|
|
Hard Ware:-Muxuu ka Kooban Yahay Computer-ku
(PC)
Personal Computer waa Nooca Ugu Badan ee Dadka Caadiga
ahi Isticmaalan Sidaa Awgeed Casharkan Labaad waxa aynu kaga Hadlaynaa
Qaybaha PC uu ka Kooban Yahay PC waxa uu ka Kooban Yahay Qaybo Fara
Badan oo la Isku XidhXidho waxana la kala yidhaa sidan.
1. Computer
CPU. 2. In Devices 3. Out Devices 4. In and Out Devices
Bal Hadaba Aynu Eegno waxa ay kala yihiin Afrtaa Nooc
!!!
1sanduuqa Compuer-ka Computer Cabinet -ka waa qaybta
Ugu Muhiimsan ee uu ku Shaqeeyo Computer-ku Qaybtaas waxa la yidhaa CPU
Central Process Unite Marka aad is Tidhaa soo Iibso Computer waxa laga
yaabaa in lagu yidhaa ma waxaad Doonaysaa CPU-ga Tower Ama Desktop
macnihii ma waxaad doonaysaa ka CPU-ga la dul Dhigo Computerka Mise ka
Dhinac Yaala .hadaba (Tower) waa Nooca la Dhinac Dhigo Computer-ka halka
(Desktop) Screen-ka Computer-ka la Dul Dhigo Saduuqa weyn Ee Ku
Gadaaman CPU-ga waxa loogu tala Galay in uu ka Ilaaliyo Dhaawaca Soo
Gaadha Qaybaha Muhiimka ah ee ku Jira .waxana Sanduuqaa ku Hoos Jirta
marxawad Qaboojisa Heer kulka Computer-ka Si Aanu Computer-ka Wax yeelo u
Soo Gaadhin
Qaybaha Muhiimka ah Ee Computer-ka
Motherboard:- waa waa Sagxadda weyn ee isku xidha Dhamaan Qaybaha
Kala Duwan ee Muhiimka ah Ee ku Keydsan CPU-ga
Processor:- waa
qabta maskaxda u ah Computer-ka waana qaybta uu ku Xidhan yahay Xawaaraha
Computer-ku ..Ama Speed-ka Computer-ku.
Hard Disk Drive-ka:- waa
halka lagu kaydiyo Macluumadka Computer-ka la Gashaddo
Memory :-
Maaha mid Sida Hard Disk-ga oo kale Wax lagu kaydiyo oo Muddo Kuu hynaya
..Memory waa Meel Si Ku Meel Gaadha Kuugu Kaydinaysa Intaad Programm -ka
wax ku qorayso ee uu laydhku kuu Shidan yahay ama tusaale inat aad
E-mailka Qorayso waa Meesha kuu Keydinaysa intaanad Dirin E-mailka Ama
Aanad ku Save Garaysan Hard Disk-ga ...Macnihii waa meel si ku Meel Gaadha
Kuugu Kaydinaysa inta Aad wax ku qoraysid Computer-ka
the Smalest
Unite of the memory is BIT (Binary digit 0,1) when we collect 8 bits it is
called as one Byte. 8- bits waxa ay la mid tahay 1 byte 1025 Bytes
waxa ay la mid tahay 1 kilo Byte (KB) 1024 KB waxa ay la mid tahay 1
Mega Byte (MB) 1024 MB waxa ay la mid tahay 1 Gega Byte
(GB) Noocyaddyadda memor-ga Qaybaha Danbe ayeynu ku Qaadan Doona Ee la
Soco Memor-yag Casharadiisa ..
Floppy Disk Drive:- waa meesha laga
galiyo Cajaladajaha wax lagu kaydiyo cajaladaahisi waa kuwa Computer-ka ee
loo yaqaan Floppy,
CD-ROM:- waa halka Computer-ka laga galiyo CD-ga
.
Cards :-waa qaybta loogu tala galay in lagu isticmaalo Kaadhadhka
Sound Card-ka,, Network Cardka , Video Card-ka iyo Graphic Card-ka
Qaybaha kale ee Computer-ka
keyboard:- waa qaybta loo
yaqaan In device waa qaybta wax lagu galiyo Computer-ka marka wax lagu
Macluumad lagu Kaydinayo ama lagu Qorayo Computer-ka
Mouse:- waa
Qaybta lagu Gujiyo Dhag Lagag Siiyo ama Lagu Riixo wax kasta oo links leh
Dida Qoraaladda Internet-ka ee Links leh iyo Programm-da ...iwm
Scanner:- waa qayb Loo isticmaalo Sidii Aad Sawir Qoraal Ama Buug Aad
ugu Koobiyaysan lahayd Computer-kaaga waana Qayb inoo sahlaysa in
Document-yo Muhiim ah iyo Sawiro aynu ku Kaydsano Computer-keena iskuguna
Dirno Internet-ka inagoo kala Joogna Meelo Kala Fog ama Isku Dhowba
Microphone:-waa qaybta kuu sahalaysa in Aad Hadal ku Duubato
Computer-kaaga Imika waxa jira In Dadka Dag Dagaya ama Aan Qoraalku
Dhibayo in ay Hadal ku Duubaan Computer-ka Dabadeedna ay ku Diraan E-mail
Waana Qayb Aad Muhiim U Noqotay
Out Put devices
Out devices
waa Qaybta Computer-ka Aad kagala Soo Baxaysid Wararka iyo Macluumaddka
kale Ee aad ku keydisay Halka In Device ay tahay qaybta wax lagu galiyo
Computer-ka qaybahaas waxa ka mida :
Monitor (Screen)
Monitor ama Screen waa muraayadda inoo Sahalaysa in aynu ka ragno
waxa aynu ku kaydinay CPU-ga . Monitor-ku waa qeyb muhiim ah waana halka
aynu kala Xidhiidhno Computer-ka ama wax ina Tusta .
Out Put
Devices waxa ka mida
Printer:-qaybta Daabacda Ee Computer-ka waxa
aad ku keydsatay Kuu Daabacaysa qaybtana waxa la yidhaa Out put Device
Speakers:- waxa iyana la yidhaa Out Put Device waa qaybta inoo
sahlaysa in wixii hadal ah ee aynu ku Doobanay Computer-ka Inoo Soo
Gudbinaysa marka aynu doono in aynu Dhageysano wixii aynu ku duubnay
Computer-ka waana Sameecadaha Computer-ka
La Soco Casharaddan Hard
ware-ka ah oo Somalilandsoftware Idiin soo Diyaarisay... Na soo Booqda
Mar kale isagoo Casharkeenu wato Sawiradda
Fadlan waanu Idiin
Maqanahay Ee Noo Soo Dira Aragtidiina ku wajahan Casharadayadan iyo
Wararkayga ku Saabsan Computerka Noogu soo Hagaajiya INoogu Soo Hagaaji
E-mailkayaga info@somalilandsoftware.com
Reported By: somalilandsoftware Email: info@somalilandsoftware.com
|
|