Shaaribo
Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Kismayo(News & Information)

 

Kusoo dhawoow Kismayo, Welcome to Kismayo.....(all about Somalia, News & Information)

Guestbook(Sign)

Chat rooms

View My Guest book

Feedback

 

Useful links for Somali's & all Muslims


 

 

BANNER EXCHANGE FOR PROMOTION

PLEASE SIGN HERE

Isdhaafsi iidheh & Ogeysiis Nala soo xiriir

 

DISCUSSIONS

   Main Shaaribo 

  MA RAACSANTAHAY CABDIQAASIM SALAAD XASAN INUU MADAXWEYNE SOOMAALIYA U NOQDO? DOORASHADUNA CADAALAD MA U DHACDAY?   SOOMAALINA MA ISU KEENI KARAA?

 DHIIBO FIKRADAADA riix halkaan (Click here to join)

DHEGAYSO IDAACADA BBC LONDON (click here)

  RADIYO JABUUTI      RADIYO MINNESOTA   

Click both Icons to download and use a free Software of Adhaan .

[This site is sponsored by Mohamud Abdullahi (Baltimore)]


Click to subscribe and join the Kismaanyo News group

Talk to anyone from anywhere for FREE

you just need to download fire talk. How? simple, click the following banner

What do you need to talk:

  1. Fire Talk

  2. Speaker & Microphone

  3. Internet connection

  4. Try today.......

Add URL:

 

Doodadaha (Discussions)

MA RAACSANTAHAY CABDIQAASIM SALAAD XASAN INUU MADAXWEYNE SOOMAALIYA U NOQDO? DOORASHADUNA CADAALAD MA U DHACDAY  SOOMAALINA MA ISU KEENI KARAA?

Ka qaybqaado riix halkaan (Click here to join)

Baafinta

 

Qaybtaan waxaan kusoo bandhig doonaa dadka la la'a yahay warkooda. Malaga yaabaa in cid kaa maqan aad baafin lahayd laakiin cid kuu baafiso ama meel aad ka baafiso weyday, waxaan kuu balanqaadaynaa inaan kuugu  baafin doono bilaash, laakiin waxaa lagaaga baahanyahay inaad soo buuxiso foomkan, ka dib marka uu nasoo gaaro codsigaaga waxaan kusoo bandhigi doonaa qaybta baafinta ee Shaaribo. Waxaan kaloo ka codsanaynaa akhristayaasha ama dadka nasoo booqda inay haday gartaan cid la baafinayo ay si ay naxariis ku jirto noogu so gudbiso iyadoo aad noogu soo gudbinayso halkaan: riix halkaan (Click here )

Mahadsanid(iin) !

WARAR GOBOLEEDKA SOMALIA

 

Will Arta reverse course or will it follow the Camp David route?

Somali Support Committee

July 27, 2000

Washington DC, - After the Somali State collapsed in 1991, 13 conferences variously hosted or convened by the US, UN, Ethiopia and Egypt failed to make significant progress leaving Somalia without government for nearly a decade. 1998 the Chair of IGAD, former Djibouti president, Mr. Hassan Gulled Aptidon, asserted that any Somali peace process should be moved away from faction leaders and warlords. The initiative to hold the next conference in Djibouti was taken in March - April 1999 when newly elected Djiboutian president; Mr. Ismail Omar Gelle took over the IGAD chair. That was that and now than? According to the Somali Support Committee's source in Djibouti, the peace plan was diverted from its original direction in the sense that it fundamentally undermines the need of federal system as a governmental form for the re- integration of the Somali people and the fact that the plan systematically supports clan interests above the nation's survival and give back the power of the transitional government to the warlords, collaborators of warlords and former ministers and generals who put the country where it is now. Most of the candidates for the high office are the same people who committed gross human right violations against the people of Somalia, the same people who presided over the collapse of the Somali economy, the same people who were responsible under their management to loot and took all the countries resources and reserve into their private bank accounts in Europe and North America, the same people who led the brightest Somali intellectuals to leave the country, the same people who caused the civil war. Somali Support Committee will support, work closely and welcomes all those who sincerely are working the peace processes as the rest of the Somali's inside and outside the country. But is displeased the Djibouti's current peace plan. The government of Djibouti strongly undermines the power of those who oppose the so-called peace initiative that brings back all the wounds that was healing before this came up. Finally, we call upon the leadership of Djibouti government and the participants to show impartiality towards the peace process and to give equal respect to all peace participants, and support the establishment of effective regional administration and the recognition of regional representatives. And support the election of the parliament to be based on regional vote not a clan vote. And with all financial and the economic needs to continue the process are nearly Zero the SSC predicts if the current peace plan didn't get the necessary timely jump start the peace process will follow the same direction to the Camp David one.

Mohamed Abdullahi

Founder and Chairman of Somali Support Committee

Somali Support Committee is a Non Governmental Organization created to help examine the long-term political solutions and economic initiatives in Somalia.

CONTACT: Mohsar12@msn.com

MASHRUUCII JASIIRADDII CUSBADA ( il progetto dell’isola di sale)

Bartamihii sanadihii siddeetameeyada ayaa Faransiiska iyo Maraykanaku ka shaqeeyeen mashruuca loogu magac daray “Jasiiraddii Cusbada”. Ujeeddada laga lahaa mashruucan baa ahayd in la qorsheeyo raadinta, helidda, marka hore, meelo lagu kaydiyo Sunta Nuclear-ka ee ka timaadda warshadaha waddamadaas iyo kuwa kalaba. Wajiga labaad oo mashruucani wuxuu ahaa in,marka meelahaas ama sites-kaas la helo, la karantiilo (go’doomiyo)deednna la difaaco militari ahaan. Famiglia Cristiana (FC) wuxuu ka soo xigtay dad muhiima oo la xiriira degaanada sirdoonka reer galbeedka oo aan doonayan in la magacaabo in aakhirtu Maraykanaka iyo Faransiisku ay ogolaadeen taabbagalka mashruuca oo ay siiyeen “green light” si loo hirgaliyo kaddib markuu ku gudbay “feasibility exams-kii”. Maxaa magacan logu doortay? JASIIRADDA CUSBADA oo loogu magacdarayse waa tuma? Inkasta oo magaca ay soo hoosgalayeen meelo badan oo mashruucu u gartay fulinta hawshaas haddana site-ka ugu weyn oo magacana laga qaatay,jasiiradda cusbada ee la sheegayaa waa XAAFUUN ee gobolka Bari oo sida la sheegay kayd cusbbo oo farabadani ku duuganyahay. Sida uu qabo Mr. Aldo Anghese oo ah nin la shaqeeya Sirdoonka Talyaaniga, Xaafuun waxaa lagu doortay dabeecaddeeda juqraafiyeed: Waxay ku taal buu yiri meel lama degaana, dadka iyo duunyadubana ama ku yaryihiin ama aanay joogin. Waa meel si dabiici ah go’doon u ah buu yiri oo xagga badda maahee aan berri looga iman karin. Waxyaalaha lagu doortay Xaafuun waxaa ka mid ahaa tiiyoo ay adagtahay xataa in xagga cirka laga arko xitaa haddii diyaarad lagu dulmaro. Si kastaba ha ahaatee, FC wuxuu qabaa in documents-kii gabagabada ee mashruucaas, lagu codsanayey in la aasaaso meelo qalcadaa (punti di osservazione) oo loogu talogalay ilaalada iyo dhisidda difaac adag oo xagga hawada ah ama air defence shield. FC wuxuu sheegay in meelaha kale ee mashruucan ka mida ay ku jirto meel ku taal woqooyiga Hobyo (Mudug) oo magaalada u jirta 10km xeebtana 5km. Suxufiyiinta FC waxay diyaarad ku aadeen, say sheegeen Hobyo si ay bal site-kan indhohooda ogu soo arkaan hase yeeshee waa u suuroobi weyday kaddib markii ninkii Pilot-ka ahaa baqdin awgeed diiday inuu dego. Sida ay qabaan site-kan Hobyood oo ay ku jirto sun aad halis u ah iyo qaar waliba radioactive ah waxaa ilaaliya ciidan Ajnabi ah. Waliba intii hadda hal sanaa si aada ayaa loo ilaaliyaa buu yiri ninkii nimankan waday waana nala soo ridayaa (anti-air) haddaan dulmarro.

URANO PROJECT:

Sannaddii 1987-kii dalka talyaaniga isagana mashruuc international ah baa laga qabanqaabiyey oo saldhigiisu ahaa magaalooyinka Roma iyo Milano. Mashruucaas oo la oran jiray URANO waxaa ujeedadiisu ahayd in saddex meelood oo lama degaanka Saxaaraha, Somalia iyo meel kale oo Asia ka mida lagu aaso caddad aad iyo aad u farabadan oo qashin suna iyo haraa chemicals ah oo noocyo badan isugu jira. 15-kii Agoosto ee isla sanadkaas ayuu dhacay ansaxinta mashruucaas oo ay saxiixeen niman KHAA’IMIIN ah oo kala yiraahdo: Elio Sacchetto oo ka socday shirkada Minera Rio de Oro iyo Luciano Spada oo ka socday shirkadda Instrumag.Yeelkeede, ninka mashruuca calanka u siday oo promotion-ka u samaynayey waxaa la yirahdaa Guido Garelli. sida baaritaan lagu helay Ninkan dambbe wuxuu ku shaqaysanjiray saddex Identity ama aqoonsi (saddex wajiile) oo kala ah: Mid Soomaali ah, mid Talyaani ah iyo mid Muwaadin Saxaaraha Galbeed (polisario). Arrinta mashruucani maahayn mid qarsoodi ah, sida documents-ka laga akhriyeyna dhoofinta waskhdaasi waxay ahayd mid waafaqsan sharciga Talyaaniga iyo kan adduunkaba (International Law). Waxyaalaha lagu taxay inay meelahaa u dhoofimayaan waxaa ka mid ahaa expired insectcides,haraa daawoowyin iyo qashinka warshadaha iyo waliba, bay yiraahdeen,qashin haraa ah oo aan noocisa la aqoon. Markii ay dhacday dawladdii Siyad Barre, aad ayay dadka hawlahan ku shaqi lihi isugu-baaqeen sidii mashruuca looga taabbogelinlahaa Somalia. Warqad ay wada jir ugu saxiixeen magaalada Nairobi24-kii June 1992-kii Mr. Garelli iyo nin la yiraahdo Ezio Scaglione ( Console onorario della Somalia) iyo ninka aadka loogu muransanyahay ee deggan xamar lana yiraahdo Marocchini baa laga akhriyey inay wadahadallo la yeelanayaan Soomaali si ay uga helaan dhul ay wasakhdaas ku aasaan. Bilihii Agoosto iyo September ee isla 1992-kii ayaa xoghayaha hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha degaanka (UNEP) ee fadhigeedu yahay Nairobi, Mr. Mustafa Tolba wuxuu ganay “qayladhaan” uu ka digayey shirkado Talyaani ah oo qashin sun ah ku quba Somalia. Ninkaasi wuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada shirkadahaaas waayo, buu yiri, dad badan ayaan naftooda halis gelin lahaa haddaan magacyo sheegi lahaa. Isla beryahaas waxaa la sheegay in Hargeysa laga dejiyey, lama sheegin sababta iyo sida toona, 81 kun oo litir oo ah sunta cayayaanka dhirta oo gabowday. Hay’adda UNEP waxay sannadkii 1997-kii u dirtay Xeebaha Soomaalida qaarkood dad cilmibaarayaala oo uu hogaaminayey nin macallin Chemistry horay uga ahaan jiray Jaamicaddii Soomaalida oo la yiraahdo Mahdi Geeddi Qayad oo muddo bil ah soo wareegay xeebaha Mudug ilaa J. Hoose oo yaab badan soo sheegay.

Western Waste Dumping Activitries in Somalia (second party) Sunta Soomaaliya Loo Dhoofiyo (qaybtii labaad)

Prof. Mahdi Geeddi Qayad1 oo ah mid kamida ah la taliyayaasha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan xagga degaanka iyo bey'ada ee UNEP wuxuu shaqadiisa xog iyo xaqiiqo raadiska ah bilaabay 10-kii bishii may 1997-kii. Gaba-gabadii baaritaankaas oo lagu soo sameeyey gobollo badan oo ka mida Somalia, gaar ahaan nawaaxiga xeebaha, waxaa lagu soo tebiyey wareysiyo iyo raad-raacyo aan yarayn. Laba arrimood baase xusid gaara mudan: Dhimashadii nin kalluumaystaa oo ku dhintay xeebta Baraawe kaddib markuu furay bac badda ka soo caariday oo aan la aqoon waxa ku jiray deednna wixii ku jiray ay ninkaas soo gaareen. Arrinta kale waxaay la xiriirtaa haan weyn (tank) uu dhererkeedu dhanyahay illaa 6 mitir oo iyana markeeda xeebta badweynata hindiya ka soo caariday ilaa haddana taal meel u dhexaysa Cige iyo Mareeg. Hay'adda UNEP waa ay qariyeen wixii ka soo baxay shaqada team-ka Mr. Geeddi hase yeeshee suxufidii talyaaniga ee baaritaanka sameeyey waxaa u suuragashay inay nuqul (copy)ka helaan report-kii shaqadaas laga diyaariyey oo ay ku jireen sawirro iyo vedeo-ba. Suxufiyiintaasi waxay kaloo soo xaqiijiyeen jiritaanka meelo farabadan oo kamida Soomaaliya oo tobankii sanaddood oo ugu dambeeyey lagua aasay ama daadshay sun aad halis u ah. Dhulka koofurta waxaa ugu muhiimsan magaalada Jamaame ee aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho. 19-kii bishii Agoosto 1996-kii, Ali Mahdi ayaa isnna si rasmi ah ogolaansho u siiyey nin talyaanni ah oo kamida kuwaan horay u soo sheegnay lana yiraahdo Ezio Scaglione si uu uga aasaaso meesha la yiraahdo Ceel-Baraf rug lagu kaydiyo iyo warshad sii kala hufta qashinkaas suntaa ee dibedda laga soo waarido. Waraysi ay la yeesheen Gen. Morgan ayuu isaguna sheegay in sida uu aaminsanyahay 1992-kii in Warsheekh oo woqooyiga Xamar ku taal lagugubay qashin haraa nuclear ah. Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar, agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada Bari iyo Sanaag. Intaas oo berriga ah waxaa dheer kuwa badda oo qaar badan ay arkeen kalluumaysatadu. Mr. Halifa Omar Darameh oo isnna u hadlayey isla UNEP arrimahani waa kuwo welwel weyn nagu haya cawaaqib-xumada ka iman kartana maaha mid soo raageysa oo qura ee waa mid deg-dega qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan la dagaallano burcadnimada lagu hayo dhulka iyo xeebaha soomaaliyeed ee baylahda ah. Nasiib darro buu yiri lama ilaalin karo 3300 km oo xeeb ah.

DHIBAATADA ILAA HADDA QASHINKAASI KEENAY:

Waxaa aad ugu soo kordhay qaar kamida dhul xeebeedka sida agagaarka Marka kansarka ku dhaca carrabka iyo qanjirka Triode-ka. Waxaa la xaqiijiyey dhalashada dhallaan badan oo aan dhismaha jirkoodu ahayn mid caadi ah. Waxaan ilaa hadda la ogeyn natiijadii ka soo baxday baaritaan ay sameeyeen qaramada midoobey oo la xiriiray laba qarax (explosions) oo aad loola yaabay si isdaba joog ahna uga dhacay, taariikhdu markay ahayd 5-tii iyo 7-dii bishii Dicember ee 1995-kii dhulka u dhexeeya gobolada Sanaag iyo W/Galbeed tiiyoo laga maqlay iyadana gobolka Sool. Maalmihii qaraxyadaas ka dambeeyey dad badan oo goboladaas deggan baa dhibaato kala kulmay xagga neefsashada. 1997-kii dhulka xeebtaa ee u dhexeeya Mudug iyo Nugaal ayaa dad waxay cabbeen biyo ku jira foosto deednna si degdega ayey u sakaraadeen tiiyoo dhiig-bax caloosha, afka iyo sankaana lagu arkay. Aakhirtu qaarbaa u geeriyooday arrintaas awgeed intii kalana waxaa loo qaaday isbitaalka Médcine Sans Frontière ee magaalada Kismaayo. Arrintan mid aad ugu eg ayaa ka dhacday tuulo la yiraahdo Calanley ee gobolka Galgaduud bishii agoosto ee 1998-kii iyo Bulo- Barakoow oo ah gobolka Baay. Bilihii Janaayo iyo Febraayo ee isla sanadkaas waxaa Shabeelada Hoose ku dhintay tobonaan qof oo lagu arkay dhiig-calooleed. Tani waxay kaloo ka dhacday Sh/dhexe (Cadale iyo Ruun Nirgood) isal sanadkaas bishii Juun. Baaritaan uu sameeyay nin Caalim ah oo u dhasshay Algeria lana yiraahdo Khadem Amoudi ayaa sheegay in dhimashada faraha badan ee sannadadan ku timi geela soomaaliyeed ay u badantahay inay keentay sunta lagu aaso wadankaas. Dr. Pirko Heinonen oo u shaqaysa UNICEF fadhigeeduna yahay Baar-dheere ayaa sheegtay in magaaladaas cudur aan la aqooni dadkii xasuuqay oo in kayar laba bilood gudahood ay ku dhinteen illaa 120 qof dhiig-bax sanka iyo cirridka iyo xummad baana astaan u ahaa. Dossier-kii suxufiyiinta ka tagtay dalka Talyaaniga ee ka tirsanaa jaraa'idka la yiraahado Famiglia Cristiana oo toddobaadle ah iyo qaar ka tirsan joornaalka la yiraahdo " La Repubblica" oo isna maalinle ah (daily) waxay ku soo gabagabeeyeen in hadda dhawaan la dhawrayo in la soo af-jaro baaritaan ay waayahanbba wadeen maxkamado dhawra oo talyaani ah oo ku shaqo leh baaritaanka dhoofinta qashinka noocana iyo waliba hub iyo lacag xaaraan ah. Waxaa soomaaliyeeyay oo soo diyaariyey: Dott. Bashir Sh. Mohamed Area di Ingegneria Agraria Dipartimento di Biotecnologie Agrarie ed Ambientali Ancona - Italy P.S: Waxaa Dossier-ka ka muuqdday oo ka mid ahaa Maps (khariiradda Somalia oo ay ku tilmaamanyihiin meelaha ugu daran ee suntaas lagu aasay) iyo sawirro ay kamidyihiin waxyaalaha badda ka soo caariyey kaddib markii, possibly, xeebta lagu daadiyey.

Baaqid in lasoo taago Maxkamad Taliyayaasha ururada qabiileed ee mas'uulka ka ah baaba'a iyo ku xadgudubka xuquuqda bani'aadmka ee Soomaaliya

GENEVA, Jimce: Baare gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in maxkamad lagu soo taago dambiyadii dagaalka iyo kuwii aadanaha ee ay galeen hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya. Mss Muna Rashmawi oo warbixinadii xaqiiqo raadiska ahaa ee ay ka diyaarisay Soomaaliya oo ay horey u booqatay u gudbisay guddiga xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay u qaabilsan ayaa sheegtay in inta badan isdilka ka dhacaya dalka yihiin dambiyo dagaal ee aysan ahayn kuwa siyaasad la xiriira. Iyadoo magaalada Geneva shalay uga waramay idaacadda VOA barnaamijka Day Break Africa ayey sheegtay inay soo ogaatay falal badan oo noqon kara dambiyo dagaal iyo kuwo aadaminimo ay ka dhacaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida dil ka dhan ah nolosha dadka, weeraro lagu qaado dadweynaha iyo hantida, ku darista maleeshiyooyinka carruur da’doodu ka hoosayso 16 sano jir, ku xadgudubka dadka laga tirada badan yahay, amarka sharci daridda ah, barakicinta rayidka iyo u diidista ay maxkamad u leeyihiin, kuwaasoo hoos imaanaya sharciyada mushtamaca caalamka. Mss Rashmawi ayaa mas’uuliyiinta dalalka dibadda ka codsatay inay qaadaan talaabooyin sharciga lagu horkeenayo kuwa lagu tuhunsan yahay inay dambiyadaasi ka galeen Soomaaliya. Mar ay ka hadlaysay nabadgelyada ka jirta gobollada dalka Soomaaliya ayey sheegtay in gobollada waqooyi galbeed, iyo waqooyi bari ay maamulada ka jira horumar ka sameeyeen nabadgelyada, halka gobollada Soomaaliya ay ka jiraan isdil. Waxay sheegtay inaysan nabadi ka jiri Soomaaliya cadaalad la’aan, iyadoo intaasi sii raacisay inay soo baxeen awoodo cusub, gaar ahaan bartamaha Soomaaliya kuwaasi oo ah maxkamado taageero ka haysta maleeshiyooyinkooda iyo dhaqaale ay ka helaan ganacsatada si ay tuugada uga sifeeyaan waddooyinka. Waxay beesha caalamka ugu baaqday inay xil iska saarto difaaca dadka rayidka ah ee jooga meelaha ay colaaduhu ka jiraan, waxayna intaasi raacisay sii wadista hubeynta kooxaha kala gedisan ee Soomaaliyeed ee dagaalamaya ay ha kinayso kaalmada bini’aadaminada siina dheeraynaynayso dagaalada iyo wixii soo raaca, sidaasi darteedna ay tahay inay dhowraan dowladaha caalamku cuna qabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya.(waxaan kasoo xiganay Qaran Press)

Dhaqanka/Fanka

 

 

 

Wakaaladaha wararka

Dhagayso Idaacadaha Caalamka

BBC Somali   BBC Arabic   Focus onAfrica  

Somali  links on the internet

Somalinet

Somalitalk

Regions/districts(cities) online

Mogadishu

Adale(Cadale)

Baraawe

Beledwayne

Baydhabo

Baardhere

Kismaanyo

Bravanese

Abudwaq

Hargeisa

Somaliland

Puntland

Awdal

Djibouti


Talo iyo tusaale

Talo, tusaale, sixitaan iyo hadba wixii aad isleedahay Shaaribo way wanaajinaysaa fadlan nooso gudbi adoo ku mahadsan. Nala soo xiriir  Contact us

 


Fadlan qiimeey Boggaan

Please rate Shaaribo site

1. Name

2. Country

3. E-mail

Rate what you think about us ? 

Good Poor
Excellent No idea

 Please click once only
Copyright© 2000; Shaaribo

 

Free JavaScripts provided
by The JavaScript Source

 

 


Back to my homepage

 

 

Doodaha / (Discussions)

Kor aad (Go up)

Wixii talo soo jeedin, sixitaan ama caqli cusub ah  halkaan noogu soo gudbi

 

 

Foomka fikrad celinta (Feedback form)

Kor aad (Go up)

Foomka fikrad celinta (Feedback form)

Walaal akhriste(yaal)  haddii aad rabto inaad nala soo xiriirto wixii fikrad celin ah ee la xiriir Shaaribo ama  su'aal ah Fadlan buuxi foomka hoos ku qoran adigoo mahadsan. 

Dear reader(s)  if you have any comments, suggestions concerning anything you've read or seen on Shaaribo feel free to fill the form below. We will do our best to meet your  needs and wants if necessary.

1- Magaca(Name) 
2- Wadanka(country)
3- E-mail (iimaylkaaga)
4-Ujeedo(Subject)
   


Baafinta (Missing persons form)

Kor aad (Go up)

Foomka Baafinta dadka la la' yahay  (Missing persons Form)

Guestbook(Sign)

Chatrooms

View My Guestbook

Feedback