Qaadku wuxuu sidiisaba yahay xoolo
shaydaan. Waxaadna taas ka garan kartaa sida ay qoonka ku howlan ugaba
maarmin. Taasi waxay sidaa awgeed marag kaaga tahay in Jaadku yahay
Daroogo nooc ah.
Sidaydaba waxaan anigu bilaabay Jaad mudo hada laga joogo 2sano,
intaas aan jaadka ku mashquulsanaa waxaan sidoo kale aan inkirayay misna
xididada ugooyay dadkii aanu isku wacnayn oo saaxiibadaydii ehelu kitaabka
iyo ehulu tacliinta isugu jirayba.
Waxaan jaadka ka aaminsanaa intii aan yaraa
inuu yahay quud ay weheshadaan dadka meherad la'aanta ah. Waxaan soo
maray labada waddan ee Soomaaliya jaadka ka iibisa kala ahna Kenya iyo Ethiopia-ba
saas oy tahay iyadoo mujtamaca badankiisu quudan jireen waligay ku maanan
riyoon inaan intaan jilbo jabsado Jaad u fariisto. Xili waxaan soo
maray ay Neef (Asthma) ay Addisa Ababa igu qabatay alaylehe sixun, saas ooy
tahay hadana ayadoo ay dadka qaarkood igu yiraahdeen Jaad ayaa neefta kaa
bi'in, dheg uma dhegin, ilaa ay Hooyadii i dhashay igula talisay haduu hooyo
caafimaadkaaga u wacan yahay sida ay sheegayaan maad iska cuntid, kama yeelin,
waxaan u arkayay beer wax dhalay oo caafimaadkayga raadinaysa.
Hase
ahaate waxaan imaaday dadlka Ingiriiska iyadoo fikirkaygu ahaa inaan Baylood
noqdo intaan Jaamacad ka baxo. Kolleje ayaan dhameeyay dabadeedna
waxaan galay Jaamacad. Arday dadaalaya ayaan ahaa waligiisna wakhtigiisa
dheel dheel ku beer dareen, sidoo kale anigoo 16 jira ayaan Ingiriiska soo
galaye intaas ilaa aan Jaamacada ka bilaabayay waligay ilaahay waanku xirnaa.
Saas ooy tahay maalin maalmaha kamida ayaan markii Semesterkii ugu
horeeyay ee Jaamacada xiray oo aan ku jiro fasax aan booqday adeerkay oo
guri kaligiis degenaa reerna uuna u joogin. Adeerkay aad ayuu Qaadka
ugu dheera mana dhaafi jirin inuu qayilo maahee wiigii 3jeer. Dhowr
jeer ayuu adeerkay igu qal qaaliyay inaan la qayilo, isagoo aad ugu cidlaysnaa
sida aan isiri inuu kaligii qayilo. Waan ka diiday waxaana u balan qaaday
inaan u wehel yeelo inta uu ka dhamaysanayo habeen walba oo uu qayilayo.
Habeeb habeenada kamida ayaa adeerkay Cabdi uu yiri Xaajiyoow maanta ma'aan
cuni karo labadaas marduuf ee aan soo gataye, hadii ay baryaana waa khasaare
ee bal adigu isaga fal falaad. "Waayahay Adeer" ayaan iri.......
Dabadeed maxaa ku xiga lasaco inta danbe ee sheekadaan DHABTA
AH.
TALO & TUSAALE, ISKA DAA JAAD, EX2 JAADKA 2003-2004
ALLRIGHTS RESERVED