Degmada
Cadale waxey ka mid tahay Degmooyinka ugu taariikhda dheer Soomaliya .
waxeyna ku taalaa xeebta badweynta Hindia meel Xamar u jirto boqol iyo
kontan kiilometer uguna aadan qorax soobaxa. Degmadaas waxaa lagu yaqaan
markii aad u dhawaato inaad arkeysid geedo dheedheer oo ah nooca
cawbaarka loo yaqaano oo degaankaasu caan ku yahay.
Dalxiiska
iyo degmada Cadale
Degmada
Cadale waa mid aad ugu fiican dhinaca dalxiiska waxeyna leedahay xeeb
aad u dheer,u quruxbadan isla markaasna aan wasaqeysneyn waxey leedahay
furddo dabiici ah oo arkeysid markii aad takto jid dheer oo carro ah oo
baddaa dhex gelaayo ilaa hal kiilomitir iyo nus oo haddii aad qaadid
baddu reedahaaga socoto, waxey kale oo leedahay meelo aad waadiyo u
qabtid oo badda ka go'an dadkuna ku dabaalo karaan iyagoon la kulmin wax
khatar ah,meeshaas baddu cawadii ey biyaha ku shubtaa maalintiina waa ka
naqataa sidaas
daraadeed maalinwalbo biyo cusub aa meesha soo galo.
Taariikhda
degmada Cadale
Degmada
Cadale qarniyadii lasoo dhaafay waxey ka mid eheed furdooyinka ey dadka
Soomaalida ah wax uga soo degijireen kuwaas oo kakala imaajiray wadamada
Carabta iyo kuwa Afrikada Bari, waxaana laga rarijiray waxyaalaha ey
wadamadaas u baahanyihiin sida xoolaha malaayga iwm.Badda Cadale waxaa
laga helaa noocyo badan oo malaay ah oo weliba si dhibyar aad ku soo
dabo kartid.dhica berriga geed gaab waxaana soomaalidu u taqaanaa deex. Waxaad
meeshaas ku arkeysaa meel xoogaa tilaabo ah u jirto xeebta iney joogaan
xoola duurta dadku ugaarsaso oo noocyo badan leh. Dadka deegaankaas ku
dhaqan waxey kala yihiin xoolo dhaqato iyo malaay gadato. Xoolaha ey
dadkaasu dhaqdaan waxey isugu jiraan: Geel, Lo' iyo Iri, Iriga oo u kala
baxo Iricad iyo Ido, waxowna degaankaasu caan ku yahay dhaqashada Idaha
oo markii qof marti ah ow tago lagu martiqaado wan jar ah taasoo
micnaheedu tahay wan aad u cayilan, dhinaca kale waxey Soomaalidu ku
maahmaahdaa "lax iyo laxaw meel islama galaan" laxdaas aad
maqashay waa midda ku dhaqan deegaankaa ee daaqdo cowska gumxirka loo
yaqaano ee degmadaas iyo ruumanka ku yaalo ey caanka ku yihiin.Dhinaca
kale gumeysigii talyaaniga waxow qabsashadii degmadaas kala kulmay
halgan dheer oo dadkii degaankaasu lagaleen, makii dambe oo ow
qabsadayna waxow u bixiyay magaca ah Italo oo ow kaweday Itaaliyadii
yareed taasoo ku timid markii ow layaabay quruxda degmadaas.Kedib
xurnimadii degmadaasu wexey kamid naqatay degmooyinkii la ilaabay
ahmiyadii eylahaayeen
Abaartii dabadheer iyo
degmada Cadale
Wakhtigii
xukunkii M.Siyaad waxey kamid naqatay Degmooyinkii loogu talagalay in
ladejiyo dadkii ku ceyroobay abaartii daba dheer ee gobolada dhexe
qabsatay waxaana meeshaas ladejiyay qoysas kaluumeysato ah.waxaan
xasuustaa in mar aan kamid ahaay wafdi kormeer ahaay oo kasocday xisbiga
iyo ururada bulshada ee degaankaas loo diray si ey u soo hubiyaan
howlaha kaluumeysatada aa waxaa qado sharaf noo suubiyay guddigii dan
wadaagta oo wxaaa meeshaas lakeenay hilib aad u badan oo ido kali ah,
markaasaa madaxii wafdiga yiray martiqaadka waxaan u maleyheynay in ow
malaay naqdee maxey tahay cadiintaan, waxaa u jawaabay madaxii
danwadaagta oo dhahay "waa ku fiicneed hase ahaatee waxaa najiitay
dhaqanka dadka deegaanka oo ah in qokii Cadale lagu marti qaado oon ido
cadiintood la siin ow lamid yahay qof aad lamartiqaadin.
Daqdhaqaaqa
dhaqaale
Kedib
xirmadii furdada Xamar Cadale wexey ku soo naqatay furdo ahaanteedii
waxaana kasoo degijiray badeecooyinka ka kakala yimaado wadamada Carabta,
Jabuuti, Afrikada Bari iyo kuwa kaleba, waxaana laga dirijiray
waxyaalaha banaanka loo diraayay sida malaayga,xoolaha iwm.Cadale waa
degaan aad ahmiyad uguleh dhinaca dhaqaalaha, bulshada.Waxaan ka
cudurdaarahaa inaan hadda heyn masawir Cadale ah laakin aan rajeyhaayo
inaan helo markaasna aan dadka u soo gudbidoono. Waa mahadsantihiin.
|