Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

 

Xuska 18ka May oo 16kii May si aad u heersaraysa looga xusay dalkan Britain

 

 

 

 

SDWO(London 17/05/04) Waxa maalintii Axada ee ay bisha May ahayd 16ka si aad iyo aad u heersaray looga xusay magaaladan London maalinta qaaliga ah, maalinta taariikhiga ah ee 18ka May oo ah 13 guuradii ka soo wareegtay gooni isutaaga Somaliland.

Maalintan oo lagu xusay xaflad aad u balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen dhalintii dadayard ee looga bartay xafladaha noocan oo kale ah Nomad UK ayaa ahayd mid dadweynahii halkaas ka soo qayb galay oo aad u tiro badnaa soo jiidatay farxad iyo rayrayna ku reebtay, xafladan oo aad garankarto in in mudo ah laga soo shaqaynayey ayay waxay ku bilaabantay qabytii u horeysay oo ahayd workshop - waxa halkaas ka hadlay dad badan oo ay ka midyahiin Mujaahid Muse Biixi, Saleebaan Cumar Kujoog, Foosiya X. Yusuf X. Adan, iyo dadkale oo magaclehba, Xafladii musiga iyo majaajilada ee loogu talogalay maalinta fantisiyaha 18ka May ayaa halkaas ka bilaabantay xafladaasi oo si quruxbadan ay u daadinhinaysay Marwo Sado Cumar.

Halkaas waxa laga qaaday heeso aad iyo aad u tiro badnaa oo isugu jiray kuwo ku saabsan somaliland iyo qaar kale oo madadaalo ah, fanaaniin aad u tiro badan baa halkaas ka heesayey, Maxamed Axmed Kuluc, Nimco Yaasiin Caraale, Maxamed Cumar Maygaag (Taag), Fu,aad iyo Cabdi Cumar yare, Cabdixakiin Farayare, iyo fanaaniin kale oo badan  oo halkan aan lagu soo koobin karin, Halkanaas waxa lagu soo bandhigay majaajilo ay dadku aad uga heleen - waxa majaajiladaas ka dhexmuuqday Qoraaga caanka ah ee la yidhaah Hamish Wilson.

Dadka halkaas ka soo qaybgalay oo wejiyadooda farxad iyo damaashaad deeraad ahi ka muuqday ayaa wax ku badnaa dhalinta da yarta ah ee aadka u yaraa xiligii taliskii hore burburiyay somaliland ee ay la oo noqotay xornimadeeda, tani oo ku tusaysa inay maalintani tahay maalin lagu tacliimiyo dadkii yaraa taariikhdii ay ka danbaysay maalinta qaaliga ah ee 18ka May,  dadkan oo calamada somaliland luxayay qaarna kuba jeeni qaarnayeen, qaarna dharba ka soo tosheen ayaa ahayd maalin aan la qiyaasi karin.

Xafladan oo ahayd sidii cadada ahayd tu isugu jirta dabaaldega 18ka May iyo caawimo ku socota dalkii hooyo, oo kharashka ka soo baxa lacagtii dadku ku gelayeen oo ahayd £10 qofkiiba una dhiganta $17 doolar ayaa waxa Nomad UK sanadkan ugu talo galay inay ku caawiyaan Dhakhtarka Burco, tani oo sanadkii hore ee 2003 ay ku caawiyeen Dhakhtarka Hargeysa 

Sidii xafladaasi u dhacayday iyo habsami socodkeediiba halkan ayaan idiinku soo gudbindoonaa marka sidii caadada ahayd Nomad UK ay warsaxaafadeed ka soo saaraan sidey xafladaasi u dhacday.

Guled - SDWO. 

    SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE