Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

 

 

........CODKA SOOMAALIDA CUSUB......

.............Somali Electronic Journal...........

======================================================

......Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah.....

............Wuxuu ku soo baxaa afafka.................

...........(Soomaaliga iyo Ingiriiska)................

.......Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah........

 

HOME PAGE:(http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html)

 

Waxaa Abaabulay:

Hersi M. Labagarre

(Ph.D. Philosophy & Theology)

National University of Malaysia

 

...................| Taariikh: 29/6-5.7.1998 |...............

______________________________________

...[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]...

 

Tusmada Wargayska

 

Bogga_______Maqaalka_________Magaca Qoraaga___

 

Bogga 1aad:……....Ararta Wargayska......….......Hersi M. Labagarre

 

Bogga 2aad:……...Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed

 

Bogga 3aad:……..Jaarig Iyo Jiire...……………...Hersi M. Labagarre

 

Bogga 4aad:……..Tawxiidka(6)……………………Sh. M. Bin C/Wahhab

 

Bogga 5aad:……..Bogga dhallinyarada:

.......…………….....Kaliila iyo Dimna (Q. 5aad)...C/laahi bin Muqafac

 

Bogga 6aad:…....Bogga Doodda:

...........................Garwaaqsi.............................. Fowzi Hersi (Viaconi)

Dabargoynta Danaanada (Qabyaaladda).....….Qasim Hersi Farax

 

Bogga 7aad:…...Bogga Isbarashada:

..........…………..."Taariikhda Noloshayda".…….....Qasim Hersi Faarax

Bogga 8aad:…...Mowliidka Nabiga Suuban……….Hersi M. Labagarre

 

Bogga 9aad:……Warar Qubane ah

 

Bogga 10aad:….Iidheh iyo Ogaysiis

 

__________________________________________________

BOGGA 1AAD:

_________________ ARARTA WARGAYSKA ________________

GUMUUMAC

Hersi M. Labagarre

Eebbow adaa jira. Inta kalena waa eber. Inti uuna oo idil. Ekaankaa majoogee. Adaa amarka gooyee. Aamiin dheh eeddaan.

Rasuulkiyo asxaabtii. Adigaa abuuree. Inta kale makhluuqana. Adaa yiri dhammaantood. orda oo bal dabagala.

Qaar waa irdoobeen. Aakhirana seegeen. Qaarna waa ahlow khayr. Oo amarki aad tiri. Bay wali adeecaan. Nabigaad abuurtana. Way aamineenoo. amarkiisi raaceen.

Aayadihi aad tiri. Aqriyoo dhugsada idil. Sida oomanaha geel. Bay uga abxaayaan. salligii rasuulkiyo. Salaaddaad na tiri gala. Sekadiiyo soonkii. Dhammaan waan saxaynaa. Maqaamkaad samaysana. Sanadkii yimaadaba. Waan siyaaranaynaa.

Adigaana saa oge. Eebbow na sara qabo. Oo intii sillooniyo. Sida aanu nahayiyo. Silicaan marayniyo. Saxal wixi ah naga dadab.

Soomaali oo idil. Soon kastoo ay joogtaba. Surinkaaga soo geli. Oo saamax waligaa. Eebbow waa sabooloo. Sal horana ma ay laha. Subax bay boqooleen. Oo soof galeenoo. Sooma noqoto aadeen.

Saddex saniyo sanad kale. Oo saddexna lagu deray. Bay saa ku joogaan. Suldaan ma laha taliyee. Sida xoolohoo kale. Bay idil u soofaan. Qalad iyo wixii saxa. Midna kalama saaraan. Kii qore sita unbaa. Quudanaaya oo saxan.

Eebbow ka qabo kaa. Oo iilka hoosiyo. Aakhiruu jiheeyoo. Ebedkii ha soo celin. Irrid waynta naartana. Abraha iyo haamaan. Ehelkiisi ugu gee.

Inta kalana siineey. Samahaaga badan iyo. Saymahaaga roobkaa. Salaamaadka ugu yeer. Suldanadooda soo celi. Samwadiyo suubane. dhammaantood ka soo yeel. Aamiin.

 

 

BOGGA 2AAD:

_______________ SUUGAANTA SOOMAALIDA _____________

_________ "Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed"______

 

[Tumbaaqadu Doqonta way haysaaye in ay cunto baanay garan!!]

 

Oday la dhihi jiray Cabdimadow Allaha u naxariistee, oo Tumbaaqada (Tubaakada) cuni jiray iyo Wadaad wadaygiis ahaa oo la yiraahdo Aw Maxamed, ayaa sheeko dhex martay, waxayna u dhacday sida tan:

 

Aw Maxamad: Cabdimadoobow waagii aan dhallinyarada ahayn tumbaaqada ma cuni jirine goormaad baratay?

 

Cabdimadow: markii raganima iigu horraysay baan bartay!

 

Aw Maxamed: oo hadda ma waxaad i leedahay tumbaaqadu waxbay idinkala maqantahay?!

 

Cabdimadow: tumbaaqadu doqonta way haysaaye in ay cunto baysan garan!!!

 

 

BOGGA 3AAD:

__HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA__

 

"JIIRE IYO JAARIG"

 

Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

 

Jiire wuxuu ahaa Faras, Jaarigna waa magac uu ku caan baxay nin la dhihi jiray Maxamuud oo markii dambe loo baxshay Maxamuud jaarig, lataliyena u ahaa Garaad Maxamuud cali Shire, oo ahaa suldaankii Warsangeli xakumi jiray abbaaraha 1910kii.

 

Sheekada Jiire iyo Jaarig, oo aan maanta ku soo qaadanayno boggan waxay ku timid colaad qoto dheer oo dhex martay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Garaad Maxamuud Cali Shire, sida uu soo weriyay Sh. Jaamac Cumar ciise, qisadaasi waxay u dhacday sida tan:

Wixii ka dambeeyay 1905kii daraawiishtii Sayid

Maxamd way xoogaysatay dad iyo duunyana eebbaa ka weelay, taasna waxaa ugu wacnaa guulihii is daba joogga ahaa ee ay ka keeneen dagaalladii ay ingiriiska kula jireen.

 

Kolkii ay xoogaysteen ayaa dad badan xaggooda u soo leexday, ayaga oo qolo walba u gaara leedahay, qaar waxay hunguriyaynayeen xoolaha faraha badan ee daraawiishi gacanta ku dhigtay, qaarna waxay is lahaayeen gabbaad ka dhigta daraawiishi dowlad bay noqotaye.

 

Garaad la dhigi jiray garaad Maxamuud Cali Shire oo nin aad u magac dheer ah, Warsangelina madax u ahaa, ayaa ku jiray raggii xoolaha daraawiishta hunguriyeeyay si taasi ugu hirgashana, wuxuu soo raray beeshiisii oo ku soo deray degmadii daraawiishta.

 

Sayid Maxamad taas wuu filan waayay, wuxuuna u arkay in ay tahay libin wayn oo daraawiish eebbe ku galladaystay, maxaa wacay garaad iyo degmadiis guuraya oo adinka ayaan idin raacsannahay leh bilaash laguma helo.

 

Sayid Maxamad si uu Maxamuud Cali Shire iyo raggiisa ugu abaal gudo oo u soo dhaweeyo una xiriirsho, wuxuu guursaday Maxamuud Walaashiis

Bullo Shubato, xoolo badanna wuu siiyay, si la yaab lehna wuu u soo dhaweeyay.

 

Hase yeeshee muddo ka dib ayaa Maxamuud Cali Shire iyo Degmadiisii Habeen Madow ka guureen xaruntii daraawiishta, arrintaasina waxay ku noqotay Saydka Lama filaan aan la qaadan karin.

Sayid Maxamad ergo ayuu u diray Ina cali Shire iyo Raggiisii, wuxuuna ka dalbaday in ay degmada u soo laabtaan oo dadka dhinac ka soo raacaan ama xoolihii iska soo celshaan.

 

Ina Cali Shire iyo Raggii sii oo Calmadow Buurta la Yiraahdo oogadeeda deggan ayaa ergadii u tagtay, hase yeeshee, heshiis ay yeelaan daaye, waxay u soo fareen Sayidka Gabagan aflagaadada ah:

Wadaadkii Ogaadeen mindhaa, uma wadiiqeeyo

Mar haddaan ka wabaxsaday mindhaa,weeye ma iraahdo.

 

Sidii Daraawiish caadada u ahayd, Ina Cali Shire iyo degmadiisii duullaan inay ku qaadaan bay dooneen, hase ahaatee buurihii calmadow ayaa taa ka hor joogsaday, wayna u suurtoobi waysay in ay dhaawac xoog leh gaarsiiyaan Ina cali Shire iyo Raggiisii aflagaadada soo diray.

(Way socotaa...)

 

 

 

 

BOGGA 4AAD:

___________________ DIINTA ISLAAMKA _______________

CASHARKA 6AAD

TAFSIIRKA TAWXIIDKA IYO ASHAHAATINKA

 

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

 

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:

[Kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebbe u dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna rejayn naxariistiisa wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebbana waa wax laga digtoonaado]

Al-Israa' 57.

 

Waxaa kale ee uu yiri:

[Xusa markuu ku yiri (nabi) Ibraahim aabbihiis iyo qoonkiisii anigu waxaan beri ka ahay waxaad caabudaysaan. Waxaanse caabudi Eebbaha i abuuray isagaana i hanuunin. Wuxuuna ka yeelay kelimmadda (tawxiidka) tii ku baaqi ah faraca Ibraahim si ay xaqa ugu noqdaan]As-Sukhruf 26-28.

 

Waxaa kale ee uu yiri:

[Waxay ka yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii eebbayaal Ilaahay ka sokow iyo Ciise ibnu Maryama waxaan cibaadada Ilaahay oo kali ah ahaynna lama farin, Eebbe mooyee ilaah kalena ma jiro, waana ka nasahanyahay waxay la wadaajin]

At-tawbah 31.

 

Waxaa kale ee uu yiri:

[dadka waxaa ka mid ah cid ka yeelan Eebbe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebbe, kuwa rumeeyay xaqa yaa ka daran jacaylkooda Eebbe]Al-Baqarah 165.

 

Nabiguna Naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri:"Ninkii yiraahda Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro, waxyaabaha Ilaah ka soko la caabudana ka fogaada, xoolihiisa iyo dhiiggiisa in lagu xadgudbo waa xaaraan xisaabtiisana Eebbaa ka masuul ah".

 

Aayadaha iyo xaddiiska kor ku xusan masalooyin badan aadna u qaaya wayn baa ku jira: Waana tafsiirka tawxiidka iyo tafsiirka ashahaatinka, aad ayaana labadaa arrimood loo caddeeyay.

 

Meelaha lagu caddeeyay waxaa ka mid ah aayadda ku xusan suuradda subaxaan (Al-Israa') waxaa aayaddaa lagu reddiyay mushrikiinta megengelaya awliyada, waxaa kale oo aayaddu caddaynaysaa in megengelyada jaadkaas ahi ay shirki wayn tahay.

 

Waxaa kale oo ka mid ah aayadda suuradda Bero

(At-Tawbah) lagu sheegay, ee Eebbe ku caddeeyay in kitaableydu ay culumadoodii iyo awyaalkoodii ilaahyo ka dhigteen Eebbe ka sokow.

 

Waxaa kale oo uu Eebbe halkaa ku caddeeyay in kuwaa sidaa yeelay aan la farin wax aan ahayn in aanay Ilaaha kaliya ah mooyee Ilaah kale caabudin. Inkasta oo isla markaa aayadda tafsiirkeeda runta ahi yahay in dadkaas ay culimadoodii iyo awyaalkoodii macsidii ay falayeen ku raaceen, run ahaantiina aysan arrintu megengelyadooda ahayn.

 

Waxaa kale oo arrimaha tafsiirka tawxiidka iyo ashahaatinka lagu caddeeyay ka mid ah, hadalkii nabi Ibraahim naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu Eebbe ka soo sheegay, kaas oo ahaa, in Nabi Ibraahim gaalada ku yiri:"Anigu Beri baan ka ahay waxyaabaha aad caabudaysaan, intii aan Eebbihii aniga i abuuray ka ahayn", kolka Eebbihii asiga abuuray buu ka reebay waxyaabaha kale ee la caabudayo, Eebbana wuxuu caddeeyay in Beri ka ahaanshada waxyaabaha la caabudo iyo xigsashada Eebbaha runta ah, ay tahay tafsiirka iyo ujeeddada ashahaatinka, kolkaas buu wuxuu yiri:

 

[Wuxuuna ka yeelay kelimmadda (tawxiidka) tii ku baaqi ah faraca Ibraahim si ay xaqa ugu noqdaan] As-Sukhruf 26-28.

 

Waxaa kale oo aayadaha tawxiidka iyo ashahaatinka ujeeddadooda lagu caddeeyay ka mid ah, aayadda suuradda albaqro (Al-Baqarah) ku jirta ee gaalada lagaga hadlayay taas uu Eebbe ku yiri:

[Mana aha (gaaladu) kuwo ka baxaya naarta]

Al-Baqarah 167.

 

Wuxuu aayadahaas Eebbe ku sheegay in gaaladu sida ay Ilaaha runta ah u jecelyihiin, oo kale, ay Ilaahyadooda u jecelyihiin, kolka halkaa waxaa ka caddaatay in ay gaaladaasi Ilaaha runta ah aad u jecelyihiin, hase ahaatee, taasi Islaannimada sooma gelin Kolka haddii kuwaasi sidaa yihiin, maxaad u malaynaysaa qofka Ilaah uu samaystay ka sii jecel Ilaahii runta ahaa, ama midka Ilaaha uu samaystay oo kali ah jecel ee aan Ilaahii runta ahaa marnaba jeclayn.

Waxaa kale oo arrimaha tawxiidka iyo ashahaatinka ujeeddadooda lagu caddeeyay ka mid ah, xaddiiska Nabiga (ee kor lagu soo xusay).

 

Kaas oo ah in uu yiri:"Ninkii yiraahda Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro, kana fogaada waxyaabaha Ilaah ka soko la caabudo, xoolihiisa iyo dhiiggiisa in lagu xadgudbo waa xaaraan, xisaabtiisana Eebbaa ka masuul ah".

 

Xaddiiskani wuxuu ku jiraa waxyaabaha ugu waawayn ee caddaynaya ujeeddada (ashahaatinka), maxaa wacay Nabigu wuxuu muujiyay in ashahaatinka oo afka oo kali ah laga yiraahdo aanay dhiigga iyo xoolaha dhawrayn, taas daaye, ashahaatinka iyo ujeeddadiisa oo la barto, ama ashahaatinka oo la qiro, ama in qofku Ilaahay baryo asiga oo aan u shariig yeelin, intaas oo dhami dhiigga iyo xoolaha ma magangelin karaan, haddaba (sida xad-diiska ku cad) qofka dhiiggiisa iyo xoolihiisu magangeli maayaan inta qofku ka kulminayo ashahaatinka oo la qiro, iyo in laga fogaado waxyaabaha Ilaah ka soko la caabudayo, haddii uu qofku taa ka shakiyo ama uu go'aan gaari waayo, xoolihiisa iyo dhiiggiisa in lagu xadgudbo xaaraan ma aha Kolka masaladaani aad ayay u wayntahay aad ayayna u caddahay, waana xujo si cad muranka u goynaysa.

 

F.G:

* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.

F.G:

Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa

ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada.

 

Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 5AAD:

_________________ BOGGA DHALLINYARADA _____________

 

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii:5aad

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

 

LIBAAXII IYO DIBIGII...

 

Kaliila: waxaa la sheegay in wadaad ka helay boqor boqorada ka mid ah hu'(maro)quruxsan, kolkaas baa tuug arkay oo hunguri ka galay dharkii, markaas buu wadaadkii u yimid oo ku yiri:

 

Waxaan doonayaa in aan ku raaco oo wax kaa barto oo kaa kororsado, kolkaas baa wadaadkii u ogolaaday in uu raaco, wuuna raacay asiga oo ku dayanaya, oo kaaliye buu u noqday inta wadaadku uga kalsoonaanayo oo uu u laabsamayaanayo.

 

Kolkaas buu u fiirsaday intii dabinku uga dhacdo, dabadeedna maradii buu ka xaday, kolkii wadaadkii maradii waayay buu ogaaday in tuuggi la tegay, markaas buu magaalo magaalooyinka ka mid ah xaggeeda aaday si uu uga raadsho, waddadii buu ku sii maray laba biciid oo hertamaya intii dhiig ka daatay,

dawacana carrabsanayso.

 

Dawacadii oo dhiiggii carrabsanayda baa waxaa ku yimid biciidyadii oo herta-maya oo way dileen, wadaadkii wuu iska socday intii uu magaaladii ka galay, guri naagi leedahay mooyee hoy kalena kama helin, kolkaas buu ku degay oo u martiyay, naagtuna waxay leheed gabar u adeegta, gabadhuna nin bay jeclayd oo in ay xila ka dhigato bay doonaysay.

 

Maagtana arrintaasi way dhibtay, markaas bay ku tasha-tay in ay disho ninka habeenkaas uu wadaadku u mar-tiyay, ninkiina wuu yimid, kolkaas bay qamra cabsiiday intii uu ka dhaandhaamay, oo uu ka hurday, gabadhiina garabkiisa huruday, markii ay wada hurdeen bay mariid ay dhuun ku dhigaalisay, si ninka futadiisa ay ugu afuufto.

 

Markii ay intaa samaynaysay baa ninkii dhuu-say, oo mariidkii dhuunta ku jiray naagtii hungurigeedii ku noqday, dabadeedna way dhacday oo way dhimatay, intaas oo dhanna wadaadkii waa u goobjoog.

 

Markii uu intaas arkay buu guri kale raadsaday, markaas buu u martiyay nin kabatole ah, kabatolihii baa haweentiisii ku yiri; wadaadkan eeg oo daryeel oo u adeeg, aniga wadayaalkay qaarkood baa ii yeeray si aan u wada cabno e', kadibna wuu baxay.

 

Naagtuna wadaybay leheed waxaana dhexdhexaadiye u ahaa nin dadka tooba naagtiis, naagtii kaba tolaha ayaa farriin u soo fartay tii toobaha, ayada oo ka doonaysa in ay baxdo oo ay u sheegto wadaygeed in ninkeedii maqanyahay, waxayna tiri; ninkaygii wuu baxay si uu wadayaalkiis qaar ka mid ah ula soo cabo, asiga oo cabsan ayuuna soo noqonayaa, ee waxaad ku tiraahdaa wadaygeey degdeg ha u yimaado.

Intaa ka dib naagtii wadaygeed baa yimid, markaas buu iridda fariistay asiga oo ogolaasho sugaya, kaba toli-hiina asiga oo cabsan buu yimid, markaas buu arkay ninkii wuuna ka masayray, haweentiisii ayuu dabadeed u galay asiga oo craaysan wuuna dilay, kadibna tiir aqalka dhexdiisa ahaa buu ku xiray.

 

Dabadeedna wuu iska seexday asiga oo aan ogaal lahayn, kadibna naagtii toobaha ayaa timid si ay ugu tiraahdo: ninkii fadhigiisii wuu dheeraaday ee sideebaad yeeli, waxayna ku tiri, haddii aad doonto wanaag iisamee oo xarigga iga fur oo aan meesha adiga kugu xiro si aan wadaygey u aado oo si degdeg ah ugu soo noqdo, naagtii toobuhu way ogolaatay in ay sidaa yeesho oo naagtii bay meeshii ka furtay, oo ayadu meesheedii isku xirtay, naagtii kalena wadaygeed bay aadday.

 

Kabatolihii baa hurdadii ka kacay intii aan naagtisii soo noqon, markaas buu ugu yeeray magaceedii, naagtii toobuhuna uma war celin oo ceeb bay ka baqday haddii uu codkeeda garanwaayo, marlabaad buu u yeeray iyana uma warcelin, caro iyo urugo ayuu la buuxsamay, markaas buu xaggeeda middi la soo aaday oo san gooyay oo yiri, kan qaado oo wadaygaa ula tag, asiga oo moodaya in ay naagtiisii tahay.

 

Intaa kadib naagtii kabatolaha ayaa soo noqotay oo aragtay waxa ninkeedii ku sameeyay naagtii toobaha, wayna ka xumaatay taas oo way la yaabtay, kadibna xariggii bay ka furtay oo aqalkeedii bay qabatay ayada oo san go'an.

 

Intaa oo dhanna wadaadku wuu arkayaa oo maqlayaa, kadibna naagtii kaba tolaha ayaa billawday in ay calaacasho, oo ninkeedii habaarto kaas oo ka gardarraa, oo codkeedii bay kor u qaadday, oo ninkeedii bay u yeertay:

 

Abaallaawayahow gardarraalowga ahi toos! oo eeg waxa aad igu samaysay iyo waxa eebbe igu sameeyay iyo sida uu iigu roonaaday oo sankaygii sidii uu ahaa iigu soo celshay!

 

Markaas buu toosay oo iftiinkii daaray oo eegay, saa sankii naagtu wuu fiicanyahay, kolkaas buu naagtii gafdhaaf waydiistay oo gafkiisii ka soo noqday, eebbihiisna gafdhaaf waydiistay.

 

Naagtii toobuhuna markii ay aqalkeedii tagtay, bay isku dayday in ay ka qanciso ninkeedii iyo xigtadeedii sidii sankeedu u go'ay, si ay arrintii u hagaajiso, kolkii waagii beryay baa toobihii yiri, iikeen alaabtayda oo dhan qaar mudanayaasha ka mid ah ayaan aadi lahaaye, kolkaas bay middi u keentay.

 

Markaas buu ku yiri, alaabta oo dhan ii keen, middidii mooyaane wax kale uma keenin, kolkii ay in door ah ku soo noqnoqday buu intuu carooday ku tuuray, dhulka bay isku rafisay oo hogayaysatay, oo way qaylisay, sankaygii, sankaygii, oo qayla dhaamisay, intii xigtadeedii iyo dadkeedii ka soo bexeen oo ayada oo sidaa u taalla arkeen.

 

Kolkaas bay toobihii kexaysteen oo garsoore ula tageen, garsoorihii baa ku yiri; maxaa kugu qaaday in aad xaaskaaga sanka ka goyso, ninkii wax uu ku warcelsho ma helin, garsoorihii baa markaa faray in laga megto.

 

Markii uu in laga megto isu qaabsameeyay baa wadaadkii yimid oo garsoorihii u tegay oo ku yiri: garsoorayahaw arrintani yaanay isaga kaa qasmin, tuuggu ma ahayn kii i xaday, dawacadana labada biciid ma aanay dilin, naagtana mariidku ma dilin, naagta toobahana ninkeedu sanka kama goyn, ee annaga ayaa taas isugu wacan, garsoorihii ayaa dabadeed faahfaahintii waydiiyay oo ka dib toobihii sii daayay.

 

Dimna: waan maqlay sheekadaas arintayda ayayna u egtahay, waxaana laga yaaba in qudhayda mooyee aan qofkele dhibaato ii gaysan,ee maxaa talo ah?.

(Waa socotaa...)

 

 

 

 

BOGGA 6AAD:

___________________ BOGGA DOODDA ________________

Garwaaqsi(Think over)

Waxaa Qoray:

Fowzi Herzi (viaconi)

Accugraph Corp

Fowzyh@objectel.com

Toronto-Ont

 

 

A poem about Somali destruction and hatred among them. No wonder how we are still indifferent whatever had happen to us.

Who we blame for it…. Let's sit back and think over..and over again …

 

Soomaaliyeey in badan maxaa meel madow kugu oodayoo afka kaaga xiray! Ma indha la'adoo, agab baad rabtaa, usha kugu hor kaca. Mise ciil baa kugu aasanoo Kuwa lagu ordiyo feerahaa ku jaban.

 

Ciil aan la badin, isku kaambiyaay, ciiddeeda

ugub, ma abuuratooy. Biyo hoo layiri, tan ka oomaneey! maalintey aroos olalaysataba, halaq laba aflaa, u ila xirtooy. Aqoonteeda iyo maskaxdeeda wayn, kuma aarsatooy.

 

Ku qadaye afkii, aaqiro miyaa ubad lagu korshaa. Soomaaliyeey, in badan eebada cas iyo, cinqilaab dagaal, maxaa arin kaaga dhigay.

Hadaan dumar aseey, kula soo hor marin, ma aroor xunbaa, ma inaad agoon, kaga Oohisiyo, mindi dhiigleh baad, u abuurantahay.

 

Caloosheeda maran ma'asturatayahay. Aqbalaad qabiil, isku arursatooy, marka ay iyada, arin yari dhextaal, taliya iyo umul gawracatadooy.

Aqoonteeda iyo, maskaxdeeda wayn, kuma aarsatooy, roob meelu helay, ood uma dhigtooy.

 

Ku qadaye afkii, aaqiro miyaa, ubad lagu korshaa. Soomaliyeey, in badan maxaa, horta eel bugtiyo, kaa dhigay abees, ubad kiisa cuna.

Aar awrta cuniyo, ayax beer ka kacay, weli kama adkaay, Isha kaliya iyadu, isku fiirsataay.

 

Bilowgii gumaysiga, nin dagaal galiyo, oday duub xirtaa, inuu goostiyo aar, talo wow ekayd,

waa amar alee, hana qaadka wiil, sida loo ajalo, tan u aqoonsaneey.

 

Aqoonteeda iyo, maskaxdeeda wayn, kuma

aarsatooy,roob meelu helay, ood uma dhigtooy.

Ma aroorsatooy, ku qadaye afkii, aaqiro miyaa, ubad lagu korshaa.

 

Udubkii martida, abid daa'inkood, waaxyaha

udgoon, ku afurin jiroow, Udubadaan dhamaan, isku aano jabay, ma alaa-ileh baa.

 

Soomaaliyeey ogow, kan agoon danyara, kii kutaagsadaa, siduu eebbe yiri, ama umadiisa, danbi uu ka galay, aaqiro la taga, halka eebahay, ku abaal marshaa, Waa iil madoow.

 

Soomaaliyeey, kan ilawsanoow ogow, aaqiro ehel iyo tol ma leh, aqrisaana lagu dhihi kaligaa kitaab,

ee nagama dhigo, eebbeheen kuwii, taa fala aamiin!!!

 

 

 

DABAR GOYNTA DANAANADA (QABYAALADDA)

Waa daraaso qoto dheer oo uu qoraagu isku deyayo

in uu ku falaanqeeyo xalna ugu raadsho dhibaatada

Qabyaaladda Soomaalida.

***********

Waxaa qoray: Qasim Xirsi Faarax

(M.A. Qaanuunka iyo Shareecada)

International Islamic University(Malaysia)

 

Kol haddii la dareemo daanaanada iyo hagardaamada ay leedahay danaanadu, waxaa lagama maarmaan ah in lagu eego il baaritaan oo loogu kuur galayo dariiqaddii lagu xididda siibi lahaa oo looga rujin lahaa quluubta aadanaha, iyada oo laga sii xoqayo mirirka ay ku reebto, waayo waxa uu bado waxa uu baro ayaa ka sii ballaaran.

 

Danaanaynta ama tacasubka oo ah hooyada qabyaaladda, ayey tahay in loo maro jid dheer oo lagu cirib tiro, hadaba si aan waddadaas dheer cagta u saarno waa in aan marka hore ka xaaqnaa laabteenna dhalanteedka ay ka hadalkiisa ku xeel dheeraadeen takhaadiirta cilmiga bulshadu, kaas oo ah in sababta danaanadu ay keliya tahay jaahilnimo barax la'. Waxaa keliya ee dawadeeda ku filanna ay tahay dhawr sano oo wax barasho lagu jiro.

 

Sida ay caddaynayaan culimada cilmiga nafsaaniga iyo kuwa Bayo'lojigu danaanadu waa cudur khatar ah oo jirro calooleed iyo jirro caqliyeed ah, maxaa wacay danaanadu waa hallaasi waxashnimo ah, wuxuuna caloosha ugu dhacaa sida Furuqa. mana lahan daawo aan ahayn Falsafad ruuxi ah oo in yar in yar loogu abuuro qalbiga, sidaas waxaa ku qoray kitaabkiisa (Qabuurihii danaanada/tacasubka), sanadkii 1767 kii, ninka la yiraaho Voltair, oo noolaa 1694-1778, ahaana mufakirkii ugu caansanaa qarnigiisii.

 

Haddaba hadaad daaweyn karto cudurada kale ee khatarta ah sida; waallida, daacuunka iyo tiibishada aad bay u sahlan tahay in aad daaweyso cudurka danaanada ama hiillo eexeedka.

 

Waxaa laga yaabaa, in aad hesho kuwii aqoonta lahaa oo kaga daran kagana ad adkaan badan, danaanada, kuwii aan wax barashada lahayn, taasuna waxay ku baraysaa in uusan cilmi keli ihi wax tarinin weligiisba, sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la helo saddex shardi oo kala ah:

1- in jirrooluhu ogaado in uu jirran yahay.

2- in uu yahay mid doonaya in uu caafimaado.

3- in uu raaco oo qaato tusaalooyinka uu siinayo dhakhtarku marka daaweyntiisa.

 

Haddaan xaalka sii falanqayno waxaa ka mid ah daawooyinka uu qaadanayo danaaneeyuhu si uu u caafimaado; bulsha dhex gelid, wada hadallo, culima iyo caamaba la sheekaysi, asxaab iyo is wadeysi jecayl, iska saamixid, dul qaadasho, tix gelin, dhimrin, iyo ka tanaasulid. Faylasuufkii Jarmalka ahaa ee la oran jiray; Lessing,, ee noolaa 1729-1781CD ayaa ku sheegay masrixiyaddiisii 1778CD, hab edebeedka fikradda isu dhimrinta ee diimaha in ay ahaato uun dariiq camal wanaagsan samayn, aysanna noqon dariiq danaano axmaqeed iyo hiillo habar wacad aan halna laga eegayn ee keliya ah naf qancin iyo isu naagayn marin habaw ah, taasina dhab ahaantii waa musiibo Alle naga koriyo.

 

Danaaneyntu waxay ka kooban tahay laba unug, mid togan iyo mid taban; kan togani waa in qofka danaaneeyaha ihi uu rumaysan yahay in kooxdiisa uu ka tirsan yahay, ha ahaato qabiiladiisa, dalkiisa, mad-habtiisa, tay doontabee, ay ka gobsan tahay kuwa kale ama uga sarayso si kale oo Rabbaani ah, midka tabanina waa in uu danaaneeyuhu rumaysan yahay in kooxaha kale ee ka soo horjeeda ay gun hoose oo la yaso yihiin kana liitaan midda uu ka tirsan yahay.

 

Kolkaa waxaa muuqata in labadaa unugi ay isma huraan yihiin, maxaa yeelay in koox ama qofi rumaysto in uu inta kale ka gobsan yahay waxa si toos ah uga dhalanaya in ay inta kale u arkaan wax iyaga ka liita ama ka hooseeya, waxayba taasi la mid tahay sida qof koray buur dheer oo hoos u soo eegay dadkii, una arkay in ay yihiin wax u yar yar sida Quraanjo oo kale, oo iyaguna markay kor u eegaan ay u arkayaan hal Quraanjo oo aan waxba kala maqnayn, naf ahaanna u habaabay, sidaa uun si la mid ah ayey kooxiba kooxda kale ugu aragtaa mid quraanjo oo kale ah.

 

Waxaana la isku raacsan yahay in xamaasadaha qabiileed ama diineed ee ka dhasha danaanada noocakan ihi aysan weligood noqon kuwa lagu lib helo ee ay ku dambeeyaan hungoobid iyo ceeb, si kastoo ay tahay bulshada lagu qaado gurmadka ama ololaha hiilled ee noocan ah wey soo celisaa oo lama marsiin karo, ha ahaato bulshadu beeraley, daaqsato, wershadley ama ganacsatee waxay si fudud u gartaan in uu kani ku taagan yahay xamaasad naf jeclaysi.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa dhibaatada weyni ay ka soo gaartay Aadanaha, waa dhinaca taban ee Danaanada, taas oo ah in dad kale la liido, hadaba danaaneeyuhu waa kan xasda oo liida kana horjeesta dadka intiisa kale, kolka danaanadu waxay salka ku haysaa aragti taban oo lagu eegayo dadka, qofka danaaninayana fikraddiisa uu ku eegayo dadka kale waxay salka ku haysaa xaasidnimo, isla weyni iyo liidid, wuxuuna had iyo jeer u janjeeraa in uu dhibaato geysto iyo in uu wanaaggiisa ama gobnimadiisa sugo kuna xaf goosto.

 

Danaanada astaameheeda waxaa ka mid ah, in jirroolaha jirradaas qabaa uusan ogolayn in laga hadlo arinteeda asal ahaanba, maadaama uu u arko in waxa uu u danaanaynayaa ay yihiin kuwa keliya ee sax ah, isna uu yahay ruuxa ugu saxsan, sidaa darteed uma arko in aqoon baaristeeda ama cilmi baaristeeda ay u leeyihiin wax faa'iido ah inaba haba yaraatee, isla markaasna uma uu dul qaadan karo in fikraddaas laga shaki geliyo ama la isku dayo in la buriyo ama laga hor keeno fikrado kale, taasina waa tan ka timaada maan gaabnimadiisa.

 

Kolka haddii uu wax xoogaa aqoon ah yeesho ama ilbaxo waxay taasi u noqonaysaa mid aan caqli ku salaysnayn, taas awgeed danaaneeyuhu badanaaba waa ka digtoon yahay in uu la kulmo indheer garatada oo ma jecla in uu wax ku darsado, taas macneheeduna ma ahan in qof kaste oo garaad gaab ihi yahay danaaneeye (mutacasib).

 

Tan labaad danaaneeyuhu wuxuu u jan jeersadaa afkaar yar oo fudud taasna waxaa ugu wacan garaad aqooneedkiisa gaaban, hase ahaatee astaanta ka dhigaysa qofka danaaneeye dhamaystiran waa in uu had iyo jeer isku dayo in uu aragtidiisa inta kale qaadsiiyo iyo in uu wixii ka soo horjeeda dafiro duudsiiyana xaqooda.

 

Danaaneeye ama gardarro ku hiilliye ma kala saaro rumaysadka iyo ku qancidda, hadduuba kala saarana wuxuu u kala saaraa si uu rumaysadka uga dhigo waddo uu u sii maro ku qancidda, sidaa awgeed ayuu kaasi u la nool yahay fikradaha uu rumaysan yahay isaga oo ku raaxaysanaya oo ka helaya.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee akhristow, kala soocidda rumaysadka iyo ku qanciddu waa lagama maarmaan, maxaa yeelay waa astaanta u dhexeysa danaaneeyaha iyo maskax furanaha.

(Waa Socotaa...)

F.G:

Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

 

BOGGA 7AAD:

__________________ BOGGA ISBARASHADA ______________

 

Taariikhda Noloshayda

Waxaa qoray:

Qasim Xirsi Faarax

(Ph.D Candidate)

University Putra Malaysia(UPM)

 

Magacayga waxaa la yiraahdaa: Qaasim Xirsi Farax (ina Duullaan jecel), waxan ku dhashay magaalada C/waaq, mar lagu qiyaasay Dec.16/1966. waxa aan dugsiga hoose ka galay magaalada Ceelbuur, hase ahaatee waxa aan ku dhamaystay Bu'ale. dugsiga dhexena Jilib.

 

Waxa aan dugsiga sare ee Badda iyo Kalluunka kaga baxay Muqdisho. ka dibna Machadka Sidam iyo Machad lagu barto maamulka oo ay xaruntiisu tahay Paris, Faransa.

 

1989kii waxa aan ka qaatay B.A. Shareecada ah, kulliyaddii Daraasaadka Islaamka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, Muqdisho. Waxan isla markaasba la ii qaatay macahadkii sare ee lagu baran jiray Dimplomacy and International Relations ee ku yiilay xarunta Wasaaraddii Arimaha dibadda, Muqdisho.

 

Hase ahaatee intii aanan dhamaysan ayaa wadankii lagu kala haaday. Waxan si hal haleel ah ugu qaxay gobolka Gedo.

 

Inkastoo Gedo aysan ahayn halkaan ku dhashay ama awoowyaashey ku dhasheen hadana waxa ay noqotay halka keliya ee aan u ciirsan karnay.

 

April,1991kii waxa aan tegay Addis Ababa, Ethiopia, waxanan halkaa ka soo noqday Nov.1991.inkastoo ay hadana qab kale halkaas iigu dhacday, hadana taasi waxa ay ka dhacday dad wadaniyiin ah, insaaniyadana wax ka

yaqaan marka lala simo kuwii hore.

 

Dec.1991kii waxa aan ku soo noqday Buula Xawo halkaas oo aan ka bilaabay soo saaritaankii Journaal kii ugu horeeyey ee ka soo baxa. Intii uu wargeyskaasi socday dhawr safar ayaan ku kala tagey qaar ka mid ah gobolada Geeska Afrika; Soomaaliaya, Ethiopia iyo Kenya, si aan usoo aruursado xog dhab ah.

 

Waxay hawshaasi ii socotaba waxa magaaladii soo galay ciidankii Caydiid.Taasi waxa ay ii noqotay fursad weyn oo aan aqoonsi ugu helo hawlihii aan ka waday gobolkaas iyo nawaaxigiisa.

 

Waxanan hirgelinay aniga iyo asxaabtaydii Hay'adda "Soma-Action International Fund". Taas oo hawlgal wacan oo loo bogay ka fulisay guud ahaanba Koonfurta dalka mudadii 1992-1995. Waxa kale oo aan ka shaqaynayey "Mandera Educational Development Society" oo ah Hay'ad Kenyati ah. Mudadii 1993-1995. ugu dambaystii, July,1995 ayaan dalka Malaysi ee ku yaal Bariga fog ee Asiya ka bilaabay (International Islamic University Malaysia)MCL, Master

of Comparative Law, taas oon dhameeyey July, 1997.

 

Waxaa isla 1997/98 la ii aqbalay Ph.D in Environmental Policy, oo aan ka diyaarinayo jaamacadda University Putra Malaysia (UPM).

 

Qoraallada iyo Buugta Qaasim:

1-Mee Magecenii

2-Maxaa Naloo Cadabayaa

3-Madaxweyne Halayga Dhigo

4-Manhajka Dacwada

5-Mushkiladeenu waa caqliga

7-Magdhawga dumarka oo loo eegayo shariicada

8-Maragfurka dumarka oo loo eegayo shariicada

9-Madaxtinimada dumarka oo loo eegayo shariicada

10-Mee xaqii haweenka

11-Juvenile Delinquency in Islamic law, a comparative study between the Islamic law and non-Islamic legal systems.

12-How to conbat juvenile delinquency

13-Criminology a comparative study between Islam and the West.

14-The Earth summit in Rio De Jeneiro, 1992.

 

Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka helaysaa Qasim Home Page at:

http://www.geocities.com/Tokyo/Palace/4683/

 

 

BOGGA 8AAD:

 

___________ MOW LIIDKA NABIGA BARAKAYSAN____________

 

Hersi M. Labagarre

 

Sida la wada ogsoon yahay mowliidkii nabi Muxamad N.N.K.H, wuxuu ku soo beegan yahay 6.7.1998ka, haddaba annaga oo ugu bishaaraynayna aqristayaasha wargayskan munaasabadan, oo aan hore u sii xasuusinay bishii lasoo dhaafay, ayaan maanta waxaan halkan ugu soo gudbinaynaa maqaal yar oo aan ku eegayno, munaasabadda jaadkan ah iyo sida ay ula dhaqmaan soomaalida iyo muslimiinta intooda kale.

 

Xuska munaasabadda dhalashada nabiga barakaysan ee Muxamad, waxaa ka taagnaa muran qoto dheer tan iyo shantii qarni ee la soo dhaafay, murankaas wuxuu ku salaysan yahay muslimiinta oo isku afdhaafay sidii loo qaban lahaa xuska Nabiga, dhammaanteen waxaan xasuusannahay qasiidadii dheerayd ee uu tirshay Buusiri, ee ku caan baxday Burdaha, taas oo billawgeedu ahaa (Mowlaya sallim wa sallim daaiman abadan, calaa xabiibika, khayri al-khalqi kulihimi).

 

Olaolaha looga hortegayo xafladaha mowliidka la qabto waxay billawdeen mar hadda lix qarni ku dhawaad laga joogo, markii ay soo baxday jamaacadii salafiyada ahayd ee uu hoggaaminayay Ibn Taymiyah.

 

Intaa wixii ka horreeyay waxaa madaxtinimada fikirka muslimiinta hoggaanka u hayay Ashcariya, oo ayagu aaminsanaa in ay lagama maarmaan tahay qabashada xafladaha mowliidka.

 

Jamaacooyinka salafiyadu waxay soo xoogaysteen kolkii ibn taymiya Xabsiga dimi shiq ku dhintay, waxaana xoojiyay ardaydiisii oo ay ka mid ahaayeen ibn Qayim iyo ibn Katiir iyo qaar kale oo badan, wadaadadaasi waxau si aan xad lahayn ula dagaallameen qabashada xafladaha mowliidka ayaga oo ku andacoonaya in arrintaasi shirki keenayso.

 

Qarnigii laba iyo tobnaad ee hijriyada ayaa waxaa jasiiradda carabta ka soo baxay wadaad seefla bood ah oo la dhihi jiray Maxamad Bin Cabdil wahhaab, wadaadkaasi waa ninkii aasaasay jamaacada wahhaabiyada ee hadda ka jirta sacuudiga iyo meelo kale oo badan oo ay soomaaliya ka mid tahay.

 

Wadaadkaas iyo raggiisii waxay si la yaab leh usii noo leeyeen ololihii ay wadeen ardaydii ibn Taymiya ee looga hortegayay xuska dhalashada nabiga, waxayna burbursheen meelihii lagu xusi jiray ee ku yiil Makka iyo Madiina iyo Jasiiradda Carabta inteeda kale.

 

1920kii wixii ka dambeeyay, kolkii ibn Sacuud gacanta ku dhigay boqortooyada Sacuudiga ayuu si la yaab leh u taageeray dacwada wahhaabiyada iyo dhammaan wixii la xiriiray ee figrado ahaa, taasina waxay keentay in si rasmi u xaaraa maysay dawladda sacuudigu xusitaanka dhalashada nabiga, dowladaha muslinka ahina way ku daydeen badankoodu oo dhallinyaradii sacuudiga wax ku soo baratay ayaa waddamadaas ka noqday culumadii diinta fidinayay.

 

Arrintaasi soomaaliya waxay soo gaartay abbaaraha 1970kii wixii ka dambeeyay, hase ahaatee ma aysan xoogaysan 1980kii wixii ka horreeyay.

 

1980-82kii ayaa waxaa ka billawday soomaaliya is afgarnwaa ku saabsan arrinta mowliidka, wadaaddadii hore ee ashcariyada ahaa iyo kuwii dambe ee akhwaanka iyo itixaadka ahaa ayaa seefta galka kala baxay, oo midiba midka kale ku yiri adaa gaal ama mushrig ah.

Xiisaddaasi ilaa iyo maanta ma degin, mana degi doonto, maxaa yeelay, badanaa xiisadda dadka kicinayaahi waa laba qolo:

 

1. dad aan wax aqoon ah u lahayn taariikhda muslimiinta iyo diinta islaamka, oo dagaalku daacad ka yahay, arrintooduna dameeru dhaan raacday tahay. iyo.

2. dad aqoon u leh taariikhda arrintan laakiin doonaya in ay dano kale ku fushadaan, danahaas oo laga yaabo in ay ihiin kuwo siyaasadeed ama dhaqaale, ama bulsho.

 

Wadaaddada soomaalia ayagu qolada hore bay xaalkoodu u badnaa, maxaa yeelay badanaa waxay ahaayee dad daacad iska ah, oo doonaya in ay diinta taageeraan, hase ahaatee aqoon darro ayaa haysay.

 

Qolyaha loo yaqaanno itixaadka oo runtii ah urur diimeedkii ugu horreeyay ee dalka la aasaasay qarnigan kuwaas oo taariikhdoodu u noqonayso 1940kii ayaa aabbe iyo hooyo u ahaa qalalaasaha iyo qilaafka ka dhacay arrinta xuska mowliidka, waxayna taas ku raacayaan Wahhaabiyada sacuudiga ee ayagu ra'yi gaar ah oo ay aqoontooda ku gaareen ma lahayn.

 

1985kii mar aan arday ka ahaa Jordan, ayaan waxaan goob joog u ahaa doodo badan oo dhex martay sheekha salafiyada sham (Nasirudin al-albani) iyo ashcariyada dhulkaas joogta, waxaana xiisaddaasi ku degtay fadliga iyo aqoonta badan ee dadkaasi leeyihiin, maxaa yeelay culumada carbeed ee ku nool dhulkaas sida albaani iyo wixii la halmaala ama salafiyo ha ahaadeen ama ashcariyo iyo ikhwaan ha ahaadeene waa dad aqoon leh oo og arrinta dhabteed, kana warhaya in aan xuska nabigu shirki ahayn uuna yahay munaasabad aad u qaaya wayn oo siyaabo kala duwan looga faa'iidaysan karo.

 

Waxaa qilaafkii lagu xalliyay in xuska lagu qabto meelaha munaasabadaha lagu qabto sida xarumaha shirarka iyo masaajidyada iyo madxafyada iwm, xuskuna ku ekaado muxaadarado la jeedsho iyo aqoon is waydaarsi iyo kala faa'iidaysasho, dabadeedna cabitaan iyo cunto fudud loogu deeqo dhegaysta yaasha haddi la heli karo, muusik iyo ciyaarona aan lagu soo derin, haddii qolada suufiyada iyo aqwaanku doonayaan in ay buraanburaan ama heesaan oo nabi ammaan la istaagaan inta duruustu socoto in loo ogolaado, ninkii jadbooda oo xadreeyana aan la canaanan ee la daayo.

 

Sidaa ayaa culumada dalkaasi Jordan isku afgaratay in loo qabto mowliidkii sanadkii 1985kii, kolkaas ayaa waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran maxfalka boqortooyada Jordan, oo boqorka jordan laftiisu yimid.

 

Haddaba culumada soomaalidu maxay samaydoonaan, ma dagaalka iyo xasaradda bay sii wedi doonaan mise xal bay soo jeedi doonaan?

 

 

 

 

BOGGA 9AAD:

 

___________________ WARAR QUBANE HA_______________

 

Culumada cilmiga baarta oo helay hab

gaaban oo loo sarriibo (clone) lo'da.

 

Waxaa cilmibaarayaashu sheegeen Talaadadii la

soo dhaafay in ay horumarsheen hab gaaban oo fududaynaya sarriibidda iyo handasaynta (engineering) firka (genetic) lo'da.

 

Waxay sheegeen in tabtooda cusubi laga yaabo in

ay irdaha u furto horukaca beeritaanka xoolaha, baaninta jirrooyinka iyo isdhaafsiga tallaalka xubnaha jirka oo xoolaha iyo dadka dhexmara.

 

Cilmibaarayaashaa waxaa hoggaamiye u ahaa James Robl iyo saaxiibadiis oo jooga jaamicadda Massachusetts, waxayna kobciyeen dhowr dibi ayaga oo adeegsanaya habkaa gaaban, waxayna dheheen habkaasi aad buu uga waxtar badanyahay hababka kale.

 

Culumadaasi waxay adeegsadeed unug asli ah oo awood u leh in uu ku dhexnoolaado xayawaan kale, kaas oo ka geddisan unugyada kale ee loo kala saaro unugyada beerka iyo kuwa maqaarka Iwm.

 

 

****

 

Kabila Qoladiisii baa Hutu-gii laayay, UN ayaa sheegtay

 

Waxaa UN-tu sheegtay in qoladii taageersanayd Madaxwayanaha Congo Laurent Kabila ay si qarsoodi ah u dileen dadkii Hutuga ahaa ee reer Ruwanda ee qaxootiga ahaa. Waxaa kaloo la sheegay in dowladda Ruwanda ay mararka qaar arintaa ku taageertay nimankaa dadka laayay, taasina waxay dhacday intii uu ololaha ugu jiray Kabila qabsashada madaxtinimada dalka hal sano ka hor, sidaa waxaa sheegay warbixin cusub oo UN-tu soo saartay.

 

Waxaana warbixintaas loo bandhigi doonaa Golaha Ammaanka maalinta talaadada, waxaana la filayaa in uu xoojiyo ololaha loogu jiro in laga hortago dilka dabargoynta ah, uuna tusmo u noqdo in loo baahanyahay dhabbagelid dheeraad ah oo arrintaa lagu hubsado.

 

Warbixintan oo in door ah la sugayay waxay xoojinaysaa, dharaandhirin ay keeneen qolada xuquuqda aadanaha u doodda, taas oo leh in Qaxootiga Ruwanda xaynxayn loo gawracay, in kasta oo qaar badan oo ka midihi aanay ahayn Hutuga hubaysan ee danaanada badan.

 

***

 

Wadaadada Seeflaboodka ah ee Masar oo Internet-ka galay

 

Waxaa la sheegay in koox ka mid ah kooxaha ugu dhiigya cabsan jamaacooyinka seeflaboodka ah ee Dalkaasi Masar ka jira oo la yiraahdo (al-Gama'ah al-Islamiyah, ay kula loolantay dowladda sidii ay u geli lahayd internetka.

 

Dadka isticmaala internetka Masar dhexdeeda iyo dunida inteeda kaleba waxay iminka awood u leeyihiin in ay aqristaan qoraallada Jamaacadaas

seeflaboodka ah, waxaana qoraalladaasi ku qoranyihiin af carabi.

 

Haddii aad xiisaynayso arrinta wadaaddadaas, adiga oo aan cidna ka baqin waxaad soo booqan kartaa, bogga ay ula bexeen (al-muraabituun)oo URL-kiisu yahay (http://www.almurabeton.org), halkaas waxaad ka helaysaa, duruus, khudbado, Raadiye iyo telefishan, haddaad doonto in aad seefla bood dhiigyacab ah noqotana, email ayaad u diri kartaa adiga oo leh liiska igu dara!!! waxaanse u malaynayaa in aan soomaali maanta seefla boodnimo u laabnayn, oo ay wixii ay la boodi rabeen waa hore la boodeen. Intii xun allaha inaga hayo.

 

BOGGA 10AAD:

_____________________ IIDHEH IYO OGAYSIIS____________

 

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen:(hersi@brunet.bn)

 

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub), ama ha saxiixo, bogga martida ee ku yaalla halkan:

(http://www.angelfire.com/mo/codkasomalidacusub/index.html)

qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha u soo qoro email (hersi@brunet.bn) asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).

______________________________________________

"DAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY

U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA

UJEEDDADA WARGAYSKA"

_________________D H A M A A D_________________