Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Kusoo Dhowaada 

Kaydka Heesaha Fankii Soomaaliyeed ee Askarmotors, waa boga keliya ee xil iska saaray sidii loo aruurin lahaa dhamaan heesihii Fanaaniintii hore iyo kuwii dhexeba, ka dib markaanu aragnay in aanay jirin cid xil iska saartay taariikhdaas iyo suugaantaas la dayacay ayaanu go'aansanay inaanu anagu aruurino waxay rabtoba ha nagu qaadatee, 

Waxaa jira website-yo faro badan oo aad heesaha ka dhegeysataan dhamaan heesahaa waxaa leh 95% Askarmotors 

Bilowgii u horeeyey waxaanu ka dhignay mp3 taasaana keentay in cid waliba download gareysato oo website u furato iyagoon ixtiraamayn weydiisaneyna cidii lahayd, halkii ay ka ahayd ama ka wanaagsanayd inay ku soo daraan hadii ay heeso ama suugaan kale hayaan si meel keliya la isugu keeno Fankeenii hore, 

Askarmotors, waxaa kaga lumay wakhti aad u badan aruurinta fankeena, anagoo markii hore isu keenay waxii cajeelad heeso Soomaali ah ee aanu heli karayney, ka dibna u rogney CD iyo mp3 ka dibna soo geliney webka, mararka qaarkood Cajeeladii keliya waxay qaadataa laba saacadood in mp3 laga dhigo iyo Saacad kale oo editing iyo uploading ah iwm

Dhamaan heesaha ku jira webkayagana waanu haynaa Taariikhdii aanu ka dhignay mp3 iyo maalintii aanu upload gareynayba si hadii is qabqabsi yimaado iyo muran aanu u cadayn karno, halka websiteska qaarkood heesaha ay maanta gelinayaan webkooda anagu waxaanu haynaa hees walba secongkii la apload gareeyey ee browserku accep gareeyey kaasoo ah Yahoo, 


Dhegeysi Wanaagsan

Webku Waa Webkiinii