Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
Home Page URL: https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 06-13.12.1998
Best Viewed: Netscape Communicator 4.0
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD
ARARTA WARGAYSKA
Hersi M. Labagarre

Soomaalida iyo Qabiilka!
Ma aanan doonayn arrinta qabiilka in aan soo hadal qaado, maxaa yeelay waqti aan qabiil uga hadlo ma helo badanaa, hase ahaatee, maanta ayay dani ka fursan wayday in aan qeexo, aragtida maamulka wargayskani ka haysto arrinta qabyaallada, taasna waxaa sabab u haa, dhowr dhallinyaro ah oo talo iyo eed intaba ka soo jeedshay arrintaas.

Dhallinyarada qabiilka talada iyo eedda ka soo jeedshay tan iyo maalintii aan billawnay howsha wargayskan waxay gaarayaan ilaa afar qof, afartaa saddex ka mid ah waxay soo jeedsheen talo ah in wargayska laga dhowro wax qabiil la xiriira oo aan marnaba mowduucaas la soo hadal qaadin, mid kali ah ayaa eed ii soo jeedshay iguna eedeeyay in aan qolo gaar ah u xaglinayo.

Gaal dil Gartiisana sii
Inta aanan arrinta dhexgelin, waxaan horta jeclaanlahaa in aan dhammaan u mahad celsho dhallinyaradaas, boqolkiiba boqol way mahadsanyihiin.
Intaa ka dib, labada qodob ee aan soo sheegay ee kala ah, (in wargayska laga dhowro wax qabiil la xiriira) iyo (in aan anigu qabiil gaar ah u xaglinayo), ayaan doonayaa in aan halkan uga hadlo.

Waa midda horee, anigu ra'yi baan horay uga haystay qabiilka, haddase waan iska dhaafay, ra'yigaasi wuxuu ahaa in qabiilku yahay qayb ka mid ah hiddaha iyo dhaqanka soomaalida oo aan marnaba la is ilawsiin karin, qofkii isku daya in uu is illowsiiyana uu la mid noqonayo sidii goroyadii, kolkii ugaarsaduhu xaggeeda soo aado, madaxa duugata, ayada oo moodaysa in ugaarsaduhu sidaa ku daynayo.

Sidaa darteed, ra'yigaygu wuxuu ku salaysnaa, in qabiilka loola dhaqmo dhaqan iyo hidde ahaan, aanna loola dhaqmin siyaasad iyo maamul bulsho ahaan.

Nasiib darro waan ku fashilmay arrintaas, maxaa yeelay waan ka dhaadhicin waayay saaxiibaday figraddaas, dantuna waxay igu qasabtay in aan soo raaco talada la soo jeedshay ee ah in wargayska laga dhowro wax qabiil ku lug leh wixii ay danaan ha ahaadeene.

Eebbow nin aan wada hadalnay iba dili maayee, nin aanan wada hadlin uusan i dilin! Maxaa yeelay, ninkii aan wada hadalno, haddii aan sidaan rabay ka waayo, sidii uu doonayo baan u yeelayaa!
Maalmihii aan ku mashquulsanaa geeridii aabbahay allaha u naxariistee, ayaa dhallinyaro waxay cay iyo aflagaaddo iigu soo qoreen (buugga martida), markii aan taas arkay waan la yaabay, waxayna ugu noqotay filan waa, markaas baan fartiin u reebay oo ku iri; haddii aad wax iga tirsanaysaan ila soo xiriira aan wada hadalnoe.

Intaa ka dib nin oday ah ayaa maqaal fiican ku qoray buugga martida, wuxuuna igu eedeeyay in aan qolo u xaglinayo, tusaalena wuxuu u soo qaatay maqaal aan ka qoray hadda ka hor dowladda ka talisa waqooyiga galbeed ee soomaaliya.

Maqaalkaas waxaan qoray dhowr bilood ka hor waxaanna nimankaas ku sheegay in ay yihiin jabhad meesha ku amar-kutaaglaysa, waxaanna taas u iri, waxaa booliiskoodu xiray ninkii soo saari jiray wargayskii jumhuuriya, ayaga oo aan maxkamad amar ka haysan ayay lix saac oo habeennimo taxaabeen, aad baan arrintaas uga carooday, maxaa wacay anigu qoraa baan ahay, waxaanna aaminsanahay xurroyadda ra'yiga iyo sinnaanta iyo garsoorka, marka haddii aan mabda'aas aan aaminsanahay difaacay ma qabiiliiste ayaan ahay?

Waxaa kale oo ninkaa odaga ahi igu eedeeyay in aan ammaanay dowladda reer puntland, isla markaana caayay dowladda somaliland!. Taas haddaan ka jawaabo, aniga reer land waa ii simanyihiin, waqooyina uma dhalan barina uma dhalan, in aan qolo u xagliyana waxay ka soo horjeeddaa mabaadi'da wargayskan, maxaa yeelay ujeeddooyinkiisu waa xiriirinta soomaalida meel kasta ha joogeene, jinsiyad kastana ha lahaadeene, marka kol haddii aan isu xil saarnay in aan u adeegno soomaaliga wata jinsiyad yurub ah ama maraykan ah ama cid kale ah, maxaa inoo diidaya in aan u adeegno midka sita jinsiyadda somaliland ama puntland iwm?

Arrinta Suugaanta iyo Qabiilka
1978kii aniga oo dhigta fasalkii iigu dambeeyay ee dugsiga sare ayaa waxaa inoo yimid macallin yiri waxaan idiin dhigayaa suugaan, markaas buu wuxuu billaabay in uu gabay inoo aqriyo, marka uu ku yimaado meel qabiil wax ka sheegaysa ama qolo gaar ah lagu magacaabayo wuu ka boodaa mana sharxo, arrintaas aad baan uga caroon jiray, maxaa yeelay annagu suugaan baan dersaynaa, waxna inagama gelin ninkii ka xanaagaya magac qabiil ee gabay lagu sheegay.

Taasi waxay ahayd 20 sano ka hor, macallinkaygii khayr allaha siiyee waxaan ugu cudurdaari jiray, aniga oo is iraahda dowladda ayaan waxaa ogolayn.

Maanta dowlad qabiil diidaysa ima xakunto, aniguna waxaan doonayaa in aan suugaanta soomaalida derso, maxaa yeelay waxaan doonayaa in aan mowsuuco fiican ka qoro suugaantaas, marka maxaan sameeyaa, haddii aan iraahdo wixii erayga qabiil ku soo arooro aan suugaanta ka tirno, taas macnaheedu waa suugaanta soomaalida oo dhan ha la tiro.

Waxaana soomaalidu ku maahmaahdaa "tol wada fiican ninkii doona tol la'aan baa ku dhacda" marka waxaa hubaal ah in ninkii doona suugaan aan qabiil ku jirin ay suugaan la,aani ku dhacayso.

Hadal iyo dhammaantiis, anigu wali waan aaminsanahay figraddaydii ahayd in suugaanta suugaan ahaan loola dhaqmo ayada oo aan qabiil iyo qolo loo eegin, ninkii caroon lahaa iyo kii xanaaqi lahaana asiga ayay jirtaa.

Laakiin waxaan la dhacay ra'yi uu soo jeedshay nin aqristayaasha wargayskan ka mid ah, kaas oo ah, in haddii ra'yigaas (aan rumaysanahay) lagula dhaqmo soomaalida maanta joogta, soomaali la'aani inagu dhacayso!

Talada ninkaas soo jeedshay kolkii aan arkay ayaan ra'yigaygii ka soo laabtay, maxaa yeelay suugaanta soomaalidu way jiraysaa, dad si cilmiyaysan u dersana way imaan doonaan hadii eebbe idmo ayaga oo aan qabiil u turin oo aan ka cabsan, laakiin soomaalida maanta joogta waligood jiri maayaan, waxaanna si degdeg ah ugu baahannahay in aan midownno oo iskaashanno, marka midaynta soomaalida maanta iyo dersidda suugaanta soomaalida, waxaa muhiimsan midaynta soomaalida maanta, taas ayaana keentay in aan ra'yigaygii si kumeel gaar ah uga soo noqdo.

Gabagabo iyo afeef
Waxaan ugu dambaystii doonayaa in aan xasuusiyo dhallinyarada aqrisata wargayskan iyo kuwa ku tixan intaba, in wargayskani aanuu qolo u gaar ahayn, wargayskan waxaa soo saara dhowr nin oo aan is aqoon meelna wadajoogin aanna is kasayn, mid malaysia jooga, mid Brunei jooga, mid Holand jooga, mid england jooga, iyo mid finland jooga iyo kuwo la mid ah.

Dhallinyaradaas waligeen isma aanan arag, waxaan ku kulannay daacadnimo iyo wadashaqayn, iyo soomaalinimo, iyo muslinimo, taas ayaana marqaati u ah in aanan qabiil meeshan wax ku lahayn.

Waxaa kale oo in la ogaado ay lagama maarmaan tahay in maamulka wargayskani aaminsanyahay xurriyadda ra'yiga iyo qoraalka, sidaa darteed qof alla iyo qofkii doonaya in uu wargayskan ku ku qoro, arrimo qabiil la xiriira annagu uma diidi doonno fidinta figraddiisa, qoraa kasta asiga ayaa dhabarka u ridanaya mas'uuliyadda wixii uu qoray, mana bannaana in aniga la igu eedo ama wargayska lagu cambaareeyo ra'yi nin gaar u leeyahay. Waxaan rejaynayaa in arrintaas caddahay, raallina ha layga ahaado haddii aan qalad sheegay.

BOGGA 2AAD
WARARKA SOOMAALIDA
Ina Caydiid oo la sheegayo in uu Kenya dhul ka iibsanayo
November 30, 1998 Nairobi, Abaanduulaha soomaaliyeed ee caanka ah Xuseen Maxamad Faarax Caydiid, ayaa la sheegayaa in uu damacsanyahay in uu dhul ka iibsado xeebaha quruxda badan ee ku yaalla dalkaasi Kenya qaar ka mid ah, warkaas waxaa soo sheegay wargayska maalin kasta ka soo baxa dalkaasi Kenya ee la yiraahdo "Nation" 28kii bishan.

Arrinta dhulkaa la sheegay in uu iibsanayo Ina Caydiid waxay siyaasiyiinta iyo tujaarta reer Kenya ku dhalisay baqdin, waxaana la sheegayaa in guddoomiyaha gobolka Mambasa Najib Balala uu dowladda ka codsaday in arrintaa la xaqeejiyo.

Dhulkaas waxaa la sheegayaa in uu yahay dhul ku yaalla xeebta wabiga Tana ee gobalka Lamo, waxaana Ina Caydiid dhulka u gedaya sida la sheegay nin ganacsade ah oo jooga magaalada Nairobi, waxaa la sheegayaa in ninkaasi ilaa iyo hadda iibshay 138 boos oo xeebta afka ku haya, waxaana la sheegayaa dadka reer keenya ee dhulka laga siiyay xeebahaas in ay iibinayaan boosaskii la siiyay ilaa 40,000 oo shilin keenyaati booskiiba.

Arrinta iibsashada dhulkaas ee lagu tuhmayo Ina Caydiid waxay kicisay xiisad siyaasadeed, waxaana madaxda goballada iyo degmooyinka qaarkood dowladda ugu baaqeen in ay joojiso bixinta dhulka xeebaha ah sidii ay horay ugu joojisay dhulkii ay ka bixisay xeebta Joma Kenyata.

Qaar kalena waxay ku marmarsiyoodeen in iibinta dhulkaas ay qatar gelinayso nabadgelyada dalka Kenya, qaar kalena waxay ku andacoodeen in dhulkaas markii horeba si aan caddaalad ahayn loo qaybshay, sidaa darteed ay habboontahay in dhammaantiis la joojiyo.

Cali Mahdi oo ka digay gaajo ba'an oo Soomaalida ku soo fool leh
Nov 28, 1998 Nairobi, Abbaanduule Cali Mahdi ayaa wuxuu ka digay, maalintii sabtida ee la soo dhaafay, gaajo ba'an oo soomaalida ku soo fool leh, wuxuuna sheegay in dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan koofurta dhulka soomaaliya ay dabargo' ku siganyihiin.

Kumanyaal soomaali ah ayaa la sheegayaa in ay geeri qarka u saaranyihiin gaajo awgeed, kadib markii daadad badan oo is dabajoog ahi wax yeeleeyeen dhulka beeralayda ah ee Goballada Jubbada hoose iyo Jubbada Dhexe.

Waddamada midawga reer Yurub ayaa waxay arbacadii la soo dhaafay ugu deeqeen soomaaliya hanti gaaraysa 10 milyan oo cunto ah, si looga hortago dhibaatooyinka soomaalida kala soo gudboonaaday xagga cuntada.

Waxaana la sheegayaa in deeqdaas oo gaaraysa 10,899 ton oo cunto ah oo ay qaybin doonto hay'adda cuntada u qaabilsan UN ka ee loo yaqaanno (WFP).

Gaajadaas soomaalida hendedaysa waxaa keenay dagaalada is dabajoogga ah, iyo daadadkii badnaa ee dalka soo maray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Waddama bahda reer Yurub, waxay deeeqdaas uga jawaabayeen codsi ka soo yeeray UN ka oo lagu doonayay lacag gaaraysa ilaa 18 milyan oo lacag ah oo soomaalida lagu quudsho. UN ku waxay dheheen fidinta iyo qaybinta waxaa carqaladaynaya xasilooni darrada ay keentay colaada ay oogayaan jabhaduhu, warkaasna waxaa xaqeejiyay abaanduule Cali Mahdi oo sheegay asiguna in boobka ay jabhaduhu wadaan uu carqaladaynayo fidinta gargaarka.

Jabhadda Raxanwayn oo dib u qabsatay Xudur
Nov 28, 1998 Nairobi, Jabhadda Raxanwayn ee loo yaqaan Rahanwein Resistance Army (RRA), ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku guulaysatay sidii ay uga midig marin lahayd magaalada Xudur iyo tuulooyinka la xiriira.

Dagaalkaas waxaa la sheegayaa in uu leeftay noloshii dad aad u badan, kuwaas oo ama dagaalka toos loogu dilay ama gaajo iyo oon ku dilay agagaarka magaalada iyo tuulooyinka intii ay cararayeen.

Hadda waxaa la sheegayaa in ay dadkii magaalada dib ugu soo laabteen kadin markii ay maqleen warar sheegaya in UN ku cunto qaybin doono, dadkaasi waxay magaalada ka carareen saddex toddobaad ka hor, kolkii dagaalku ka dhex kacay Jabhadda Ina Caydiid iyo Jabhadda Raxanwaynta.

Dadkaas magaalada dib ugu soo laabtay waxaa si ku meelgaar ah loo dejiyay dugsi hoose oo magaalada ku yiil, maxaa yeelay guryahoodii iyo dukaantoodii waa la gubay ama la boobay intii dagaalku socday.

Hay'adda UN ta u qaabilsan waxay sheegaysaa in 40,000 oo qof in ka badan oo soomaali ah oo ku nool Tayeeglow ay macluul in ay u dhintaan qarka u saaranyihiin, gargaarka UN tu wuxuu mardhawayd gaaray magaaladaas laga baqayo in aad loogu la'do.

MA U BAAHANTAHAY IN LAGAA CAAWIYO SAMAYNTA HOME PAGE ADIGA KUU GAAR AH?
Haddii jawaabtu (haaaaaaa) tahay fadlan nala soo xiriir, idaarada wargayskan waxay heegan u tahay in ay kaa caawiso qoridda (home page-kaaga gaarka kuu ah) iyo sidii aad u fidin lahayd figradahaaga qiimaha leh.
Sidoo kale waxaan heegan u nahay in aan kaa caawinno xayaysiinta Ururkaaga, Sharikaddaada, Home Page-kaaga, badeecadaada iyo khadamaadkaaga intaba.
SOOMAALIDA QURBAHA JOOGTA
Ma Is-Qabaan, Mise Way Is-Fureen?

Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473

(haddii ay basaraysteen "Gemeente"da, si dakhligooda u kororsadaan)
Arinta ma Soomaali keliya ayay u gaar tahay?
Qadiyyada tan oo kale markii aad la kulantid, markiiba maskaxdaada waxay is tusinaysaa in laga hadlayo qoys Somaaliyeed oo qaxooti ah, kana hela bulshada uu ku nool yahay kaalmo dhaqaale oo halkan looga yaqaan "WAB-Uitkering".

Arintu sidaasi ma ahee cid kastoo kaalmadaasi qaadata way samaysaa, ha ahaadeen Soomaali, qaxooti kale amase kuwa dalka u dhashay.
Basareesashada waa loo dhan yahay. Hase yeeshee qolo walba nidaam noloshooda xakamaynaya ayay lee yihiin.

Marka innaga teyada Soomaliyeed ayaa ina khusaysa. Igama aha FATWA (Xukun Sharci fasiraaddiisa), arintaasi waxay u taalaa culumaa’uddiinka mutakhassisiinta ah, ee waa aragti shakhsiyeed iyo ijtihaadkiisa.

Haddaba haddii aynu u soo laabano mowduucayna, basareesashada maxaa daba socda? Qoys (nin iyo afadiisa +/- caruur) ayay waxay ku hishiinayaan in aroortii ay ku dheelmadaan Dowladda Hoose "Gemeente huis" una sheegaan in ay kala tagayaan oo ay isfureen, si diiwaanka Dowladda guurkooda looga saaro.

Waa arrin aad loo gorfeyay oo labaduba (ninka iyo afadiisaba) ku hishiyeen. Ujeedadooda ma aha inay isfuraan ee waa dhaqaalaha isbixin wayay inay furdaamiyaan, amase hadduu ninka shaqa helay waxa uu soo shaqaystay cidda uusan ku masaruufin (ugu yaraan rasmi ahaan).

Haddii sidaasi lagu kala baxo (ogaanshaha Dowladda), qoyskii kala baxay (halkan waxaad moodaa kala tagga qoysku in aad loo dhiiri geliyo, iyada oo lala cuskada ilaalinta xuquuqda haweenka) hooyada masaruuf gaar ah ayaa loo qorayaa, weliba siyaaddo, odayga goonidiisa ayaa loo dejinayaa oo isagana masaruuf aan ka yareen kii horay qoyska oo dhan u qaadan jiray. Haddaba xaajadan maxaa daba socda?     Waa socotaa..
BOGGA 3AAD
BUUG IYO CAJALADO IIB AH
1. Cajalado iib ah
(a). Aasaaska Barashada Afka Carabiga: Waa duruus kuugu kaal maynaysa sidii aad u xoojin lahayd afka carabiga, oo ku duuban shan cajaladood.
Qiimaha: (hal cajalad = US$10.00) oo aan qarashka boostadu ku jirin.
(b). Cajalado Dikri iyo Nabi ammaan ah: Waa nabi ammaan cod aad u qurux badan lagu qaadayo, oo ku xasuusin doona habkii wadaaddadii hore ee soomaalidu diinta u fahmeen.
Qiimaha: Halkii xabbo
(US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

2. Buugaag iib ah

(a).Cinwaanka: as-salafiyah al-wahhabiya, bayna mu'ayidiha wa muntaqidiha(187 bog).
Mowduuca: Waa kitaab af carabi ku qoran oo ka sheekaynaya taariikhda xarakadii Sheekh Maxamad Bin Cabdil wahhab.
Qoraaga: Hersi M. Labagarre
Madbacadda: Bruneio Printers 1996.
Qiimaha: (US$ 15.00) oo aan boostadu ku jirin.
(b). Al-caqidah al taxawiyah
(tarjamada afsomaliga)
Qiimaha:US$ 5.00 oo aan boostadu ku jirin.
BOGGA QUBANAHA
Turkiya dowlad Islaam ahi ma ka dhalan doontaa?
Ankara, Dalkaasi Turkiga oo maalmahan dambe ay ka taagnayd xiisad siyaasadeed, ayaa laga cabsi qabaa in xisbiga islaamiga ah uu xukunka la wareego ama yeesho awoodda sare ee maamulka dalka.

Waxaa sidaa ka digay kuxigeenka ra'iisal wasaaraha dalkaas Bulent Ecevit, wuxuuna intaas ku deray, in haddii xisbiyada calmaaniga ah (ee doonaya in dalka lagu dhaqo habka reer galbeedka) ay midoobi waayaan, in taasi keenayso xisbiga islaamka oo gacanta sare yeehsa, lagana yaabo in uu maamulka dalka la wareego.

Xiisadda Siyaasadeed ee dalkaas ka taagan waxay ka dambaysay kadib markii uu dhacay iskaashigii xisbiyadaas kaas oo riday dowladdii Mesut Yilmaz, taas oo lagu soo eedeeyay in ay ku lug lahayd arrimo burcadnimo oo lagu kacay.

Taasi waxay keentay in ay is khilaafaan xisbiyadii calmaaniga ahaa ee dowladdaas ku jiray, ayna awoodi waayeen in ay dowlad cusub dib u soo dhisaan.

Haddii ay muddo 45 casho ah dowlad ku soo dhisi wayaan madaxwaynaha dalku wuxuu awood u leeyahay in uu xukunka dalka u dhiibo ciddii uu ku kalsoon yahay, inta doorashooyinka waqtigoodu imaanayo.

Xisbiga Islaamiga ah waa midka ugu wayn xisbiyada wuxuuna haystaa 144 kursi oo ka mid ah 550 kursi ee baarlabaanku ka koobanyahay.

Golaha wasiiradana wuxuu ku leeyahay 10 kursi, taas ayaa marka waxay keentay cabsi wayn oo laga qabo in xisbigaasi dowladda la wareego haddii ay is khilaafaan xisbiyada yaryar ee midowbay ee dalka hadda ka talsha.

Xisbiyada iyo ururrada shiinaha ah ee
Dalkaasi Malaysia oo taageeray Dr. Mahather

Dalkaasi Malaysia oo maalmahan dambe ay ka taagnayd xiisad siyaasadeed, waxaad mooddaa maalmahan in uu dib u soo degayo, taasina waxay ka dambaysay markii ay taageerayaashii dato' Anwar oo la xiray dabadeedna maxkamad la soo saaray ay kala tageen.

Taageerayaashii ninkaa la xiray waxaad moodda in ay baqdini gashay kadib markii booliiska Malaysia uu si layaab leh uga hortegay dhaqdhaqaaqoodii.

Dr Mahather oo ah ra'isalwasaaraha dalka, wuxuu maalmahan dambe isku deyayay in uu dib u soo ceshado taageeriddii dadwaynaha uu ka heli jiray, waxaana su'aashu saarnayd dadwaynaha reer malaysia ee shiinaha ah yay taageersanyihiin, ma Dato Anwar mise Dr Mahather?

Dadka Malayda ah ee reer Malaysia oo ayagu ah dad Muslim ah waxay badankoodu la duubteen ninkii la xiray, dadka shiinaha ah ee badankoodu hodonka yahay, waxay doddobaadkan qabteen shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen dhammaan ururradooda siyaasadeed iyo kuwa bulsho intuba, waxayna ku caddeeyeen shirkaas in ay la duubanyihiin ra'iisalwasaaraha dalka Dr Mahather.

Arrintaas waxay tusaale xoog leh u tahay, hardanka ka dhexeeya bulshada reer malaysia ee Malayda iyo Shiinuhu isga soo horjeedaan, kolka ma laga yaabaa in dagaalka dhexmaray labada hoggaamiye uu sabab u noqdo dagaalka dhexyaalla shiinaha iyo malayda oo sii hura?

Wiil xijaab xirtay gabar ma noqonkaraa?
Jeddah, Dalkaasi Sacuudiga carabta, maalmahaan waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo xurnimo doon ah oo ay ku kacayaan dhallinyarada da'da yar ee badankoodu galbeedka wax ka soo bartay, ayna uga horjeedaan maamulka siyaasadeed iyo midka bulsho iyo kan diimeed ee ku salaysan hidde raaca.

Isniintii la soo dhaafay, ayaa jornaalka al-bilaad sheegay in uu wiil ku dhuuntay jaamicadda gabdhaha ee ka dhisan gobalka al-ahsa, kadib markii uu qaatay dharka xijaabka ah ee gabdhuhu gashadaan iyo teesarihii walaashiis oo uu candhuufeeyay.

Wiilkaas waxaa la gartay kadib markii ay gabdhuhu tuhmeen gabadhan aan hadlayn oo aamusan oo galaaska salkiisa fadhisa had iyo jeer.

Dalkaasi Sacuudiga ninkii lagu qabto dambiyo jaadkan ah waxaa lagu xukumi karaa karbaash ama jaydal lagu dhufto ayada oo la soo taagayo meel facshar ah.

Wiilkaas waxaa qabtay gaarka jaamicadda kadibna waa la xiray, arinyiisana waxaa baaraya booliiska, waxaana loo malaynayaa in uu ku xiran yahay jabhad ku kacsan kala saaridda dumarka iyo ragga ee ka jirta dalka Sacuudiga.

Nin AIDS qaba oo maalintii AIDSka is dilay!
Nairobi, Kenya (AFP), nin AIDS qaba oo isbitaallada Nairobi mid ka mid ah yiil ayaa is dilay kadib markii uu ka booday daaqadaha isbitaalkaas mid ka mid ah.

Arrintaasi waxay dhacday maalintii loo dabbaaldegayay AIDS ka aduunka, sidaa waxaa sheegay televishanka Kenya (KTN).

Kalkaalisooyinka isbitaalka mid ka mid ah ayaa waxay sheegtay, ninkaas oo ahaa nin oday ah uu doortay in uu isdilo si uu u joojiyo dhibaatada badan ee uu cudurkaasi ku hayo.

Dadka meeshaa la jiifay ninka is dilay waxay sheegeen in uu maalintaas oo ahayd talaadadii la soo dhaafay u doortay in uu isdilo maxaa yeelay waxay ahayd maalintii AIDSka.

Ardayda indonisia oo u bannaan baxay nabad raadin
Dalkaasi Indonisia bilihii la soo dhaafay waxaa ka socday xiisad siyaasadeed iyo kmid dhaqaale intaba, arrintaasi waxay ka dambaysay kadib markii uu dhacay madaxwaynihii hore ee dalka kaligii taliye Suharto.

Dowladda cusub oo ah mid ay madaxwaynihii hore iyo reergalbeedku si wadajir ah u soo doorteen, waxay ku fashilantay in ay dejiso xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee siixumaanaya ee dalka ka taagan.

Bilihiila soo dhaafay waxaa wararku si isdaba joog ah u soo tebinayeen boob iyo dil iyo kufsad aan kala go' lahayn oo ka dhacay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.

Doddobaadkan waxaa wararku sheegeen in qolyo kirishtaan ah gubeen masaajid ka mid ah masaajidyada ku yaalla meelaha ay degganyihiin dadka kirishtaanka ah ee dalkaas ku dhaqan.

Maalintii jimcaha ee la soo dhaafay ayaa ardayda muslimka ah ee Indooniisiya waxay qabteen bannaan baxyo ay ku doonayaan in madaxwaynihii hore maxkamad la soo saaro iyo in dalka nabad laga dhalsho lana xalliyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa nabadgelyo ee dalka ka taagan.

Madaxwaynihii hore ee dalkaas Suharto ee dalka xukumayay 32 sano wuxuu ku andacooday in uusan hasan hanti badan, waxayaabaha ay dadku ka sheegayaan ee ah in uu malyuuneer yahayna ay been yihiin.

BOGGA 4AAD
TARJAMADA LUQADAHA
Waxaan aqristayaasha qaayaha leh ugu bishaaraynaynaa in idaarada wargayska Somali Electronic Journal hayso waqtiga xaadirka ah dhallinyaro mutacalimiin ah oo aqoon dheeraad ah u leh luqadaha (Ingriiska, Carabiga, Soomaaliga iyo Isbaanishka iyo luqado kale oo muhiim ah), awoodna u leeyihiin in ay turjumaan kutubta iyo maqaaladaha cilmiga ah iyo qoraallada kale ee la midka ah.
Hadaba ciddii doonaysa in loo turjumo qoraal noocii uu doono ha ahaadee, ha la soo xiriireen maamulka wargayska, qiimaha shaqadda tarjamadu waxay ku salaysan tahay nooca shaqada tiro iyo tayo intaba iyo heshiiska labada dhinac wada gaaraan.
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
ADAM C/LAAHI CISMAAN DR C/RASHID C. SHIRMAAKE JEN. M. SIYAAD BARRE
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah ?
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliya
Habeenkii bisha Juun 30ka ahayd, saqdii dhexe, Guddoomiyaha Sharci Dejinta Somaliya", isaga oo isticmaalaya awooddisa Madaxwayne ku meelgaarka ee Jamhuuriyadda Somaliya, ayuu ku dhawaaqay Xornimada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliyeed, wuxuuna saxeexay oo uu meel mariyay Dastuurka Qaranka oo isla markii sidaas ku dhaqan galay.

Fadhigii ugu horreyay ee Baarlamaanka Qaranka ee Kowaad "Goluhu waxaa uu ka dhismay 33 xildhibaan laga soo doortay Gobolka Waqooyi (1960) iyo 99 xildhibaan laga soo doortay Gobolka Koonfur (1959), waxaa la qabtay bisha Luulyo Kowdeeda, 1960, wuxuuna sacab iyo staag ku guddoomiyay, kuna ansaxiyay MIDNIMADA Qaranka Soomaaliyeed.

Dastuurka cusub wuxuu meelmarintiisa kama dambaysta ah u baahnaa Shacbiweynaha oggolaanshihiisa iyada oo loo qaadayo AFTI "referendum" muddo sano gudaheeda. Bisha Juun 20, 1960 dastuurka ayaa afti loo qaaday, waxaana oggolaaday 90.6% ee codbixiyaasha.

Xubnaha Qaranka muhimka ee Dastuurka cusub
Golaha Shacbiga Qaranka "The National Assembly"; Wuxuu leeyahay "Awoodda Sharci Dejinta" oo afka qalaad loogu yaqaan (Legislative Power), wuxuuna ka dhisan yahay xildhibaano 5 sanadood loo soo doortay xilkaas, laguna soo doortay doorasho loo dhan yahay, xor ah, cod bixintane qarsoodi tahay.

Golaha Shacbiga wuxuu u xilsaaran yahay "Diyaarinta iyo go’aaminta Sharciyada iyo xeer dejinta kale, cafinta iyo dulqaadka maxaabiista loo fidiyo, canshuuraha iyo kharajka, miisaaniyadda iyo xisaab sanadeedka Dowladda, meel marinta hishiisyada Dowladda qayb ka tahay, ku dhawaaqidda dagaalka iyo baarista Barlamaaniga ah, wuxuuna doortaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda".     [Waa socotaa...]  
FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Horta Yaa Dunida Fasahaadiya?
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya fasahaaddii iyo hooggii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya iyo siyaabaha laga yaabo in loo xalliyo.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah (Duullaanjecel)
Waxaa foolxumooyinkaas ka mid ahaa:
* In ay dad Soomaaliyeed ku tartameen Yuhuud sheegasho, sida ay in badan ku qoreen Muqdishu, qoraa Saciid iyo asxaabtiisa oo ku hadla codka Cayddiid, iyagoo mar walba sheegayey in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xukunkii Maxamadd Siyaad ku asiibay ay ka mid tahay carabnimo sheegashada. eeg: Xogogaal;114, iyo Beel-deeq.

* Waxaa dadweynihii soomaaliyeed ugu fiyoobi badnaaday kuwii waal-waalnaa, tusaale ahaan, Ibrahim Waalow wuxuu ahaa nin qac ah, oo ay siyaasadi derdertay, ka dib markuu ka baxay kulliyada siyaasada ee Muqdishu, waxaanan arkay isaga oo dhex taagan laba kooxood, oo dab culus is weydaarsanaya, oo ku qaylinaya; shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay xabbada joojiyaan oo wada hadal iyo heshiis isugu yimaadaan!!.

* Tusaale kale waxaa kuu noqon kara, markaan soo dhex galay ciidaanyo dad ah, oo ku mashquulsan kala bililiqaysigii Machadkii Sidam, oo nin walba uu la halgamayo bililiqaysiga iyo rarashada wuxuu jeclaa, qaar waxa keliya oo ay baaranayaan Dollar, qaarna Khamri, qaarna qalab dhismo ama guri iyo hadday tahay alaabo kaleba.     Waa socotaa...

F.G: Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim Hersi Farah (Duullaanjecel), waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota.
Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban.
Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin.
Labagarre

BOGGA 5AAD
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.


Hersi M. Labagarre
CASHARKA 22AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY SIDII NABIGU TAWXIIDKA U DHAWRAY OO UU U XIRAY IRDAHA SHIRKIGA OO DHAN

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu'miniinta. Haddayse jeedsadaan dadku waxaad dhahdaa kaalmeeyahaygu waa Ilaahay, Eebbe mooyee Ilaah kalena ma jiro, isagaanna talo saartay, waana Eebbaha carshiga wayn]At-Tawbah 128-129.

Waxaa Abuu Hurayra laga soo weriyay in uu yiri: Nabiga naxaruiisi korkiisa ha ahaatee, ayaa wuxuu yiri:"Haka dhigina aqalladiinna xabaalo, qabrigaygana ciid haka dhigina, iguna salliya, maxaa yeelay, salaaddiinnu way isoo gaari meel kasta oo aan joogo"{Abuu Daa'uud}.

Waxaa Cali Bin Xusayn laga soo weriyay in uu arkay nin ku sii socda meel qolob ah oo xabaasha Nabiga agteeda ku tiillay, ninkaas oo inta meeshaa gala Ilaahay ku barya, kolkaas buu ka celshay falkaa uu ku kacayay, wuxuuna yiri: Ma idiin sheegaa sheeko aan aabbahay ka maqlay, taas oo uu awowgay nabiga ka soo weriyay, waana in uu Nabigu yiri:"Qabrigayga ciid ha ka yeelina, guryihiinnana xabaalo ha ka dhigina, iguna salliya, salaaddiinnu way isoo gaaraysaa meel kasta oo aan joogo e'".

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda ku jirta suuradda Bera (At-Tawbah) ee la soo sheegay.

Tan 2aad: Waa sida Nabigu ummaddiisa uga waanshay in ay qabrigiisa ciid ka dhigtaan.

Tan 3aad: Waa in ay halkaa ka caddahay siduu Nabigu ugu dadaalay ummaddiisa iyo sida uu ugu turay oo uu ugu naxariistay.

Tan 4aad: Waa in Nabigu diiday in qabrigiisa si gaar ah loo soo booqdo, in kasta oo soo booqashada qabriga Nabigu ay fadli badan leedahay.

Tan 5aad: Waa in Nabigu diiday in soo booqashada laga badsho.
Tan 6aad: Waa in uu umadda ku dhiirri gelshay in ay salaadaha sunnada ah guryahooda ku tukadaan.

Tan 7aad: Waa in ay caddahay in aan xabaalaha dhexdooda lagu tukanayn.
Tan 8aad: Waa in Nabigu caddeeyay in salaanta ummaddiisu soo gaarayso meel kasta ha joogee, aanna loo baahnayn in qabrigiisa loo soo dhawaado mar kasta.

Tan 9aad: Waa in Nabigu nolol gaar ah ku noolyahay oo loo soo bandhigayo salligeenna iyo salaanteenna.
BOGGA 6AAD
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 18aad
LIBAAXII IYO DIBIGII
Kolkaas baa libaaxii markii uu tuke hadalkiisii maqlay ka aamusay warcelintii tukaha iyo hadalkiisii.

Kolkii tukihii ogaaday go'aankii libaaxa ayuu wadayaalkiis u yimid, oo ku yiri: waan kala hadlaly libaaxa awrka cuniddiisa, haddii aan annaga iyo awrku ku kulano libaaxa agtiisa, oo aan sheegno waxa gaaray oo aan la xanuunsano annaga oo arrintiisa daryeelayna, oo wanaaggiisa ku dadaalayna, oo uu qof waliba oo inaga mid ahi naftiisa in uu cuno u bandhigo afgobaadsi ahaan, labada kalena ku diidaan in cunnimadiisa dhibaato ka imaanaysana caddeeyaan, haddii aan taas yeelno dhammaan waan nabadgelaynaa, libaaxuna wuu laabsamaanayaa.

Kolkaas bay sidaa yeeleen oo libaaxii u tageen.
Tuke: boqorow, waxaad u baahantahay wax aad cunto, annagana in aan nafteena kuu hurno ayaa nala gudboon, annagu adiga ayaan kugu noolayn, haddii aad dhimatana midkeen kaadib nololi uma sugna, waxdheefna noloshu inooma laha.
Haddaba boqorku ha icuno aniga ayaa naftayda u huraye.

Waxaa u warceliyay dhurwaa iyo dawaco: aamus boqorka cuniddaada waxdheef uguma sugna e', kuguna dhergi maayo e'.

Dawaco: aniga ayaase boqorka dherjinaya ee ha i cuno waan ku laabsamahay e', qudhaydana waan u huray.

Waxaa ku diiday dhurwaa iyo tuke oo dhahay: uskag uraya baad tahay.
Dhurwaa: anigu sidaa ma ahi, ee boqorku ha i cuno taasna waan ogolaaday oo qudhayda ayaan u huray e'.

Tuke iyo dawaco baa ka hortegay oo yiri: dhaqtaradu waxay dheheen qofkii in uu isdilo doonaya hilib dhurwaa ha cuno.

Kolkaas baa awrkii mooday in haddii uu naftiisa bandhigo lagu afjigayo sidii qaarkood qaarka kale ugu afjigay, kadibna uu nabad geli doono, libaaxuna u laabsamaan doono dhimashana ka fakan doono, markaas buu yiri: aniga ayaa boqorka dhereg iyo cabidba ugu filan, hilibkayguna wuu macyahay oo wuu udgoonyahay calooshayduna waa calas ee boqorku aniga ha i cuno, raggiisa iyo shaqaalihiisana ha dheefsho, sidaas baanna ku laabsamahay oo aan naftayda ugu huray oo aan ugu ogolaaday.

Kolkaas baa dhurwaagii iyo tukihii iyo dawacadii dheheen: run buu sheegay awrku waana deeqsi, wax la yaqaan buuna ku hadlay, kadibna way ku boodeen oo way kala jeexeen.     (Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Khaliif Sh. Maxamuud Siciid (1951-1982)
GABAYGII JAWAABTA AHAA EE CALI CILMI (Afyare)
Gabaygan waxaa tiriyey Cali Cilmi “Afyare”(Allaha u naxariistee) isgoo ka jawaabaya gabaygii Khaliif Shiikh Maxamud ee Hurgumo. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 109 (Boqol iyo sagaal) tixod, waxaana loogu magacdaray “MASHIIQSI”.

Maasadan waxaa inoo soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad (Ciise Carab)
Qaybtii 2aad:
Geedkuba mankiyo ubaxa iyo,
miro hadduu saaro
Oo uu magooleeyo indhuhu,
milicsadaaniine
Hadduuse muruxsan yahy waa malluug,
miiqan weligiise
Murtina laga ma helo faallo aan,
loo maqaan deyine
Miisaan culeysliyo kolkuu,
waayo marinkiisa
Milgo waxaan lahayn iyo sidii,
meehanaw noqoye.
Murugo iyo ciil waa nin ragga,
meheraddiisiiye
Inkastoo masaartiyo warmaha,
lagu maleegaayo
Ma cataabo geesiguye waa,
mici-adeygaaye
Maraabaha nabsigu waa,
sidii moodda galabeede
Masuubo iyo khayr wixii ku hela,
Maaliggaa qora’e
Mulki iyo awood ma leh nin kale,
waadse moogtahaye.
Maqaadiirta Eebbehay haddaad,
muran ka keeneyso
Oo aad mooday ruux kale inuu,
maamulada haysto
Muslinnimada aad sheegatiyo,
magucu waa beene.
Bandhigga buuggii "Markab iyo Nin Miyi"
Bandhigga buuggan Waxaa inoo soo qoray:
Mukhtar A. Ismail...(London)
Faahfaahin ku saabsan Buuggan:
1.Cinwaanka: Markab iyo Nin Miyi
2. Mowduuca: Sheeko ku salaysan noloshii qoraaga buugga.
3. Qoraaga: Cabdilaahi Cawad (Lugwayne).
4. Qiimaha: (5.00 English Pounds)
5. Cidda Buugga iibinaysa: Xaaji Aadan.
Tel. No: Inside UK: (0)171357 8584, Outside UK:(00) +44 171 357 8584
Buuggan oo run ahaantii cinwaankiisu aanu si buuxda u tilmaamaynin dulucdiisa --- waa mid ku salaysan taariikh nololeedkii qoraha, xambaarsana taariikh dhacdooyin ah hidiyo dhaqan Soomaaliyeed.

Qoruhu wuxuu si buuxda ugu soo bandhigayaa akhristayaashiisa gaar ahaan dhalinyarada maanta joogta, tilmaan gaar ahna u siinayaa una falanqaynayaa, taariikhdii noloshiisa laga soo bilaabo mudadii 1920dii ilaa mudadii wadanka laga soo qaxay (1988kii ) kuna lifaaqayaa tii dhaqanka iyo taariikhdii isaga ka horaysay tan soo martayna ay is daboolayeen.

Cabdilaahi Cawad (Lugwayne) wuxuu ku dhashay Wareeg, oo ka tirsan miyiga Gobolka Togdheer sanadkii 1920kii kuna barbaaray isla deegaankaas oo ay degenaayeen qoyskooda oo ahaa reerguuraa xoolo dhaqato ah lahaana duunyo tiro badan.

Kadib markii ay dhacday abaartii la odhan jiray Baaha, waxaa Geeloodii ka soo hadhay lix halaad, laba ka mid ahina u dhaleen (Gahayr iyo Gargaar), Caanahoodiina Illaahay u barakeeyay kuna filaatay dhamaan qoyskooda.    (Waa socotaa...)
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 5aad
51.Jiilaal waa ninkii haye.
52.Jiilaalka iyo ninku way lagdamayaan kolba kan naagtu raacdo baa adag.
53.Xujo ma furanto ee xaajo ayaa furanta.
54.Xujo ayaa soo noqotee xaaji soo ma noqdo.
55.Xaniinyo kuwa kugu yaalla ma ahane waa kuwa kaa dambeeya.
56.Xirgi caana galeen Xigmadi ma gasho.
57.Xigaal kii kuu sheegta xabaalaha ayaa latusaa.
58.Xooluhu uray isku gartaan, Dadkuna wada hadalka.
59.Xoolo ninkii kuu sheegta hadhkaagaa la tusaa.
60.Xaniinyo dherer ma doonaan.
BOGGA 8AAD
IIDHEH IYO OGAYSIIS
XISAABTA MA KU LIIDATAA?
Ma u baahantahay qof kaa caawiya maaddada xisaabta? si aad u yeelato aqoon xagga xisaabta ah oo kalsooni buuxda kaa siida, xisaabta aad u baahantahay maalin kasta.
Tusaale ahaan: (Everyday Mathematics, an introduction to geometry, an introduction to statistics, averages, introduction to algebra iyo qaar kale), haddii aad xiisaynayso mowduucan waxaad qaadan kartaa toddobaad kasta duruus lagugu siiyo af ingriis (by email) laguuguna sharxo af soomaali, haddaba fadlan la soo xiriir idaarada wargayskan.
Mohamed H. Labagarre (1909 - 1998)
Cudurdaarasho iyo mahadcelin
Marka hore waxaan jecelahay in aan uga cudurddaarto dhammaan dhallinyarada wargayskan ku tixan, joogsigii lama filaanka ahaa ee wargayska ku yimid dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Joogsigaas waxaa keenay dhowr arrimood oo ay u waynaayeen aniga oo xanuunsaday iyo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid aabbahay

Aw Maxamad Hilole Labagarre (Allaha u naxariistee)oo ku geeryooday magaalada Muqdishu bartamihii bishii la soo dhaafay.

Dhallinyaro badan oo wargayska si toos ah ugu xirnayd iyo qaar kale oo aan si toos ah ugu xirnayn laakiin aqarsan jiray ayaa muddadaas ila soo xariiray ayaga oo doonaya in ay ogaadaan waxa ku dhacay wargayskii.

Marka waxaan dhammaan dhallinyaraddaas leeyahay aad baan uga xumahay kala go'aas inagu dhacay, waxaana u sabab ahaa aniga oo xanuunsaday dabadeedna ku mashquulay duugtii aabbahay iyo qoyska intii hartay ka dardaarmiddooda.

Waxaan mahad u celinayaa dhammaan dhallinyaradii Tacsida iyo dhiirrigelinta ii soo dirtay, kuwaas oo aanan runtii halkan ku soo koobi karin magacyadooda, waxaan leeyahay aad baad u mahadsantihiin.

Waxaan ka xumahay in aanan magacyadiinna halkan ku soo koobi karin, balse waxaan isku deyayaa in aan halkan ku soo koobo inta aan hadda xasuusto:

1. Cabdi Takar, aad baad ugu mahadsantahay tacsidda aad geerida aabbahay iiga tacsiyaysay iyo hambalyada aad iigu hambalyaysay wiilka ii dhashay, waxaanna magaciisa u baxshay Maxamad Faisal.

2. Maxamad Cabdullaahi waayeel, aad baad walaal ugu mahadsantahay salaanta iyo tacsida aad ii soo dirtay.

3. Ali Artan, waan helay walaal salaantii iyo tacsidii iyo warkii kale ee la socday waadna ku mahadsantahay.

4. Ibrahim Macallim Mursal, waa la nabad qabaa walaal, waad ku mahadsantahay salaanta iyo tacsida iyo maqaaladaha quruxda badan ee aad ii soo dirtay, waxaanna rejaynayaa in aan u fidsho habka ugu fiican ee aan heli karo.

5. Saeed Mohamed, walaal waan helay emailkaagii waadna ku mahadsantahay tacsida iyo salaanta.

6. Maxamad Saciid maxamuud, walaal waan helay dalabkaagii wargayskiina waakan, salaantana waad ku mahadsantahay.

7. Isaak Shirwa, walaal waad ku mahadsantahay salaanta, boggiina waan ku deray liiska soomalida maanta.

8. Walaal Daa'uud ra'yigaagii ku saabsanaa dalxiiska soomaaliya waan helay waadna ku mahadsantahay, magacaaga oo dhan ii soo sheeg, aanna wada xiriirno, mashruucaasna wixii laga qaban karo dib ayaan uga hadli doonnaa.

9. Maxamad Cali Wadani, waad mahadsantahay walaal, boggii aad ii sheegtayna waan ku deray liiska soomalida maanta.

10. Ahmed Shire, walaal waad ku mahadsantahay salaanta iyo xiriirinta boggiina waan ku deray liiska.

11. Qaasim Hersi Farah (Duullaanjecel), walaal waad salaamantahay aad ayaan kuugu mahadinayaa dadaalka aad samaysay maalmihii aan mashquulsanaa, waxaanna kaa sugayaa dukumintigii aan kuu sheegay.

12. Maxamuud maxamad Faarax, waayahay walaal codsigaagii wuu isoo gaaray, wargayskiina waa kan.

13. Abdihakiim, waayahay wargayskiina waa kan, magacaaga oo dhan inoo soo dir adiga oo mahadsan.

14. Abdihakiim Husain Maxamad, taladaadii waan yeelay inkasta oo aan ra'yi kale leeyahay, salaantiina waan kaa guddoomay, mowduuca qabyaaladda iyo suugaantana dib ayaan uga munaaqashoon doonnaa.

15. Abbaas Dirir, walaal waa la nabad qabaa, aad baadna ugu mahadsantahay salaanta iyo iska warqabka.

16. Siyaad Barre, walaal wargayskii waa kan, waxaanna jeclaan lahayn in aad magacaaga runta ah inoo soo sheegto adiga oo mahadsan, waa haddii uu midkan aan soo sheegay ka geddisanyahay.

17. Maxamad Axmad, walaal waan helay wararkii aad ii soo dirtay, aad baad u mahadsantahay.

18. Abdirahman Hersi, walaal salaantii iyo tacsidii waan kaa guddoomay, aad ayaadna u mahadsantahay.

19. Cabdiraxman Maxamad Iidle, walaal waad ku mahadsantahay tacsida iyo salaanta, akhbaarta ha lagaa helo.

20. Fowzi Hersi, Walaal waad salaamantahay, kadibna aad ayaan kaaga mahad celinayaa salaanta iyo tacsida aad ii soo dirteen adiga iyo qoyskuba.

21. Aamina Maxamad, walaal aad baad ugu mahadsantahay salaanta iyo tacsida, eebbana ha kaa abaal marsho ammaanta aad aniga iyo dhallinyarada soo qorta wargayska u soo jeedisay.

22. Axmad Cali, walaal aad baad ugu mahadsantahay bogaadinta aad ii soo dirtay, wargayskiina waa kan.

23. M. G. Hassan, waan helay tacsidaadii iyo salaantaadii, aad ayaan kuugu mahad celinayaa, waxaan rejaynayaa in aad meel fiican ka marayso waxbarashadii, halkaaga ka sii wad baan ku leeyahay.

24. Ibrahim Macallim, Injineer ibraahim aad ayaad ugu mahadsantahay salaanta iyo tacsida, safarkii in aad ka soo laabatay iyo inkale ha lagaa war helo.

25. Abdinaasir Cali, walaal wargayskii waakan, salaantiina waan kaa guddoomay.

26. Abdi Omar Shuuriye, emailkaagii waan helay, aad baad u mahadsantahay, salaantii iyo tacsidii way isoo gaareen.

27. Abdiasii Axmad, salaantii iyo tacsidii kaa guddoomay walaal, aad ayaadna u mahadsantahay.

28. Asad Maxamad, walaal aad ayaad ugu mahadsantahay tacsida iyo salaanta, kaarkii quruxda badnaa ee aad ii soo dirtayna waan helay.

29. Awil Faarax, walaal tacsidii waan kaa gudoomay, aad ayaadna u mahadsantahay, waxaanna kuu rejaynayaa horukac iyo barwaaqo.

30. Maxamad Axmad Ugaas, walaal aad baan uga xumahay in aanan degdeg kuugu soo jawaabin, taasna waxaa keentay duruufta adag ee ila soo gudboonaatay, waan helay emailkii aad ayaadna ugu mahadsantahay bogaadinta iyo ammaanta aad inoo soo jeedisay, waxaanna rejaynayaa in aan xiriiri doonno, aad ayaan runtii u xiisaynayaa arrimaha aad tilmaantay.

30. Cabdisalaan Galaal, walaal tacsidii iyo salaantii waan helay aad baadna u mahadsantahay.

Intaasi waa intii aan hadda xasuustay, dhallinyaro badan oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi karin ayaa iga soo xiriiray hotmail-ka, qaar kalena waxay saxiixeen buugga martida, dhammaantoo waxaan u rejaynayaa cimri dheer iyo caafimaad iyo cibaado suubban, salaantii iyo bogaadintii iyo tacsidiina waan idinka guddoomay, wixii arrimo gaara ah aan isla xirrirno.

* Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen:
hersi@brunet.bn
********

** Waxaan xasuusinaynaa dhammaan aqristayaasha ku tixan wargayskan, in ay wixii ogaysiis ah ama baafin ah ee ay doonayaan in ay fidshaan u soo diri karaan wargayska looguna fidin doono bilaash.
Dadka aan xubin ka ahayn aqristayaasha wargayskan bilaash looguma fidin doono ogaysiisyada iyo baafinta.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, wargayskani bilaash kuma fidin doono ogaysiisyada iyo xayaysiisyada la xiriira ganacsiga iyo kuwa ururradu leeyihiin, qofka fidinayaa xubin haka ahaado aqristayaasha ama yuusan xubin ka ahaane.
********

*** Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro.
Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh:
(ii soo dir codka soomaalida cusub), ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan:
https://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html
qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email, asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).
*******

[F.G]:(1) Dadka wargayskan in loo soo diro sida rasmiga ah u soo codsaday, way daabacan karaan wayna aqrisan karaan, wayna masawiran karaan marka loo soo diro jornaalkan, waxaase reebban in dib loo sii qaybsho ama laga ganacsado ama dano kale oo gaar ah lagu fushado.

(2) Dadka aan soo codsan wargayskan in loo soo diro, uma bannaana in ay wargayskan masawirtaan ama daabacaan, haddiise ay doonayaan in ay aqarsadaan waxay soo booqan karaan Home page-ka Codka Somalida Cusub ee kor ku xusan.

(3) Dhammaan qoraallada wargayskan ku soo baxa ama buug ha ahaadeen ama maqaallo ama warare', waxay xuquuqdoodu u dhowrantahay qoraaga soo qoray.

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
Booqo bogga csc
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin