Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

WELCOME GALKOM HOME PAGE

Warbixinta Shirkada GALKOM

Shirakada Isgaarsiinta ee magaalada Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda(GALKOM) oo ah shirkadii ugu horeysay oo khadad taleefoon gelisa Guryaha, Xafiisyada iyo Rugaha ganacsiga ee magaaladda Gaalkacyo, Somaaliya. Taas oo u saamaxday in ganacsatada iyo dadwaynuba ay la xiriiri karaan, lagana soo wici karo magaalada gudaheeda, waddanka gudihiisa (Bosaaso, Xamar, Hargeysa, i.w.m.) iyo waddanka dibadiisaba.

Shirkadu waxay hawsha taleefoon gelinta ka bilowday magaalada Gaalkacyo bishii September, 1997. Shirkada oo uu qorshaheedu yahay sidan soo socata:

    Wejiga Kowaad (Phase I):

    Kaas oo ay shirkadu ku tala jirto in ay geliso ilaa 486 khad magaalada Gaalkacyo. Wejiga hore oo lagu wado in uu dhamaan doona horaanta sanadka cusub (1998).

    Wejiga Labaad (Phase II):

    Waxay shirkadu dhamaystiraysaa teleefoon gelin magaalada, waxuuna dhamaanayaa dhamaadka sanadka 1998. Waxaa kaloo ooy shirkadu ku tala jirtaa in sanadkan dhexdiisa ay diyaar noqon doonaan telefoonanda gacanta (cellular phone). Teleefoonka gacanta oon rajeynayno in uu dabooli doono baahida isgaarsiineed ee ganacsatada magaalada Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda.

    Wejiga Sedexaad (Phase III):

    Shirkadu waxay ku talo jirtaa in ay shaqada isgaarsiinta ku fidiso magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow magaalada galkacayo sida Goldogob, Bardacad, Burtinle, Buuryo Qab, iyo kuwo kale.

    Hadii aad doonayso warbixin intaas ka dheer, fadlan la soo xiriir wakiilada noo jooga dalalka soo socda ama xarunta shirkada ee Gaalkacayo (252543) 4500 or fax to us (252543)4501.