Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html

Taariikh: 5 - 11.10.1998

BOGGA 1AAD

Ararta Wargayska


Hersi M. Labagarre

Maamulkii Magaalada Muqdishu muxuu ku dambeeyey?
Mar hadda dhowr bilood laga joogo ayaa waxaa Cali Mahdi iyo Ina caydiid aasaaseen waxa ay ku tilmaameen Maamulka Magaalada Muqdishu, ayaga oo la kaashanaya dowlado ay ka mid yihiin Liibiya, Masar, Kenya iyo Itobiya.

Maamulkaas waxaa mucaarad xoog leh ku hayay dhowr qolo oo aan hadda ka hor faallada wararka soomaalida ku soo qaaday, waxaana ka mid ah jabhadaha ay kala hoggaanshaan ragga aan maamulka qayb laga siin sida Ismaan Caato iyo Ina Xaaji Bood iyo Muuse Suudi iyo qaar kale.

Waxaa kale oo maamulkaa ka soo horjeeday wadaaddada maxkamadaha ee magaalada muqdishu deggan, laakiin waxaad mooddaa in Ina Caydiid uu ku guulaystay in uu gacanta ku qabto hoggaanka wadaaddada maxkamadaha haysta ee jooga koofurta magaalada Muqdishu sida laga fahmayo qaraarradii dambe ee ka soo baxay wadaaddada iyo shirarkii ay qabteen kooxda Ina Caydiid iyo Wadaaddada madaxdoodu toddobaadyadii la soo dhaafay.

Mucaaradka Maamulka Muqdishu
Waxaa kolka halkaa ka cad in mucaardkii maamulka muqdishu uu ku soo koobmay mid siyaasadeed, ka dib markii wadaaddada iyo qolyaha maamulkaa hoggaansha is waafaqeen, oo wadaaddada loo ogolaaday in ay maxkamadihii shareecada dib u furaan, kaalintoodana ka qaataan dejinta nabadgelayada magaalada.

Laakiin waxaa halkaa ka muuqda in mucaaradkii siyaasiga ahaa uu halkiisii ka sii xoogaystay, toddobaadyadii ina soo dhaafay waxaa codkii mucaaradka sii xoojiyay amarkii ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka ee ahaa in dowladaha taageeraya maamulka Muqdishu si degdeg ah uga baxaan magaalada.

Siyaasadda Iyo Dabbaqidda Diinta Islaamka
Kaguulaysashada ay ka guulaysteen ragga maamulka magaalada Muqdisho hoggaansha mucaaradaddii wadaaddada, ayaga oo u ogolaaday in ay dib u furaan maxkamadihii shareecada, maxaa hadafkiisu yahay?

Cali Mahdi iyo Caydiid ma waxay doonayaan in ay wadaaddada xukunka qayb ka siiyaan mise waxay doonayaan in ay mucaaradadooda ka nabad galaan? Mise waxay doonayaan in ay cudud ka dhigtaan, taas oo ugu kaalmaysa dejinta iyo sugidda nabadgelyada magaalada, iyo ka nabadgelidda mucaaradka jabhadaha siyaasiga ah.

Aniga iilama muuqato in labadaa hoggaamiye wadaaddada u ogolyihiin kaalin siyaasadeed, maxaa yeelay nimankaasi wadaaddo ma aha, diinta iyo ayaguna wayba kala hordegaan, waxaana ii muuqata in ay wadaaddada u soo dhawaysanayaan dhowr sababood awgeed, tan hore waa in ay ku caawiyaan sidii nabadgelyada loo sugi lahaa, taas waxaa daliil u ah fatwadii ay soo saareen wadaaddada koofurta magaalada muqdishu ee ku saabsaneed furitaanka xirmooyinka waddooyinka la dhexdhigay iyo ka hortagga boobka socotada.

Waxaa kale oo taa caddaynaya shirarkii la qabtay bishii la soo dhaafay ee dhexmaray Itixaadka iyo ragga taageersan Ina Caydiid, waxaana taas ku soo xigay ogolaashadii ay u ogolaadeen Ina Caydiid iyo Cali Mahdi Wadaaddada in ku dabbaqaan xukunkii shareecada magaalada Muqdishu.

Taageerayaasha Dibadda ee Maamulka Muqdishu
Maamulka magaalada Muqdishu waxaa taageerayay dhowr dal oo ay ka mid yihiin Masar Liibiya iyo Kenya iyo qaar kale sida Yeman.
Toddobaadkii ina soo dhaafay waxaa la faray safiirrada Masar iyo Liibiya in ay dalka 48 saac uga baxaan, taasi waxay ka dambeysay dagaallo ka dhacay magaalada muqdishu oo ay isga horyinideen jabhadda Ismaan Caato iyo tan Ina Caydiid.

Waxaa kale oo fashilmay qabanqaabadii la doonayay in lacag looga helo jaamicadda carabta, ka dib markii shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee carabta ee lagu qabtay magaalada Qahira bishii la soo dhaafay bixin waayeen lacagtii laga filayay in ay baxshaan. Wasiirradii dalalka carabta kolkii laga filayay in ay lacag ku yaboohaan waxay soo jeedsheen talo cusub oo aan marnaba laga malaysanayn, taas oo ah in Ina Caydiid iyo Cali Mahdi ciidankooda booliis ahaan u adeegsadaan Masarna kaalmayso, iyo in dowlad kasta oo carab ah safaaradda ku dalkeeda ku taalla ijaarka iyo qarashka kale ka baxshaan.

Halkaas ayaa lixdii milyan ku luntay, carabna xilkii soomaaliya ka saarnaa halkaas buu uga dhacay, Cali Mahdi iyo Ina Caydiid iyo Xulafadooda Masar iyo Liibiyana halkaas bay ku lacag waayeen.

Maamulka Muqdishu muxuu ku dambayndoonaa haddii taageerayaashiisu kala tagaan?
U malayn maayo in Masar iyo Liibiya Soomaaliya jacayl u taageerayaan ee siyaasad bay ku wateen, Masar waxay doonaysay in ay Carabta lacag iyo magac uga hesho howshaas beenta ah ee ay soomaaliya ka waddo, Liibiyana Masar baa dabada ka wadday oo ku khasabtay in ay lacagna bixiso howshana dhinac ka waddo haddii ay doonayso in masar ka taageerto arrinta Xiriirka Liibiya iyo Maraykanka.

Hadda waxaa muuqata in aan meeshii waxba lagu hayn, Masar iyo Liibiya hadii ay faraha kala baxaan maamulka magaalada Muqdishu muxuu ku dambayn doonaa?

Ma laga yaabaa in Ina Caydiid iyo Cali Mahdi iyo Wadaaddada maxkamaduhu ay howsha maamulka sii wadaan, yaase qarashka ka bixinaya? sidee bayse uga nabadgelayaan ragga xoogga leh ee mucaaradka ku ah ee la deggan magaalada Muqdishu?

Aniga waxaa ii muuqata in aan halkaa maamul ka soo socon, dowladina ka imaan doonin, kol haddii kooxaha magaalada wada deggani is khilaafsanyihiin marnaba lagama yaabo in meeshaa nabadi ka timaado, waxayna u muuqataa in Cali Mahdi iyo Ina Caydiid la dhagray oo ay khayaameen niman aan siyaasadda Soomaaliya u danaynayn ee ujeeddadoodu ahayd sidee wax loo cunaa!.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA


Soomaali Tahriibaysa oo la qabtay
TUNIS, Oct 10 (Reuters), Ciidanka Badda ee dalkaasi Tutisa ayaa wuxuu toddobaadkan ku qabtay xeebaha dalkaas laba doomood oo u dad u tahriibinayay dalkaasi Talyaaniga.

Dalkaasi Tunisia iyo Talyaanigu waxay dhawaan kala saxiixdeen heshiis dhigaya, in laga hortago oo la joojiyo dadka sida sharci darrada ah ugu dhoofaya dalka Talyaaniga ayaga oo ka soo gudbaya xeebaha waddamada ku yaalla Afrikada Waqooyi.

Doomahaas waxaa weday badmareenno reer Marooco ah, oo sheegay in ay ka tirsanyihiin koox habaysan oo dadka si sharcidarro ah ugu dhoofisa Dalka Talyaaniga.

Waxaa wararku intaa ku dareen in labada doomood ee la qabtay mid ka mid ah ka yimid Maroko kankalena ka yimid Libiya.

Wararku ma sheegin dadka la qabtay ee doomahaas la socday tiradoodu inta ay la egtahay iyo sida ay kala yihiin, waxayse sheegeen in ay ku jireen dad soomaali ah iyo qaar kale oo u dhashay Sierra Leone, Ghana iyo Liberia.

Kornayl Cabdullaahi Yusuf oo Soomaalida ugu baaqay in ay dowladda dalka hoos ka soo dhisaan
October 7, 1998 Addis Ababa, (PANA), Kornayl Cabdullaahi Yusuf, oo ah ninka loo doortay madaxwayne in uu ka noqdo dowladda cusub ee Puntland, ayaa wuxuu soomaalida ugu baaqay, in ay hoos ka soo dhisaan dowladdii soomaaliya ee burburtay, iskana daayaan qaabka caadooyinkii hore ku salaysan ee ay doonayaan in maamulka ku soo dhisaan kaas oo ah mid kor laga soo billaabayo oo hoos loo soo wedayo.

Kornaylku war uu ka sheegay magaaladaasi Addis Ababa, wuxuu intaa ku deray, in qaabka ay soomaalidu isku deyayso in ay dowladdii midaysnayd ee soomaalida ku soo dhisto ee ah mid laga soo billaabayo kor oo hoos loo soo wedayo, uu ku fashilmay dhisiddii dowladdii loo baahnaa in la soo dhiso.

Kornayl Cabdullaahi wuxuu sheegay, in aan dowladda Puntland ahayn mid bedelaysa Dowladdii Soomaaliya, ee ay tahay, hab howl gal ah oo lagu muujinayo sida ay suurtagalka u tahay in dowlad midaysan oo soomaaliyeed hoos laga soo dhiso.

Wuxuu Kornaylku intaa ku deray in dowladda Puntland ay u taakantahay midnimada iyo isku duubnaanta goballada ay metelayso.

Sikastaba arrintu ha ahaatee, habka howlgalka ah ee loo soo dhisi karo midnimada iyo isku duubnida waa in howsha hoos laga soo billaabo ayada oo ay ka qaybqaadanayaan dhammaan ururrada bulshada soomaaliyeed.

Waxaa kale ee Kornaylku sheegay in uu rumaysanyahay, in habkaa la soo sheegay uusan ahayn mid xal u noqda wareerka siyaasadeed ee soomaaliya ka taagan, ee uu noqon karo mid loogu soo dhiso talis sharciyaysan dalka uu dagaalka sokeeye baaba'shay ee aan dowladda lahayn tan iyo 1991kii.

Wuxuu intaa ku deray, waxaa lagama maarmaan ah in taliska ay wadaagaan goballada dalku ka goobanyahay oo dhan, ayaga oo si isla eg u qaybsanaya taliska, lana tixraacayo xeerkii dalka ee 1960 kolkii xornimada la qaatay.

Kornayl Cabdullhi Yusuf Wuxuu intaa ku deray in Dowladda Puntland ay heegan u tahay in ay la wadaagto waxqabadka iyo dibusoo dhisidda dalka kooxaha kale ee leh dowlad hoosaadka.

Madaxda Jabhadaha soomaalidu waa in ay sharciyad ama xeer ay dalka ku xukumaan helaan, dowladda Puntiland hadda way leedahay qaybihii dowladda oo dhan, qaybta maamulka, midda sharciga iyo midda garsoorka intaba.

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

FAALLADA QUBANAHA
Siyaasaddii Malaysia maxaa u dambeeyay?

Mashaakil/Mudaharaad/Siyaasad/Malaysia

Mustaqbalka Siyaasadda Muslimiinta Malaysia
Ra'iisalwasaare Dr Mahathir Mohamad oo dadku sheegayaan in aabihiis ahaa nin macallin ahaa oo ka soo haajiray Bangaladheesh, dabadeedna guursaday gabar malay ah, wuxuu dalka Malaysia xukumayay 17 kii sano ee la soo dhaafay.
Bishii la soo dhaafay ayuu kuxigeenkiisii Dato' Seri Anwar Ibrahim ka xuubshay dhammaan wixii howl ahaa ee uu dowladda u hayay, toddobaad ka dibna xabsiga ayuu u taxaabay, asiga oo ku eedeeyay dhowr waxyaabood oo dadwaynaha reer Malaysia, siiba muslimiintu aanay ku qancin.

Dato' Anwar kadib maxaa dhici doona?
Waxayna u muuqataa in Dato' Anwar loo maleegi doono dhowr dambi, kadibna xabsiga lagu ogaan doono dhowr sano, waxaan ku qiyaasay labo ilaa shan sano, maxaa yeelay dambiyada ay dowladdu ku soo saarayso maxkamadda waa toban, mid kasta oo tobankaa ka mid ah waa 20 sano, haddii ay ku caddaato in uu falay.

Waxaana hubaal ah in dowladdu awood u yeelan doonto in ay mid ku hubsato ama mid barkeed, taas oo u suurtagelin doonta in ay xiraan muddo gaaraysa ugu yaraan 2 ilaa 5 sano.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, su'aasha meesha taagan waa, muxuu noqon doonaa mustaqbalka siyaasadda muslimiinta reer Malaysia haddii Dato' Anwar meesha ka baxo?

Hardanka dabaqadaha bulshada ee dalka ka taagan
Malaysia dadka muslimka ah waxaa lagu qiyaasaa 50% ilaa 60%, waxayna leeyihiin xisbi la yiraahdo UMNO oo maamulka dalka hayay sanadihii la soo dhaafay ayaga oo la kaashanayay xisbiyo kale oo yaryar oo qaar shiine yahay qaarna hindi yahay.

Maanta xisbigii UMNO xubnihiisii waxay u qaybsameen laba qolo, qolo fikirkoodu wadani yahay oo aan Islaam iyo Maleey midna si gaar ah u eegayn, ee maslaxadooda iyo maslaxada guud ee dalka eegaysa, iyo qolo doonaysa in la raaco sidii dhaqanku ahaan jiray, oo ahayd in mudnaanta la siiyo dadka Malayda ah ee muslimka ah ee dalka waxa deggan ugu badan, xoolahana si caddaalad ah loo qaybsho, qoladan dambe waa qolada la doonayo in xukunka laga saaro, waa qoladii uu hoggaaminayay Dato' Anwar, waxaana la xiray in ka badan 100 nin oo hoggaamiyayaashoodii ka mid ah.

Hadda hantida dalka taalla badankeeda waxaa gacanta ku haya ganacsatada indhayarta ah iyo kooxda wadaniyiinta ah ee xukunka haya, labadaa kooxood waxay metelayaan dabaqadda sare ee bulshada reer Malaysia.

Dabaqadda hoose iyo midda dhexe waxaa metelaya dadka malayda ah ee muslimka ah ee dalka lafdheerta u ah, waxaana badankoodu doonayaa in maamulka waddanka la cusboonaysiiyo, oo xaaladdooda nololeed iyo midda dhaqaale wax laga bedelo.

Taasna waxaa keentay xaaladda dhaqaale ee Asia oo xumaatay, iyo dowladda Malaysia oo aan wax daryeel ah siin dabaqadda hoose iyo midda dhexe kolkii dhibaatada dhaqaale dhacday, taa daaye, waxayba dowladdu la safatay ganacsatada iyo dadka dabaqadda sare ku jira.

Mustaqbalka Siyaasadda Muslimiinta
Haddaba muxuu ahaan doonaa mustaqbalka siyaasadda muslimiinta haddii Dato' Anwar muddo dheer la xiro, taas oo sabab u noqonaysa in uu ka haro tartanka siyaasadeed ee dalka ka jira?
Mise laga yaabaa in xisbiga islaamiga ah ee Malaysia ee loo yaqaan PAS uu kaalin xoog leh ka ciyaaro difaacidda xuquuqda muslimiinta malaysia?

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in muslimiinta malaysia helaan xisbi siyaasi ah oo xoog leh, ama hoggaamiye xoog leh oo xuquuqdooda u soo dhacsha, waa haddii ay doonayaan in ay nolol qiimo leh ku noolaadaan.

Haddiise maamulka dalka loo daayo dabaqadda sare ee bulshada ee ka kooban indhayarta maalqabeenka ah iyo madaxda xisbiga UMNO, taasi waxay abuuri doontaa dabaqadaha bulshada dalka Malaysia oo sii kala fogaada, muslimiinta iyo hindidu aad bay u sii faqrin doonaan, indhayarta iyo qoysaska waddaniyiinta ah ee maalqabeenka ahna way sii hodmi doonaan, arrintaasna waxaa laga yaabaa in ay dagaal sokeeye ku dhamaato.

Tuug Caajislow ah oo la qabtay
27 September 1998kii, Bandar Seri Bagawan (Bruneo Bulletin), Wiil 18 jir ah oo baagamuuddo ah ayaa 5 October maxkamad ku taalla magaaladan Bandar Seri waxay ku xukuntay 4 bilood oo xarig ah.

Wiilkaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu ka xaday alaab isugu jirta Kaararka lacagta iyo indhagashi iyo saacad iyo waxyaabo kale baabuur uu lahaa nin ganacsatada dhulkan magaalada deggan ka mid ah.

Ninka ganacsadaha ahi baabuurkiisa oo ballaqan ayuu ka tegay, asiga oo doonaya in uu soo rucleeyo, ka dibna waxaa yimid wiilkaa eedaysanaha ah, kolkii uu alaabtii qaatay, ayuu wuxuu iska fariistay meel baabuurka agtiisa ahayd.

Ninkii ganacsadaha ayaa ayaa booliiska arrintii gaarsiiyay, ka dibna waxaa meeshii yimid laba nin oo booliis ah si ay u arkaan baabuurka la xaday, kolkii ay agagaarka meeshii baabuurku yiilay eegeen waxay arkeen wiil dhallinyaro ah oo meesha fadhiyay.

Wiilkaas waxaa la sheegay in uu dhowr saacadood meesha fadhiyay ka dib markii uu alaabta xaday, kolkii booliisku waydiiyay in uu wax baadi ah arkay iyo in kale, wuxuu judhiiba yiri: Aniga ayaa alaabtii xaday!


Dhallinyaro reer galbeed ah oo sheekaysanaya, tolow AIDS ku waxa uu yahay ma ka warhayaan?

Cudurka AIDS ka oo la sheegay in uu dunida ku sii fidayo
Wararkii ugu dambeeyay ee AIDS ka laga soo sheegay waxay leeyihiin in cudurkaasi sii fidayo maalinba maalinta ka dambaysa.
Tira koob la soo saaray bishan wuxuu sheegayaa, in Australia iyo Newzeland uu gaaray 12,000 oo qof, Eastern Europe iyo Central Asia = 150,000, Northafrica iyo Midle East=210,000, Caribbean= 310,000, East Asia iyo Pacific=440,000, Western Europe=530,000, North America=860,000, Latin America=1.3m, South East Asia=6.0m, Sub-Sahara Africa=20.8m.

Waxaa muuqata in tirooyinkaa la soo sheegay haddii ay run yihiin ay khatar ku jiraan dalalka Africa ee deggan dhulka saxaraha la xiriira sida Somalia.

Waxaa kale ee la sheegayaa in dadka khatarta AIDS ku faraha kulul ku hayso ay u badan yihiin dhallinyaradu, kuwaas oo si fudud u qaada Viruska loo yaqaan HIV ga, ee cudurku ka yimaado.

Dharcadda Malaysia oo eegaysa wararka Internetka ku socda ee Malaysia

Dhibaatooyinka Internetka ka haysata Malaysianka
Dalkaasi Malaysia Bishii la soo dhaafay saddex qof ayaa maxkamad la soo saaray ayada oo lagu soo eedeeyay in ay internetka ku fidsheen warar dadka cabsi iyo argagax ku abuuray ayaga oo adeegsanaya email.

Dadkaa la qabtay oo kala ahaa laba wiil oo farsamayaqaan computer ah iyo mid bangi ka shaqeeya, waxaa lala cuskada qaanuunka nabadgelyada ee dalka u yaalla.

Waxaa la sheegayaa in sharikadaha internetka ijaara ee Malaysia ay sirta dadkaa lagu soo qabtay booliiska siiyeen, taasina waxay keentay cabsi wayn oo ay la argagaxaan dadka reer Malaysia ee internetka adeegsada.

Intaa waxaa sii dheer in dowladda Malaysia sheegtay in ay baari doonaan wararka lagu gudbiyo emailka iyo internetka, ayna u xilsaartay qayb booliiska ka mid ah baarista arrintaas, ninkii lagu helo asiga oo war dalka ama dowladda ka sheegayana sharciga lala tiigsandoono.

Arrintaas waxay ka dambaysay, markii la xiray Ra'isal wasaare ku xigeenkii hore ee Malaysia Dato' Anwar ayaa asaxaabtiisii dantu ku kaliftay in ay adeegsadaan internetka si ay wararka ugu gudbiyaan haya'daha wararka fidsha, maxaa wacay, idaacadaha iyo TV iyo Jornaallada Malaysia dowladda ayaa gacanta ku haysa.

Arrintaasi waxay keentay cabsi ay dadka reer Malaysia ka cabsadaan adeegsiga internetka, qaarka hadda adeegsadana waxay isticmaalaan magacyo been ah oo aan kuwii runta ahaa ahayn.

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

Maamulka Foorara
(Bottom-up administration)

Dhaqaale Aan Rukummo ku Taagnayn

Dhoofinta Abuurka Dalkeenna, si dalalkii loo suuq geyn jiray loogu tabco, sida muuska , babaayga, liinta dhanaan, cambaha iwm si ay uga kaaftoomaan badeecada Soomaliyeed amase ay kula tartamamaanba suuqyaha dhaqan ahaan “traditional” dalagyada Somaliyeed loogu suuq geyn jiray. Mirahaasina waxay ahayeen qaybta labaad ee dakhliga Qaranka xagga lacagaha adag.

Dhoofinta Xad Dhaafka ah ee Xoolaha Duur Joogga ah, iyaga oo aan la kala soocin loo daad gureyo dibedda, si iyagana loogu talaalo dalalkii looga soo dawasha tegi jiray, rukun asaasine u ahayd isku dheelitirka dabeecadda iyo ila dhaqaale muhim ah. Waa tan hadda ugaarteenna dalalkii loo dhoofiyay aad ugu tarmayn oo jidadka waaweyna “highways” khatarta ku noqday, kordhiyeenne shilalka waddooyinka.

Dhoofinta Dhuxusha, taas oo sabab u noqotay dhirtii qarniyaasha taagnaa ee cimilada dheelitirayay oo la xaalufay ee Dalka ka dhaliyay ifafaalaha Ninjo loogu magac daray ee wata duufaanta iyo jahawareerka cimilo.Dullaalnimada kuwa Qaranka Afduubtay:
Kuwa Siyaasadda ka Dullaala: Lacagaha xad dhaafka ah ee lagu qaato si uu dabka dalka ka ololayo uusan u damin, kharjkaasoo laga helo “institution”ada waaweyn ee siyaasadeed iyo dhaqaale ee Adduunka.

Kuwa Sumaynta Dalka ka Dullaala: Waa kuwa ku qaata lacago xisaab dhaaf ah dullaal ahaan “haraaga sunta warshadaha ka soo hara” ee loo yaqaano (industrial wastage) ee lagu daadi baddeena iyo kuwa lagu aaso berriga xeebaheenna. Arintaas oo halis gelineyso caqibada dambe ee Dalka iyo noolaha.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax
Ph.D IN ENVIRONMENTAL LAW AND POLICY

FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

Baadiyaha gobolada dhexe ee dalka iyo meelo ka mid ah baadiyaha khaliijka Carbeed waxaa lagu kala gadanayey Makhbiyooyinkii laga qafaashay Marka, Muqdidho iyo Barawe.

Taariikhdii, raadadkii iyo qoraalladii dalka ma ahan wax aan qoraal iyo qiso toona uga warami karno ee bal adba caqligaaga ku sawiro waddan dhan walba ka dhisnaa oo soo istaagay galaan gal iyo gola banaan, ayna ku dhex hardameen Mooryaan iyo Jirri ah kuwii Ilaahay laga magan geli jiray oo weliba wax sii dheer (Allow ha nagu sallidin kuwa aan adiga kaa cabsanayn, annagana aan noo naxariisanayn), oo cawaanimana usii dheer tahay.

Xagga kheyraadkii iyo barwaaqooyinkii dalka ee bad iyo berriba lahaa wuxuu ahaa mid dihin oo nooc kastaa uu meel kaste ceegaago maantana waa guran iyo gabaabsi, waxaana u bililiqeeyey shisheeye afraad fara ku tiriis ah.

Ashkhaastaas iyo shirkadahaas shisheeye nooguma simin bililiqaysi iyo hanti wareegsi keliya ee waxay si xaasidnimo ah u ciribtireen kheyraadkii dalka siiba xoolihii noolaa ee bad iyo berriba mushaaxayey iyo macdantii dhulka, waxayna baddelkoodii noogu aaseen sun iyo qashin si aad ah u waxyeellaynaya cimilada iyo deegaanka dalka, kuna reebaya ubadkeenna dambe cudurro aan la bixin karin iyo abaaro.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

HABDHISMEEDKA BULSHADA SOOMAALIYEED
Khudbaddii Dr. Maxamed Cabdi "Gaani" oo kooban.
Waxaa soo habeeyay: Cabdullaahi Abuukar

[Dr Gaani wuxuu muxaadaraddan u jeedshay bulshada soomaaliyeed ee Canada ku nool qaar ka mid ah, waxaana inoo soo diray Cabdullaahi Abuukar, aad baanna ugu mahadinaynaa](Labagarre).

Bulshada Soomaaliyeed ee reer-guuraaga ahi waa mid ku dhisan qoqob (secregation) iyo kala sarrayn. Waxaa qofka kaalintiisa bulsheed ay ku xiran tahay hadba qaybta uu kaga jiro nolosha beesha, guud ahaana waxa ay u qaybsantaa seddex waaxood oo kala ah (1) waranle (2) wadaaddo (3) waable. Seddexda waaxood mid waliba qayb ayay kaga aaddan tahay nolosha beelaha, waxaana ay leeyihiin astaamo lagu yaqaan oo lagu kala sooci karo.

(1) Waranle: waa dad xoolo-dhaqatada ah. Waxay beeshani leedahay, noloshoodana saldhig u ah toddoba (7) waxyoobood, kuwaasoo saldhigna u ah isku-duubnidooda iyo danta ka wada dhaxaysa.

(b) dhul (daaq iyo biyo).
(t) xoolo (astaan hodantinimo).
(j) dad (1000 ilaa 1500 oo dagaalyahan difaaci kara).
(x) mag (waa ay geli karaan, waanay gudi karaan).
(kh) geyaan (waa laga guursan karaa, waanay guursan karaan).
(d) magac (mid ay tolku isku aqoonsadaan, iyo summad xoolaha lagu asteeyo).
(r) duq talidiisa laga dambeeyo (garaad/boqor/islaan/islow iwm).
(2) Wadaaddo: waa dadka leh awoodda caqiiddada, taasoo ah mid lagu qiimeeyo. Wadaaddadu ma laha dhul, xoolo, iyo dagaalyahanno, kuwaasi oo ay kaga duwan yihiin Waranlaha. Haddii laba beelood dagaal ama colaadi dhexmarto waxa lagu dhulmari jiray magaca wadaaddada. Hase ahaatee, magta, geyaanka, magaca, iyo duqa waxay kala mid yihiin Waranleyaasha.

(3) Waable: waa dad xirfadleyaal ah oo farsameeya dhammaan qalabka kala duwan ee nolol-meedka iyo hubkaba. Waabluhu ma leh dhammaan 7da qodob ee astaamaha u ah Waranlaha, haddii uu yeeshana waa la dhacaa, iyadoo beelaha kale ay u diidi jireen in ay awood yeeshaan.

Tiirarka saldhigga u ah Habdhismeedka Bulshada waxa ay ka kooban yihiin lix (6) tiir:
(1) Afka -- luqadda la isku afgarto.
(2) Xigto/Xigaalo -- dad isku hayb ah, ama isku abtirsada.
(3) Xidid -- dad iska kala guursaday. Haween ayaa la isa siiyaa.
marka beeluhu heshiiyaan si ay isugu soo dhowaadaan labada cidood.
(4) Xeer -- shuruuc laysla yaqaan, laguna kala garqaato. Waxa ka mid xeer-Soomaaliga:

(b) Dhiig/Dhaqan -- dhaawac ama dil la is gaarsiiyey ama dhibaato qoys dhextaal sida khilaafka sayga iyo afada, dhaxalka, iwm, waxaana ay u kala farcamaan qur/qoon iyo xilo/xoolo.

(t) qur/qoon -- haddii qof la dilay waa "qur", haddii dhaawac ama wax la mid ahi la isgaarsiiyey waa "qoon".

(j)xilo/xoolo -- xilo waa dhibaatada ka dhalata qoyska, xooluhuna waa hanti khilaaf ka dhashay. Waxay xooluhuna u sii kala bixi karaan Mood iyo Nool.

(x) mood/nool -- Waa hantida inteeda aan xoolaha ahayn, noolna waa xoolaha geela, lo'da iyo ariga.

Waxyaabaha Soomaalida reer-guuraaga ahi ku dagaallamaan waxa ay kala yihiin:
(1) daaqsin -- deegaanka xooluhu daaqaan.
(2) biyo -- ceelasha iyo waraabka.
(3) geela -- iyadoo la kala dhaco.
(4) faraxumayn -- hablaha oo lagu gefo; ha ahaato kufsi, cay, iwm.
Qabiilku bayooloji (Biology) ahaan ma jiraa?

Qabiilka Soomaalidu maaha mid tixraac bayooloji ah oo la rumaysan karo leh. Waxa uu ku dhisan yahay qaab danaysi ah. Waxa ka mid ah hannaankaas danwadaagta ah.

(b) Qof dad kale la dego, halkaasi oo ay caadi tahay in uu abtirsiiyahooda ku qaadan karo qabiilkaas.

(t) Magan -- Dad la magan gashay oo qabiilkii magangashay sidaas uga mid noqday.

(j) Tolow -- iyadoo la abuuro beel noqota danwadaag (qabiil) oo laga aasaasayo toddobada qodob ee qayba Waranlaha. Waxa maahmaah Soomaaliyeed ay tiraahdaa "Tol waa isku tolane", waxayna muujinaysaa isutagga qoysas isbiirsaday. Waxaa jira qabiil la sameeyey 1942kii oo lagu magacaabo Ismadhaxal/Buraashadley, kuwaasoo ka koobnaa askartii Soomaalida ee ka qaybgashay dagaalkii 2aad ee dunida oo markay soo noqdeen aan dib ugu laaban beelihii ay hore uga kala yimaadeen. Lixdameeyadii waxaba ay dibutaati ku yeesheen baarlamanka.

(x) Saar -- qabiil yar oo qabiil ka wayn la nool.
(kh) Soo-raac -- dad dagaal lagu qabsaday. Waxa jira halhays laysla yaqaan oo ah "Wiil talo ama wiil tagoogo".

Dhammaan qodobadaasi waxa ay burinayaan in qabiilladu ay farac ahaan ka soo jeedaan hal oday. Waase ka tira badan yihiin astaamaha beenaynaya jiritaanka odayada ay Soomaalidu ku kala abtirsato.

Sidee qabiilku ku abuurmi karaa?
Qabiilka waxa aasaas u ah baahida beel ay u qabto arrimaha kala soo gudboonaada nolosha. Waxa ka mid ah dhulka (daaqsin/biyo), xoolaha, iyo difaaca wixii liddi ku ah danaha beesha. Qabiilku, si uu u abuurmo, waxa saldhig u ah toddobadii qodob ee Waranlaha.

Mar haddii qabiilku yahay mid dan laga abuuri karo, Soomaalida guud ahaan ma laga dhigi karaa hal qabiil?

Haa, haddii si hagar la'aana loogu wada guntado. Qabiilka sidiisaba waa laga gudbi karaa haddii la helo dowlad kafaala qaadda waxyaabaha baahida ah ee uu qabiilku qabto.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

KITAABKA TAWXIIDKA

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 20AAD

WAXYAABIHII LAGA SHEEGAY SIDA LOO CANAANTAY QOFKA EEBBE QABRI NIN AWLIYO AHI KU DUUGANYAHAY AGTIIS KU CAABUDA, KOLKA MAXAA LOO MALAYNAYAA QOFKII AWLIYADA LAFTEEDA CAABUDA?

Xadiiska saxiixa ah waxaa Caa'isha looga soo weriyay in "Ummu Salamah ay Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, uga sheekaysay kaniisad ay ku soo aragtay dalka Amxaar-ada iyo wixii masawirro kaniisaddaa ku dhex yiil, kolkaas baa Nabigu yiri: Kuwaasi haddii nin suubbani ama addoon suubbani ka dhinto, qabrigiisa korkiisa bay masjid ku dhisaan, markaas bay masawirkiisa ku masawir-aan, kuwaa sidaa yeelayaahi waa kuwa uunka Eebbe ugu dhurdaran".

Kolka kuwa sidaa yeelay laba hoog bay kulmiyeen, tan hore waa qabri dhisidda, tan labaadna waa taallo ama masawirro dhisidda.

Waxaa kale oo Caa'isha laga soo weriyay in ay tiri: Kolkii Nabigu sakaraadayay, ayuu kolkii aad loo qabto go' uu haystay wajiga iska saaraa, kolka uu ku huuro ayuu markaa hadana wajigiisa ka qaadaa, kolkaas buu yiraahdaa, asiga oo sidaa ah, Yahuudda iyo Nasaarada Ilaahay ha nacalado, maxaa wacay qabriyadii Nabiyadooda bay masaajidyo ka dhigteen, kolka wuxuu ka dhigayay wixii ay sameeyeen digniin, taas la'aanteedna qabrigii-sa kor baa loo dhisi lahaa, ee Nabigu wuxuu ka baqay in masjid laga dhigto"{Bukhaari, Muslim}.

Waxaa kale oo Muslim, Jundub bin Cabdullaahi ka soo weriyay in uu yiri: Waxaan maqlay Nabiga, naxariisi korkiisa ha ahaatee, intii uusan dhiman shan maalmood ka hor asiga oo leh "Waxaan Ilaahay uga beri yeelanayaa in aan wadaay idinka samaysto, maxaa wacay Ilaah baa wadaay iga dhigtay aniga, sidii uu Ibraahiim wadaay uga dhigtay oo kale, haddiise ay dhici lahayd in aan ummaddayda wadaay ka samaysto, Abuu Bakar ayaan wadaay ka dhigan lahaa, waxaadna ogaataan in ummadihii idinka horreeyay ay qabriyadii Nabiyaalkooda masaajidyo ka dhigteen, haddaba waxaan idinkaga digayaa oo aan idinka reebayaa in aad qabuuraha masaajidyo ka dhigataan.

Kolka arrintaa aad buu Nabigu uga digay maalmihii ugu dambaysay, wuxuuna nacaladay qofkii qabriyada dhisa, salaadda oo lagu ag tukadaana waa la mid, haddii la doono yuusan masjid ku dhisnaanin e'.

Kolka asaxaabtuna ma aysan ahayn kuwo qabrigiisa masaajid ku dhisaya, meel kasta oo salaad loola danyeeshana waxay la mid tahay meel masaajid laga dhigtay, taa daaye, meel kasta oo lagu tukado ayaaba masaajid ah, sida Nabigu yiri, naxariisi korkiisa ha ahaatee:"Waxaa dhulka la iiga dhigay daahir iyo masjid".

Waxaana Axmad Ibn Mascuud ka soo sheegay, in uu yiri: "Dadka kuwa ugu dhurdaran waxaa ka mid ah kuwa qiyaamu-hu haleelayo ayaga oo nool iyo kuwa qabuuraha masaaji-dyo ka samaystay"{Abuu Xaatim}.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa wixii Nabigu ka sheegay qofka ku dhisa masjid Eebbe lagu caabudo qabri nin awliyo ah agtiis, haddii ay doonto niyaddiisu ha wanaagsanaatee.

Tan 2aad: Waa in la diiday dhisidda taallooyinka, iyo sida arrintaa loo adkeeyay.

Tan 3aad: Waa in lagu waano qaato arrintaa Nabigu ku dheeraaday, ee uu ummaddiisa u caddeeyay, ee uu haddana intii uusan dhiman shan maalmood ka hor uu hadalkii laga soo sheegay yiri, intaa kali ah maahee, kolkii uu dhimanayay ayuu haddana aad u sii adkeeyay arrintaa.

Tan 4aad: Waa in Nabigu diiday in qabrigiisa masaajid laga dhigto, arrintana waxaa Nabigu sheegay intaan qabrigiisa la qodin.

Tan 5aad: Waa in arrintaa uu Nabigu diiday ay ka mid tahay caadooyinkii Yahuudda iyo Nasaaradu ay ku fali jireen qabuuraha nabiyaalkooda.

Tan 6aad: Waa in Nabigu arrintaa ay sameeyeen darteed u nacaladay.

Tan 7aad: Waa in danta uu nabigu taa ka lahaa ay tahay in uu nooga digo in aan annaguna qabrigiisa yeelno sida ay Yahuudda iyo Nasaaradu yeeleen qabriyadii nabiyaalkoda.

Tan 8aad: Waa sababta keentay in aan qabriga Nabiga kor loo dhisin oo aan dhulka kor looga qaadin.

Tan 9aad: Waa ujeeddada in laga dhigto qabuuraha masaajid.
Tan 10aad: Waa in la isku xiray, dadka qabuuraha masaajid ka dhiganaya iyo kuwa qayaamuhu ku yeerayo, kolkaas buu wuxuu sheegay waxyaabaha shirkiga marmarsimaha u noqonaya inta uusan dhicin iyo waxa uu ku danbaynayo.

Tan 11aad: Waa in Nabigu arrintaa sheegay intii uusan dhiman shan maalmood ka hor, waxayna jawaab u tahay labada kooxood ee bidcada ugu shar badan ee culumada qaarkood ay ka saareen toddobaatan iyo labada kooxood, labadaa kooxood oo kala ah Shiicada iyo Jahamiyada, Shiicaduna waa kuwii ugu horreeyay ee qabuura-hamasaajidyo ka kor dhisay, taas ayaana sabab u noqotay shirkiga iyo qabuurra caabudidda.

Tan 12aad: Waa in Nabiga la tusay sakaraad dhib badan kolkii uu dhimanayay.
Tan 13aad: Waa karaamada la siiyay (Nabiga) ee ah wadaytinimada Eebbe u doortay.

Tan 14aad: Waa in la caddeeyay in wadaytinimadaasi Ilaahay Nabiga siiyay ay jacaylka Eebbe ka sii sarrayso.

Tan 15aad: Waa in la caddeeyay in Abuu Bakar asaxaabta oo dhan ugu fadli badanyahay.
Tan 16aad: Waa in taasi tilmaan u tahay Khaliifnimadii Abuu Bakar.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 16aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Haddi ay dhagarrowyo iyo gardarraalowyo ay suubane aan gaf laahayn isugu tagaan, in ay dilaan way awoodaan si kastaa oo ay u liitaan asiguna xoog u leeyahay, sidii dhurwagii iyo tukihii iyo daawacadii ay u dileen awrkii, markii ay isugu tageen dhagar iyo sabasho darteed.

Dimna: oo taasina sidee ku dhacday?.
Shitriba: waxaa la yiri lilbaax baa ku jiraay jed u dhaw waddo ka mid ah waddooyinka dadku maraan, wuxuuna lahaa sadex wadaay, dhurwaa, tuke, iyo dawaco, kolkaas baa xoolajir geel wada waddadii soo maray, markaas baa awr ka haray oo howdka galay oo libaaxii la kulmay, libaaxii ayaa ku yiri xaggee ka timid?.

Awrkii: meel heblaayo.
Libaaxii: oo maxaad u bahantahay?.
Awrkii: wixii boqorku isiiyo.

Libaaxii: halkan baad nala degaysaa oo hodonnimo, nabadgelyo barwaaqo leh, indoor ah ayaa libaaxi iyo awrkii wada degganaayeen, maalin maalmaha kamid ah ayaa libaaxii ugaarsi aaday markaas buu maroodi owr ah la kulmay oo si xun dagaal u dhex maray, asiga oo dhaawacan oo dhiiggiisu dareerayo ayuu ka fakaday, maroodiguna faanihiisa ayuu ku muday, markii uu golihii yimid buu dhacay asiga oo aan dhaqaaqi karin, markaas baa dhurwaagii iyo tukihii iyo dawacadii maalma joogeen cunta la'aan, maxaa yeelay waxay ku noolaayeen haraaga libaaxa iyo cuntadiisa, gaajo xun iyo macluul baana qabatay, libaaxuna taas wuu ka gartay markaas buu ku yiri:
waad tabaalacdeen wax aad cuntaan ayaadna u baahantihiin.

Waxay dheheen nolosheennu waxba nalama aha boqorkuna sida aan aragno buu u yaallaa, eebbow, heli lahaynaa wax uu cuno oo uu ku ladnaado!!!.

Libaaxii: taladiinu waa run, ee firdhada waxaaba dhacda in aad ugaar heshaan oo adinka iyo aniguba aan wax ku dheefnoe'.

Markaas baa dhurwaa, duke iyo dawaco ka baxeen libaaxii agtiisii oo gees isugu leex-deen oo tashadeen, kolkaas bay dheheen oo caws cunaha kan maxaa inoo galay? inagu arrin iyo talo toona ma ahee, maa libaaxa u qurxinno ha cuno e', annagana ha naga dheefsho hilibkiisa e'!!.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA



Maasadii Afbakayle
ee uu tirshay: Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan
Waxaan aqrisyayaasha sharafta leh ka codsanaynaa, in aaney marnaba u eegin maasadan dhinacyada bulsho iyo kuwa siyaasadeed intaba, ee ay ka eegaan dhinaca af ahaaneed iyo midka suugaaneed, ee runtii maasadani ay sida fiican u muujinayso.

Xuseenow Caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyayaaye
Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre
Asaxaabihii baad u tegi, udugga waynaaye
Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

Howl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye
Alla igama qaadow adaan, kala illaaweyne
Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

Ilaahii abuuraba kuwii diiday, amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay
Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, ugu adeegaayey
Aan lagu ikraahine kalgacal, ugu abraaraayey
Kuwii ubad nasaaraad noqdee, faranji aanaystay

Nimankii amxaara u kacee, addarinuu guurey
Oo Mililikh aabbe u yehee, u arrin qaadaayo
Oo xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

Ingriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey
Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay
Ee oodagooyiyo na dhigay, aydii daratoole

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey
Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey
Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey
Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystey
Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay, ilig wixii joogay
Ee Eerago iyo Batalo, igu uquumeeyey
Ee omoska Beerddhiga tukaha, igu ormaysiiyey

Imankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay
Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey
Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay
Nimankaan Ilaahow lahaa, ayda iga doono

Abaalkayga nimankii ba'shee, ii istixayn waayey
Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey
Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayey
Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Nimankii abaartii Caleed, bari na aadsiiyey
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay
Nimankii ajuurada cunee, iibki ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiye

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine
Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane
Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne

Ashtakooda'aa iyo warqado, ku andacoodaaba
Mar haddaan shareecadu aqoon, Nimanka Iidoora
Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekaynaynin
Amaan aniga lay oran karayn, tanu ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre

Buuggan waxaa qoraagu ku soo ururshay hal kun (1000) oo maahmaahyo. Kadib markii Dhallinyarada wargayska ku tixan qaarkood inaga soo codsadeen in aan ku soo darno wargayska bog maahmaahyada iyo murtida soomaaliyeed lagu soo qoro, ayaan waxaan jeclaystay in aan halkan aqristayaasha ugu soo gudbiyo wixii maahmaahyo ah ee aan buugaas ku aruurshay waqti haddda laga joogo 10 sano ka hor.


Qaybtii 4aad

31.Badar qabe iyo biya qabe way isu baahanyihiin.

32.Baqtiga ma cunee fuudkiisaan cabaa.

33.Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa.

34.Beeraleey tirxi kama caaggana, xoolaleeyna baqti kama caaggana.

35.Booraan haddimo ha qodin ku dhici doontidaana lama ogee.

36.Booddo qoyaanka ayaa lagu qabtaa.

37.Tolkaa dhiig waa loo soo hooyaa, dhaarse looma soo hooyo.

38.Timirtii horeba deb loo waa.

39.Timir laf Baa ku jirta.

40.Tolkaaga iyo kobtaadaba dhexda ayaa looga jiraa.

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS


* Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

** Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/cschpage.html qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.