaas maanta wuxuu gaaray heer uu 36 saacadood gudohood uga cayrsho ku xigeenkiisii asiga oo aan wax qiil ah u hayn.

Beladu intaas kaliya kuma sinna, ee waddamadaas waxaan loo ogolayn dadwaynaha in ay wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah ku kacaan, bannaanbaxyada iyo mudaharaadyadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha uu ilaahay xaaraantimeeyay!!.

Waddamadaas ninkii la doono xabsi ayaa lagu ridaa ayada oo aan maxkamad la soo saarin, taas macnaheedu waa in aan meeshaa wax xurnimo ah ka jirin.

Belo kale oo taas ka sii daran waxay tahay in dalalkaas maxkamadaha iyo ciidanka iyo mu'asasooyinka kale ee dowladda ee loo baahnaa in ay xukuumadda ka madax bannaanaadaan aysan wax madax bannaani ah haysan, tusaale ahaan, dowladaha dimuquraadiga ah, maxkamadaha iyo musharriciintu way ka madax bannaanyihiin xukuumadda, laakiin arrintaasi caalamka islaamka ma taallo.

Haddaba, haddii dimuquraadiga muslimku sidaa aan soo sheegnay yahay, maxaa loo malaynayaa inta kale, waddamada carabta qofka bani'aadamka ah iyo xooluhu waa isku mid, dhinaca xuquuqda, waxaaba laga yaabaa in loo naxariisto xoolaha, maxaa yeelay iyaga hilibkooda ayaa loo baahanyahay! laakiin ninka bani'aadamka ah inta la dilo ayaa maydkiisa haadka loo waraa, ama dulli iyo gunnimo ayuu ku noolaadaa.

Meelaha aan dowladi ka jirin sida Soomaaliya iyo Afganistaan, xuquuq wax la yiraahdo kama jiraan ee qaanuunka duurka ayaa wax lagu maamulaa, qaanuunkaas wuxuu ku salaysan yahay "xoog" horay ayaa soomaali u tiri; nin xoog lehaa xaajo u tuudday.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA



Hersi M. Labagarre

FAALLADA WARKA

Laab iyo Lixaad, hadii laysu lulay, labaa jil roon!
Maalmahan dambe, dhacdooyin xiiso leh ayaa ka socda magaalada Muqdishu, dhacdooyinkaas oo runtii mudan in si joogto ah loola socdo, waxaa ugu muhiimsan, abuurista maamulka cusub ee magaalada, ciidanka booliiska ee magaalada, furitaanka dekedda iyo eriboorka, iyo qaar kale oo yaryar.

Horumarka Siyaasadda Soomaaliya
Dhacdooyinkaas sida aan horayba u sheegay ahamiyad wayn bay u leeyihiin, socodka horumarka siyaasadeed ee soomaaliya, laakiin waxaa in loo fiirsado u baahan sida ay u dhacayaan dhacdooyinkaasi, dhisitaanka maamulka cusub ee magaalada Muqdishu wuxuu ku tiirsanyahay laba dowlo oo shisheeye ah, haddii aanay jirin kowo kale oo qarsoon oo ayaguna faraha kula jira, labada dowlo ee hadda la ogyahay waa Ethiopia iyo Masar, Midda hore maslaxo siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyo iyo mid dhaqaale iyo mid amni ayay ku wadataa.

Dowladda labaadna waxay ku wadataa maslaxad siyaasadeed iyo mid dhaqaale, oo waxay is leedahay adduunka siiba waddamada carabta iyo muslimku ha kugu ammaano, xoolana aad uga heshid, sidoo kale, soomaaliya haddii ay hagaagto, Masar waxay noqonaysaa dowladda ugu horraysa ee ku dheefsata dhulkaas khayraadkiisa.

Dhisidda Dawladda
Haddii aan u soo laabto waxyaabaha saameeya dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdishu, xagga gudaha dalka, waxaa ugu wayn dareenka ay dareemayaan abaanduulayaasha qabiilladu fashilaadda ay ku fashilmeen in ay soo dhisaan dowlad soomaaliyeed.

Intaas waxaa sii dheer, baahida uu dadwaynaha soomaaliyeed u qabo maanta dowlad, qabiillada qaar waxay diidanaayeen in dowlad la soo dhiso, taasna waa la garanayaa sababta keentay, maxaa yeelay intii dagaalku socday ninkii wax boobay, maanta in dowlad la dhiso wuu rabaa, oo wixii uu boobay ayuu meel uu ku cuno oo nabad ah raadinayaa, laakiin ninkii aan wax boobin oo ay u suurta geli waysay in uu gacanta wax ku dhigo siddeeddii sano ee colaaddu socotay, maanta runtii wax maslaxo ah uguma jiraan in dowlad la soo dhiso, maxaa yeelay dowladdaasi dowladdiisii ma aha, ee waa tii raggii wax boobay oo gacanta wax la helay.

Hardanka Ka Dhexeeya Dabaqadaha Bulshada
Ninkii gacan maran xaalkiisu waa "ma awalbaa sixirrow janna gelayay" oo asigu kalama jecla in dowladi dhalato iyo in aysan dhalan, maxaa yeelay laba jeeraba wax asiga ka lumayaahi ma jiraan.

Kolka maamulka hadda la soo dhisay waxaa hor taagan ragga nasiibdarradu ku dhacday intii colaaddu socotay, ee aaney u suurta gelin in ay wax boobaan, ama wax boobay laakiin aanay ku fillayn.

Waxaa aniga ii muuqata in ay adkaan doonaan ragga doonaya in ay maamul habaysan dhisaan si xoolohoodu u nabad galaan, qaarka aan wax haysan ee nasiib darradu ku dhacday, waxay sugayaan nasiibdarro labaad, taas oo ah in ay laxukumayaal aan abaal loo hayn u noqdaan raggii ayaga xooggooda ku xoolaystay.

Taasi waxay la mid tahay sidii ninkii jiiska ahaa ee beerta yeeshay, kolkii la waydiiyay cidda u fali doonta, illeen asigu xoog uu ku fasho malahee, wuxuu ku jawaabay, dabbaal xoog leh waayi maayo!!, markaas buu wuxuu ku gabyay: Laab iyo lixaad, hadii laysu lulay, labaa jil roon!!

Wararka Soomaalida

Gabar kalkaaliso ah oo Xamar lagu afduubay
MOGADISHU, Sept 10 (AFP), gabar u dhalatay dalkaasi Talyaaniga oo kalkaaliso ahayd kana shaqaynaysay isbitalka SOS ee ku yaalla koofurta magaalada Xamar, ayaa la afduubay.

Cidda afduubkaas ka dambaysay la garan maayo, waxaase loo malaynayaa in ay yihiin taageerayaasha Ina Caydiid. Gabadhaas oo ahayd wadaad-kirishtaan kalkaaliso ah, waxaa la sheegay in uu afduubkeeda ka dambeeyay nin ka baqayay in shaqada laga eryo xoolo uu isdabamarshay oo isbitaalku lahaa awgeed, sidaa waxaa sheegay gabar soomaali ah oo kalkaaliso isbitaalka ka ah.

Bood iyo Ina Suudi oo Masar ku eedeeyay in
ay Soomaalida u kala hiillinayso
MOGADISHU, Sept 9 (AFP), labada abbaanduule ee kala ah Xuseen Xaaji Bood iyo Muuse Suudi Yalaxow, ayaa maalintii arbacada waxay eedeeyeen Maxamuud Mustafa oo ah wakiilka Masar u soo dirtay nabad raadinta Soomaaliya, kuna eedeeyeen in uu u hiillinayo nimanka wada heshiiskii Qaahira ee burburay.

War ka soo baxay magaalada Muqdishu, wuxuu Ina Xaaji Bood ku sheegay, in uu aad u danaynayo taageerada hiil iyo hoo intaba leh ee ay Masar la garab taagantahay ragga ay iska soo horjeedaan (Cali Mahdi iyo Ina caydiid), Ina Xaaji Bood wuxuu Masar uga digay, in taageeradaas ay siinayso Cali Mahdi iyo Ina Caydiid ay sii hurinayso colaadda ka taagan soomaaliya.

Labadaa abbaanduule, waxay warkaa soo saareen ka dib markii uu yimiday magaalada Muqdishu nin ay si gaar ah ugu soo dirtay dowladda Masar oo la yiraahdo Maxamuud Mustafa loona soo diray in uu soo indha indheeyo dhismaha ciidanka booliiska cusub ee ay ka abaabulayaan labada abbaanduule ee cali mahdi iyo Ina caydiid caasimadda Muqdishu tan iyo bishii la soo dhaafay.

Bood iyo Yalaxow waxay ka codsadeen jaamicadda carabta iyo OAUda in ay joojiyaan howsha ay Masar ka waddo soomaaliya, waxayna uga digeen in haddii ay sidaa Masar ku sii waddo taageerada ay siinayso nimanka kaligood taliyayaasha ah ee Cali Mahdi Iyo Caydiid ay taasi keenayso dagaalka sokeeye ee soomaaliya oo sii dheeraada.

Nin qoraa ah oo lagu xiray gobalka Waqooyi Galbeed ee Somalia
HARGEISA, Sept 8 (AFP), Jabhadda ku amarkutaaglaysa magaaladaasi Hargaysa ee la baxay dowladda Somaliland ayaa waxay Talaadadii xireen qoraagii soo saari jiray Jornaalka maalin walba ka soo baxa magaaladaas ee la yiraahdo Jumhuuriya, sidaas waxaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay nimanka qoraayaasha ahaa.

Xasan Saciid Yuusuf oo ahaa isku dubbaridaha jornalka Jumhuuriya, waxaa taxaabay nimanka isku sheega in ay yihiin CIDda (Criminal Investigation Department) habeen saqdhexe, ayaga oo aan haysan wax qoraal maxkamadeed ah oo faraya in ninkaa la xiro, sidaa waxaa sheegay qoraayaasha.

Wax sabab ah oo ninkaa loo xiray la garan maayo, waxaase la sheegayaa in uu fidshay 25kii bishii Agosto, war ku saabsan dad ay xirxireen nimanka magaalada hargaysa ku amarkutaagleeya, dadkaas oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen jamaacada al-Itixad al-islami ee saldhiggeedu yahay gobalka Ogaden ee somali galbeed, waxaa kale oo la sheegay in qoraagu fidshay, war ay soo saartay jamaacadaasi oo ku eedeynayay jabhadda ku amarkutaaglaysa magaalada Hargaysa ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo xiritaanka ay xireen niman Itixaadka ka tirsanaa.

Jabhadda haysata magaalada hargaysa iyo jamaacada Itixaadka waxaa ka dhexeeyay nacayb hore, intaas waxaa dheer jabhaddaas oo Ethiopia u xilsaartay in ay ilaaliyaan xudduudka Ethiopia ee ku gudban gobalka waqooyi galbeed.

Sida la ogyahay, jabhadda ka talisa waqooyiga dhulka soomaaliya waxay la gashay heshiis dowladda Ethiopia sanadkan horraantisii, ka dib markii Ethiopia laga xiray dekeddii casab iyo musawac, waxayna jabhadda ka talisa hadgaysa u ogolaatay Ethiopia in ay adeegsato dekedda Berbera, taas oo loogu beddeli doono Hub iyo saanad ay Ethiopia siinayso Jabhaddaas.

Dagaalkii Abgaal iyo Murusade oo la joojiyay
MOGADISHU, Sept 6 (AFP), Dagaal ba'an oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka socday magaalada Ceeldheer ee gobalkaasi galguduud ayaa joogsaday.

Dagaalkaas wuxuu dhex maray labada qabiil ee deriska ah dhulkaasna wada dega ee Abgaal iyo Murusade, sidaa waxaa weriyayaasha u sheegay maalintii Axadda, Abaanduulaha Abgaal Xuseen Xaaji Bood.

Bood wuxuu sheegay, in guddi ka kala socda dhinacyada dagaallamaya oo loo saaray howshaas farriimo u kala direen qolyaha ka dagaallamaya Ceeldheer iyo degmooyinka agagaarkeeda ah maalintii Khamiista, walina wax dagaal ah ma dhicin ilaa maalintii Jimcaha.

Hase ahaatee, waxaa lagu howl jiraa in la isla gaaro heshiis lagu joojinayo colaadda labada qolo ka dhex taagan. Dagaalkaas waxaa ugu yaraan ku dhintay 35 qof, 39 kalena waa lagu dhaawacay, sida wararka iyo qolyaha caafimaadku sheegeen.

Ina Caydiid oo la sheegay in uu hubaynayo Oromada iyo Itixaadka
Abaanduulaha abgaal, Xuseen Xaaji Bood ayaa wuxuu Ina Caydiid ku eedeeyay in uu hubaynayo Jabhadda Itixaadka iyo nimnan ka tirsan jabhadda Oromo si uu uga lib helo qolyaha ka soo horjeeda ee jooga magaalada Muqdishu.

Jabhadda Oromo iyo Itixaadka Islaamka labaduba waxay xoog ku leeyihiin dhulka soomaaliya ee Ethiopia maamusho, Ina Xaaji Boodna wuxuu sheegay in, haddii ay labadaa jabhadood soo faragelshaan arrimaha gudaha ee Muqdishu, ay xaaladda nabadgelyo sii xumaan doonto, Ina Xaaji Bood waxaa kale ee uu sheegay, in kulamo ku dhexmarayeen magaalada Muqdisho, Jabhadda Itixaadka iyo Jabhadda Oromo iyo Ina caydiid saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Ina Caydiid oo maalmahan Ethiopia booqasho ku joogay wuxuu ballan qaaday khamiistii, in aysan jabhaddiisu labadaa jabhadood taageeri doonin, taasna uu ku doonayo in derisnimo wanaagsani dhexmarto jabhaddiisa iyo Ethiopia.

Hase ahaatee, Ina Xaaji Bood ayaa wuxuu sheegay, in uu u malaunayo in aan Ina Caydiid fulin doonin ballankiisa, maxaa yeelay, madaxdaare ee jabhaddiisa ayaa waxay si fiican ugu xiranyihiin jabhadaha Itixaadka Islaamka iyo Oromada.

Ina Xaaji Bood wuxuu sheegay in ay dhici karto, in Caydiid raggiisu doonayaan in ay hubeeyaan jabhadahaas, si ay ugu diraan Ethiopia dhexdeeda, ama ay u adeegsadaan sidii ay uga lib heli lahaayeen mucaaradkooda jooga Muqdishu ee ka soo horjeeda maamulka cusub ee magaalada.

Maamulkaas oo ay soo abaabuleen, Cali Mahdi iyo Ina caydiid iyo Maxamad Qanyare, 3dii bishii Augost ee la sioo dhaafay, warkaas uu sheegay Ina Xaaji Bood, waxaa Cali Mahdi ku tilmaamay in uu yahay wax aan sal iyo baat toona lahayn, oo siyaasadi ka dambayso.

Dagaallo ka dhacay Gobolka Bakool
MOGADISHU, Sep 5 (AFP), 6 qof ayaa la sheegay in lagu dilay, 12 kalena lagu dhaawacay, ka dib markii ay weerartay oo gubtay jabhadda Ina caydiid saddex tuulo oo ku tirsan gobalkaasi Bakool maalintii khamiista, waxaa warkaa soo tebiyay wargayska la yiraahdo Banaadir maalintii sabtida.

Bashiir Maxamadabdi oo afahayeen u ah jabhadda raxanwayn, ee dagaalka ba'ani ka dhexeeyo jabhadda Ina caydiid, ayaa wuxuu dhaleeceeyay falkaas, Ina caydiidna ku eedeeyay in ciidankiisu dilayeen dad maras ah tan iyo Oktoobar sanadkii la soo dhaafay, iyo in ay gubayeen tuulooyin si ay dadkaa ugu qabaan in ay gobalkooda ka cararaan.

Ninka lagu magacaabo Cabdilatif Afdub oo Ina Caydiid afhayeen u ah, joogana magaalada Nirobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in aanan goballadaas nabad laga filanayn, maxaa yeelay, wax heshiis nabadeed ah oo la kala saxiixday goballada Bay iyo Bakool kama jirin. Wuxuuna intaa ku deray, waxaa hubaal ah,in aanuu run ahayn warka la sheegay ee leh in jabhadda yadu ay dad marras ah laynayso, ama ay gubayaan tuulooyin.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

Niman Xiran Xijaab Naageed oo Sarraafle Boobay
Imaaradda Cajmaan ee ku taalla dalka Imaaraadka sarraafle ku yiillay ayaa saddex nin boobeen oo wixii lacag ahaa ee maalintaa la aruurshay qaateen.

Nimankaasi waxaa la sheegay in ay soo xirteen Cabbaayadaha midabka madow ee ay haweenku xirtaan, isla markaana ay wajiga ku xirteen xijaabka ay naagaha khaliijku xirtaan ee ka samaysan safaleetiga madow ee wayn ee foolka lagu dahaaro.

Nimankaas oo la sheegay in ay qoryo wateen, hubkooda waxay ku qarsheen maryahaas waawayn ee ay xirraayeen, cid garatayna ma jirin, maxaa yeelay, waddamadaa carabta, badanaa haweenka lama fatasho lamana eegeego.

Sida ay wararku sheegeen, nimankaasi kolkii ay xafiiska sarraaflaha yimideen ayay qoryohoodii ku qabteen shaqaalihii meeshaa joogay, dabadeedna waydiiyeen in ay soo dhiibaan wixii lacag ahee ay hayeen.

Kolkii ay lacagtii gacanta ku dhigeen bay gaari ay soo kiraysteen oo ay wateen raaceen oo tageen, meel ay aadeen iyo qolo ay ahaayeen toona la garan maayo.


Dato' Sri
Anwar Ibrahim

Ra'iisal wasaare ku xigeenkii Malaysia xaggee ku dambeeyay?
Ra'iisal wasaare ku xigeenkii Malaysia, Dato Sri Anwar Ibrahim, isla markaana ahaa wasiirkii maaliyadda, toddobaadkii la soo dhaafay ayaa laga xuubshay wixii jagooyin ahaa ee uu dowladda Malaysia u hayay, taasina waxay xiisad ba'an oo siyaasadeed ka kicisay dalkaas.

Jimcihii la soo dhaafay wuxuu Mr. Anwar ku tukaday salaaddii jimcaha masjid wayn oo ku yaalla bartamaha magaalada Kuala Lumpur, salaaddii kolkii laga soo baxay ayuu wuxuu khudbad kulul u jeedshay dadkii meeshaa isugu yimid oo lagu qiyaasay ilaa 10,000 oo qof oo taageerayaashiisa ahaa.

Dalkaasi malaysia in kasta oo uu dimuquraadi yahay, lama ogola in la qabto bannaan baxyo ayada oo aan ogolaasho dowladda laga helin, sidaa darteed Anwar meesha kaliya ee uu dadka kula hadli karo waa aqalkiisa iyo Masaajidka, ayada oo waliba labada meeloodba la ilaalinayao oo askari dhan walba ka taagantahay.

Anwar 36 saac in ka yar ayaa saddex jago oo waawayn looga qaaday, ayada oo aan wax dambi ah oo sugan lagu hayn, taasi waxay ka caraysiisay dhammaan hay'adaha xuquuqda aadanah u dooda iyo qaar kale oo badan.

In kor u dhaafaysa 15 hay'adood ayaa waxay dhaleeceeyeen Ra'iisal wasaaraha dalkaas Dr Mahather, kuna eedeeyeen in uu kaligiis taliye yahay, uuna ku xedgudbay xuquuqda ninkii asiga ku xigay ee xisbiga kala shaqaynayay labaatan sano in ku dhaw.

Email ay ii soo direen qaar Anwar taageerayaashiisa ah, waxay ii sheegeen in Anwar aqalkiisii hore korontada iyo biyaha laga gooyay si uu uga baxo, oo aan hadda wax mushaar ah la siin, aanna loo ogolayn in uu dibadda uga baxo magaalada Kuala Lumpur.

Anwar wuxuu ballan qaaday in uu dagaalka siyaasadeed wedi doono, wuxuuna sheegay in uu ka billaabi doono masaajidka, wuxuu intaa ku deray in dambiga loo haysto uu yahay, aragtidiisa diimeed ee Islaamka ku salaysan iyo figradihiisa qowmiga ah.

Ra'iisal wasaaraha Malaysia Dr. Mahather, kolkii la waydiiyay sababta uu ninkaa u cayrshay, wuxuu yiri, munaasab buu ahaan waayay, waxaanna u cayrinay arrimo akhlaaqi ah, ee arrimo siyaasadeed looma cayrin!!

Halkudhegga Anwar iyo taageerayaashiisu waa "REFORMASI" oo afka malayda looga jeedo "Reformation" ama "cusboonaysiin", anwar wuxuu ballan qaaday in uu u dagaallami doono sidii uu siyaasadda dalka u cusboonaysiin lahaa.

Belo ama guur bay ku tiraa ama guurso
Dhowr dal oo muslim ah ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin la xiriira xagga guurka, dhibaatooyinkaas badanaa waxay ka yimaadaan xagga qoyska gabadha ama gabadha lafteeda, ayaga oo lacag badan ama marasho iyo aqallo qaali ah ku xira dhallinyarada gabdhaha soo doonta.

Arrintaas waxay keentay in arooskii noqday dhib aan laga bixi karin, caadooyinkaasi waxay si aad ah u saameeyeen waddamo sida Suudaan, Jordan, Masar, Yaman, Sacuudiga iyo qaar kale oo badan oo carab ah.

Arrintaasi waxay keentay in mushkiladdaas si dhab ah looga fikiro, waxaana waddamadaas ka soo baxay jamaacooyin islaami ah oo badankoodu akhwaan yahay oo dhallinyarada isku qalqaalsha, dabadeedna aroos wadareed dhiga si loo yareeyo kharashka.

Dalkaasi jordan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa la qabtay aroosyo badan oo jaadkaas ah oo ay qalqaalsheen jamaacada akhwaanku.

Toddobaadkan waxaa dalkaas Yaman lagu qabtay aroos wadareed oo ay ka soo qayb galeed laba kun (2000) oo caruus iyi caruusad ah, oo ay qalqaalsheen jamaacada Islaax ee yaman, xafladdaas waxaa lagu qabtay magaalada Ticis. Eebbow, kumanyaalkaas inagu dar!!, aamiin.

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

XIRIIRKA DOWLADDA IYO BULSHADA

DAD DHULEED!!
DASTUURKA REER DHUL
Wufuuddi "S"ta ee shirweynihii maslaxadda Etiopia lagu qabtay , sanadkii 1993, waxaa si gooni ah ee qarsoodi ah madaxdooda gacanta loogu geliyay,qoraalo ah; (DRAFT CONSTITUTION, For Individual Fractions in SOMALIA) taas oo micnihiisu tahay: "Nuqul Dastuur, loogu talagalay, kooxaha Somaaliyeed keli keli ahaan.

Waxaana si wadajir ah u soo diyaariyeen "Davies Consulting GmbH" Bodenoosstr, 302-C, D-8000 Munchen 60 iyo " Ethio-Global Enterprises Pvt Ltd, p.o.box 8217, Addis Ababa - Ethiopia.

Tafaasiisha nuxurka Dastuurkan iyo kuwa kale Ex-Somalia loogu tala galay qoraalladeenna dambe ayaan ku soo tifaftiri doonnaa. Hase yeeshee halkan waxaan, si kooban ka soo qaadanaynaa ujeedooyinka muuqda oo bogga 2aad lagu xusay iyo nuxurkooda. Boggani waxaa mowduuciisu yahay Ujeedooyinka nuqulka Dastuurka.

Ujeeddada waxay tahay in laga baaraan dego tab farsamo ahaan suurta gelineysa dastuur dexe oo koox kassta oo somaliyeed gooni ahaan u qaadan karto iyada oo qola kasta ku habeysanayso duruufteeda khaaska ah. Waxxa loo ban banneyay meel aan wax ku qornayn sidii koox walba ay ugu qorato magaca dowladdeeda iyo dhulkeeda magaciisa. Qaybta xuquuqda aan la loodin kareynin ee shacbiga Soomaaliyeed, waxaa lagu soo qaatay: Dowladda in ay cilmaani (secular State), waxayna shacbigeeda iyo degganayaasha u ballan qaadeysaa xurriyad buuxda xagga diinta ah. Dowladda ma dhexgelinta arimaha diinta dadka iyo ururadaba iyagan arrimaha Dowladda ma soo fara ha lama soo geli karaan. Dil ama xukun jitka ah ma jirayo.

Ragga iyo haweenka xuquuqda iyo masuuliyadda qoyska way u siman yihiin, sida guurka, furriinka iyo xanaanada caruurta. Qaybta dhismaha Dowladda, qoraalka Dastuurka wuxuu qorayaa in uu yahay 3 qaybood oo kala madax banaan: Qaybta Sharci Dejinta, Qaybta Maamulja (Golaha Wasiirada) iyo Qaybta Maxkamadaha.

Qaybta maamula waa saddex darajo: Dowladda Federaaliga (waa haaddii laba Dhulood ay isku ahgartaan), Dowladda Gobolka Iyo Dowladda Hoose.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax
Ph.D IN ENVIRONMENTAL LAW AND POLICY

MAXAAN LA DAREEMI WEYNAY CADAABKA?

Sida muuqata ma nihin kuwa cadaabkuba uu karo ama ogaan karaba in ay ciqaab iyo imtixaan ku jiraan oo waxaad aragtaa inaanan uba aabba yeelin wax kastoo nagu dhaca sidii lagu arki jiray Bani aadamka in ay markay dhibaato ama musiibo ku habsato ay baraarugaan oo intay isu yimaadaan wada raadiyaan xalkooda iyo daawadooda iyo siday uga bixi lahaayeen musiibadaas.

Ugu dambayntiina ay helaan xal waara oo dabadeed ay ku sii manaafacaadsadaan jiilalka ka sii dambeeyaa, sida uu tusaale aan Yuhuud ku soo qaadanayba inoo caddaynayo, akhristow maxaad u malaynaysaa haddii maalinkii ugu horaysay ee dalka lagu arkay qof mayd ah oon lahayn ciddii dishay la baryi lahaa Alle awood badne oo aan qabiilna lagu tuhmi lahayn, miyaannu maanta qolo qolo isu layn lahayn? (mar kale bal igula fikir taas).

Laakiin innaga maanta inkastoo halaag culisi nagu dhacay weli nooma muuqato sifihii looga bixi lahaa waayo waxaan tawbad iyo wanaajin gaari lahayn ka dib markaan garano in dhib na haysto iyo inaan qalad galnay, waxaa la yiri; War la helyaaba tala la hel.

Haddaan dhab ahaan u taabano sababta aan la dareemi la'nahay ciqaabka iyo cadaabkaba waxay ila tahay waxaa ka mid ah sababo dhawr ah oo na haysta:

1. Rumaynta Eebbaha awoodda dhabta ah leh oo nagu yar, ama caqiido xumo na fogaysatay oo naga indha saabtay xaqiiqooyin badan.

2. Is la qumanaan iyo isla weynaan naga indha saabtay xaqiiqooyin fara badan, noona hor kacday wadiiqo qalloocan oo waaqla cidla ceersi la' ah ah.

3. Inaga oo aan weligeenba raaxo iyo nolol sare arag oo qabatinay dhibka iyo shiddooyinka is daba joogga ah ee aanaan ka fikirin waxay yihiin.

4. Jaahilnimo dhan walba leh oo iyadu ah hooyada cuduradoo dhanba.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 16AAD

XIDIDDA SIIBIDDA SHIRKIGA QARSOON

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Markase laga faydo argaggaxa quluubtooda waxay dhihi muxuu yiri Eebbihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yiri xaq waana Eebbaha sarreeya ee wayn]Saba' 23.

Xaddiiska saxiixa ahna waxaa Abuu Hurayra - Allaha ka raalli noqdee - Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkii-sa ha ahaatee kaga soo weriyay in uu yiri:
"Haddii go'aan xag Eebbe ka soo fulo Malaaigtu garbaheeda bay u lushaa ayada oo tusayda in ay go'aanka Eebbe ee Samada laga soo gooyay u hoggaansantahay, kolkaa codka garba-heeda ka yeera waxaa la moodaa silsilad dhagax lagu garaacayo codkeed, cabsi ay go'aankaa ka qabaan awgeed, kolkii cabsidu laabtooda ka kala yaraato bay waxay dhahaan: Ilaahay muxuu yiri?.

Qaar kale ayaa waxay ugu warcelshaan, Ilaahay wax xaq ah buu yiri, waynaayee oo kor ahaayee. Kolkaas baa shaydaan go'aanka maqlayaa, shayaadiintuna sidi faraha gacmaha ayay isu korfuulayaan - sida Sufyaan sheegay - kolkaas bay samada sidaa ku gaarayaan oo hadalka soo dhegaysanayaan.

Midka u sarreeya kolka uu maqlo ayuu kan ka hooseeya u soo sheegayaa, kaasina kan ka hooseeya buu u sii gudbinayaa inta ay ka gaarsiiyaan carrabka sixirrowga ama faalshowga, waxaana laga yaabaa in xiddig gantaal ahi ku dhaco inta aanay sixirrowga gaarsiin, waxaa kale oo laga yaabaa, in ay ka gaarsiiyaan inta aan xiddigta gantaalka ahi haleelin, markaas baa sixirrowgu ama faalshowgu boqol beenood ku derayaa wixii la soo sheegay, kolkaas baa dadku waxay dhahaan: miyaanuu - sixirrowgu ama faalshowgu - maalin heblaayo waxaa iyo waxaa inoo sheegin, kolkaas baa waxaa lagu rumaysanayaa eraygaa samada laga soo maqlay.

Waxaa Nawaas Bin Samcaan - Allaha ka raalli noqdeelaga soo weriyay, in uu yiri: Nabiga, naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa wuxuu yiri:"Haddii Eebbe -kor ahaayee, uu doono in uu arrin faro, waxyi buu ku hadlaa, kolkaas baa samooyinka oo dhan gariir qabsadaa, ama lulad adag baa qabsada- sida ninka xaddiiska soo weriyay sheegay - cabsi ay Eebbe ka qabaan darteed, haddii kolkaa ummadaha samooyinka deggani taas maqlaan way yaabaan, markaas bay Eebbe u sujuudaan, kolka qofka ugu horreeya ee madaxa kor u qaadaahi Jibriil ayuu noqdaa, markaas baa Eebbe wixii uu doono u waxyoodaa, kolkaas baa Jibriil malaa'igta soo maraa, samo kasta marka uu soo maro Malaa'igta deggan ayaa waydiisa, oo waxay dhahaan:
Jibriilow, Eebbeheen muxuu yiri: Kolkaas baa Jibriil wuxuu ku yiraahdaa:
Eebbeheen waynaayee oo kor ahaayee, xaq ayuu ku hadlay.
Markaas baa malaa'igta oo dhan sidii Jibriil yiri oo kale dhahaan. Kolkaas baa Jibriil waxyigii la aadayaa halkii Eebbe ugu talagalay in uu gaaro.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda quraanka ah ee la soo sheegay. Tan 2aad: Waa in aayaddaasi shirkiga burrinayso, gaar ahaan midka ku soo gambada dadka saalixiinta ah, sidoo kale, aayaddani waa aayaddii la yiri: shirkiga laabta ku jira bay xididda siibtaa.

Tan 3aad: Waa tafsiirka aayadda [wuxuu yiri xaq waana Eebbaha sarreeya ee wayn].

Tan 4aad: Waa in halkaa laga ogaanayo sababta ay malaa'igtu arrintaa u waydiinayso.

Tan 5aad: Waa in halkaa misana laga ogaanayo in marka malaa'igtu wax waydiiso uu Jibriil arrinta ay waydiiyeen uga jawaabayo asiga oo dhahaya: Ilaahay sidaa iyo sidaa buu yiri.

Tan 6aad: Waa in qofka ugu horreeya ee madaxa kor u qaadaya uu Jibriil yahay.

Tan 7aad: In malag Jibriil uu ummadaha samada jooga oo dhan u sheegayo wixii Ilaahay waxyigiisa ku yiri, maxaa yeelay way waydiinayaan.

Tan 8aad: Waa in luladku iyo miirgaddoonku ku dhacayo dhammaan ummadaha samooyinka deggan kolka Eebbe doono in uu waxyi soo dejiyo.

Tan 9aad: In samooyinku la lulmeen cabsi ay ka qabaan hadalka Eebbe.

Tan 10aad: In Jibriil yahay qofka gaynaya waxyiga meeshii Ilaah ugu talagalay.

Tan 11aad: Waa in la sheegay in Shayaadiintu ay samada hadal ka soo xadayaan oo ka soo dhegaysanayaan.

Tan 12aad: Waa xiddigga laga soo daba dirayo shayaa-diinta hadalka soo dhegaysanaya.

Tan 13aad: Waa in naloo sheegay qaabka shayaadiintu isu dul fuulayaan si ay samada u garaan.

Tan 14aad: Waa in xiddiggaa laga dabatuurayo uu marna haleelayo inta aan shaydaanku hadalkii uu soo maqlay u gudbin sixirrowga, marna uu haleelayo kolka uu hadalka gudbiyo ka dib.

Tan 15aad: Waa in ninka faalshowga ahi mararka qaarkood run sheegayo.

Tan 16aad: Waa in Faalshowgu boqol beenood ku derayo waxa runta ah ee samada laga soo dhegaystay.

Tan 17aad: Waa in waxa lagu rumaysanayo hadalkiisa ay yihiin erayga runta ah ee samada looga soo xansaday dartiis.

Tan 18aad: Waa in ay hadalka ka caddahay in nafta aadanuhu beenta iska rumaysanayso ayaga oo halka hadal ee runta ah ee faalshowgu sheegay ku dhegaya oo aan ku waana qaadanayn boqolka beenood ee uu sheegayo.

Tan 19aad: Waa in dadku halka eray ee kalida ah ee (runta ah) ee faalshowgu sheegay isu gudbinayaan, oo qofiba qof u sheegayo, oo aanay illoobayn, in faalshowgu runsheegayana xujo uga dhiganaya.

Tan 20aad: Waa in xaddiiska laga baranayo in sifooyinka Eebbe (ee sida hadalka iyo wixi la mida ah ee la soo sheegay) ay sugan yihiin, oo aysan arrintu ahayn sida Ashcariyadu tiri.

Tan 21aad: Waa in luladka iyo miyir la'aanta ku dhacaysa ummadaha samada deggan kolka Eebbe wax waxyoonayo ay cabsi ay Ilaah ka qabaan darteed ugu dhacayso.

Tan 22aad: Waa in ay dhammaantood Eebbe u sujuudayaan kolka Eebbe waxyoonayo.

F.G:
* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.
Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada.
Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 13aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Shitriba: anigu waxaan kaa maqlay hadal i tusaya in welwel kaa galay libaaxa, oo arrin-tiisu ku cabsiiday.

Dimna: haah, taas waan ka labalabeeyay, arrintuna tayda ma aha.
Shitriba: oo haddaba ma taydaa?.
Dimna: waad ogtahay wixii aniga iyo adiga inoo dhexeeyay, waadna ogtahay xaqa aad igu leedahay, iyo ballantii iyo magangalyadii aan kuu yeelay maalintii libaaxu ii soo kaa dirijiray, sidaa darteed bay lagama maarmaan igu noqotay in aan ku dhowro oo aan ku ogaysiiyo wixii aan ogahay oo aan kaaga baqayo.

Shitriba: oo maxaa ku soo gaaray?.
Dimna: waxaa ii sheegay abwaan runlow ah, kaas oo aan hadalkiisa labalaba ku jirin, in libaaxu wadayaalkiis iyo kaaliyayaashiisa qaar ka mid ah, ku yiri: dibiga barruurtiisa waan u begay, noloshiisana dan kama lihi ee waan cunayaa, wadayaalkayna hilibkiisa ayaan ka dheefinayaa, hadalkaas ayaa isoo gaaray, dhagartiisa ayaanna ogaaday, iyo in uu ballantii burriyay, sidaas ayaanna kuugu imid, si aan xaqaaga u fuliyo, adiguna aad isugu tashato.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA




Khaliif Sh. Maxamuud Siciid
(1951-1982)

Gabaygii Hurgumo

Waxaa soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad
(Ciise Carab)

Gabaygan waxaa tiriyey halabuurkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Khaliif Shiikh Maxamuud Saciid (Allaha Jannadii ka waraabshee).
Abwaanku wuxuu ku dhashay Magaalada Qardho,wuxuuna ku aasan yahay Gallaadi.
Maansadan oo uu ugu macag daray H U R G U M O, wuxuu tirshey 1978. Waana tii sida doorka ah u bishay. Waxayna ku duuban tahay dhowr gadaanood.

Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 150 (boqol iyo konton) tixood.

HORDHAC

Gabaygan qiimaha badan, waxaa inoo soo diray Maxamad Ciise, annaga oo aad ugu mahadinayna, isla markaasna tix gelinayna qiimaha taariikhiga ah ee uu gabaygani leeyahay, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan hordhac yar u samayno gabayga si aan aqristaha ugu fududayno dhugsashada dulucdiisa.

Arrimaha aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo waa laba qodob oo kala ah:
1. In uu gabayga ku eego il taariikheed, iskuna dayo in uu u noqdo, xilliyadii 1978 ilaa 1980, waqtigaas oo aan u malaynayo in gabayga la tirshay, maxaa yeelay ragga uu tilmaamayo gabyaagu sida Cirro waxaa la dilay abbaarahaas.
qodobkani waa lagama maarmaan, maxaa wacay gabyaagu gadaal buu ka sheegi doonaa in Hawiye dagaal iska daayay, waana arrin aan maanta soconayn, laakiin waqtiga uu noolaa, sidaas bay ahayd, qabiilooyinka hawiye waagaas waxaa loo haystay in ay yihiin dad aan dagaallamin, oo nabadda xigsada had iyo jeer.

2. Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristaha ku baraarujiyo, waa in uu gabayga ku eego il qabiil, maxaa yeelay gabyaagu, sida gabayga ka muuqata, wuxuu isku deyayaa in uu guubaabsho qabiilka Majeerteen ee waayahaas ay sida xun isga soo hor jeedeen dowladdii Siyaad Barre (Allaha u Naxariistee).

Hersi Labagarre

[QAYBTII 4AAD]

Murre hadday dhadhami weydo iyo, dacar la soo miirey

Oo uu raggii maali jirey, soo mud bixi waayo

Mulush iyo hadday wada noqdaan, mohologiin tuunsan.

Doqontii maldahan hawga biqin, maayal dirireede

Mar labaad rogaal weerarraa, lagu mayiiraaye

Oo muqalladoodii rag kale, galab ka meershaaye.

Cabdulqaadir bay maraqsadeen, maalin duhurkiiye

Mishigaanku goortuu dardaray, Mahad ma moogeyne

Macaandheregle yahay ceebtu waa, meheradiiniiye.

Nimankii middida saaray baad, meel la hurudeene

Ood weliba maamuus salaan, ugu mihiibteene

Inaad Diini magantiis tihiin, idin ma moodeyne.

Dabadeedna muurmuursigii, lagugu maydhaanye

Tobban iyo toddoba madax ahoo, uuski laga maaxshay

Is Maxamuudin tiinaas xun baa, loo makaabsadaye.

Mahwigii Xalwiyo lagaga tuur, malawgi dheeraaye

Cirro inuusan meel roon ka dhalan, waw macruuf qabaye

Magac ba'aye Ciisaan lahaa, way mintidayaane.

Cismaankii is maahuurin jirey, malihi beenowye

Haddii muran dhex maro reer tolkood, ways mutuxiyaane

Goortey shisheeyaha mutaan, reer marti xumooyin.

Raggii shaarubbada miiqi jirey, waa makaan dumaye

Waa taad Majeerteen yar-yare, nagu magcawdeene

Murti haddaad lahaydeen wax tara, lagu muquuneeye.

Ibraahiimo milan bay qabaan, mur iyo deebaaqe

Mootaayihii shalay ku dhacay, lagu mahlaakeeye

Dhulugdheer middii lagu dhuftey, doc ula miirmeene.

Mardarkii Shirshooruhu markuu, kor u muquuraayey

Allaaba waa gargaar meel maraad, ugu miciintaane

Goortii la mariyaad kalgacal, wada maqsuudeene.

Ninba maalin baa loogu iman, maxashadiisiiye

Qoladay markaa haysataad, kaga maqnaataane

Xasadnimada maarowdey way, diin macaan tahaye.

Mahwiga Cali Saleebaan haddaan, mirar ka faaleeyo

Waa niman maslaxaddoodu tahay, meyddi iyo fooxe

Waa niman mallay inay gurtaan, maanka kaga taale.

F.G: Gabaygan haddii uu dhammaado waxaan ku xejin doonnaa, gabay jawaabtiisi ah oo uu tirshay Abwaankii caanka ahaa ee Cali Cilmi Afyare, Allaha u naxariistee.

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre

Buuggan waxaa qoraagu ku soo ururshay hal kun (1000) oo maahmaahyo. Kadib markii Dhallinyarada wargayska ku tixan qaarkood inaga soo codsadeen in aan ku soo darno wargayska bog maahmaahyada iyo murtida soomaaliyeed lagu soo qoro, ayaan waxaan jeclaystay in aan halkan aqristayaasha ugu soo gudbiyo wixii maahmaahyo ah ee aan buugaas ku aruurshay waqti haddda laga joogo 10 sano ka hor.


Qaybtii 1aad

1. Bakayle inta uu bur ku jiro ayuu bur kale daydaa.

2. Biyo socda biyo fadhiya bay kiciyaan.

3. Baadi iyo ninkeed aragti baa ka dhexaysa.

4. Beenlow waa nin fal yaqaan.

5. Biyo kaa badan iyo col kaa badan labaduba way ku qaadaan.

6. Biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa.

7. Baroortu orgaga ka wayn.

8. Been fakatay runi ma gaarto.

9. Beenlow nin dhintay iyo nin dheer ayuu marqaati ka dhigtaa.

10. Belo ama guur bay ku tiraahdaa ama guurso bay ku tiraahda.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn ***

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).

** Sida ay aqristayaasha qaarkood arkeen, wargayska maalmahan dambe waxaan ka reebnay masawirradii badnaa ee aan soo gelin jirnay, taasna waxaa keenay, wargayska oo aad u dheeraaday, marka waxaan ka baqnay in diriddiisa iyo soo dejintiisu waqti dheer qaadato, sidaa darteed, dhallinyaradu haddii ay kala kulmaan wax dhibaato ah soo dejinta wargayska ama caddayntiisa ha nala soo socodsiiyeen.


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.