Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Boggii jaceylka

KUSOO DHAWAADA BOGAAN CUSUB CREATED BY MOHAMED(HANAD) HERSI. Waxaan bogaan ugu talo galay in ay kusoo hirtaan dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed meelkasta oo ay jogaanba,waxaanan ku xusayaa nolosha jaceylka iyo dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee isoo mara. Marka ugu horaysa waxaan jeclahay in aan waxyar dulmaro qiimaha jaceylka oo aa ah mid aan marnaba layska indha tiri karin,mudo aad udheer ayaan baaritaan ku sameeyay saamaynta uu jaceylku ku yeesho noolaha kadibna waxaan kusoo gaba gabeeyay in jaceylku yahay kan kali ah oo suurto galiya xayaato wanaagsan oo waarta dhinac walba oo nolosha kamid ah,tusaale ahaan qoysku waxa uu ku dhismaa jaceyl ay soo daadiyeen labada shaqsi oo ku heeshiiyay in ay wadaagaan nolosha,waxaa kale oo aan baritaankaygii ku ogaaday in 70% uumiyuhu ay ka midaysan yihiin in jaceylku yahay lama huraan sida uudoonaba haku biloowdee balse waxaa is waydiin mudan ma jiraa kalgacal madahan oo mararka qaarkood ku qaldamaan dadku kadibna isu badala waxaan jirin?Jawaabtu waa haa waayo intii aan waday cilmi baarista waxaan la darsay shaqsiyaad badan oo ka andacoonaya in ay soo mareen jaceyl dhaawac ugaystay noloshooda oo ay kala kulmeen dad aan ayagu waxba ka,aaminsanayn jaceylka taas oo ugu danbayntiiba keentay in uu burbur iyo beenin ku yimaado jaceylka.Inkasta oo marnaba shaki ku jirin in jaceyl jiro,intaa kadib waxaan aan idinku martiqaadayaa in aad akhrisaan dhacdadaan isoo martay oo ka turjumaysa qiimaha jaceylka iyo uu jiro. Waxaa sanadku markuu ahaa 1998 isoo wajahay jaceyl ay udhanyihiin falaarihiisa suntaa kadibna si lama filaan ah ayaan ujeclaaday gabar Soomaaliyeed oo markaa ayadu aan dareemi karin xadka uu gaarsiisan yahay jacelkaygu,ugu horayntii waxaa bilaabay in si joogto ugu sheekeeyo gabadhaas kabacdina aan usoo bandhigo jaceylka aan uqabo waayo waxaan aaminsanaa in ay dhayal uqaadanayso haddaan markiiba iraahdo waan ku jeclahay!!,nasiib wanaag waxaan fursad uhelay in aan xili kasta wadaagno hadalo xiiso badan oo kasbi kara in aan soo jiidasho ku sameeyo gabadhaas si aan dawo ugu helo jacelkayga. Waqti badan ayaa tagay waxaan bilaabay in aan dhuubto oo diifta jaceylka dartii aan gabo nafaqadii jirka qof walibana dhabanadayda ayuu ka aqrisan karayay jawiga adag ee aan ku sugnahay,su,aaluhu waxay ahaayeen is daba joog,Maxaa kugu dhacay oo aad labaa,baday?Maxaad la fakartaa had iyo jeer?IWM inskatsa oo aan dan kalayn su,aalahaas waxaan kuwajahnaa oo aan xooga saaray sidii aan ku hanan lahaa gabadha aan jeclahay.Waxaan filayaa in laoo gaaray xiligii aan soo gudbisan lahaa bandhiga jaceylkayga balse waxaan is waydiinayay waqi walba jawaabtu maxay noqon doontaa?ma waxbay ila qaban mise way dhayalsan doontaa?ALLAAH ayaan talo saartay waxaanan usoo kicitimay maalin axad ah 5:00PM hoygii ay ku sugnayd qalbi uroon,nasiib wanaag guriga kaligeed ayay ku ahayd oo dhamaan xubnihii qoysku waxay ku maqnaayeen qaraabo salaan iyo (iwm),xageen ka bilaabaa walwal iyo walaac ayaa hareeyay qalbigaygii,soo dhawayn wanaagsan kadib waxaa gudo galay in aan si toos ah aan ugu sheegto jaceylkaygii. Sir maqabe ALLAA usahan hani ayada ayaaba iga daran oo jaceyl awgii hurdadiiba laga waayay markii aan kalmadii ugu danbaysay lahaaba waxa ay lasoo booday Alla aniguba waan ku jeclahay ee sidii aan kuugu sheegi lahaa ayaan ka fakarayay,Alla mahadii badanaa farxad ayaa naharaysay waxaabad moodaa in aan jaceyl 100 sano aan kahor abuurnay aan mirihiisa cunayno,aniga iyo xabiibtaydii waxaan is dhaafsanay hadalo ay ku dheehan yihiin xubi xididaystay,indhihii ayaa na guduutay sidii aan ugu ilmaynaynay jaceylka cabursanaa oo daaha laga rogay maanta.Balse akhristoow ma,ogtahay halka uu ku dnabeeyay jaceylkaasi?waa qiso dhabha waanan dhamaysiri doonaa haddii aan codsi ka helo dhalinyarada iyo waayeelka,raga iyo dumarka SOOMAALIYEED oo yaqaana jaceylka.

b.jpg

Waxaan dhawaan soo galin doonaa halkaa sawir aniga iyo gabadhii aan jeclaaday ee filasho wacan waxaanan waqti kasta awooda saarayaa in aan si wanaagsan usharaxo bogaan oo uu noqdo mid lagu soo hirto insha,allaah

b.jpg

Su,aashaan waxaan ku doortay in aan aas aas uga dhigo buug aan qorayo oo ku saabsan qiimaha jaceylka kadib waxaan fursad uhelayaa in haddii dad badani diidan yihiin jiritaan jaceylka in aan ku xuso buugaan insha,allaah,waxaa kaloo jira dad aaminsan jaceylka magac ahaan laakiin ficil ahaan kasoo horjeeda habdhaqankiisa.

MA RUMAYSAN TAHAY JACEYL?